Maamulka gobalka iyo hey’adaha amniga oo la wadaagay shacabka khasaarihii ka dhashay roobabkii da’ay.

Date:

Muqdisho, 20 Maajo 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiey xaaladda saameynta roobabkii xalay ilaa iyo maanta ka da’ayey caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in 6 qof ay ku geeriyoodeen isla markaasna 301 guri ay biyo galeen halka qaar kalana ay dumeen.

Duqa Muqdisho oo warsaxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa yiri “Roobabkii ka da’ayey caasimadda tan iyo xalay oo ahaa nimco rabbaani ah ayaa saameyn ku yeeshay naf iyo maalba. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo xalay waday gurmad oo dadkii saameynta ku yeelatay la geeyey goobo isla markaasna loo diyaariyey raashin iyo hooy.”

Eng. Yarisow ayaa sheegay inuu warbixin xaalada ka siiyey Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha ciidanka Qaranka. Ka dibna Madaxda Qaranka ay fareen in gurmadka la labolaabo, iyadoo ciidamada loo diyaariyey inay kaalin ka qaataan gurmadka.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir ay wadaan gurmad joogta ah sida biyaha oo laga dhuuqayo goobaha ay fariisteen, dadka loo diyaariyey hooy iyo raashin iyo in dhowaan la guda gali doono nadaafada caasimada si laamiyada burburay loo dayactiro.

Ugu danbeyntii Guddoomiye Yarisow ayaa shacabka ugu mahadceliyey doorkooda ku aadan gurmadka kana codsaday in dadka tabaaleysan loo gurmado

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...