Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Jabuuti

Date:

Jabuuti, 5-ta Luulyo, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-7 bishan Luuliyo ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb galay saaka furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha martida loo yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga.

Madaxweynaha oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in furitaanka Aagan ka Caagan Canshuuraha ee Jabuuti ay ka turjumeyso in dalkan uu u diyaar garoobay tartanka ka socda caalamka ee lagu xoojinayo kobcinta iyo isdhex galka dhaqaalaha adduunka iyo kan gobolka.

“Hawshan waxaa galay waqti badan, shaqo badan, aragti fog iyo hoggaan wanaagsan oo uu hormuud u yahay walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle taasoo iyadana ku timid wadashaqeynta shacabka iyo Dowladda Jabuuti.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La Taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...