Home Blog Page 137

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo kulan loga wadahadley xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ku yeeshay magaalada Djibouti.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kumannaan shacab ah Salaadda Ciidda kula oogay Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farxadda munaasabadda Ciidul Fidriga la qaatay qaar ka mid agoonta halyeeyada ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

4- Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Ciidamada Qalabka Sida ay guulo waaweyn ka soo hoyeen dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta argagixisada ah.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo fidiyay gogol watashi ah , iyadoo siyaasiinta ,oday dhaqamadda ,aqoonyahanadda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay soo dhoweeyeen.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa degaanka nambar 50 ee gobolka Shabeelada Hoose kula tukadey Salaadda Ciidul Fidriga Ciidammada Qalabka Sida iyo xoogagga xaq-u-dirirka ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.

8- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dooday dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo guulaha laga gaarey.

9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Salaadda Ciidul Fidriga kumannaan shacab ah kula tukaday Masjidka Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho.

10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Salaada Ciidul-Fidriga la tukadey Ciidamada Qalabka Sida iyo Geesiyaasha Shacabka ee ku sugan jiidaha dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

11- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa boqolaal shacab iyo ciidan ah Salaada Ciidul Fidriga kula tukadey Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

12- Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo degmooyin kala duwan ee magaalada Muqdisho kula ciiday shacabka.

13- Ciidamada difaaca madaniga ah Degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa hawlgal ka fuliyay deegaanka Cabdulle-Barbaar oo ku dhow nawaaxiga Ciid Ciidka.

14- Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Khawaarijta maleeshiyaad kor u dhaafaya 30 looga dilay hawlgallo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

15- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka ayaa si wadajir ah uga fuliyay Gobolka Bari hawlgal duqeyn ah oo lagu dilay maleeshiyada ka tirsanaa khawaarijta Daacish ISIS.

16- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Akademiyadda Jeneraal Kaahiye ku shir guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo Xoojinta amniga guud ee dalka.

17- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

18- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aaden oo ayaa magaalada London kaga qeybgaley munaasabad looga hadlay arrimaha nafaqo darrada.

19- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi ayaa Khadka teleefoonka kula hadlay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Djibouti Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa isbitaalka degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe ku wareejiyay shixnad daawo ah oo loogu talagalay ciidamada qaran ee dagaalka kula jira khaawaarijta.

21- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macalin Cali Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay si’ rasmi ah ugu biirtay Barnaamijka Siyaasadda ee Gaadiidka Afrika ee loo yaqaano (SSATP).

22- Afar Xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidamada amaanka ee ka howlgala magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

23- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr.Cali Xaaji Aaden ayaa kulan la qaatay Wasiirka Horumarinta Deeqaha Caalamiga ah ee wadanka UK Baroness Jenny Chapman.

24- Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiim Lukhmaan Xaaji ayaa xoolo nool ku wareejiyay ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee ka hawlgala galbeedka gobolka Shabeellada Dhexe.

25- Ciidanka Qalabka Sida ayaa fashiliyay isku day ay Khawaarijtu ku doonayeen inay ku soo weeraraan fariisimaha ciidanka dowladda ee deegaannada Sabiid iyo Caanoole oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

26- Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaaya kuwa deeganka ayaa dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta kadib hawlgalo ka dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

27- Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in diyaarad siddey 22 hawlwadeeno oo Qaramada Midoobay ka tirsan ay soo wajahday ay degdeg ugu soo degtay Garoonka Aadan Cadde iyadoo bed qabta.

28- Ciidanka Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubaland ayaa hawlgal ballaaran oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose.

29- Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Aljeeriya Mudane Axmed Attaf ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Algeria.Mudane, Yuusuf Axmed Xasan (Jeego).

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

1- President Hassan Sheikh Mohamud and President Ismail Omar Guelleh held a meeting in Djibouti to discuss strengthening brotherly relations and strategic cooperation between the two countries.

2- President Hassan Sheikh Mohamud led thousands of citizens in Eid prayers at the Isbahaysiga Mosque in Mogadishu.

3- President Hassan Sheikh Mohamud celebrated the joy of Eid al-Fitr with some of the orphans of heroes who were martyred in the just war to liberate the country from the Kharijites Al Shabab terrorists.

4- President Hassan Sheikh Mohamud has commended the Armed Forces for achieving major gains in the fight against the terrorist Khawarij.

5- President Hassan Sheikh Mohamud has called for a national consultation gathering, which has been welcomed by politicians, traditional elders, scholars, and various segments of society.

6- Prime Minister Hamsa Abdi Barre led the Eid al-Fitr prayers in KM 50 locality in Lower Shabelle region with the Armed Forces and civil defence forces in the fight against the Kharijites.

7- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has appointed a National Committee to Support the Fight Against the Kharijites Al-Shabab and ISIS.

8- The Cabinet has discussed the fight to eradicate Kharijites Al Shabab and the gains that have been made so far.

9- Second Deputy Prime Minister Abdisalam Abdi Ali led thousands of people in Eid al-Fitr prayers at the Ali Jimale Mosque in Mogadishu.

10- The President of the Hirshabelle State, Ali Abdullahi Hussein, prayed Eid al-Fitr with the Armed Forces and the people’s heroes in the battle fields against the Kharijites in the Middle Shabelle region.

11- The Commander of the Somali National Army and the Director of the National Intelligence Agency (NISA) led hundreds of civilians and soldiers in the Eid al-Fitr prayers in Aden Yabaal district of Middle Shabelle region.

12- A number of Ministers from the Federal Government of Somalia celebrated with the people in various districts of Mogadishu.

13- Civil defense forces in Mahadday district of Middle Shabelle region conducted a military operation in the Cabdulle-Barbaar area, near the Ciid Ciidka area.

14- The Somali Ministry of Defense said that more than 30 Kharijites militia members were killed in operations in areas of the Lower Shabelle region.

15- The Federal Government of Somalia and the US Africa Command (AFRICOM) have jointly carried out a strike in the Bari region, killing ISIS militants.

16- The Commander of the Somali Police Force, Brigadier General Asad Osman Abdullahi, chaired a meeting at the General Kahiye Academy to discuss accelerating the fight against the Kharijites and strengthening the country’s overall security.

17- The Minister of Labor and Social Affairs, Mr. Yusuf Mohamed Aden, held a fruitful meeting with the Ambassador of the Republic of Italy to Somalia, Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

18- The Minister of Health and Social Welfare, Dr. Ali Haji Aaden, participated in an event in London to discuss malnutrition issues.

19- The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ambassador Ahmed Moallim Fiqi, spoke by telephone with the new Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of Djibouti, Ambassador Abdulkadir Hussein Omar.

20- The Chairman of the National Disaster Management Authority, Mahmoud Ma’alin Abdulle, handed over a shipment of medicine to the Adale District Hospital in the Middle Shabelle region for the national forces fighting the Kharijites.

21- The Director General of the Ministry of Transport and Civil Aviation, Bashir Moalim Ali Hassan, said that Somalia has officially joined the Sustainable Africa Transport Policy Program (SSATP).

22- Four members of the Kharijites Al Shabab have surrendered to security forces operating in the city of Baidoa, Bay region.

23- The Minister of Health and Social Welfare, Dr. Ali Haji Aaden, met with the UK Minister for International Development, Baroness Jenny Chapman.

24- The Speaker of the Hirshabelle State Parliament, Abdihakim Lukhman Haji, has handed over livestock to the regional re-liberation forces operating in the western Middle Shabelle region.

25- The Armed Forces have foiled an attempt by the Kharijites to attack government army posts in the Sabiid and Canoole areas of the Lower Shabelle region.

26- The Somali National Army, in collaboration with local forces, killed more than 40 members of the Kharijites after operations in the Middle and Lower Shabelle regions.

27- The Director of the Somali Civil Aviation Authority, Ahmed Macalin Hassan, said that a plane carrying 22 UN personnel encountered a problem and then made an emergency landing at Aden Adde Airport, safely.

28- The Danab Commandos and Jubaland Darwish forces have carried out a large-scale operation against the Kharijites in the Lower Juba region.

29- The Minister of Foreign Affairs of Algeria, Mr. Ahmed Attaf, received the credentials of the new Somali Ambassador to Algeria, Mr. Yusuf Ahmed Hassan (Jeego).

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo xoojisay ka hortagga Tahriibka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda qaran ee ay ugu xil-saarantahay Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya waxa ay muddooyinkii u dambeeyay xoogga saartay ka hortagga, la dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxa ay todobaadyadii ugu danbeeyay hakisay tiro socdaal sharci darro ah oo ay ku tahriibayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo da’dooda u dhaxeyso 18-25 sano, una safrayay wadamada qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.

Sadexdii bilood ee ugu danbeeyey ee sanadka 2025, Hay’addu waxa ay ka hortagtay 124 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo qorshayneeyey in ay bilaabaan safaradooda tahriibka ah, iyagoo u safraaya qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.

Dhammaan dhallinyarada lagu helay cadaymo muujinaya in ay tahriibayeen ayaa lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh ee JFS.

Hay’adda waxaa waajib ka saaranyahay badbaadinta mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed si aanay ugu hallaagsamin badaha iyo khataraha kale ee uu leeya-hay tahrribku,, sidaas awgeed hay’addu waxay waalidiinta Soomaaliyeed ku baraarujineysaa ka warqabka dhaq-dhaqaaqa ubadkooda si aan wadajir uga badbaadino khataraha ay la kulmayaan muddada ay safarka tahriibka ku jiraan.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxa ay kaalin buuxda ka qaadaneysaa hakinta socdaalka sharci darrada ah, iyadoo diyaarin doonta barnaamijyo wacyi-gelin ah si dhallinyarada Soomaaliyeed fahan buuxa uga helaan khataraha ay wajihi karaan.

Maadama hay’adda uu waajib ka saaranyahay badbaadinta dhallinyaradda Soomaaliyeed waxay guud ahaan hakisay socdaalka dadka aan-qaangaarin iyo kuwa lagu qabto cadeymo muujinaya in ay tahriib u socdaan, waxayna hay’addu dabagal iyo baaritaan ku sameyneysaa shaqsiyaadka iyo shirkadaha ka shaqeeya arimaha socdaalka (Travel Agencies) kuwaas oo ku lug leh tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxa ay dhiirigelinaysaa wadashaqeyn dhex marta waalidiinta Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, iyo ganacsatada Soomaaliyeed si looga miro dhaliyo dadaalada looga hortegayo tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah.

Afhayeenka Booliska “Ciidanka Booliska waxa ay qeyb ka yihiin ciribtirka Khawaarijta”.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in howlgallada ciidanka aysan ku koobaneyn caasimadda Muqdisho, balse ay qeyb ka yihiin dadaallada gobolada oo dhan ee lagu xoreynayo dalka kooxaha Khawaarijta.

Afhayeenka, oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka, ayaa sidoo kale faahfaahiyay shaqada ciidanka booliska ee sugidda amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaanada dowlad goboleedyada. Waxuu caddeeyay in ciidanka booliska ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan falalka amni darro iyo inay ka hortagaan khataraha ka iman kara kooxaha Khawaarijta.

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka booliska ay guulo ka gaareen la dagaallanka falalka tuugada iyo dhaca moobeylada, isagoo sidoo kale muujiyay sida ay uga go’an tahay dhammeystirka howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Guddiga Qaran u Magacaabay Taakuleynta Dagaalka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.Guddigan ayaa ka mid ah qorshayaasha dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo dadaallada dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, waxaana loogu talagalay in la helo taageero, iskaashi, iyo dardar-gelin lagu xaqiijinayo guulaha horey looga gaaray dagaalka.

Guddiga ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, waxaana xubnaha guddigan laga soo xushay qaybaha kala duwan ee dowladda iyo qaybaha bulshada si loo helo wadashaqeyn buuxda oo la isku afgartay. Xubnahani waxay ku hawlan doonaan taageero dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada caafimaadka, iyo qoysaska ay ku dhacaan dhibaatada dagaalka, si loo daboolo baahiyaha dadka ku barakacay iyo ciidamada la dagaallamaya Khawaarijta.

Magacaabista guddigan ayaa waxaa loogu talagalay inay horumariso maamulka iyo maaraynta habka dagaalka, iyadoo la adeegsanayo xirfadaha iyo khibradaha xubnaha guddiga. Waxa kale oo la filayaa in guddigu uu kor u qaado howlaha socda ee dib-u-dhiska iyo taageerada loogu talagalay bulshada ku nool deegaanada ay dagaallada ka jiraan.

Dadaallada iyo qorshayaasha guddigan waxay qeyb ka yihiin qorshaha guud ee dowladda Soomaaliya ee lagu xoojineyo nabad-gelyada, horumarinta dhaqaalaha iyo ka hortagga khatarta argagixisada ee gobolka. Waxay sidoo kale muhiimad gaar ah leedahay, maadaama ay dowladda Soomaaliya rajeyneyso inay si rasmi ah ugu gacan-siiyaan bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamada dowladda ee kula dagaallamaya kooxaha Khawaarijta.

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Khawaarijta, isla markaana caddeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha Qaranka u halgamaya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii ciidda, isaga oo golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka Qaranka.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa golaha la wadaagtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira, iyada oo Wasaaraddu caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.

Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay muddo xilleedka.

Ducaalle Axmed “Markii aan ku biiray khawaarijta ayey ii deyriyeen waalidkayga”.

Ducaalle Axmed ayaa sheegay in markii uu ku biiray Khawaarijta ay si xun ula dhaqmeen waalidkiis, isla markaana ka dhigeen mid aan qiimeyno u laheyn. Sida uu sheegay, waxa ay waalidkiisa ka eryeen guriga, taasoo muujinaysa dhibaatada ay u geeysteen Khawaarijta.

Ducaalle oo ka hadlay sameeynta kooxda ee dhalinyarada, wuxuu sidoo kale iftiimiyay sida khawaarijta ay dhalinyarada u soo jiidato, iyadoo u soo bandhigaysa fursado aan run ahayn oo ku saabsan awood, lacag, iyo magac. Wiilkan ayaa ka digaya in dhalinyarada kale ay ku dhici karaan khatartaas.

Waraysigan wuxuu sidoo kale u muujinayaa bulshada in laga hortagi karo fikirka xag-jirka ah, iyo in dadka ay dib ugu laabtaan bulshada iyagoo helaya taageero iyo fursado ka fiican kuwa kooxda

Waxaa muhiim ah in dadku ogaadaan in kooxaha Khawaarijta ay adeegsadaan dhaqamo iyo fikirro xad-gudub ah oo diidan qiyamka aasaasiga ah ee bulshada iyo ilaalinta xuquuqda bini’aadamka. Haddii ay jiraan dad horay ugu biiray kooxahaas, taageero iyo wacyigelin ayaa lagama maarmaan ah si ay uga baxaan jidkaas khaldan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kula kulmay Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, iyadoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen walaalnimada iyo iskaashiga Labada dal, kaas oo ku salaysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyey doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayeynta hay’adaha ammaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

Gudiga abaabulka dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo lagu wareejiyay deeqo kala duwan

Beelaha ku nool bariga gobolka Galgaduud ayaa mar kale muujiyay taageero xooggan ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo beel ka mid ah beelaha deegaannadaas ay deeq xoolo iyo raashin ah ku wareejiyeen gudiga abaabulka dagaalka. Deeqdan, oo ka kooban xoolo nool iyo raashin, ayaa lagu taageerayaa ciidamada iyo dadka ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo u baahan taageero joogto ah si ay u fulin karaan howlgalada nabadgelyada iyo amniga ee ka socda deegaannadaasi.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gudiga abaabulka dagaalka, deeqdan waxa ay qeyb ka tahay taageerada bulshada ee ka imaanaysa beelaha gobolka, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta iyo in dadka deegaanka lagu dhiirrigeliyo inay ka qeyb qaataan dadaallada xasilloonida iyo nabad-gelyada. Sidoo kale, deeqda raashinka iyo xoolaha ayaa loogu talagalay inay ka caawiso dadka iyo qoysaska ku nool meelaha ay dhibaatada ka jirto, gaar ahaan kuwa ku jira xaalado adag iyo barakacayaasha.

Xubno ka tirsan maamulka iyo odayaasha dhaqanka ee beesha ayaa sidoo kale si xooggan u sheegay inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna ka codsadeen dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah in ay ka qeyb qaataan gargaarka iyo taageerada loo baahan yahay si loo dhiso mustaqbal nabadeed oo ka wanaagsan. Deeqdan ayaa sidoo kale muujineysa in dadka degaannadaasi ay ka go’an tahay ka hortagga kooxaha argagixisada ee ku soo duulaya bulshada, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay difaacaan dhulkooda iyo dadka Soomaaliyeed.

Dadaallada beelaha bariga Galgaduud dagan ee xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa muujinaya midnimo iyo taageero dhanka bulshada ee dhinacyada amniga iyo horumarka ee dalka. Beelaha deegaanka ayaa sidoo kale diyaar u ah inay gacan ka geystaan sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida deegaankooda.