Home Blog Page 1395

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ugu Baaqay Warbaahinta Dalka inay ka qeyb qaadato Hormarka

0

Muqdisho (SONNA) Dr: Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ugu horeyn kaga mahad celiyay Warbaahinta Dalka howsha ay u haayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan sida ay kaga qeyb qaateen masiibadii 14 Octobar ka dhacday Isgoyska Ex Soobe.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay tahay in lagu Amaano Warbaahinta Soomaaliyeed daruufaha ay ku shaqeeyaan ayna mudan tahay in lagu amaano doorkii ay ka qaateen gurmadkii loo sameeyay dhibaatadii 14 October.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ay tahay Warar qaar in ay ka fiirsato Warbaahinta Soomaaliyeed aysana ahayn in bulshada loo tabiyo maadaama ay yihiin kuwo gudbinaya muuqaal xun isagoona tusaale usoo qaatay weerarkii maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ay dhawaan ku qaadeen Hotelka Naasa hablood2 ee Degmada Xamarweyne.

Dr Axmed Cali Daahir waxaa uu sheegay in looga baahan Wariyaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta Dalka taasina ay ku imaan karto tabinta iyo xaqiijinta Wararka ay bulshada u gudbinaayaan.

Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka ayaa xusid mudan in ay door weyn ka qaadatay horumarinta Dalka inkastoo ay jiraan dhaliilo iyo dal- doloolo yar yar oo ku aadan qaabka tabinta wararka Dalka.

Afar walaalo ah oo Hooyadoood iyo Walaashood ku waayey Qaraxii Soobe ee dhacay 14 Bishii Octoobar

0

Shan sano ka hor Aabahood C/raxmaan Axmed waxaa ay ku waayeen Qarax ka dhacay Xarunta Maxkamadda Sare ee Dalka, Dhowr Todobaad ka horna Musiibadii ka dhacay Soobe ayey ku waayeen Hooyadeed Sacdiyo Axmed Kheyre iyo Walaasheed Ugaaso kuwaas gacanta ku hayey.

Axmed, Xafso,Makaa’iil iyo Rayaan Dhamaantood waa Walaalo isla dhashay hadda waxaa ay joogaan Schoolka ay dhigtaan kaas oo lagu  magacaabo Muqdisho School.

Axmed C/raxmaan iyo Xafso C/raxmaan waxaa ay dhigtaan Fasalka Seddexaad ee Schoolka Hoose.

Balse Rayaan oo ugu yar Caruurtan ayaa dhigata qeybta Xifdinta Qur’aanka, halka Makaa’iil oo ugu weyn uu dhigto Safalka Lixaad.

Maxamed Xasan Cali waa Macalinka Qur’aanka ee Axmed iyo Xafsa Cod 1.

“Inkastoo niyadooda markii Hooyadood dhimatay wax badan isbadashay haddana waxaa ay u soo laabaneysaa si-tartiib tartiib ah runtii taasna waa mahad illah”

Schoolkan lacagta lagu dhigto waa mid sareysa waxaana ka bixin jiray oo keenay Hooyadood taas oo shaqeyn jirtay dhimashadii Abahood kamid Shire Salaad Xasan waa Maamulaha Schoolka Carruutu dhigtaan.

“Awoodeenu waa in aan qiimo dhimis u sameynaa carruurtan lacagta Schoolka ku dhigtaan waxaana rajeynaa in inta Waxbarashadda ka dhameynayaan Schoolka dhigtaan haddii Alle Imdo.

Intaas kadib waxaan raacay Carruurta si’aan u soo arko howga ay dagan yihiin, waxaa lajoogaa xiligii khadada qoraxduna aad ayey u kulushay kaliya waxaa lasiiyey Galaas Galaas Biyo ah oo markaas uun laqasay, Guriga waxaa jooga aan ugu Imid Habaryartood iyo Ayeeyadood xaaladuna aad ayey u adag tahay, Dabku waa shidan yahay lkn wax saaran maleh waxaa ii muuqda Bac qafiif ay ku jiraan waxyar oo Bariis ee ceeriin ah iyo dhowr xabo yaanyo ah.

Caasho Axmed Kheyre waa Habaryarta Carruurtan Agoonta iyo Rajadda ah. “waxaan ka imid xaafadeydii carruurteydiina waxaan uga soo tagay dad islaameed maxaa yeelay waxaa meel cidlo ah ku soo dhacay kuwan aad hadda xaaladooda arragto”.

 

Allah u naxariistee Carruuntan Hooyadood iyo Walaashood waxaa ay meel Shidaalka iyo Caanaha lagu iibiyo kula haayeen Isgowska Zoobe oo 14 Bishii Octobar uu ka dhacday Musiibo aad u weyn halkaas ayeyna ku dhinteen, waxaa hubanti ah in hadda u baahan yihiin garab istaag dhankasta ah si-ay Waxbashadooda u siiwataan una helaan nolol aad u wanaagsan.

WD/Cali Axmed Sheekh.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Al shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Sh/hoose

0

Muqdisho (SONNA) C/fitaax Cabdulle Yuusuf oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ay la wareegeen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose oo markii hore ay ku sugnaayeen nabad diidka Al shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa tilmaamay in deegaanada Ciidamdu kala wareegeen maleeshiyada Al shabaab ay yihiin deegaano hoostaga Degmada kuntawaaray ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa sheegay in deegaanada ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay maleeshiyaadka Al shabaab ku dhibaatayn jireen Dadka Shacabka ah balse hada ay si buuxda Ciidamada Xoogga Dalka ay gacanta ku haayaan ayna Khasaare gaar siiyeen nabad diidkii Al shabaab ee ay kala wareegeen.

Howlgalkan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula wareegeen Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gulufka Dagaal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in deegaanada yar yar ee maleeshiyaadku kaga sugan yihiin Gobolada Dalka looga gacan maroojiyo.

Muwaadiniin Soomaali ku xirnaa Xabsiyada Tanzania oo la sii daayay

0

Muqdisho (SONNA) Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dadka dadka xabsiyada laga sii daayay ay gaarayaan 20, ayna ku jiraan 4 carruur ah.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku jiray xabsiyo ku yaalla Magaalooyinka Taanga iyo Lindi ee Dalka Tanzania.

Ka dib kulan uu safiirku la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Tanzania Mwiguli Najambe iyo Xuseen Baashe oo ah xildhibaan reer Tanzania ah oo asalkiisu Soomaali yahay, ayaa lagu guuleystay in la sii daayo dadka soomaaliyeed oo ku xukunnaa xabsiyo u dhexeeya 3 bilood ilaa 3 sano.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiyada Tanzania ayaa la filayaa inay Berri Subax ama maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa sheegay in ay safaaraddu ku howlan tahay sidii loo sii deyn lahaa ilaa 7 qof oo kale oo howsha sii deyntoodu heer gebo-gebo ah mareyso.

Shirka wadatashiga W/Warfaafinta JFS,Maamul Goboleedyada iyo Warbahinta gaarka ah oo maalintii labaad galay

0

Muqdisho(SONNA) Shirkani oo u dhexeeya Wasaaradaha warfaafinta Heer Federaal iyo Heer Dowlada Goboleed ayaa galay maalintiisi labaada,waxaana la filaya in bari la soo geba gebeeyo,iyadoo laga soo saari doono qodobo muhiim ah.

Ujeedad ugu muhiimsan shirkan ayaa ah sidii la isaga kaashan laha arrimaha warbaahinta dalka iyo sidii wasaaradaha warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo warbaahinta gaarka ah ee dalka ay u midayn lahaayeen macluumaadka iyo adeegyada loo qabanayo bulshada iyo in ay noqdaan kuwo wax ku ool ah.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo shirkasi shalay si rasmi ah u furey , ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta ka kala yimid Gobolada dalka oo dhan, dhamaan ururada saxaafada iyo masuuliyinta dawlada federaalka ee madasha ku sugnaa, wuxuu ku ammaanay wasiirada warfaafinta Maamul goboleedyada sida qadarinta mudan ee ay u soo ajiibeen marti qaadkii uu u fidiyay.

“Aan wada tashanno micnaheedu waa aan heshiinno. Shirkan in uu muhiim u yahay horumarinta saxaafadda dalka iyo abuuridda iskaashi buuxa oo u dhaxeeya qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka Soomaaliya. Waxaa naga go’an in aan horumarinno saxaafadda Soomaaliya oo aan gaarsiinno heerarka caalamiga ah. Doodaha la midka ah kuwa aan qorsheynay in ay shirkan ka dhacaan muhiimad gaar ah ayay u leeyahay guud ahaan horumarinta saxaafadda dalka.” Ayuu yiri Eng Yariisoow.

Waxaa kaloo ka hadlay shirka dhamaan wasiirada warfaafinta ee dowlad goboleedyada, wakiilada ururada saxaafadda, guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo isgaariinta ee Golaha Shacabka mudane Khalid Macoow.

“Waxay noo tahay fursad aad u wanaagsan inaan idinkala soo qayb galno shirkan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee JFS, mudane Abdirahman Omar Osman “Yarisow”. Waxaa muhiim ah in Warbaahinta madaxa bannaan muhiimad gaara lasiiyo, Waxaan codsanaynaa in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadaba ay tixgalin siiyaan saxaafada gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan. Warbaahintu, mas’uul kama aha inta badan warbixinada iyo sawirada aan anshaxa saxaafadda waafaqsanayn ee la soo dhigo warbaahinta bulshada (Social Media).” Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Khaalid Macow, wuxuu sheegay in kulankan uu yahay mid muhiima, shirka maantana uu muujinayo midnimada saxaafadda. Wuxuu la dardaarmay suxufiyiinta dalka oo dhan oo xusay in ay lagama maarmaan tahay in ay si buuxda oo aan leexleexad lahayn u ilaaliyaan anshaxan saxaafadda, iskana ilaaliyaan ku xudgudubka muwaadiniinta, ilaaliyaanna midnimada qaranka,

“Saxaafaddu waa in aysan sheegin war aysan hubin. Xeerka Saxaafadda ee hadda horyaalla baarlamaanka dalka, waxaan ka shaqaynaynaa in uu si waafaqsan shuruucda xuquuqda caalamiga ah ilaaliyo xoriyadda warbaahinta iyo wariyahaba. Waxaana lagama maarmaan ah in mas’uuliyiinta saxaafadda madaxa bannaan ay si gaar ah u dhowraan xuquuqda muwaadiniinta iyo sharaftoodaba.” Ayuu yiri Khaalid Macoow.

Mas’uuliyiinta kale ee shirka ka hadashay, waxaa ka mid ahaa, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al Cadaala, Cali Cabdi Awaare, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Warbaahinta Madaxa Banaan. Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mudane Mahad Xasan. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Mudane Maxamuud Cusmaan Masagawa. Wasiirka Warfaafinta Iyo isgaadhsinta Jubaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan. Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed. Farxiya Maxamed Khayre, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Saxafiyiinta ee SWF. Agaasimaha Warbaahinta madaxtooyada Mudane, Cabdinuur Maxamed Axmed. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng. Yarisow”, wuxuu ugu dambayntii kula dardaarmay ka qeybgalayaasha shirka in dhowrka maalmood ee soo socda si wanaagsan u lafaguraan qodobada shirka, xilna iska saaraan in ay shirk aka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo horumarinaya guud ahaan saxaafadda dalka iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhab ah oo dhexmara warbaahinta dalka Soomaaliya.

Dad baabuur lagu laayay Mareykanak

0

New yorka(SONNA) Wararka ka imaanaya magaalada New yorka ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Ugu yaraan siddeed qof ay ku dhimatay magaaladaasi 11 kalena dhaawac halisa uu soo gaaray ka dib markii nin baabuur nooca xamuulka ah wada uu dad ku jiirsiiyay meel  ay maraan dadka baaskiillada wata ee wado ku taalla xaafadda Lower Manhattan.

Waxaa la sheegay in Ninka baabuurka waday ay da’adiisu ahayd  29 jir oo markii uu dadka jiiray ka degay gaariga, waxaana toogasho ku dhaawacay askari boolis ah kadibna laxiray sida ays heegayaan saraakiisha ammaanka.

Warbaahinta ayaa ninkaa baabuurka waday magaciisa ku sheegtay Sayfullo Saipov, waxaanay sheegtay in uu dalka Maraykanka u haajiray sannadkii 2010-kii.

Xog uu helay telefishanka CBS ayaa lagu sheegay in qoraal baabuurka uu ninkaasi waday laga helay ay muujinayso in uu xiriir la lahaa Daacish.

Eedaysanaha oo sida muuqata deganaa gobolka Florida ayaa la sheegay in isbitaal loo qaaday si dhaawaciisa loo dabiibo,waxaana Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, uu yiri “wuxu ahaa fal argagixiso oo fulaynimo ah oo lala beegsaday rayid aan waxba galabsan”.

“waanu ognahay in falka looga gollahaa in la nagu niyad jabiyo laakiin waxa kale oo aan ognahay in dadka ree New York ay yihiin dad adag, weligayo fal colaadeed oo looga dan leeyahay in lanagu cabsi geliyo u liici mayno”Ayuu intasi ku daray.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray waxa uu ku sheegay sidan” waxaan tacsi iyo duco ba u dirayaa dadka ku waxyeelloobay iyo qoysaska dadkoodii ku waayey falka argagixiso ee ka dhacay magaalada New York.

Shirka wadatashiga W/Warfaafinta JFS,Maamul Goboleedyada iyo Warbahinta gaarka ah oo maalintii labaad galay

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta ka kala yimid Gobolada dalka oo dhan, dhamaan ururada saxaafada iyo masuuliyinta dawlada federaalka ee madasha ku sugnaa, wuxuu ku ammaanay wasiirada warfaafinta Maamul goboleedyada sida qadarinta mudan ee ay u soo ajiibeen marti qaadkii uu u fidiyay.

“Aan wada tashanno micnaheedu waa aan heshiinno. Shirkan in uu muhiim u yahay horumarinta saxaafadda dalka iyo abuuridda iskaashi buuxa oo u dhaxeeya qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka Soomaaliya. Waxaa naga go’an in aan horumarinno saxaafadda Soomaaliya oo aan gaarsiinno heerarka caalamiga ah. Doodaha la midka ah kuwa aan qorsheynay in ay shirkan ka dhacaan muhiimad gaar ah ayay u leeyahay guud ahaan horumarinta saxaafadda dalka.” Ayuu yiri Eng Yariisoow.

Waxaa kaloo ka hadlay shirka dhamaan wasiirada warfaafinta ee dowlad goboleedyada, wakiilada ururada saxaafadda, guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo isgaariinta ee Golaha Shacabka mudane Khalid Macoow.

“Waxay noo tahay fursad aad u wanaagsan inaan idinkala soo qayb galno shirkan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee JFS, mudane Abdirahman Omar Osman “Yarisow”. Waxaa muhiim ah in Warbaahinta madaxa bannaan muhiimad gaara lasiiyo, Waxaan codsanaynaa in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadaba ay tixgalin siiyaan saxaafada gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan. Warbaahintu, mas’uul kama aha inta badan warbixinada iyo sawirada aan anshaxa saxaafadda waafaqsanayn ee la soo dhigo warbaahinta bulshada (Social Media).” Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Khaalid Macow, wuxuu sheegay in kulankan uu yahay mid muhiima, shirka maantana uu muujinayo midnimada saxaafadda. Wuxuu la dardaarmay suxufiyiinta dalka oo dhan oo xusay in ay lagama maarmaan tahay in ay si buuxda oo aan leexleexad lahayn u ilaaliyaan anshaxan saxaafadda, iskana ilaaliyaan ku xudgudubka muwaadiniinta, ilaaliyaanna midnimada qaranka,

“Saxaafaddu waa in aysan sheegin war aysan hubin. Xeerka Saxaafadda ee hadda horyaalla baarlamaanka dalka, waxaan ka shaqaynaynaa in uu si waafaqsan shuruucda xuquuqda caalamiga ah ilaaliyo xoriyadda warbaahinta iyo wariyahaba. Waxaana lagama maarmaan ah in mas’uuliyiinta saxaafadda madaxa bannaan ay si gaar ah u dhowraan xuquuqda muwaadiniinta iyo sharaftoodaba.” Ayuu yiri Khaalid Macoow.

Mas’uuliyiinta kale ee shirka ka hadashay, waxaa ka mid ahaa, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al Cadaala, Cali Cabdi Awaare, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Warbaahinta Madaxa Banaan. Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mudane Mahad Xasan. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Mudane Maxamuud Cusmaan Masagawa. Wasiirka Warfaafinta Iyo isgaadhsinta Jubaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan. Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed. Farxiya Maxamed Khayre, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Saxafiyiinta ee SWF. Agaasimaha Warbaahinta madaxtooyada Mudane, Cabdinuur Maxamed Axmed. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng. Yarisow”, wuxuu ugu dambayntii kula dardaarmay ka qeybgalayaasha shirka in dhowrka maalmood ee soo socda si wanaagsan u lafaguraan qodobada shirka, xilna iska saaraan in ay shirk aka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo horumarinaya guud ahaan saxaafadda dalka iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhab ah oo dhexmara warbaahinta dalka Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo ku guuleysatay in ay xabsiyada Dalkaas ka soo deyso Dad soomaaliyeed oo ku xirnaa.

0

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dadka dadka xabsiyada laga sii daayay ay gaarayaan 20, ayna ku jiraan 4 carruur ah.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo ku jiray xabsiyo ku yaalla Magaalooyinka Taanga iyo Lindi ee Dalka Tanzania.

Ka dib kulan uu safiirku la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Tanzania Mwiguli Najambe iyo Xuseen Baashe oo ah xildhibaan reer Tanzania ah oo asalkiisu Soomaali yahay, ayaa lagu guuleystay in la sii daayo dadka soomaaliyeed oo ku xukunnaa xabsiyo u dhexeeya 3 bilood ilaa 3 sano.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiyada Tanzania ayaa la filayaa inay Berri Subax ama maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa sheegay in ay safaaraddu ku howlan tahay sidii loo sii deyn lahaa ilaa 7 qof oo kale oo howsha sii deyntoodu heer gebo-gebo ah mareyso.

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Ethiopia uga mahad celisay kaalintii ay ka qaadatay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Xasuuqii KM5

0

Muqdisho (SONNA) Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa   si gaar ah ugu mahad celisay dhaqaatiir leh takhasuusyada , qaliinka guud , qaliinka kilyaha iyo kaadi mariinka , qaliinka lafaha iyo jajabka iyo qaliimada la xiriira gubniinka iyo qurxinta (plastic surgery) ee Dowladda  Ethiopia ay usoo dirtay Magaaladda Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan gurmadka dadkii Nabad diidka Kooxda Alshabaab ay ku xasuuqeen Isgooyska 14 ka Octoobar Ex Zoobe, dhaqaatiirtaas ayaana dalka  ka  fuliyay qaliimo iyo daawayn.

Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa sheegtay in  xiriir Iskaashi oo Istaaraatiiji ah la bilaabeyso Wasaaradda caafimaadka Federaalka ee Dalka Ethiopia, waxayna uga mahad celinaysay  gurmadkii daawo  qalab , iyo dhaqaatiir oo ay la soo gareen walaalohooda ku wax yeeloobay Musiibada 14ka October 2017.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka, ayaa  u mahad celinaysay Safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya sida wanaagsan oo ay isugu xirtay labada Wasaaradood iyo wadashaqaynta wanaagsaned muddada ay wadeen dhaqaatiirta Ethiopia howlaha gurmad iyo daaweyn  oo ay ka wadayn Muqdisho mudadii 10 ka cisho ee la soo dhaafay.

Dhaqaatiirta Ethiopia waxay fuliyeen qaliimo gaaraya 20 case,  waxayna daaweyn bilaash ah u sameyeen in ka badan 100 bukaan ah, waxay sidoo kale dalka Ethiopia u qaadi doonaan tiro bukaanno ah o aan Muqdisho waxba looga qaban karin sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay soo saartay.

 

Amiirka Kuweyt oo aqbalay Iscasilaada R/wasaarahiisa

0

Muqdisho (SONNA) Amiirka dalka Kuweyt Sheekh Sabaah Al-Axmed Al-Sabaax ayaa si rasmi ah u aqbalay Istiqaaladda uu u gudbiyay R/wasaarihii dalkaasi Kuweyt Sheekh Jaabir Al-Sabaax.

Sida ay maanta soo warisay wakaaladda Wararaka dalkaasi Kuna, waxa uu amiirku soo saaray amar qoraal ah oo xafiiskiisa ka soo baxay kuna aqbalayo istiqaaladda R/wasaarihiisa,wuxuuna wasiirada ku amray inay hawsha sii wadan ilaa inta laga soo magacaabayo Xukuumad cusub.

Kol hore ayay aheyd markii R/wasaaraha kuweyt uu Istiqaalad noocan ah u gudbiyay amiirka dalkaasi balse dib loogu celiyay.