Home Blog Page 1259

Shirkii looga hadlayay arimaha Beeraha oo ku soo xirmay Columbus

0

Colombus(SNTV)–Shir looga hadlayay arrimaha Beerah oo ay ka soo qeybgakeen aqoonyhano Soomaaliyeed oo ka kala yimid meelo kala gadisan ayaa manta lagu soo xiray magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareyknka.

Shirka oo soo biloowday maalinimadii jimcada waxa uu sadxda cisho ka socday Jaamacada Ohio State University ee magaalada Columbus,waxaana ka soo qeybgalay dad aad u badan oo isugu jiray waxgarad,Culumo,Macalimiin jaamacado ka dhiga dalkan Mareykanka,Masuuliyiin xilal ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray iyo qeybo kale oo muiim ah.

Ujeedk ayaa ahaa sidii loo lafo guri lahaa loona dhiraan dhirin lahaa xaalada Beeraha iyo Biyaha Soomaalia,waxa si weyn looga doody arimaha Beeraha iyo sida loo hormumarinkaro,halkii ay Mari jireen beerha Soomaaliya,Halka Manta ay joogaan iyo halka lagu socdo.

Waxaa la isla qiray in xaalada Colaadaha iyo Amni xumada ka jirta dalka Soomaaliya ay saamayn buuxdo ku yeelatay waxsoo saarkii Beeraha oo xili ahaan jiray mid ka mid ah dalalka ugu wax soo saarka badan Afrika dhanka Beeraha.

Aqoonta ku jirta aqoonyahanada iyo kaalimaha Banaan ayaa ah kuwo ka tarjumayay saamaynta ay colaaduhu xitaa ku yeesheen dadkii dalka wax u bartay oo aan aqoontoodii ku celin sababo amni awgood.

Waxaa si weyn looga hadlay Noocyada dhirta Soomaaliya oo ahaa Barnaamij aad u xiiso badnaa,Baaritaano horey loo sameeyay iyo quburo sheegtay in mudadii baaritaankooda ay soo ogaadeen in Soomaaliya ay ka baxaan geedo aan caalamka intiisa kale ka bixin.

Wabiyada iyo talaabooyinka Dowlada itoobiya ku samaynayso biyo xireenada ayaa ahaa midka sida aadka isna looga hadlay waxana laga warbixiyay marxaladaha ay wabiyada Soomaaliya horey iyo iminkaba ugu suganyihiin.

Doorka dowladnimo ee Beeraha iyo wabiyada waa kuwo dhaliil badan loo soo jeedinayo waxaase wali muuqata rajo fiican oo ay leeyihiin Beeralayda, iyo dadka xoolaha dhaqda, waxana Tuusaale loo soo qaatay in ay jiraan dalal ay Soomaaliya kag fiicantahay wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha nool iyada oo mudo dheer Nidaam la’aan ka jirtay.

Waxaa mudadii uu barnaamijku socday la qabtay doodo iyo aragti is dhaafsi ku salysnayd Beeraha Soomaliya.

Waxaa ugu danbayn la isla qaatay dhowr arimood oo ay ka mid tahay in la helo amni oo laga wada shaqeeyo sidii amniga loo xoojin lahaa, In Aqoonyahanda Beeraha ku xeel dheer lagala tashado wixii ku saabsan horumarinta Beeraha, In la sameeyo qiimayn iyo siyaasad lagu horumarinayo Beeraha.

Aqoonayahanadii ka soo qeyb galay shirkan ayaa sheegay in aysan jirin Dowlad iyo urur u diray ama dhaqaalo ku siiyay shirkan balse ay iskood isku xilsaareen, isla markana y diyaar u yihiin in ay si mutadawacnimaa aqoontooda uga faaiideeyaan dalkoda.

Waxa uu ahaa barnaamij aad u xiiso badan wax badana looga hadlay arimaha beeraha iyo Soomaaliya, waxa uu ku soo xirmay Jawi aad u macaan.

Eritrea iyo Ethiopia oo wadahadallo nabadeed uga bilowdeen Addis Ababa

Wafdi sare oo ka socda dawladda Eritrea ayaa maanta gaaray dalka Ethiopia, halkaas oo ay ka bilaabanayaan wadahadallo nabadeed oo xadka labada wadan ku aadan.

Wafdiga Eritrea ka socda waxaa hogaaminayey wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Cusmaan Saalax, waxaana qayb ka ah Yemane Gebreab oo ah kaaliyaha sare ee madaxwaynaha Eritrea.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa garoonka diyaaradaha Addis ababa ku soo dhaweeyey, waxaana ay wada qaateen kulan ku aadan sidii wada xaajoodka loo bilaabi lahaa.

Arrintan waxa ay ka dambaysay markii Ra’iisal wasaaraha Ethiopia uu sheegay inuu aqbalay heshiiskii Nabadeed ee Algeris ee soo baxay sanadkii 2000, kaas oo magaalada Badme u calaamadaynayey Eritrea.

Labada dal waxaa dhex maray dagaal 2-sano socday oo ay ku dhinteen dad ka badan 70-kun oo ruux, ka hor inta aysan kala go’in 1993-dii, balse hadda waxay u muuqataa in xaalad daris wanaag ah ay abuurayaan.

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa waajib naga saaran yahay in aan jiilka naga dambeeya uga tagno taariikh ay tixraacaan”

0

Muqdisho, 26ka Juun 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxa uuna halkaasi kula hadlay boqollaal shacab ah oo u dabbaal dagayay maalamaha xorriyada.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 ka Juun, isaga oo sheegay in ay tahay maalin weyn oo farxad leh oo dalkeena qeyb ka mid ah, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii ingiriiska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba ku guugaabiyay in ay muujiyaan midnimo, walaaltinimo iyo isjacayl, ayna ilaashadaan qarannimadooda.

“Waxaa waajib naga saaran yahay in aan jiilka naga dambeeya uga tagno taariikh ay tixraacaan, waxaan ka shaqeyneynaa horumarka Soomaaliya, waxaan ka shaqeyneynaa wanaaga Soomaaliya, waxaa waajib inagu ah wax walba oo aan sameyneyno in aan ka fiirinno waxa naga haraya oo taariikh iyo dhaxal ah si dadka naga dambeeya ay u tixraacaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabadda ubax dhigga Taallada Daljirka Dahsoon waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan wasiirrada Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne.

Madaxweyne Farmaajo “Xorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale

Muqdisho(SNTV);–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed, u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in masuuliyad weyn ay ka saarantahay qof kasta oo Soomaali ah xaqiijinta hiigsiga soojireenka ah ee ku qotoma Soomaali xor ah oo mideeysan.

Madaxweynaha oo caawa khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa yiri “Xorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale. Maanta waxaan joognaa guul taasoo kasoo bilaabatay 1960kii markii ay waqooyi iyo koonfur isku darsameen. Guushaas waxay ahayd mid ummadda u horseeday Soomaalinimo iyo midnimo.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay shacabka Gobollada Waqooyi kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay ku lahaayeen gobonnimo doonkii iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenkaas midnimo iyo wada jireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen, wuxuuna adkeeyay in qabyaaladda iyo daneysiga looga adkaan karo in la muujiyo waddaniyad iyo wadajir.

Taxanaha Taariikhda Maalmaha Xorriyadda Soomaalida (Warbixin)

Muqdish(SNTV):-Asaaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.

Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.

Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay neecoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya,Waxaa waagaasi Magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan.

Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka SYL ayaa waxa uu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qeybsado bulshada, wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin, waxaana dadkaasi ka mid ahaa: Karaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir ugu qabtay gurigiisa, waxaan ahaayeen 7 ama 8 dhalinyaro ah, wuxuuna soo jeediyay talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed,Markaasi ayuu bilowday dhaqdhaqaaqa, Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa, muddo bilo ah gudahood ayay is uruursadeen 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, islmarkaana u babacdhigaan halganka gobanimadoonka.

Dhismihii Xisbiga, 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL, ayay magacyadoodu kala yihiin:-

1. Yaasiin Xaaji Cismaan
2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin 9. Khaliif Huudow Macallin
3. Maxamad Cismaan Baarbe. 10.Cismaan Geedi Raage
4. Maxamad Faarax Hilowle 11. Dheere Xaaji Dheere
5. Sayidiin Xirsi Nuur 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
6. Maxamad Cali Nuur 13.Cali Xasan Maxamad “Verdura
7. Daahir Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen

Shirkii gu horreeyay waxay ku yeesheen qol, ay ka kireeysteen waddada “via Roma” ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:-

· In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed

· In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
· In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed.
· In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
· In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
· In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.

Kadib waxay doorteen Hoggaanka Ururka, waxaana Guddoomiye loo doortay Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye
Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen halka Yaasiin Xaaji Cismaan loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah “Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.

Subaxdii 15 Maajo 1943, waxay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wadata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, kadib waa loo ogolaaday,Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku cudsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya, waxaana laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:-Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii, iyo Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga, 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur, iyadoo Ingiriiska soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey, Waana sababta goobtaasi loogu baxshay Dhagaxtuur, Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Ingiriisku intaasi kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada oo Ceelbuur loo musaafuriye Daahir , Mohamud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo Wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, wuxuu isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey.

Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah. Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954. Markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada, Waxaa farxad iyo raynrayn aheyd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed, Calankaasi farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Madaxda Leegada.

Guushii halgankii waxaa la gaaray 26-kii June 1960, iyadoo 1da July ee isla sanadkaas laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo La Kulmay Madaxweyne Paul Kagame

Kigali(SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gebagebeeyay booqasho hal maalin qaadatay oo dalka Rwanda uu ku joogay, ayaa magaalada Kigali ee caasimadda dalkaas kulan kula qaatay madaxweynaha Rwanda ahna gudoomiyaha Midawga Afrika, Paul Kagame.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Rwanda ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo shalay galab gaaray Kigali ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo isla maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo sheegay in sare u kaca sicirka ay waxa ka qaban doonaan

0

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa ka warbixiyay lacagaha cusub ee dalka loo soo daabacayo iyo sare u kaca ku yimid qiimaha sarifka Shilin Soomaaligaa.

Bashiir Ciise Cali ayaa tilmaamay in sicir kororka ku yimid Shilin Soomaaliga ay ka dambeeyaan shaqsiyaad dambiilayaal ah oo qalqal gelinayo nolosha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan ciddi ka shaqeysa sare u kac ku yimaada lacagta shilin Soomaaliga ah.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa hey’adaha ammaanka ee dowladda ugu baaqay in ay tallaabo ka qaadaan shaqsiyaadka falkaya sicirbararka ku yimid Shilinka Soomaaliga, wuxuuna markale ku wargeliyay bulshada Soomaaliyeed in loo bedeli doono lacagahooda marka dalka laga dhaqangeliyo lacagaha cusub ee la qorsheeynayo in la soo daabaco.

Guddoomiyaha ayaa xusay in lacagaha cusub aan la soo daabaceynin muddooyinka dhow, isagoo xaqiijiyay in marka la soo daabaco lacagta cusub dadka  lagu bedelidoono lacagta shilin Soomaaliga ah ee ay heystaan, isla markaan aan ku jirin lacagaha la badalayo kuwa been abuurka ah, shaqaalaha bankiguna ay yaqaaniin lacagaha been abuurka ah.

Udiyaar garowga Munaasabada 26 June

0

Munaasabada 26-ka June oo ah Munaasabad Qiimo weyn ugu fadhida Umada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka mid tahay Munaasabadah Taariikhda dalkeen Soomaaliya Qaaliga ku ah.
waxaynaa ka mid tahay maalmaaha ku xusaan Xoriyad Doonkii ee Dalka ka jiray ,Sannadkii 1960-kii Iyadoo uu xooggeystay Dhaqdhaaqyada lagu doonayay Xoriyad doonka ee Guud ahaan ka soconayay geyiga Somaaliya, xuska iyo qabaan qabada loogu dabaal dagayo maalmaah xornima doonka ayaa waxaa sanadda waliba marka ay garto 26june iyo 27 june ilaa Koowda Luliyo waxaa looga dabaal daga guud ahaan Dalka .
26-june 1960-kii Maanta oo kale ayaa markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyada Soomaaliya ka dib markii gumeytihii ingiriiska uu ogolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya waxayna taasi dhacday Saqdii dhexe ee Habeenimadii 26-kii June 1960 iyadoo Fagaaraha Bartamaha Magaalada Hargeysa Xilliga 12-ka Habeenimo laga taagay Calanka Jamuuriyada Soomaaliya waxaana Halkaas lagu saaray Calankii Soomaaliyeed iyo Dabaal dag weyn oo loo sameeyay Maalintaas .
caway ayaa waxay marka ay sacaadu tahay 12 -Kii Habeenimo lasari doona calanka Jamuuriyada wana xiligi ayaa si rasmiyaa gayiga Soomaaliyeed laga luulay Calanka Jamuuriyada.
munaasabadda lagu xusayo 26june ee sanaddkii 1960-kii  dhaqdhaqaaqi xoriyada iyo hirgalinti sidi calanka soomaaliya loga tagi lahaa gayiga soomaaliyeed ayaa caway waxaa lagu qaban doona magaaladda muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo qalabbeeyey Isbitaalka Xoogga

0

Qeybta qaliinka ayaa  lagu kordhiyay Isbitalka Xoogga Dalka oo dhismihiisa dhawaan la soo geba gebeeyey,iyadoo loogu talagalay in lagu qabto adeegyada Caafimaadka ee muhiimka u ah ciidanka Xoogga Dalka, Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qalabbeeyey qeybtaan cusub.

Munaasabad kooban oo xariga looga jarayay qeybtan cusub waxaa ka qeybgalay wasiirka gaashaandhiga,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka,Saraakiil iyo wakiilo ka socoday Dowladaha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Col. Mahad C/llaahi Shiine oo ah madax hoggaanka caafimaadka ciidanka Xoogga Dalka ayaa ugu horeyn faah faahiyay muhiimadda qeybtan qaliinka.

Danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Baker iyo diblomaasiyiintii kale oo ka qeybgashey munaasabadda ayaa ammaanay dadaalka dowladda Soomaaliya ee  u aadan dib u dhiska xarumaha muhiimka ah, gaar ahaan kuwa ciidammada.

Taliyaha ciidammada Xoogga ayaa aaminsan in tani ay qeyb  Lixaad leh ka qaadaneyso dhismaha ciidanka xoogga dalka hadda socda.

Mudane Xasan Cali  Maxamed (Amar-dambe) wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay kaalintii ay qaadatay dowladda Talyaaniga dhismaha qeybtan caafimaad, tanina ay bilow u tahay horumarinta adeegyada ciidamada Xogga dalka.

Maamulka Degmada Dolow oo ka hadalay dhismaha Garoonka Dolow

0
Maamulka Degmada Dolow aya dhagax dhigay dhismaha qeybta Nashada garoonka  Degmadda Dolow.

Iyaado  lagu dhisayaa Barnaamij ay iska kashanayaan Wasaarada Arimha gudaha Jubaland hay,ada DRC iyo  Bulshada Degmada Dolow Cadde.

munasabadaan waxa goob joog ka ahaa masuuliyin ka tirsan Mamulka Degmada iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadda Dolow.

Guddoomiyahaa Degmada Dolow Idle Xasan Cabdulaahi ayaa Amaanay cid kasta oo ka qayb qadatay howshan isgoo shegay in Maamulka Degmada ay markasta la garab istagayaan  waxa ka qabshada howlaha danta guud.

sido kalan waxa u ugu baqay Bulshadda ku dhaqan Dolow in ay garbaha isqabsadan sidi ay ku dhisi ay u dhisi lahayeen gobaha laga marmaanka u ah dantaa guud,laguna Adeegay Bulshadda Degmadda Dolow.