Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Saraakiisha Da’da yar ee Ciidanka Xoogga.

Date:

Iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ku aadanaa in Saraakisha Da’yar ee dalka loosoo tababaray ay ka dhex muuqdaan hoggaamadda ciidanka xoogga dalka ayaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen/ C/wali Jaamac Gorod waxa uu isugu yeeray Saraakiisha Da’yar ee Ciidamada xoogga dalka.

Saraakiisha Dhalinyarada ee tababaro heer ka sare ah kusoo qaatay wadamo kala duwan ayaa Taliyaha ka codsaday in fursad la siiyo si wax kaga bedelaan amniga guud ee dalka, iyagoo balanqaaday inay dalka guud ahaan ka xureyn doonaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Cabdi wali Jaamac Gorod ayaa Saraakiisha da’yar u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo, isagoo ku amaanay sida ay ugu faraxsan yihiin dalkooda iyo dadkooda in ay naftooda u huraan, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu weydiistay inuu la kulmo Saraakiil Dhalinyaro ah oo ciidanka xoogga dalka ka dhex muuqda

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan la kulmo saraakiil dhalinyaro ah oo aqoon leh oo hadana muujinaya waxa ay qabaan, wadaniyada haday tahay aqoon haday tahay oo sida ay u arkaan inay wax u qabtaan, waxaa nasiib wanaag kala ah in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu i weydiistay inuu arko Saraakiil dhalinyaro ah oo hoggaanka ciidanka xoogga dalka ka dhex muuqda, waxaa is waafaqay Dareenkiina aan aniga qabay iyo midkii Madaxweynaha ayaa is waafaqay, laga bilaabo hoggaanada ilaa horin ilaa koox Saraakiisha Dhalinyarada ayaan ka dhigeynaa haduuu ilaah yiraahdo”ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kula kulmay hoggaannada Ciidamada xoogga dalka, waxaana uu kala hadlay sidii loo dardar galin lahaa Howlgalada kusoo fooda leh ciidamada xoogga dalka ee dalka looga cirib tirayo Al shabaab iyo sidii looga shaqeyn lahaa dib usoo kabashada ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...