Wasiir Geelle “Dowladda waxa ay ku mashquulsan tahay badbaadinta dadkeedii lagu dhaawacay weerarkii wasaaradda Arrimaha Gudaha”

Date:

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Daahir Maxamuud Geelle wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo shir jaraaโ€™id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa hadalkiisa ku billaabay โ€œ kooxdii argagixisada aheyd maanta waxa ay weerar ku qaadeen xarunta wasaaradda Arrimaga Gudaha, weerarka waxa uu ahaa mid Qarax lagu bilaabay kaddibna malleeshiyo hubeysan ayaa gudaha wasaaradda gashay, ciidammada amniga ayaa ย isla markiiba ย la fal falgashay dhagarta cadowga, waxaana la laayey dhammaan malleeshiyadii weerarka soo qaadayโ€.

Wasiir Geelle ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, dowladda Soomaaliyana ay ku mashquulsan tahay sidii gurmad caafimaad loogu ย fidin lahaa dadkii masaakiinta ah ee ay Al-shabaab ku dhaawaceen xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dadkii waddada marayey, ciddii caafimaad dibedda ah u baahanna u diyaar ย ula tahay dowladda Soomaaliya.

โ€œciidammada amniga saacado yar bey ku qaadatay in ay soo afjaraan cadowga, waxaana deggan xaaladda goobtii uu qaraxa ka dhacay, marnaba kama niyad jebi doonaan dowladda iyo shacabkeeda ficillada cadowga mar walbana dowladda Soomaaliya waxaa ka goโ€™an in ay sii waddo dedaalka loogu jiro in dalka oo dhan laga nadiifiyo kooxahan argagixsada ahโ€ ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

โ€œmagaca Al-shabaab haddii aad maqashaan waxaa idin ku soo dhacaya dagaal, qarax, ย Buundo la dumiyey, qof la dilay shacab la laayey, gargaar waddooyinka loo galay iyo ficillo kale oo badan oo ay ka mid yihiin haddii ay abaaro dhacaan dadka ma gargaaraan ee gurmadka la siiyo ayeey ka qaataan, laakiin dowladnimada waa horumar dhismo daryeelka shacabka iyo in mustaqbalka dalkeenna aan ka wada shaqeynno sidii aan u dhisan lahayn. Waxaa yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in weli lagu howlan yahay dhammeystirka macluumaadka ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkii Argagixiso, wixii faah-faahin ahna ay dib ka soo sheegi doonto dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale