Home Blog Page 1273

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku casuumay wiil dhallinyaro ah

0

Muqdisho(SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marti qaad u fidiyey wiil Soomaali ah oo ku nool dalka Maraykanka, kaas oo ku guuleystay tartanka Quraanka Kariimka ah.

Axmed Burhaan Maxamed oo ku guuleystay abaalmarinta Dubai ee caalamiga ah, isagoona ka guuleystay in ka badan 100 qof oo adduunka ka kala yimid, kuna tartameyey Quraanka Kareemka ah ayaa lagu wadaa toobaadkan in uu soo gaaro Soomaaliya.

Axmed oo 17 jir ah ayaa u sheegay warbaahinta dalka Maraykanka in uu aad ugu  faraxsan yahay xiriirka ay la soo sameysay Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaasna ay qiimoweyn u leedahay in uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo.

“Waa wax aad u farxad badan, ma aanan fileynin. Waxay iiga dhigantahay maamuus iyo ixtiraam aad u badan.”ayuu yiri Maxamed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tan iyo xilka inta uu qabtay waxa uu maamuus iyo marti qaad u sameeyey qaar ka mid ah dadka hal abuurka leh sida abwaanno,qorayaal, ciyaartooy  farshaxanaystayaal, iyo dhallinyaro kaalimaha hore ka galay tartannada Quraanka Kareemka ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socda Dawladda Belgium

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo uu wehliyey Taliyaha hoggaanka baarista Dambi baarista ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kadiye, ayaa maanta  kulan la qaatay Masuuliyiin ka socda Dawladda Belgium oo lagu kala magacaabo Micheal iyo Alfonso, kuwaasi oo magaaladda Muqdisho soo gaaray.

Kulankaasi, aya sidoo kale waxaa goob joog ahaa Madaxa Howlgalka EUCAP Ms Maria Cristina Stepanescu iyo Saraakiil kale, waxaana ay kawada hadleen Qodobo dhowr ah oo arrimaha Soomaaliya Quseeya.

Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa Masuuliyiinta ka socda Dalwadda Belgium waxay kawada hadleen Horumarinta Mashaariicda dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska, dhismaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Qodobo kale.

Dalwadda Belgium, ayaa ballan qaaday in kaalin weyn ay ka qaadan doonto horumarinta, dhismaha iyo Qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u noqdaan kuwa isku filan oo ku guuleysta in ammaanka dalka gacanta ay ku dhigaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 

Ku simaha Madaxweynaha Dalka iyo wefdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo (SNTV) Wafdiga uu hogaaminayo kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Baydhabo kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ay Ka mid yihiin Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Koonfur Galbeed iyo sidoo kale qeybaha bulshada.

ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka K/gaalbeed Mudane Cabduqaadir Shariif sheekhuna Maye oo warbaahinta la hadlay ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxa uu wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu kusoo dhoweeyay Magaaladda Baydhabo.

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u mahad celiyay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta Baydhabo gaaray.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u furi doona Kalfadhiga 5-aad ee Golaha wakiilada dowlad goboleedka koonfur gaalbeed.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo sii deysay sarkaal xigeen loo heystay dilka askari.

Muqdisho (SNTV)-Ciidamamada Danabad oo ah kuwa si gaar ah u fuliyay howlgallada lagula dagaalamayo maleeshiyada Nabad-diidka ah ee Alshabaab ayaa iyaga oo fulinaya mid ka mid ah howlo qorsheysan oo ay ku raad joogaan hor jooge ka tirsan kooxda  Alshabaab, waxa ay la kulmeen Cali Cismaan Ibraahim (sankubaay) oo ka tirsan ciiamada Boliska Soomaaliyeed kedib markii ay gafeen u jeedka halka ay u socdeen.

Intaas kedib Isfahan waa soo kala dhex galay ayaa sababay in is rasaa-seyn dhex marto ciidamadii waday howlgallada qorsheysan iyo sarkaal xigeenkan ka tirsan Ciidamada Booliiska waxa ayna sababtay dhimashada  mid ka mid ah ciidamadii howlgallada waday iyo dhaawaca sarkaal xigeenkan ay maxkamadda sii deysay.

Arrintaas kedib ayaa xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida waxa soo gaaray kiiska la xiriira dhacdadan isgafka ku timid ee u dhaxeysay ciidamada, waxaana fadhiyo maxkamadeyd iyo dodo  dheer kedib horey Maxkamadda D, 1-aad  ugu xukuntay sarkaal xigeenkan in la siiyo xurriyadiisa isla markaana taliska Ciidanka xoogga dalka uu bixiyo magte askarigii ku dhintay isku dhacaasi.

Intaas kedib ayaa qareenka u dooday  askari geeriyooday  ehelkiisa waxa ay qaateen rafcaan iyagoo ku doodaya in aysan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda D, 1-aad eey horay u riday  taariikhdu markey aheyd 04.02.2018 .

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbashay rafcaanka Maxkamadda D,1-aad laga soo qaatay, waxa ayna ugu dambeyn go’aaka ku gaareen Garsoorayaasha Maxkamadda Sare in taliska Ciidanka Xoogga dalka uu bixiyo

  • Diyada Marxuum,,,,
  • In la bixiyo 50-halaad oo geel ah oo ah Megta Isha sarkaal xigeenka iyo
  • 5-kun oo dollar oo lagu qiimeeyay bur-bur hantiyadeed iyo dhaawac jirka kale.

 

Sidoo kale Maxkamadda saree ee ciidamada qalabka side amar ku bixisay K/L Bol. 4225 Cali Cismaan Ibraahim (Sankubaayo) si deg-deg ah xabsiga looga siidaayo hadii uusan u xirneyn Dembi kale.

sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda ka qeyb galayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida S/guuto Liibaan Cali Yarow.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ah meesha ugu dambeyso ee go’aan looga gaaro kiisaska horey ay u soo xukumeen Maxkamadda D, 1-aad.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda

Muqdisho, July 03, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer hawleed ku tegay wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay wasiir Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo uu kala hadlay dardar gelinta shaqada wasaaradda iyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa intii kulanku socday waxa uu Ra’iisul Wasaare Khayre uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arrimaha cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirka faray in uu laba jibbaaro dadaalka ay wado ee qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay dalka si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah Soomaaliya in ay dhaqaalaha ka gaarto horumar la taaban karo.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogteynta ee Ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Cafinta deynta waxa ay Soomaaliya u horseedaysaa horumar dhan walba ah iyo maal-gelin ay dalka ku samaystaan dalalka adduunka taas oo soo kordhinaysa shaqo abuur iyo in laga dhabeeyo himilada ummadda Soomaaliyeed.

Al-shabaab “dhiigga shacabka Muqdisho deggan ALLE ayaan ugu dhowaaneynaa”

Shalay gelinkii hore kooxo dhagar-qabeyaal ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa iyo baabuur walxahaas laga soo buuxiyey ayaa weeraray xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka dhashay khasaare dad aan waxba galabsan oo rayid ah.

Horjoogaha lagu magacaabo Cabdul-casiis Abuu Muscab ee ay Al-shabaab ku yaqaannaan in uu yahay Afhayeenkooda ayaa yiri hadallada soo socda.

“nin ka tirsan kuwa is qarxiyey ee Al-shabaab, gaari uu waday iyo  rag hubeysan oo la socday ayaa isku qarxiyey xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, kuwaas oo aan ka soo dirnay xarumaheenna, khasaaraha cadowga gaaray waa mid badan dhimashada 20 qof oo aan annaga u naqaanno Murtadiin  ayaana ku geeritootey iyo dhaawac badan, taas waa farxaddeenna waa in aan ALLE ugu dhowaannaa daadinta dhiigga kuwa na diidey” ayuu yiri  Horjooge  Cabdul-casiis Abuu Muscab

Horjooge Cabdul-casiis ayaa sheegay in Al-shabaab aysan aqoonsaneyn shacab deggan magaalada Muqdisho oo ay dhammaantood  u garanayaan Murtadiin, waa hadalladii ay Al-shabaab ka jeediyeen weerarkii shalay

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa shalay yiri hadalladaan “magaca Al-shabaab haddii aad maqashaan waxaa idin ku soo dhacaya dagaal, qarax,  Buundo la dumiyey, qof la dilay shacab la laayey, gargaar waddooyinka loo galay iyo ficillo kale oo badan oo ay ka mid yihiin haddii ay abaaro dhacaan dadka ma gargaaraan ee gurmadka la siiyo ayeey ka qaataan, laakiin dowladnimada waa horumar dhismo daryeelka shacabka iyo in mustaqbalka dalkeenna aan ka wada shaqeynno sidii aan u dhisan lahayn”.

Ciidammada Xoogga dalka oo Al-shabaab ku weeraray aag ku dhow Jammaame

Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbalaan ayaa howlgal sii qorsheysnaa ku qaadey Tuulada Muuse Xaaji oo ku dhow  degmada Jammaame ee gobolka Jubbada Hoose,  halkaas oo ay saldhig ku laahayeen malleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab.

Taliska qeybta 43-aad ee ciimmada Xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyey in si lama filaan ah ay ciidanka ugu galeen Al-shabaab dhowr xarumood oo ay ku sugnaayeen iyagoo aan ka war heyn, taasna ay gaarsiisay jab aad u xooggan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu gaaray Al-shaabab, lagana furtey Gaadiid, Hub iyo Walxaha ay qaraxyada ka sameeyaan.

Wixii ka soo kordha la soco

Kow iyo Toban Arday Soomaali ah oo heley Deeq Waxbrasho Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka

0

USA-(SNTV)-Sanad walba xilligan oo kale waxaa Magaalada Columbus Ohio ee Dalkan Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu talo galay Ardayda dhamaysatay Dugsiyada Sare iyo kulliyadaha kala geddisan ee Gobolka Ohio.

Xafladdan oo ay qeybaha bulashada, madaxda gobolka iyo ardada intuba ka soo qeybgalaan waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 9 Sano ah Hay’adda SomaliCAN, oo ah hay’ad u adeegta bulshada, waxaana laf dhabar u ah Prof. Jibril Mohamed.

Waxaa goobta ka hadlay madaxda Dowladda hoose, tan Gobolka iyo heer Qaran, Cabdikhayr Soofe oo ah xiriiriyaha xafiiska Duqa Magaalada, Abuukar Osman Balle, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay iyo Masuuliyiin kale.

Doorka waalidiinta Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid aan qarsoomi karin, iyada oo loo mahad celiyay waalid walba oo Ubadkiisa gaarsiiyay meel uu ka sii socon karo isla markaana Tusaale wanaagsan u noqon kara Jiilasha la siman.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo qeybgasha xafladan Sanad walba waxa ay ka helaan deeqo waxbarasho iyo dhiirranaan ay ku sii wataan waxbarashadooda.

Deeqaha waxbarasho waxaa Gacan weyn ka geysta qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayay bulshada Soomaaliyeed.

Sanadkan waxaa abaalmarin la gudoonsiiyay 11 Arday oo kala ahaa Shan wiil iyo Lix gabdhood, waxayna qeyb ka ahayeen Arday badan oo aan ku soo bixin Qori-tuurkii loo sameeyay Ardayda.

1      Sumayah Aden, Dublin Coffman High School

2      Salma Mohamed, Westerville Central High School

3      Safia Hersi, Westerville Central High School

4      Omar Jeylani, South-Western Career Academy

5      Mohamed Awil, Mifflin High School

6      Mohamed Abdulahi, Horizon Science Academy

7      Maryam Bafadal, Franklin Heights High School

8      Kiin Ali, Franklin Heights High High School

9      Fardowsa Dahir, Hilliard Bradley High School

10   Abdulkhabir Hassan, Connections Academy

11   Abdifatah Warsame, Franklin Heights High School

Taageerada iyo deeqaha waxbarasho ee ardaydan la siiyay waxaa gacan ka geystan meherado Soomaaliyeed iyo kuwo Soomaalida la shaqeeya oo ay ka mid yihiin:

Flickinger Legal Group, Fifth Third Bank, Focus, FCCS, CareSource, Columbus CRC, OSU AAAS, the Buckeye Ranch, Zenith Academy, OSU Social Work, Denison University, Hiiraan Online, Midnimo Middle,  MAS, Twinkle Star, Enhanced, iyo kuwo kale oo baddan

Barnaamijka qalin-jebinta iyo deeqaha waxbarashada Ohio ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo dedaalka dheeriga ah ee Ardayda iyo waaliddiinta Soomaaliyeed ka sameeyaan dhanka waxbarashada taas oo si weyn uga dhex muuqata marka loo eego qowmiyadaha soo galootiga ah.

Dhiira-gelinta iyo qabashada xafladaha noocan oo kale ah ee Sanad walbala qabto waxay niyad dhis iyo baraarug u noqotaa dhallinyaro badan oo ku dhiirraday in ay dib ugu laabtaan waxbarashadoodii ay ka tageen kal hore.

Xafladda qalin-jebinta ayaa ku soo dhammaatay farxad iyo rayrayn iyada oo waaliddiinta iyo madaxda bulshadu hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen Ardada ku guulaysatay deeqaha waxbarasho iyo dhammaan Ardada ka baxday Dugsiyada sare iyo jaamacadaha Ohio Sannadkan 2018.

Deeqo Shire (SONNA)

Columbus Ohio

Dowladda Turkiga oo cambaaraysay qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho

Ankara-(SNTV)-War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Turkiga ayaa lagu cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee Shalay lala eegtay xarunta wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya ee Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ka murugoonayaan Shacabkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii gardarrada ahaa ee ay argagixisadu ka geysteen Muqdisha, iyadoo ehelada Dadkii ku Naf waayay Alle ugu bariday samair inuu ka siiyo, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiiyo.

“Waxaannu cambaaraynaynaa weerarkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisadu ugu dan lahaayeen iney ku carqaladeeyaan ammaanka iyo xasilooniga Soomaaliya, waxaannu ugu tacsiyadeynaynaa qaraabada Dadkii ku dhintay, kuwa dhaawacana waxaannu u rajeynaynaa Caafimaad” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga.

Hadalkankan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Dowladda Turkigu sii wadi doonto is Garab taagga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

Isha/ Anadolu

Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xalay isbitaalada ku booqday dadkii dhaawacmay

Muqdisho(SNTV) Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliyeed Mudane  Amb Maxamed Mursal SHeekh C/raxmaan Ayaa xalay Isbitaalada Ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacymay weerarkii argagixisanimo ee shalay ka dhacay xarunta wasaaradd arrimaha gudaha

Guddomiyaha Ayaa Booqday Isbitaalka Digfer iyo Isbitaalka Madiina,Isagoona warbixin ku aadan xaaladda bukaanada isbitaalada la dhigay uu ka dhageystay maamulada iyo dhaqaatiirka isbitaalada lagu dabiibayo dhaawacyadaasi.

Mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa alle uga baryay dadka bukaanada ah in uu bogsiiyo,isagoona dhanka kale eleda iyo dhacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii ku nafwaayay weerarkaasi bahalnimada ahaa.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ugu baaqay shacabka in hay’adaha amnigu ay gacan ka siiyaan sidii looga hortagi lahaa falalka argagixisanimo.