Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Date:

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo caalami ah dhinaca feerka, isla markaana hanatay guulo isdaba joog ah, ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa sheegtay in guusha Ramla Cali ay tahay mid Soomaaliya u soo hoysay sharaf weyn.

Wasiir Khadiija ayaa tiri: “Ramla Cali waxay adduunka ku matashay calankeenna Soomaaliyeed, waana ku faraxsanahay inaan maanta dalkeeda hooyo kusoo dhaweyno.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cusmaan oo soo dhaweynta qeyb ka ahaa ayaa yiri “Feeryahanad Ramlo Cali waxay muujisay inay gabdhaha Soomaaliyeed yihiin kuwa adkeysi badan oo fagaarayaasha caalamka wacdaro ka dhigi kara.”

Dhankeeda, Ramla Cali oo warbaahinta la hadashay ayaa u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan intii soo dhoweynta u sameysay, iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in guushaas ay la wadaagto ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...