Home Blog Page 1395

Golaha wasiirada cusub ee Zimbabwe oo la dhaliilay

0

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe ayaa badalay labo wasiir oo ka tirsan golaha cusub ee dhowaanta uu soo magacaabay.

Dhowr maalmood ayaa laga joogaa markii Mnangagwa uu ku dhawaaqay gole wasiiro ah oo badali doona kuwii hore.

Balse waxaa dhaleecayn loogu soo jeediyay in gollahan cusub ay ku jirraan saraakiil meleteri iyo wajiyo hore oo siyaasada aan ku cusbayn.

Waxaana hadda la badalay labo wasiir iyadoo aanba xitaa la dhaarinin. Lazarus Dokora oo waxbarashadda loo magacaabay ayaa ka mid ah.

Waxaa sidoo kale jirra culays xaga dastuurka ah oo oranaya in la xadido tirada gollaha wasiirada aanan xilibaanada ahayn.

Mnangagwa waxa uu xilka kalawareegay madaxweynihii hore ee Zimbabwe ee xukunka hayay ku dhowaad afartanka sano.

Zimbabwe waxaa mudaba la harray dhaqaale xumo iyo cadaadis uu keenay xukunkii Robert Mugabi oo dhaleecayn badana caalamka kala kulmayay

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

0

Cape Town (SONNA) Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in koox hubeysan ay ku dhex dileen gaari uu watay xili uu kusii jeeday Dukaankaankiisa oo ku yaalay deegaanka Khayelitsha ee hoosyimaada magaalada Cape Town ee dalka South Africa.

Shaqsiga la dilay ayaa waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada Cape Town iyo nawaaxigeeda, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed shire Nuur (Miig shire).

Qof goob jooge ahaa oo aan la hadalnay ayaa sheegay in dilka muwadinkaasi Soomaaliga ah sababta keentay uusan ahyen isir naceyb balse waxay u badantahay in ay ahaayeen dadka dilka geystay kuwa doonayay iney dhacaan hanti saarneyd gaariga maadaama uu sanadku dhamaadyahay oo xillilyadaan oo kale uu kordho dhaca iyo dilka.

Ciidamada booliska dalka South Africa ayaa wada baaritaanno arrintaasi ku aadan oo lagu raadinayo dambiilayaasha geystay falkaasi dilka ah ee argagaxa leh.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey aheyd markii laba wiil oo walaala ah lagu dilay deegaan u dhaw magaalada Johannesburg ee dalka South Africa, kuwaas oo hal dukaan ka wada shaqeeynayay, waana astaan muujineysa in uu markale uu soo badanayo dilalka iyo dhaco loo geysto dadka ajaanibta ah ee ku nool dalka South Africa, waxaana Ciidamada ammaanka ay xaqiijiyeen in bisha December ee sanadkasta ay kordhaan dilalka, dhaca iyo shilalka gawaarida.

R/wasaare Kheyre oo ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda

0

Muqdisho(SONNA):–Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa  ka qeybgalay Munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda iyo Geedi socodka hanaanka dowladda oo Caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta Ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo Markii la magacaabay iyo howlaha u qorshayeysan waqtiyada soo socda .

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii ka qabsoomay Aminga,Waxbarashada, Maaliyadda Dalka, Socdaalka,Qorshaha Qaranka iyo Arimaha bulshada.

“Waxaan u mahadcelinayaa Dadkii soo qaban-qaabiyay Munqasabaddan qiimaha Badan ,qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee Halkan Ku soo bandhigay waxa u qabsoomay waxay qeyb ka tahay isla-xisaabtanka, Wasiirada kale ee meesha ka maqan bisha soo socota ayaa iyagana halakan la  keenayaa, Amniga waxbadan ayaa laga qabtay waxna wey ka harsanyihiin ,tan iyo bishii Janaayo ilaa hadda mushaaraadka shaqaalaha waan bixinay waana wax Cusub muddo ka badan 27 sano” ayuu yiri R/wasaaraha XFS

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay Xukuumadiiso Dadaal ugu jirto sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Dalka, si dalka uu isugu filnaado, isagoo soo hadal qaaday in Xukuumadda ay wado dadaal lagu dhisayo Ciidan Qaran oo hanta Amaanka guud ee Dalka.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii loo heli lahaa Ciidan Qaran oo tayo leh waxaana Ku guuleysanay in aan ciidanka u tirino hal hal, hadii ciidan Qaran lahelo waxaa imaanayo in lahelo Amaan lagu heli karo Cadaalad is doorasho magaalo ilaa tuulo iyo in loo tartamo xisbiyo ,waxaana bulshada qeybaheeda kala duwan ka codsananeynaa  in ay kaalin ka qaataan Arimahaasi” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Maaliyadda oo shacabka uga warbixiyay Miisaaniyadda sanadka 2018-ka”Sawirro

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta ka qayb galay kulan ka dhageysiga Dadweynaha ee Miisaaniyadda 2018 ka.

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Su’aalo si toos ah Caalamka looga daawanayay wiidiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hor kacayay Wasiir Bayleh.

Barnaamijka dhageysiga Dadweynaha ee Miisaaniyadda 2018 ka waxaa sidoo kale su’aalaha qeyb ka ahaa Dadweyne ka socday Bulshada qeybeheeda kala duwan oo doonayay in ay helaan turxaanbixin ku saabsan kororka Miisaaniyadda ee Adeegyada Bulshada sida Waxbarashada iyo Caafimaadka.

“Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in si hufan oo wadaninimo ah loogu shaqeeyo Qaranka, waxaa kale oo sharaf ii ah in si daahfuran aan Dadweynaha ula wadaago Miisaaniyadda 2018-ka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Miisaniyadda 2018 waxaa hore u soo meelmariyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyadoo hada ay hortaalo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Misaaniyadda 2018 waxa ay uga duwantahay Miisaaniyadihii hore ee Dalka soomaray labo arrin oo kala ah,

  1. In lagu daro qoondada Adeega Dadweynaha, sida Caafimaadka iyo Waxbarashada
  2. Waa markii ugu horeysay ee Taariikhda oo bulshada Soomaaliyeed laga talo geliyo miisaaniyad Qaran, waana sababta maanta laagu qabtay munaasibad si toos ah Warbaahinta looga daawanayay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo lagu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho(SAWIRRO)

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Waxaa Garoonka Aaden cade ee magaalada muqdisho ku soo dhaweeyay xildhibaanda Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,Guddoomiye ku xigeenka koowad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, guddoomiya ku xigeenka labaad ee Aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad iyado guddoomiyaha Aqalka sare uu safar caafimad ugu  maqnaa dalka turkiga,

Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Aqalka sare  ayaa sheegay in xaaladisa caafimad ay wanaagsantahy  isbitaalada dalka Turkigana uu ku booqday qaar ka mid ah dadkii ay dhaawacyada ka soo gaaren xasuuqii isgoyska Soobe ka dhacay 14kii October,isagoo xusay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsantahay.

“Waxaan  u mahadcelinaya safaaradda  dowladda an walalaha nahay ee Turkiga oo gacan ka geysatay  xaaladeyda caafimaad iyo xildhibaanda labada Aqal ee igu soo dhaweeyay magaalada muqdisho “ayuu yiri  Cabdi Xaashi Cabdullahi guddoomiyaha Aqalka Sare ee soomaaliya.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Akhriso: Warbixin Mareykanka uu ka soo saarey xaaladda Soomaaliya

0

Africom(SONNA) War ka soo baxay taliska ciidamada militariga Mareykanka ee Afrika ee (Africom) ayaa siweyn loogu ammaanay rajada dowladnimo ee Soomaaliya,iyadoo warbixintaasi lagu sheegay in hoggaanka cusub ee Dowladda Soomaaliya uu yahay midka ugu wanaagsan ee dhinaca rajada horumarineed ee dalka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in uu soo afjari dooni marxaladah adag ee dalka uu kujiro.

Militariga Mareykanka ee Afrika ayaa dowr weyn ku leh howlgalada ballaaran oo lagula dagaalamaya maleeshiyada Shabaab,iyagoo xoojinaya ciidanka Xoogga Dalka oo dagaalka kula jira SHabaab.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya ay dadaal kasta ku bixinayso sidii nabad iyo xasilin waarta loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya,islamarkaana Dowladda Mareykanku ay sii wadi doonto taageeradeeda ku aadan dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

“Siyaasadeenu waa in aan taageerno dadaalad aay hormuudka ka tahay Dowladda Soomaaliya ee ah in horjoogayaasha iyo maleeshiyada Shabaab lagu dhiiro-gelinayo in ay is soo dhiibaan, lana soo afjaro Shabaab,anagana taageero ayaan la garab taaganahay dowladda.’’ Ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Africom.

Taliska Militariga Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ilaa 9 weerar ay fuliyeen bishii tagtay,taasi oo tirade guud ka dhigaysa 30 weerar oo la qaaday sanadkan,iyadoo mareykanka uu kordhiyay weerarada lagu bartilmaameed-sanayo Alshabaab.

Gen. Thomas Waldhauser oo ah taliyaha ciidamada Militariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in hadafka uu damacsanyahay Mareykanka uu yahay sidii loo heli lahaa dhul nabad ah,dib u heshiisiin iyo dowladdu ay cageheedi isku taagto.

Thomas Waldhauser ayaa yiri,”Sababta ku ka lifeyso Mareykanka in uu bixiyo dadaaladan ayaa ah in rajada laga qabo dowladda cusub oo uu hogaaminayo madaxweynaha Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ay noqoto mid isku soo celisa midnimadii Soomaaliya,maadaama dalka uu ku jiray xaalada bur-bur ah oo muddo ku dhow 30 sano,kana mid yahay wadamada caalamka ee  uu ka jiro musuqa.

Maxamed C/llaahi Farmaajo,waxaan ku taageeraynaa hadafkiisi ah in uu u istaagay in uu la dagalaamo musuq-maasuqa,waa qof howlkar ah waxbadan ayuu degnaa Mareykanka kana soo shaqeeyey ka hor inta uusan noqonin madaxweyne,sidoo kale dadaalka qeyb ka mid ah waxaa uu yahay in sare loo qaado cududa ciidanka Qaranka Soomaaliya,taasi oo sahlaysa in howlgalka AMISOM ay kala wareegaan ammaanka dalka,”Ayuu yiri Mr Waldhauser.

Warbixintan ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in saraakiisha Midowga Afrika ay la dhacsan yihiin guulaha militari ee ciidamada Soomaaliya,kuwaasi oo la qorsheynayo in ay dhawaan hantaan ammaanka guud ee dalka marka ay baxaan ciidamada AMISOM.

Mareykanka ayaa haatan waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 500 oo askari,kuwaasi oo ka taageera ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM howlgalada ciidan.

Wasaaradda Kaluumeysiga ee Jubbaland oo tababar usoo xirtay qaar kamid ah Kaluumeysatada Jubbaland

0

Wasarada Kaluleysiga iyo Qayraadka Badda Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa Maanta Tababar Mudo 3 Maalmod uga Socday Hotel Qiilmaaye 50 Kalumeysato oo Laga Soo Xulay Jaziiradaha Raaskamboni, Buurgabo, Kudhaa, Madhabo, Juulo Jawaay iyo Istanbuul. Koyaame  ugu Soo Xirtay Magalada Kismaayo.

Tababarkan ayaa Lagu Baraaye 50 ka Kalumeysato Ee Laga Soo Xulay Jaziiradaha Gobolka Jubbada Hoose sida Loga Hortagi Lahaa Xaalufinta Qeyraadka Badda  iyo Sidii Loo ilaalin Lahaa Ugxaanta Qubada, Argosatada iyo Kalluunka Yar Yar Ee Aan Loo Baahneyn in Laga Soo Saaro Badda.

Qaar ka Mid ah Kalluleysatada Muda 3 da Maalmod Tababarka Qaatay ayaa Shegay inay Wax Weyn Ka Fa,iideyseen Tababarka iyagoona Shegay in Markii Hore ay Soo Saari Jireen ugxaanta Qubada Argosatada iyo Kallunka Yar Yar Laakin Hada ay Aqoon ay u Yeesheen in ay Mamnuuc tahay in Bannanka Loo Soo Saaro

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta  iyo Isgaarsiinta Dowlad Goboledka Jubaland  Cabdi Nuur Cali adan oo Xiritanka Tababarka Ka Hadlay ayaa Shegay inay Muhiim Tahay in Tababaro Badan La Siiyo Kallumeysatada si ay oga Hortagaan Xaalufinta kheyraadka Badda

Wasiirka Wasarada Kallumeysiga iyo kheyraadka Bada  Ibraahim xasan cabdi  Baajuun oo Gaba Gabadii Tababarka Soo Xiray ayaa Kula Dardaarmay 50 ka Kallumeysato Ee Tababarka Loo Soo Xiray in Waxa ay Barteen ay Oga Faa ideyaan Bulshada Kale Si Loo ilaaliyo Qeyraadka Badda.

Qaxootiga Dhadhaab oo maalintii Afaraad dibadbaxyo dhigaya”Sawirro

0

Waxaa maalinta Afraad hakad ku jira howlaha Hay”adaha Samafalka ee ka howlgala xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, tani ayaana ka dambeysay markii dadka degaanka ay dhigeen banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Hay”adaha samafalka ee ka howlgala dhadhaab kadib markii hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ay sheegtay in ay dhimeyso qaar ka mid ah shaqalaheeda u dhashay deegaanka dhadhaab.

Shaqa dhimida ayay Hay’adda UNHCR ku micneysay dhaqaale la’aan soo wajahday hay’adda kadib markii ay hoos u dhaceen qaxootiga ku jiray xeryaha qaxootiga ee dhadhaab.

Qaxootiga oo horey tiradoodu ka badneyd 400,000 kun ayaa hada waxay gaareyaan ilaa 230,000 sida ay Hayada UNHCR sheegtay taasi ayaa  keentay in dhaqaalihii caalamka ay siin jireen  UNHCR hoos u dhacay Ku yimaado.

 

Wasiirka cusub ee Difaaca Soomaaliya oo maanta xilkiisa la wareegay

0

Muqdisho (SONNA) Munaasabadan uu xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho,  waxaana ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaano,Taliyaha ciidanka Xooga Dalka,saraakiil,Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya,iyo diblomaasiyiin kale.

Waxaa munaasabadaasi lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysa gubaabada ciidamada iyo ahmiyadda difaaca dalka taasi oo ay soo bandhigeen kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa munaasabdda ka sheegay in uu qorsheynayo xoojinta tayaynta iyo dhismaha ciidanka Xoogga Dalka,maadaama ay muhiim ay u yihiin difaaca Dalka.

Dhawaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga wuxuuna bedelay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo dhawaan xilkaasi iska casilay.

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib kulamo uu la qaatay hoggaamiyeyaal ka soo qayb galay shirkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qeybgalkii caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Shir-madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast.

Shirkan oo muddo labo cisho ah socday ayaa waxyaabihii madaxdii halkaas isugu timid ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in labada qaaradood ee dariska ah ay yeeshaan mustaqbal wadaag dhabaha u xaaraya iskaashi buuxa oo dhex mara dalalka Afrika iyo Yurub.

Mawduuca shirka ee sanadkan ayaa waxaa loo doortay arrimaha dhallinyarada iyada oo ay kasoo qeyb-galeen dhallinyaro ka socota labada qaaradood si ay uga warbixiyaan xaaladahooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka.

Arrimaha Madaxda Afrika iyo Yurub ay isla qaateen ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah looga jawaab celiyo dhibaatooyinka isa soo taraya ee dalka Liibiya ku haysta kumannaanka Muhaajiriinta Afrikaanka ah, iyadoona loo xil saaray arrinkan in ay warbixin iyo baaritaan ka soo sameeyaan diblumaasiyiin uu hoggaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Mudane Maxamed Cali-Nur Xaaji.

Sidoo kale, Madaxdii halkaas isugu timid waxa ay isku afgarteen in la ixtiraamo madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka labada qaaradood, isla markaasna laga hortago in dowlado sharci ah lagu rido nidaam aan dastuurka dalalkaas waafaqsaneyn, lagana fogaado faragelinta arrimaha gudaha ee dal kamid ah dalalkan bah-wadaagta ah.

Dhanke kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf-Garaad Cumar ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Lithuania Mudane Linas Linkevičius, iyaga oo kala saxiixday heshiis lagu abuurayo xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara labada dowladood. Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiir Ku Xigeen Arrimaha Dibadda ee Romania oo ay isku afgartay in dib loo yagleelo xirriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood, iyadoona sido kale la isla meel dhigay in ay iska kaashadaan dhinacyada wax soosaarka, tayeynta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa intii uu socday Shir-Madaxeedka labada qaaradood ee Afrika iyo Yurub waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane Ouattara, Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan Löfven, Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha Sipilä, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Boris Johnson, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres iyo Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika iyo Yurub ay yeeshaan kulan sanadle ah si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsi ee labada qaaradood.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeybgalay shirkan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Dajiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Mudane Maxamed Calinuur Xaaji, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Siciid Faqi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka.