Home Blog Page 137

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa shalay magaalada Laascaanood ka furtay shirweynaha Dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, kaas oo lagu bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhameystirka maamulkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh oo wakiill uga ah Dowladda Federaalka Soomaaliya Arrimaha dhameystirka dowlad-goboleedkan cusub ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in bulshada SSC ay qaadtey go’aanka aayahooda, wuxuuna yiri” Bulshada SSC waxay qaadatey go’aan geesinimo leh oo ah in la dhiso dowlad-goboleed rasmi ah, dastuur leh, una adeegaysa rabitaanka shacabka, DFS-na waxay garab taagan tahay dadaalkaa.”

Wasiir Cali Xoosh ayaa isagoo ka hadlay aragtida Dowladda Federaalka ee SSC, wuxuuna yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xalka nabadda iyo horumarka deegaanada SSC lagu gaari karo oo keliya marka deegaamadaani helaan dowlad-goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqota nidaamka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Sido kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay doorka hoggaanka dhaqanka isagoo yiri”Isimada dhaqanka, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa doorkooda, waxaanan ku boorinayaa in ay sii xoojiyaan hoggaaminta nabadda iyo guusha shirweynaha.”

Wasiir Xoosh ayaa baaq u diray bulshada SSC, isagoo yiri ”Waxaan baaq iyo dardaaran u dirayaa dhammaan qeybaha bulshada sida; isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada, si ay u ilaashaan nabadda, u hoggaansamaan nidaamka, kana shaqeeyaan dowladnimadda iyo horumarka.

Dhamaan, Siyaasiinta, waxgaradka iyo Ergada ka soo qeyb-gashay shirweynahan ee munaasabadda furitaanka ka hadashay ayaa is-dul-istaagay ahmiyadda shirweynahan lagu dhameystirayo SSC Khaatumo, kuwaas oo sheegay in qeyb wayn uu ka qaadan doono dowlad dhiska casriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana horseedeya wadajirka dhuleed Soomaaliya.

Hirgelinta dowlad goboleedka SSC Khaatumo ayaa loo arkaa mid muhiim u ah adkaynta wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana Dowladda Federaalka lagu bogaadiyey dadaallada ku aadan nidaam u sameynta gobollada Sool iyo Sanaag kuwaas oo taariikh facayn ku leh gayiga Dalka.

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socday safaaradaha dalalka Carabta ee fadhigooda yahay dalka Kenya, kuwaas oo booqasho shaqo ku tagay Gobolka Ismaamulka ee degaanka Lamu. Gobolkan ayaa ah mid ku teedsan xuduudaha dalkeenna Soomaaliya.

Safarkan ayaa ah mid ay Danjireyaasha uga Jawaabayeen martiqaad uu u fidiyay Guddoomiyaha Gobolka Lamu Mudane Ciisa Cabdalla Timamy. Gobolka Lamu ayaa ah mid ay ku nool-yihiin dad badan oo Soomaali ah ganacsi badana ku leh halkaas

Safarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd dhiirigalinta maalgashiga gobolka iyo taakuleynya Mashaariicda horumarineed ee ka socoto gobolka.

Danjire Jabriil Ibraahim ayaa intii uu ku sugnaa gobolka waxa uu shirar gaar gaar ah oo ugu kuur-galayay nolosha dadka Soomaalida la qaatay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Lamu.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaaweyay booqashada Danjiraha, waxaana lagu balamay in safar gaar ah oo ay safaaradda Soomaaliya ku soo booqoto gobolka Lamu.

Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Nigeria oo uu ka geeriyooday madaxweynihii hore

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Nageria, Muhammadu Buhari.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu yiri:

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Madaxweynaha Nigeria H.E. Bola Ahmed Tinubu, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Nigeria, geeridii ku timid Madaxweynihii hore Muhammadu Buhari. Wuxuu ahaa hoggaamiye ku suntanaa adeeg daacadnimo iyo u heelnaanta dalka iyo dadkiisa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa Jannatul Firdaws ku abaalmariyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaag buuxa, tacsina la wadaagta shacabka iyo dowladda Nigeria, xilligan murugada iyo tiiraanyada leh”

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa maalmahan xanuunsanaa, wuxuuna ku geeriyooday dalka Ingiriiska isagoo 82 sano jir ah.

Allah unaxariiste Madaxweynihii hore Nigeria waxa uu dalkaa oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, xukumayay muddo 8 sano ah, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta, la dagaallanka musuqmaasuqa

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha JFS ku matalay Shirweynaha Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay Malabo

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo wakiil ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay xiritaanka Shirweynihii Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Malabo.

Shirkan heerkiisu sareeyo ayaa isu keenay madaxda Midowga Afrika, Ururrada Dhaqaalaha Goboleedyada (RECs), iyo dowladaha xubnaha ka ah Midowga, si loo xoojiyo iskaashiga istiraatijiyadeed iyo dadaallada lagu hirgelinayo himilooyinka Qaaradda Afrika.

Wafdiga Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey Wasiirku wuxuu si cad u adkeeyey muhiimadda mas’uuliyadda wadajirka ah, nabadda waarta, iyo is-dhexgalka goboleed ee loo siman yahay.

Soomaaliya waxay markale muujisay go’aankeeda ku aaddan taageeridda yoolalka Ajandaha 2063 iyo u doodista caddaalad, karaamo, iyo sinnaanta dhammaan dadka Afrikaanka ah iyo kuwa asal ahaan Afrikaan ah.

Wasiir Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka socda Booliiska caalamiga ah INTERPOL

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INERPOL, kuwaas oo uu hoggaaminayey Iskuduwaha Barnaamijka Hubka ee INERPOL Joaquim RODRIGUES oo maanta dalka soo gaaray.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ee ladagaallanka denbiyada isaga gudba xudduudaha dalalka caalamka, xog-isweydaarsiga, tababarrada, baaritaanka dembiyada abaabulan, ladagaallanka argagixisada, denbiyada internetka ee (Cyber security), iyo sidii loo kordhin lahaa istcmaalka iARMS- keyboard raadraaca hub sharci-darrada ah, ballistic information Network- Xogta raadraaca Rasaasta iyo Firearm Reference Table- xog ururin lagu aqoonsado hubka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga dadaalka Booliska Caalamiga ah iyo wadashaqeynta dhaw ee Dowladda Soomaaliya la leedahay Interpolka, taas oo kaalin weyn ka qaadatay yareynta danbiyada caalamiga ah, isla markaana kordhisa aqoon-kororsiga iyo xog-isdhaafiga ku saabsan dembiilayaasha caalamiga, isaga oo u ballan-qaaday xubnaha wafiga in ay sii dardargelin doonaan wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Interpol, maadaama Soomaaliya ay qeyb ka tahay dalalka xubnaha ka ah Booliska Caalamiga ah.

 

 

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Jowhar ka Daahfuray Ololaha Diiwaangelinta codbixiyaasha

0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan GMDQS ayaa maanta magaalaada Jowhar ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si rasmi ah ugu bilowday Dowlad gobolleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo dadweynihii kale ee goobta codbixinta soo xaadiray ayaa isdiiwaangeliyay, taas oo muujineysa ifadaalaha wanaagsan ee loogu dareeri karo doorasho dadweyne.

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

0

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Farxaan Xuseen Maxamed, ayaa ku soo dhaweeyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wafdi sare oo ka kala socday Jaamacadda Bariga Afrika ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyayaasha labada jaamacadood, Dr. Bashiir Maxamuud Cabdullaahi iyo Dr. Cabdirasaaq Takar.

Socdaalka wefdiga oo ujeedkiisu ahaa booqasho ku socota guud ahaan Bahda Garsoorka Dalka, ayaa si gaar aha maanta u soo gaaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, waxaana xoogga lagu saaray sare u qaadista xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada ee cilmi-baarista sharciga, wacyigelinta bulshada, fursadaha iyo aqoon iswaydaarsiga bahda garsoorka iyo bahda tacliinta sare.

 

 

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay laga fuliyay Gobolka Hiiraan ku dilay dilay ilaa Toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalkaan oo ka dhacay tuulada Buulo-xoog ee deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah ,kaas oo sidday hub iyo maleeshiyaad kale.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Khawaarijta, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan,isagoo ku sii jeeday deegaanka Buq-Aqable.

Howlgalka ayaa ku soo dhammaday si guul ah waxaa la xaqiijiyay in goobta uu ka dhacay brrgdiga cadowga lagu burburiyay gaadiid, hub iyo maleeshiyaad.

Waxaa jira muuqaallo caddaymo ah oo ay qabatay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka,kuwaas oo dhowaan loo soo bandhigi doono bulshada.

 

 

Maamulka Hirshabeelle oo kaalmo lacag ah gaarsiiyay ciidanka ku jira Martiini

0

Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ciidanka ee ku jira cisbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Guddigaan oo isugu jiray Xildhibaanno,wasiirro iyo Taliyaha ciidanka Boliiska ee Hirshabeelle ayaa booqday cisbitaalka Martiini ,halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray dagaalada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee la doonayo in lagu sifeeyo kooxaha khawaarijta ee weli ku dhuumaaleysanaya halkaasi.

Guddoomiyaha Guddigaasi Maxamuud Xuseen Bile oo horkacayey xubnaha Horshabeelle ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka ah ay gurmad caafimaad oo degdeg ah u fidiso illaa 3 ruux oo kamid ah ciidanka bukaanka ah ee ku jira cisbitaalkaasi.

Mas’uuliyiinta Hiiraan oo guddoomay deeq samofal ah oo loogu talagalay ciidanka

0

Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo odoyasha dhaqanka ayaa deeq kaalmo ah oo isugu jirtay lacag, raashin, xoolo nool garsiiyay madaxda iyo nabadoonno ku dhaqan Hiiraan.

Xafladdii guddoonsiinta deeqdaasi oo ka dhacday Degmada Maxaas,waxaa halkaasi lagu bixiyay lacag gaareysa konton kun oo dollar,tiro ari ah iyo in ku dhow toban neef oo geel ah.

Xafladdaasi waxaa ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Maxamed Cabdullahi, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud , Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye,Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed iyo xubno kale.

Deeqdaan oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinaayo ciidanka la dagaalamaya khawaarijta waxaa bixiyay mid kamid ah beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,kuwaas oo gartay in dadka walaalahooda ah ay ku garab istaagaan wixii samofal ah ee ay awoodaan.