Home Blog Page 1381

Taliska AMISOM oo faah faahiyay bixitaanka ciidamada Amisom

0

Muqdisho(SONNA):–Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madera ayaa shaaciyay Tirada Ciidamada ugu horeeyo ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka baxaya Dabayaaqada sanadkaan,taasi oo qeyb ka ah qorshe ay ciidamada Amisom kaga baxayaan guud ahaan dalka.

Danjire Madera ayaa xusay in sanadkaan dhamaadkiisa ay Soomaaliya ka baxayaan ilaa 1,500 oo Askari oo dalkooda dib ugu laaban doono,isagoo intaasi ku daray in si tartiib tartiib ah uga baxayaan dalka ilaa ciidamada Dalka ay la wareegaan Amnigooda.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya Mr Francisco Madera ayaa beeniyay in Ciidamo Cusub oo itoobiyaan ah ay soo gaareyn Soomaaliya waxa uuna been abuur ku tilmaamay wararka ay baahiyeen Warbaahinta Dalka.

Hadalkan ka soo baxay taliska Amisom ayaa imaanaya xili ciidamada xooga dalku ay isku diyaarinayaan sidii ay u hanan lahaayeen guud ahaan xasilinta amniga dalka.

Dhawaan waxaa bilowday howlgalo ballaaran iyadoo Alshabaab laga qabsaday deegaano dhowr ah.

Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweyne ku xigeen Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha kala qayb galay soo dhawaynta Gudoomiyaha Golaha shacabka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in uu rajayno in shaqo badan ay qabtaan mudada ay kismaayo joogan isla markana ay wadashaqaynta Baarlamaanka Federaalka iyo midka Jubbaland ay si fiican u fal galaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay booqashada Gudoomiyaha ee Jubbaland isagoo sheegay in ay yimaadeen Magaaladoodii oo aysan marti ahayn.

  

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Kusimaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee argagixisada Alshabaab lagaga sifaynayo dalka.

Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay Madaxweynhu ayaa muujiyey yididiillo iyo kalsooni, iyaga oo tilmaamay in ay durba guula kasoo hoyeen jiidda hore ee dagaalka hallaas oo ay ka xoreeyeen argagixisada deegaanno ku yalla Shabeĺlada Hoose.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay ka soo dhalaalaan rajada ay ku qabaan Shacabku isla markaasna looga baahanyahay Muwaadin kasta in uu isna garab istaago Ciidanka nafta u huraaya dalka iyo dadka.

 

Shir ku saabsan maalgelinta Tamarta Dalka oo Muqdisho ka furmay+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Shirka khubarada tamarta waarta ee dalka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Dowlada Soomoaliya oo kaashanaysa hey’adda Qaramada Mioobay u qaalisal horumarinta Mashaariicda ee UNDP.

Ujeedada shirkan ayaa ah sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ku hor gudban  in maalgashi lagu sameeyo tamarta dalka Soomaaliya

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka biyaha Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka howlaha guud Mudane Saadiq, C/llaahi Cabdi Wakiilka Qm Micheal keating iyo xubnaha labada aqal gaar ahaan gudiyada dhanka Khayraadka,ganacsato iyo Wasiirada kale ee Dowlada Goboleedyada.

Shirkan oo socon doono muddo  labo maalmood ah ayaa inta uu socdo lagu lafagurayaa sida ugu sahlan ee loo maalgelinkaro Tamarta Dalka uu leeyahay,iyadoo sidoo kale ay goob joog ka yihiin qubaro ka socoda QM ee dhinaca khayraadka.

Madaxda safaaradda Soomaaliye ee Masar”Madaxweyne Farmaajo waan uga mahadcelinaynaa dhiira gelinta ardayda

0

Qaahir(SONNA) Ardaydii Soomaaliyeed oo deeqda waxbarsho ay u dirtay Dowladda Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar,kuwaasi oo shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho.

Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Masar Mudane Ilyees Sheekh Cumar oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ardaydan  ay la kulmeen soo dhaweyn wanaagsan,iyadoo  ay kaalin mug leh ku lahayd Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Ilyees Sheekh Cumar ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guud ahaan madaxtooyada Soomaaliya dowrkoodi  ku aadan ahmiyadda la siiyay  ardayda Soomaaliyeed in la dhiiro geliyo waxbarashadooda,wuxuuna xusay in waxweyn ay tahay in madaxweyne Farmaajo uu  bixiyay qarashaadka diyaaradii qaaday ilaa 76dii Arday oo deeqda waxbarasho heley kadib  heshiis ay horey u wada gaareen madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Masar Markii wafdigii uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo uu Dalkaasi dhawaan tagay.

Dhanka kale ardaydaasi oo iyagoo ku sugan Qaahir lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka mahadceliyay sida madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ay isaga xilsaartay daryeelka iyo waxbarashada ardayda Soomaliyeed,iyagoo xusay in ay tahay talaabo mudan in lagu daysado.

Safiir ku xigeenka Soomaaliya Ilyees Sheekh Cumar oo la socday ardaydaasi Muqdisho ilaa Masar, ayaa dadaal u galay in uu ardaydaasi ku hubsado deegaanadii loogu talagalay oo uu ku simay waxaan uu sidoo kale ku ammaanay ardaydii horey u joogtay Dalka Masar oo u istaagay in ay soo dhaweeyaan walaalohooda martida u ah,iyagoo deegaano u diyaariyay.

Wadanka Masar ayaa kamid ah wadamada sida aadka ah u taageera Soomaaliya gaar ahaan dowrkiisa ku aadan deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ay u fidiyaan taasi oo wax badan ka bedeli karta horumarka bulshada.

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Kusimaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee argagixisada Alshabaab lagaga sifaynayo dalka.

Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay Madaxweynhu ayaa muujiyey yididiillo iyo kalsooni, iyaga oo tilmaamay in ay durba guula kasoo hoyeen jiidda hore ee dagaalka hallaas oo ay ka xoreeyeen argagixisada deegaanno ku yalla Shabeĺlada Hoose.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay ka soo dhalaalaan rajada ay ku qabaan Shacabku isla markaasna looga baahanyahay Muwaadin kasta in uu isna garab istaago Ciidanka nafta u huraaya dalka iyo dadka.

Waa sidee Xaaladda Nololeed Barakacayaasha ku nool degmada Kaxda?

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Degmada Kaxda mudane Maxamed  Cismaanciil oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa ka faahfaahin ka bixiyay xaaladda Caafimaad iyo mida nolaleed ee ay ku nool yihiin Barakacayasha ku nool degmadaasi.

Maxamed Cismaanciil Guddoomiyaha Kaxda ayaa tilmaamay in ay jiraan dad u dhintay xaalado Caafimaad daro iyo saamaynta ay ku yeelatay Roobkii maalmahaan ka da,ayay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo deegaanda duleedka ka Magaalada.

Maxamed  Guddoomiyaha Kaxda  ayaa ku Amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir sida ay kaga qeybqaateen dibu dejinta loo sameeyay dadkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya in ay ka warqabaan dadka kaso barakacay deegaanada hoos yimaada maamulkaasi.

QM“Dhibaataynta Rohingya waa isir sifeyn”

0

Newyork(SONNA) Golaha ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa dalbaday in la soo afjaro rabshadaha ka taagan gobolka Rakhine ee dalka Myanmar, kuwaasi oo sababay in boqolaal kun oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Rohingya ay guryahooda ka qaxaan.

Ciidamada Milatariga Wadanka Myanmar ayaa gudaha gobolkaasi ayaa saraakiisha Qaramada Midoobey ay ku tilmaameen isir sifeyn ka qowmiyadda Musliminta Rohingya islamarkaana ay cambaareeyeen.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in boqolaalka kun ee qof ee Rohingya ee u qaxay dhanka dalka dersika ah ee Bangladesh loo ogolaado in ay dalkooda ku laabtaan.

Dowladda Shiinaha ayaa bayaankaasi taageertay balse waddamada Britain iyo Faransiiska ayay u suurtageli weyday in Beijing ay ku qanciyaan in ay taageerto in la meel mariyo qaraar cambaareynayo Myanmar oo ay xulufo yihiin.

Ergeyga gaarka ah ee Myanmar u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ayba suurtagal tahay in bayaankani cusub uu sii sare qaado xiisadda gobolkaasi ka taagan.

Boqolaal muslimiinta Rohingya ayaa lagu laayay dalkaasi halka kumanaan kalena laga barakiciyay guryohooda,taasi oo Dunida ay walaac ka muujinaysaa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Madaxwaynaha Dalka Masar.+Sawiro

0

Masar(SONNA) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Sharma el-Sheekh ee dalka Masar, waxuuna ka qeyb galayaa shirka dhalinyaradda Aduunka kaas oo looga hadlo xaalada dhalinta iyo sidii looga wacyi galin lahaa arrimaha Tahriibka iyo xagjirnimada oo saamayn wayn ku yeeshay dunida oo dhan.

Ra’iisul wasaaraha ku xigeenka Soomaaliya ayaa kulan hor u dhac ah la qaatay Madaxweyna wadanka Egypt Cabdifatax Al Sisi, iyagoona ka wada hadlay in laga wada shaqeyo sidii la iskaga kaa shan lahaa la dagaalanka iyo cirib-tirka Ururka Alshabaab iyo in la abuuro fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho kuwaas oo lagu dhiiri galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si aysan u dooran fikradaha ku salaysan argagixisada.

Madaxwayne Al Asisi ayaa balan qaaday in uu kordhin doono deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxuuna cadeeyay in ay taageero dhan walba ah la garab istaagayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona u jeedo iyo dan gaar ah ka lahayn Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khader ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay shirka, oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Equatorial Gunnie.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo ka hadlay baacsiga Al-shabaab

0

Taliyaha qeybta 12 April ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cumar dheere oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaaliya ayaa sheegay in Ciidamadu howlgaladii ugu dambeeyay in ay gacanta kusoo dhigeen dhagar qabayaal ka tirsan maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab.

Cumar dheere taliyaha 12 April ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed la wareegeen deegaano kale oo ka mid kuwa isku xira Gobolada shabeelooyinka ayna gacanta ku dhigeen Ciidanku maleeshiyaad u dagaalamayay Al shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wada didaalo guuda ahaanba Dalka looga saarayo maleeshiyada Al shabaab iyo sidii looga dulqaadi lahaa dhibaataynta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay wali ku harsan yihiin Argagixisada Al shabaab.

?