Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xilka u kala wareeyayay wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo wasiirkii hore ee Wasaaradaas ayaa sheegay Wasaaradda gaashandhiga in ay tahay halka ay taalo madax-banaanida iyo gobonnimada Soomaaliya.
“Wasaaradda Gaashaandhiggu waa halka ay taalo madax-banaanida iyo gobonnimada Soomaaliya.”
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo maanta xilka wareejiyay ayaa ka warbixiyay waxqabadkiisii mudada uu joogay wasaaradda. Isaga oo sheegay in ay waxbadan u qabsoomeen inta uu Xafiiska joogay.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS. Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaaa ballan qaaday in uu si dhow ula shaqeyn doono Taliska Xoogga Dalka iyo cid kasta oo naga caawisa la dagaallanka Khawaarijta.
“Waxaan ballan qaadayaa in aan si dhow ula shaqeyn doono Taliska Xoogga Dalka iyo cid kasta oo naga caawisa la dagaallanka Khawaarijta.” Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jibriil Cabdirashiid Xaaji.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in dhawaan socdaal qorsheysan ku tagi doono magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah Khaatumo.
“Booqashada aan ku tagi-doono Laas-caanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka SSC Khaatumo,maahan mid wax loogu dhibayo maamul iyo deegaanka Soomaaliyeed, bal waa mid la isugu soo dhaweeynayo” ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan u diyaarsanyihiin inay soo arkaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, isagoo ugu mahadceliyey reer Khaatumo niyad wanaagga ay u qabaan socdaalka wafdiga Xukuumadda ee deegaannada SSC Khaatumo.
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka socda diyaar garow wayn oo ku aadan soo dhaweynta Wafiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyadoo Magaalada iyo daafaheeda lagu arkayo boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo safar shaqo ku jooga wadanka Uzbekistan ayaa ka qeyb galay kulanka 150-aad ee xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka oo ka dhacay Magaaladda Tashkent ee caasimadda wadankaasi.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galayaasha kulanka la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Baarlamaanka Soomaaliya, shuruucda uu ka shaqeeyay iyo sidoo kale horumarka uu sameeyay
Sidoo kale xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa ka qeyb galay kulanka guddiga fulinta ee xoghayaasha baarlamaanadda carabta kaas oo horudhac u ahaa kulanka golaha guud ee Baarlamaanka aduunka oo ka dhici doona wadanka Aljeeriya, waxaana guddiga inta kulanka uu socday meelmariyay Ajendaha kulanka guud.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda ayaa casuumaad rasmi u fidiyay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo ka aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan.
Dhanka kale Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, iyagoo sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka, waxayna hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika.
Dowladda Uganda ayaa qeyb wayn ka ah howlgalka cusub ee AUSOM, iyadoo ugu qeyb qaadaneyso ciidan tiradiisa lagu sheegay 4,500, taas oo ka dhigan in ay tahay dowladda ugu badan ciidan ahaan howlgalka cusub ee AUSOM.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, Ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida Alle ha u naxariistee, Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa xusay in Taliye Nuur Farey uu ahaa halgamaa daacad ah oo nolol iyo nafba u huray difaaca Qaranka iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo dhammaan shuhadada Ciidamada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay wado baaritaan dhameystiran oo ku saabsan weerarkan argagixisanimo, waxa uuna adkeeyey go’aanka adag ee dowladda ee ku saabsan in la sii laba jibbaaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee cadawga ku ah nabadda iyo xasilloonida dalkeenna.
Masagawaay, Galgaduud 14-04 2025 — A delegation led by Eng. Hassan Mohamoud Mohamed, widely known as “Gaashaan Yare,” has arrived in Masagawaay, a central town in Somalia’s Galgaduud region, to support ongoing operations aimed at liberating areas still under the control of the terrorist group Al-Shabaab.
The delegation, composed of traditional elders, politicians, and youth from the Dhagaweyne Cumar sub-clan of the Waceysle clan—one of the clans in Galmudug—delivered vital humanitarian aid to the Somali National Army (SNA) and local community forces actively fighting against the extremist militants in Masagawaay and Ceeldheer. The assistance included live animals and food supplies.
While in the region, Eng. Hassan met with government troops and encouraged them to intensify their national duty and continue their mission until Al-Shabaab is fully defeated.
“We came here as a delegation from the Dhagaweyne Cumar clan to commend and support the brave Somali National Army and local forces who are sacrificing their lives to protect the nation,” said Eng. Hassan. “These heroes are engaged in a fierce battle with the extremist group Al-Shabaab. In response to the President’s call, we stand in solidarity with our armed forces. We have handed over two camels and food supplies today—but our support will not stop here; we will continue to stand with our troops.”
Eng. Hassan recently returned to Somalia after nearly 30 years in the diaspora, driven by a patriotic commitment to contribute to the country’s reconstruction and governance. He is a well-respected professional who once worked at the former Mogadishu Power Station before leaving for the United Kingdom 35 years ago to pursue higher education.
He holds both Bachelor’s and Double Master’s degrees in Manufacturing Engineering, Engineering Design, Management, and EU Business Management. Throughout his career in the UK, he worked with major institutions including:
Bradwell Power Station
British Steel
Jaguar and Land Rover
Ocado (Smart Warehouse – Engineering Information)
NHS (Project Facility Engineer – Capital Equipment Procurement, CAPEX)
Eng. Hassan has now returned home with a firm commitment to play an active role in rebuilding Somalia and supporting national development.
Eng. Hassan Mohamoud Mohamed Leads Delegation to Masagawaay in Support of Anti-Terror Efforts
Booqashada shaqo ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku tagay dalka Uganda ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Khawaarijta, iyada oo labada Madaxwayne ay sidoo kale ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo cadawga Khawaarijta ah.
Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Khawaarijta, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa mudnaanta koowaad siinaya xoojinta midnimada ummadeed ee ku wajahan ka-miro-dhalinta halganka dalka looga xoreynayo cadawga arxanlaaweyaasha ah.
Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Ciidanka difaaca deegaanka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka geysteen difaaca dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta” wax aan idiin ka mahad celinayaa sida geesinimada leh ee u difaacdeen diinta,dalka iyo sharafkiina”.ayuu yiri Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.
Taliye Odowaa ayaa sheegay in dhowaan la dhamaystiri doono haraadiga khawaarijta ku soo duulay diinta iyo dalka” Khawaarijta diinta nalama leh ehel ma ah waayo wuxuu kuu arkaa Gaal”khawaarijta waxay ka shaqaysaa in hooyadii la dilo in walaalkii la dilo in dhiiga muslimiinta la daadiyo.
Taliyaha Xoogga oo ka hadlay isa soo dhiibayaasha khawaarijta ayaa yiri ”Wax badan intaa dagaalka ku jirnay waxaa arki jirteen anagoo leh ha isa soo dhiibaan hadda waxaan leenahay ha isa soo dhiibina Meeshiina ku jira, meeshiina ayaa la idin ku soo afjarayaa”.ayuu yiri taliye Odowaa.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliiska ee degmada Xamarweyne ayaa caawa soo xiray Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac, oo ku eedeysan inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka.
Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal ka soo saaray xarigga Cabdiraxmaan Suleymaan ayaa sheegay la horgeyn doono “Maxkammada Awooda u leh.”
“Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah, qof walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka waxa uu wajihi doonaa hay’adaha cadaaladda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.