Home Blog Page 1260

Taliyaha Booliiska Galmudug oo ka hadalay Amaanka Dhuusa-mareeb

0

Saraakiisha Ciidanka Booliiska Galmudug ayaa maanta faah faahin ka
bixiyay xaalada amniga wadada isku xirta Galkacyo iyo Dhuusa-mareeb
kadib markii maalmihii u danbeeyay laga soo sheegayay xaalad Amaan
daro oo ka jirtay  Waddaasi isku xirtaha  Magaalooyinka Galkacyo iyo Dhuuso mareeb .

kadib  jidgooyooyin  laga soo sheegay in ay dhigteen kooxo maleeshiyaad
si ay ugu dhibaateeyaan  bulshada soomaaliyeed.

Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliiska Galmudug G/sare Cabdi Jaamac
Cabdulle Xabeeb oo wareysi gaara maanta siiyay xafiiska warqabadka
warbaahinta qaranka ee Gobalka mudug ayaa beeniyay in amni daro ay
halkaaasi ka jirto ayna yaalaan jidgooyooyin lagu dhibaateeynayo
bulshada soomaaliyeed taas oo uu xusay in ay baahiyeen qaar ka mida
warbaahinta,isagoo dhanka kalana taliye xigeenku sheegay in ay
socdaan howlgalada lagu dagaalamayo cid kasta loo arko in ay nabad
kasoo horjeedo.

Hadalka kasoo baxay Taliska Ciidanka booliiska Galmudug ayaa imaanaya
xilli ay socdaan howlgalo lagu sugayo amniga sidoo kalana xaalada
amaan ee guud ahaan deegaanada Galmudug ay tahay mid soo
wanaagsanayneysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku sugan Jabuuti

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti Jamhuuriyadda Walaalaha aanu nahay ee Jabuuti.

Ujeedada safarka wafdiga guddoomiyaha ayaa ah sidii ay uga qeybgalilahaayeen xuska maalintii Jabuuti ay gumeystihii Faransiisku ka xorowday ee 27 June.

Waxaa ku wehliya safarkiisa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,waxaan ku sii sagootiayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti,sida madaxweynaah iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeyo ee taageera Soomaaliya,waxaana lagu xusuustaa in dadaalkasta oo walaaltinimo ay ku bixinayaan horumarkasta oo ka dhasha geyiga Soomaaliya.

Ciidamo loo soo qabtay burcadnimo oo ay Maxkamadda Ciidamada sii deysay.

Muqdisho (SNTV)- Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax  ayaa Ciidamada Amniga Deegaanka Garas-baalleey ka soo qabteen  kedib markii lagu soo war geliyay  in ay jiraan rag baad ka qaata dhismayaasha  xaafadaha ee deegaankaasi ku sii kor-dhaya.

Kedib Ciidamada Amniga ayaa u soo gudbiyay Hogaanka Baarista Ciidamada, Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax  kedib baaristooda  waxa ay  u soo gudbiyeen 20-kii   bishii la soo dhaafay  Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Iyana isla maalintaas codsaday in la geeyo xabsiga si loo muddeeyo Maxkamada Qaadista raggan ay soo gudbiyeen Ciidamada Amniga.

19-kii Bishan ayaa Maxkamadda Ciidamada ay u fariisatay  dhageysiga  dacwdda ragga loo heysto oo ah  dhacca oo ay horey u codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana isla maalintaas la furay kiiska ka dhanka ah eedeysanayaasha kor ku xusan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu horreynba sharaxay eedda ka dhanka ah Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, waxa ayna hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal uu ka mid yahay Guddoomiyaha deegaanka Garas-baalleey iyo Ku xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda, waxa ayna maxkamadda ka hor sheegeen in eedeysanayaasha lagu   soo qabtay  howlgal si guud loogu baadi goobayay  rag dhac ka geystay deegaanka  balse aysan jirin xilligaasi dambi ay gacmaha kula jireen eedeysanayaasha.

Qareenka difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in ay bari ka yihiin eedda ay soo jeediyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana ay yihiin raggan la soo qabtay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la kulmay howl-gallo sida ay Maxkamadda ka hor cadeeyeen masuuliyiinte Deegaanka.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku  gaaray in la siiyo xurriyadooda Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, iyagoo  aan ku qancin cadeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo Markaatiyaasho oo aan si buuxda ugu caddeyn dambiga, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan ( Wabiyow ) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada ayaa si maalin la’ah u fariisato dambiyada ka dhanka ah Ciidamada iyo kooxaha u habeysan sidii qaab ciidan oo kale gaar ahaan kooxaha Arga-gixisada ah, waxa ayna dacwadaha ay soo gudbiyaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida kala saaraan dambiyada lagu soo oogay jiritaankooda iyo in kale.

AKHRISO: Khudbadda uu jeediyay madaxweyne Erdogan ka dib Guushiisa doorashada Turkiga

Muqdisho(SNTV);- Hogaamiyaha mudada dheer ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa marki labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi turkiga,iyada oo la tiriyey codadki doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ugu guuleystay hogaaminayaha boqolkiiba 52.5, halka ninka dhaw ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7.

Madaxweyne Erdogan oo dad badan Khudbad uga jeedinayay xarunta Xisbiga cadaaladda & Horumarka (AK) ee ku taalo caasimadda Turkiga ee Ankara Guushiisa ka dib ayaa sheegay in qof kasta oo ka mid ah 81-ka Milyan ee Muwaadiniinta Turkiga uu guuleystay.

“ Guuleystayaasha doorashooyinka 24-ka June waa Turkiga, Qaranka Turkiga, dhibka haysta gobolka iyo dhammaan kuwa la dulmiyay adduunka,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay hogaamiyaha xisbiga MHP, xubnaha iyo codbixiyayaasha.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan u mahadceliyo dadkayga, walaalahayga kuwaasi oo na aaminay aniga, isbahaysigayga iyo xisbigayga,” ayuu yiri Mr. Erdogan.

Erdogan ayaa horaanta maalintii Axadda ku dhawaaqay guusha uu ku gaaray doorashadii madaxweynenimada ee Turkiga iyo mida baarlamaanka.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu helay farriinta muwaadiniinta ee doorashada. “Xilligan, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono sidii horumaro la taaban karo loo gaarsiin lahaa Qaranka Turkiga.

Laga bilaabo berri, waxaan qaadi doonaa tallaabooyin deg deg ah oo lagu fulinayo balan qaadyadii u sameynay Ummadeena,” ayuu yiri madaxweynaha la doortay ee Turkiga Raccip Dayip Erdogan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ay ka hortagi doonto kooxaha argagixisada. “Waxaan kordhin doonnaa sumcadda caalamiga ah ee waddankeena,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

“Isla markiiba xafladda dhaarinta, waxaan bilaabi doonaa in aan fulino barnaamijkeenna si aan u aqoonsanno shaqadeena,” Erdogan ayaa sidaas yiri, isaga oo ku dhaartay in uu u shaqeynayo maalin iyo habeen “ma haysanno waqti aan lumino.”sida uu hadalka u dhigay.

“Turkigu wuxuu go’aansaday inuu sare u qaado horumarka, kobcinta maalgashiga iyo wadan sharaf leh oo saameyn  ku leh dhammaan qaybaha adduunka,” Erdogan ayaa sidaas yiri.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta u amba baxay Jabuuti

Muqdisho(SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti Jamhuuriyadda Walaalaha aanu nahay ee Jabuuti.

Ujeedada safarka wafdiga guddoomiyaha ayaa ah sidii ay uga qeybgalilahaayeen xuska maalintii Jabuuti ay gumeystihii Faransiisku ka xorowday ee 27 June.

Waxaa ku wehliya safarkiisa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,waxaan ku sii sagootiayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti,sida madaxweynaah iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeyo ee taageera Soomaaliya,waxaana lagu xusuustaa in dadaalkasta oo walaaltinimo ay ku bixinayaan horumarkasta oo ka dhasha geyiga Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay horjooge Ajinabi ah kuna siifidaya deegaano hor leh.

Muqdisho(SNTV)- Ka dib howlgalo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen degaanada jubboyinka waxa ay ku guuleesteen xureeynta buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.

Buundada Araare ee G/Jubbada Hoose ayaa Nabadiidka Al-shabaab waxa ay halkaasi u eheed goob Nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadaan lacagaha baada ah ee kooxdu ka qaado shacab isticmaalo buundada Araare.

Taliyaha ururka 58Aad ee guutada  11Aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka ayaa sheegay in galabta nabadiidka Al-shabaab laga xureeyay buundada Araare ee G/Jubbada Hoose oo u eheed goob ay ku qaadaan lacagaha baada ah.

G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali waxa uu xaqiijhiyay in dagaalka nabadiidka Al-shabaab looga dilay 7 Maleyshiyaad ah isla markaasine ay ciidamadu ka furteen hubkii ay wadteen Maleyshiyaadkaasi .

Mudadii uu socday ayaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalo qorsheysan ku dilay Maleyshiyaad iyo horjooge sare oo ka mid ah Ajaanibta ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa heestay dhalashada wadanka Tanzania,isagoona ka mid ahaa horjoogayaasha ugu sareeya ee nabadiidka Al-shabaab u qaabilsan dhanka Jubboyinka.

Taliyaha ururka 58Aad ee guutada  11Aad ee ciidanka Xoogga dalka G/Dhaxe Cabdi ibraahim Cali ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay  in Howlgalka lagu dilay horjoogahaani uu ka dhacay Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka ayaa nolosha ku qabatay labo dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay dagaalkii buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.

Buundada Araare  ayaa 7km u jirta degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose,waxayna ciidamada Xoogga dalka ay sidoo kale u ruqaansadeen degmada Jamaame oo xarun u ah nabadiidka Al-shabaab.

Maleeshiyada ALshababa ayaa soo wajahday cabsi iyo walwal xoogan,kuwaasi oo haatan qarka u saran in ay gebi ahaanba burburaan,kadib markii cadaadis xoogan ay kala kulmeen militariga Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya.

W/qorey C/waaxid

Madaxweynaha Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Turkiya ka dhacday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku-xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga oo Mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dalkaasi.

Codadka in ka badan 95% oo ilaa hadda la tiriyey ayaa Recep Tayyip Erdogan waxaa uu helay 53% taasoo si hordhac ka dhigan in uu ku guuleystay Madaxtinimada Dalkaasi, iyadoo natiijada rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashada.

Qaar ka mid ah Madaxda caalamka ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana madaxdii ugu horeysay ee hambalyada u dirtay ka mida ah Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad.

Shacabka Dalka Turkiga ayaa bilaabay dabaaldegyo ay ku soo dhoweynayaan guusha Taariikhiga ah ee hogaamiyahooda gaaray.

Doorashada ka dhacday Dalka Turkiga ayaa waxaa ku tartamayay Lix musharax oo mida ay talhay Qof dumar ah, iyadoo guusha Erdogan ay ugu dhigantahay Dalka Turkiga guul Taariikhi ah.

Cod-bixinta doorashada Madaxtinimo iyo tan Baarlamaaniga ee ka dhacday dalka Turkiga waxaana codkooda dhiibta 56 Milyan oo Turki ah, waxaana sidaas sheegay gudiga doorashada Dalkaasi.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Hal Maalin Ah Ay Uga Bilaabatay Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda

Kigali, June 24, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho ka duulay ayaa galabta gaaray magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hogaaminayo oo qeyb uu ka yahay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Khayr, ayaa loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kigali.

Ra’iisul wasaaraha oo booqasho hal maalin ah ay uga bilaabatay Kigali ayaa caawa kulan casho ah la qaadanaya dhigiisa Rwanda, Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalinta berri ah la kulmaya madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xariirka labada dal iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

—DHAMMAAD—-

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka Qeyb Galay Xafladda Dhameestirka Soo Wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya

Muqdisho, June 24, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre, oo ka qeyb galay Xafladda dhameestirka soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliya, ayaa kula dardaarmay wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabduulllahi Salaad (Oomaar), iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda in ay laba jibbaaraan dadaallada si loo gaaro guula kale oo wax ku ool ah.

Munaasabadda oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay wasiirro, Xildhibaanno, Guddiga labada aqal ee Gaaadiidka iyo Duulista hawada, gudoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, aqoonyahanno iyo masuulyiin kale, iyada oo dhamaan masuuliyiintii ka hadashay ay ku ammaaneen xukuumadda sida ay dadaalka ballaaran ay u gelisay soo wareejinta hawada Soomaaliya oo ganacta dawladda ka maqneed waqti dheer.

“Inkasta oo ay tahay in loo dabbaal dego horumar walba oo aan gaarno waxa aan aaminsanahay in aysan dhameyn wax loo dabaal dego hase yeeshee in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Soomaaliyeed ay tahay tilaabo bilaaw ah oo ku aadan dariiqa saxda ah oo aan u socono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

“Hadafkiinnu haka weynaado guusha aad gaarteen oo ha ahaado Soomaali Airlines aduunyada la tartami karta sidee loo helaa? Sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed sidee loo adkeyn karaa? inta yar ee aad qabateen ha idiin noqoto tusaala ah inta leydinka rabo in aad qabataan iyo inta aad qaban kartaan hase yeeshee marnba haku qancina sabata oo ah hadii aad ku qanacdaan waad is dhiganeysaan”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa December 28, 2017 daah-furay maamulka hawada oo dib ugu soo laabtay gacanta Soomaaliya, March 28, 2018 shaqaalihii maamulka hawda Soomaaliya ee saldhiggoodu ahaa Nairobi ayaa Muqdisho la keenay si ay ugu shaqeeyaan, iyada oo 18-kii Bishaan June si dhameestiran maamulku ugu soo wareegay Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degmada Wadajir ee G/Banaadir

0

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ,Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarun caafimaad oo loogu adeegi doono Shacabka ku dhaqan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Qaanso oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Wadajir baahi wey u qabeen xarun caafimaad oo si bilaash ah ugu shaqeysa.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),ayaa marka hore u mahad celiyay Hay’adda dhistay xarunta caafimaad,isagoona dhanka kale sheegay iney diyaar u yihiin iney Shacabka ku nool Muqdisho ka haqabtiraan baahiyaha dhanka adeega ah ay qabaan.