Guddoomyaha Gobolka Banaadir oo shaqada ka joojiyey saraakiill lagu eedeeyey musuq-maasuq

Date:

Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq.

Guddoomiyaha oo tix-raacaya soo jeedinta Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhulka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Qaranka waraaqda shaqo joojinta saraakiishan, isagoona ka codsaday in baaritaan furan lagu sameeyo eedaymaha loo soo jeediyey saraakiishan oo ay ka mid tahay in ay lacago sharci darro ah ka qaateen qaar ka mid ah bulshada Gobolka Banaadir.

Saraakiisha shaqo joojinta lagu sameeyey ayaa kala ah, Taliyeyaasha Ciidanka Illaalada Deegaanka ee degmooyinka Hodan, Warta-Nabadda iyo Shibis, iyadoona Maamulka Gobolka ay u sii igmadeen shaqada ay hayeen saraakiisha shaqada laga joojiyey Kuxigeennadooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana horrey tallaabooyinka sharciga waafaqsan looga qaaday masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa maamulka Gobolka oo lagu helay masuq-maasuq iyo wax is-daba-marin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...