Dowladda iyo mucaaradka oo ku heshiiyey qodobo muhiim ah

Date:

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada qaran, xasilloonida siyaasadeed, iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska Soomaaliyeed, ayaa Dowladda Federaalka iyo qayb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ahna xubin kamid ah Golaha Shacabka, haddana ah Guddoomiye ku xigeenka Madasha Samatabixinta; Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed; Raโ€™iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmaarke; Wasiir hore Daahir Maxamuud Geele, ahna Afhayeenka Madasha Samatabixinta) waxay si wadajir ah u soo saareen qodobadan soo socda:

1. Waxaa la isla gartay adkeynta madax-bannaanida iyo midnimada JFS.

2. Waxaa la isku raacay in laga wada qeyb qaato xoojinta amniga dalka iyo dadaallada dib u xoreynta deegaannada ay wali ku sugan yihiin khawaarijta.

3. Baarlamaanka Federaalka ayaa dooranaya Madaxweynaha JFS, sidoo kale Golayaasha Wakiilada Dawlad Goboleedyada ayaa dooranaya Hogaamiyaasha iyo hogaamiye ku xigeenada dowlad-goboleedyada.

4. Madaxweynaha ayaa leh awoodda uu ku magacaabo Raโ€™iisul Wasaaraha JFS, iyadoo uu ansixinayo Golaha Shacabka, kalsoonidana kala noqon karo.

5. Waxaa la isla gartay in ururkii ka hela ugu yaraan 10% ee xubnaha baarlamaanka fadaraalka noqonayo xisbi qaran.

6. Hannaanka doorashada dalka waxaa lagu salaynayaa Xeerka doorashooyinka 2024 iyadoo la tixgalinayo qodobada war-murtiyeedkan ku xusan.

7. Waxaa lagu heshiiyey in si dhakhso ah loo gudagalo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo tan Dowladda Federaalka.

8. Waxaa lagu heshiiyey in sida ugu degdega badan loo dhameystiro cutubyada wali harsan ee Dastuurka Federaalka si loo sugo sharciyadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

9. Waxaa la isku raacay in si wada-jir ah (muxaafad iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geedi-socodka doorashada tooska ah (qof iyo cod), oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka, Golayaasha Wakiilada ee dowlad-goboleedyada iyo labada Aqal ee Baarlamaan Federaalka JFS.

BAAQ:

10. Iyadoo laga ambaqaadayo, isfahankan laga gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, waxaan ugu baaqeynaa daneyayaasha siyaasadda in loo midoobo lagana wada qeybqaato dhameystirka geedi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...