Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo masuuliyiin kale oo booqday Xabsiga MBCC

Date:

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa maanta waxay kormeer shaqo ku tageen Xabsiga MBCC oo ah Xabsi si casri ah loo dhisay,kaasi oo ku yaalo Ex-Kontarool Afgooye.

Mas’uuliyiinta iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa ku wareegay dhammaan qeybaha kala duwan uu ka kooban yahay Xabsiga MBCC,kaasi oo wax badan ka tari doona baahiyaha Maxabiista,islamarkaana daryeel joogta ah ay ka heli doonaan.

Intaasi ka dib,Guddoomiyaha Maxkamada sare  ee dalka Baashe Yuusuf Axmed,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxay halkaasi kula kulmeen cutuby ko ka tirsan Ciidanka Asluubta iyo Saraakiil Ciidan,kuwaasi oo loogu talagalay sugida amniga xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay booqashada ay ugu yimaadeen Mas’uuliyiintan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ammaanay howlaha wanaagsan ay Ciidanka Asluubta Qaranka u hayaan.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay iney Dowladda dadaal ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,isagoona tilmaamay in Ciidanka Asluubta ay haayaan howlo muhiim u ah Bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...