Home Blog Page 1262

Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay dib u furidda waddooyinkii xirnaa

0

Muqdisho (SNTV) Shacabka Muqdisho ayaa si caadi ah u isticmaalaya wadooyinka magaalada Muqdisho oo xirnaa maalmihii u dambeeyey, kadib markii kulanka Guddiga Amniga Qaranka laamaha amniga lagu faray in ay furaan waddooyinka muhiimka ah si shacabku ay u isticmaalaan.

Isgoysayada furan ee shacabku ay isticmaalayaan waxaa kamid ah kuwa dhexmara waddada Wadnaha tan Makka Al-mukaramah iyo kuwa kale oo badan oo xiligaan ay si caadi ah u isticmaalayaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Arrintaan ayaa durbadiiba waxaa soo dhaweeyay shacabka magaalada Muqdisho oo Dowladda ku ammaanay sida ay ula socoto rabitaanka shacabka oo maalmihii dambe dalbanayey in la furo qaar kamid ah waddooyinka magaalada, iyadoo qaar kamid ah shacabka oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ay ku tilmaameen arrintan mid muujineysa iska warqabka Dowladda iyo Shacabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, taasi oo keentay in Guddiga Amniga Qaranka ay  go’aamiyeen in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinkii xirnaa sida  Soddonka, Makka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Taliyaha Booliska iyo Michel keating oo gaaray Gaalkacyo

Gaalkacyo (SNTV) Waxaa goor dhow magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaaray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ay wehliyaan Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michel keating iyo saraakiil kale.

Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey saraakiil katirsan ciidanka Booliska iyo masuuliyiinta magaalada Gaalkacyo.

Wefdigaan ayaa magaalada u gaaray sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen howlaha amni xaqiijinta ah ee magaaladaasi ay ka wadaan ciidanka isku dhafka ah ee loo xilsaaray xasilinta magaalada Gaalkacyo ee ka kala socda Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Michel Keating ayaa kormeeray Saldhigga Booliska ee Shabeel oo xarun u ah ciidanka isku dhafka ah, iyagoo halkaasi warbixino uga qaatay saraakiisha hogaamineysa ciidanka.

AMISOM oo taba-bar dheeraad ah siisay Ciidamada Amniga Baydhabo.

Baydhabo-(SNTV)-30 xubnood oo ka mid ah Ciidanka Booliska maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tababar soconayay 10 Cisho loogu soo xiray Magaalada baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Kooraskan gaaban oo ay abaabulkiisu lahaayeen Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa lagu baranayay hubinta, xakamaynta, qabashada , maareynta dembiyada Dadweynaha, ka hor tagga rabshadaha iyo mudaaharaadyada.

Tresphord Kasale, oo ah Isuduwaha Booliska AMISOM ee Koonfurta Galbeed  ayaa sheegay in xubnaha tababarka loo soo xiray loo qalabeyn doono si wanaagsan, si’  ay u maareeyaan ammaanka guud, gaar ahaan goobaha ay bulshadu  ku badan tahay.

Soddonkan Xubnood oo laga soo kala xulay Saldhigyada Booliska ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka mahad celiyeen sida hagar la’aanta ah ee loo baray waajibaadka ka saaran la dhaqanka Bulshada, waxa ay ballan qaadeen in ay ku dhaqmi doonaan Casharradii ay qaateen.

Waxaa bilowday Beegsiga Saldhigyada Al-shabaab

Ciidammada Xoogga dalka  ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan raggii Al-shabaab Qaraxyada ugu diyaarinayey gobolka Shabeellada Hoose kaddib weerar ay ku qaadeen kooxdaas.

Ciidammada Xoogga dalka ayaa qaadey weerar qorsheysan oo ka dhacay dhowr saldhig oo ay Al-shabaab ku lahaayeen dhulka Hawdka ah ee gobolka Shabeellada Hoose.

“waxaa la burburiyey saddex Saldhig oo Argagixisada ku diyaarin jireen Qaraxyada, waxaan gacanta lagu dhignay koox malleeshiyo Qaraxyada Qaabilsaneyd oo  hadda ku jira gacanta ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed,  howlgalka waxaa fuliyey ururka 15-aad ee qeybta 12-ka April” waxaa sidaas yiri  G/sare Maxamed Maxamuud Guutaale oo ah taliyaha qeybtaas.

Ciidammada Xoogga dalka  oo ay kaabayaan saaxiibbada Mareykanka ayaa billaabay beegsiga saldhigyada iyo horjoogeyaasha Al-shabaaba ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose.

 

Ciidanka Asluubta oo daryeel u sameynayo caruurta ku dayacan Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa dhalinyaradan waxyaabaha maanka dooriya isticmaalayay oo gaaraya 25 ka aruuriyey Isgoyska Celgaabta iyo Suuqa Xamar wayne, si daryeel iyo xanaano loogu sameeyo bulshadana looga badbaadiyo dhibka ay gaarsiin karaan.

Dhaqan celinta iyo daryeelka Carruurta aan cidna ku tiirsanayn waa mid ka mid ah waajibaadka uu u xilsaaranyahay Taliska Asluubta Soomaaliyeed.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda daryeel iyo waxbarasho siiya ku dhawaad 500 oo Carruur ah oo ku jira xarumo kale duwan oo dalka ah.

Xukuumadda Soomaaliya oo daah-furtay habka Mideynta Canshuurta

Muqdisho (SNTV) Kulankaan wadatashiga ah ayaa ahaa mid looga hadlayey habka Mideynta Canshuuraha Dalka iyo ka doodista Canshuuraha laga qaado shaqaalaha iyo macaashka ganacsiga iyo midka gadista, waxaana ka qeyb galay wasiirada Maaliyadda Dowladda Dhexe iyo kuwa Dowlad-goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo daah furay kulanka ayaa sheegay iney wadaan dadaalo ku aadan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha soo gala dalka.

“Waxaanu maanta Kawada hadalnay arrinta canshuuraha dalka iyo mideyntooda, waxaa kale oo aan diiradda saarnay arrimaha Kharashka iyo sidii meel la iskula dhigi lahaa, maanta iyo Barri ayuu shirku socon doonaa”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku amaanay wasiirada Maaliyadda Dowlad-goboleedyada dalka xiriirka wanaagsan oo ay la leeyihiin wasaaradda.

“Aadbaan runtii ugu faraxsanahay wada shaqeynta iyo xiriirka naga dhaxeeya saaxiibadey wasiirada Maaliyadda, waxaa ii muuqda in khibrad badan ay noo sii kordheyso oo mar waliba aan wax cusub isla qaadaneyno”ayuu mar kale yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka iyada oo kaashaneysa wasaaradaha Maaliyadda ee dowlad-goboleedyada.

Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo soo dhaweysay ka mid noqoshada COMESA

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan Galaambi oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa u mahad-celiyay madaxda Qaranka sida ay isugu howleen in Soomaaliya mar kale kamid noqoto Suuqa Ganacsi ee Bariga iyo Koofurta Afrika ee COMESA.

C/raxmaan C/laahi Aadan Galaambi ayaa sheegay in Suuqa COMESA, uu ahmiyad weyn u leeyahay Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in guul weyn ay tahay in Soomaaliya ay dib ula soo laabatay xubinimadeeda.

Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan la dayacin fursadan isla markaana looga faaiideyso sidii loogu talo galay, waxaana uu Xukuumadda Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu dadaashay in suuq loo helo wax soo saarka dalka, isagoona sheegay in Soomaaliya maadaama ay kamid tahay aas aasayaasha ururkan ay heli karaan ganacsatada Soomaaliyeed mudnaan gaar ah.

Suuqa COMESA ayaa waxaa ku jira 21 dowladood, waxaana horey loo oran jirey PTA hase ahaatee sanadkii 1994 ayaa loo bedeley Suuqa ganacsiga ee bariga iyo Koofurta Afrika ee COMESA.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Shir-gudoomiyay Kulan Looga Hadlay Horumarinta Hawlaha Dekadda Muqdisho

Muqdisho(SNTV):- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan looga hadlayay sidii horumarin loogu samayn lahaa shaqada dekadda Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka dekadaha, wasiir ku-xigeenka maaliyadda, taliyaasha Booliiska iyo asluubta, ku-simaha gudoomiyaha gobalka Banaadir iyo maamulka dekadda Muqdisho, waxaana aad looga dooday sida ugu habboon ee dekadda Muqdisho ay ugu shaqayn karto habeen iyo maalin iyada oo dhammaan masuuliyiinta kulanka ka qayb gashay ay soo jeediyeen talooyin muhiim ah.

Kulanka kadib ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) waxa uu kormeeray dekadda Muqdisho isaga oo u kuur galay qaabka loo wado shaqooyinka ka socda, war-bixinna ka dhagaystay maamulka dekadda.

Shirka maanta laga yeeshay horumarinta shaqada dekadda Muqdisho ayaa daba socday go’aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Shir ku saabsan dhibta Gudniinka Fircooniga ah oo Muqdisho ka furmay

0

Shirwayne caalami ah oo looga hadlayey qattarka gudniinka gabdhaha gaar ahaan kan fircooniga ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada muqdisho,

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Ifrah foundation oo u ololeysay xuquuqda dumarka gaar ahaan gudniinka gabdhaha ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiro, iyo xildhibaano ka tirsan dawlada federaalka Somalia, xeer ilaaliye qaranka, culamaa;udiin, dhakhaatiir, wariyayaal, masuuliyiin ka socotay bulshada rayidka ah, iyo wakiilo mataleysay beesha caalamka.

Waxaana dadki ka hadlay ay sheegeen in gudniinka gabdhaha uu dhibaato wayn kuyahay noloshooda iyo mustaqbalkooda, sidaas darteed ay lagama maarmaantahay in laga shaqeyo sidii looga hortagi lahaa.

Ifraax Axmed oo ah gabar u ololeysa arimaha dumarka, gaar ahaan ka hortagga gudniinka oo ka hadashay shirka ayaa sheegtay in ujeedada ay usoo qabanqaabiyeen shirkaan ay tahay kadib markii ay arkeen dhibaatada dumarka ee gudniinkan iyo waxyeelada uu ugeysto, si taa looga duulina ay tahay in la iska kaashado joojintiisa,

Xildhibaan xaawo maxamed aadan oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee parlamaanka Somalia ahna gudoomiyaha guddiga xuquuqda aadanaha ee parlamaanka ayaa sheegtay in dhibaatada gudniinka ay mudantahay in laga hadlo, sharci cadna oo lagu dhaqmana lagasoo saaro, iyadoo waalidiinta ugu baaqday inay ka hortagaan.

Xeer ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali daahir oo isna shirka ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatada ay tahay mid wada saameyneysay bulshada, isagoo ku eedeeyey hooyooyinka inay hormuud u yihiin gudniinka gabdhaha, wuxuna waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin uu goobta ka sheegay i mid kamid ah wakiilada ka socotay beesha caalamka oo aheyd in gudniinka gabdhaha uu Somalia ka marayo %98, waxana uu intaas kudaray in arintaas aysan waxba kajirin oo sanadihi ugu dambeeyey ay socdeen wacyigalino la xiriira sidii looga hortagi laha gudniinka, gabdho bandanna ay ka badbaadeen.

Shirka waxaa sidoo kale ka hadlay culimo iyo mashaa’ikh badan kuwaasoo kudheeraaday ka hadalka dhibaatada gudniinka iyo waxa diinta islaamka ka tiri, iyagoo si Wadajir ah u sheegay in diinta islaamka ay xaaraantimeyneyso in la jarjaro xubnaha taranka ee gabdhaha.

Shirkwaynahan  caalamiga ee maanta ka furmay magaalada muqdisho ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan gabar yar oo 10 jir ay magaalada dhuusamareeb ugu geeriyootay kadib markii gudniinka gabdhaha lagu sameeyey.

 

Eritrea Oo Magacowday Danjirihii Ugu Horreeyey Ee U Fadhin Doona Ethiopia.

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane Meskel waxa uu Bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Danjiraha cusub ee la magacaabay uu yahay Ambassador Semere Russom, oo haatan haya xilka Wasiirka Waxbarashadda Eriteria, horeyna u ahaa Safiirkii Eritrea u joogay dalka Maraykanka.

Magacaabistan ayaa imaaneysa  iyadoo ay Dowladda Ethiopia khamiistii la soo dhaafay magacowday  Danjirahoodii ugu horreeyey ee u fadhin lahaa dalka Eritrea 20-kii sanno ee la so odhafaay.

Danjiraha cusub ee Ethiopia waxaa loo magacaabay Ambassador Redwaan  Xuseen oo horey u ahaa Danjirihii Ethioopia u joogay dalka Ireland.

Tan iyo markii ay Hoggaamiyaayaasha Ethiopia iyo Eritrea heshiiska kala saxiixdeen bishan July 7-dii waxaa sii kordhaya Niyadsamida dib loogu soo celinayo xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada waddan oo go’naa tan iyo sannadkii 1998-dii.

Shirkadda Diyaaraddaha Ethiopia ee Ethiopian Airlines waxay Arbacadii la soo dhafay bilowday Duullimaadkii ugu horreeyey oo ay ku tagto caasimadda dalka Eritrea ee Asmara muddo 20-sanno kadib.