Home Blog Page 124

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kampala kaga qeybgelaya Shir-Madaxeed looga hadlayo Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Mudane Cabdul Amiir Al Shammari, kana guddoomay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Ciraaq.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, isagoo kala hadley iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

4- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Jabuuti, ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.

5- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo bogaadiyay guulaha Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka ay ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro argagixisada Khawaarijta ah.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al Shammari oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka, isagoo sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududda shaqaalaha Soomaaliyeed.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhambaal tahniyad ah u diray dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Serbia Mudane Đuro Macut, iyo Golihiisa Wasiirada ee cusub.

9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa guddoomiyay shirar muhiim ah uu la yeeshey guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqaalaha iyo taakuleynta.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga La-Socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

11- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo la wareegay hoggaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

12- Ciidamada Qalabka Sida iyo geesiyayaasha degaanka oo jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta oo weerar ku soo qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay in ka badan 40 dhagarqabayaal oo argagixiso ah.

13- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Denmark ee Soomaaliya, Mudane Steen Sonne Andersen.

14- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga Axmed Xasan Aadan ayaa shir la yeeshay Xarunta La Socodka iyo Ilaalinta Kalluumeysiga (FMC) ee wasaaradda, halkaas oo looga warbixiyay xaaladda maraakiibta ku sugan badda, gaar ahaan kuwa sharci u heysta iyo kuwa aan sharciga ku joogin

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh oo kulan la yeeshay Ku-Simaha Safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya Carsten Carlsen, iyagoo ka wadahadley arrimaha dib u heshiisiinta, dimuqraadiyadeynta, doorashooyinka, geeddi socodka nabad dhiska iyo xasilinta.

16- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaantey tallaabo uu Maamulka Puntland ku sameysanayo warqado aqoonsi, taas oo baal marsan aqoonsiga qaranka ee dastuurka uu jideeyay.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale ku celiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro Khawaarijta.

18- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinka Shirkadda Bariiska ee Danwadaag si loogu wareejiyo dhaqaale loogu talagalay in lagu soo iibiyo mashiinnada casriga ah ee bariiska.

19- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aden ayaa dhagax-dhigey dhismaha qeybta xaaladaha deg-degga ah ee Isbitaalka Forlanini/Lasareti ee magaalada Muqdisho.

20- Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah u daah-furey Tallaalada Oofwareenka iyo Shubanka oo loogu talagaley carruurta Soomaaliyeed.

21- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Horumarinta (UNDP) iyo Kooxda Isku-dhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka (IESG)

22- Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo Magaaladda Washington ugu qeyb-galay shirka xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

23- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa deeq dawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana uu sidoo kale booqday dhaawacyada qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa difaaca degaanada ee lagu daweynayo Isbitaalkaasi.

25- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa qabatay kulan muhiim ah oo ay iskugu yimaadeen dhammaan howlwadeennada wasaaradda, kulankaas oo loogu talagalay in lagu muujiyo taageero buuxda oo loo fidinayo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha Dagaalka.

26- Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa Muqdisho ku qabatay Ololaha wacayigelinta wajiga labaad ee Toddobaadka Ka-Hortagga Adeegsiga Bacaha iyo ilaalinta bad-qabka deegaanka.

27- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Aaden ayaa ka qeybgalay shirka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Suuqa Xorta ah ee Afrika oo lagu qabtay dalka Jabuuti.

28- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mongolia oo fadhigeedu yahay Shiinaha Marwo Hodan Cusman Cabdi ayaa warqadaha aqoonsiga si rasmi ah ugu gudbisay Madaxweynaha Mongolia, Mudane Khürelsükh Ukhnaa.

29- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallim Cabddulle ayaa magaaladda Gaalkacyo ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya.

30- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa kulan la yeelatey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa.

31- Qaar ka mid ah naafada gobolka Banaadir ayaa la guddoonsiiyay gaadiidka naafada si ay u gaaraan goobaha diiwaan gelinta kaarka doorashada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Ciraaq 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Ciraaq, Mudane Cabdi Amiir Kaamil Al-Shamari, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada la dagaallanka argagixisada, xasillinta, dib-u-heshiisiinta, dimuqraadiyeynta, iyo maamul daadejinta. Labada wasiir ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta si loo horumariyo nabadda iyo amniga gobolka.

Wasiir Cali Xoosh waxaa kulanka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdixakiim Ashkir. Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Amiir, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), Mudane Maxamuud Macallin, iyo Safiirka Soomaaliya ee Ciraaq, Mudane Ridwaan Xersi Maxmed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah.

Safiirka Soomaaliya ee Mongolia oo la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas

Ulaanbaatar –Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Mongolia (ee aan degganaasho ku lahayn), Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa kulan miro-dhal ah kula qaadatay magaalada Ulaanbaatar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Mongolia, Marwo Battsetseg Batmunkh, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Purevsurengiin Naranbayar.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mongolia, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka waxbarashada, ganacsiga, iyo isdhaafsiga aqoonta iyo khibradda.

Dowladda Mongolia ayaa gaartay heer sare oo waxbarasho, iyadoo gaartay 95% heerka aqris-qoris (literacy rate), waxana ay dhawaan heshay abaalmarin caalami ah oo lagu maamuusay tayada iyo hufnaanta barnaamijkeeda waxbarasho ee onlaynka ah, kaas oo suurtageliyay in dadka ku nool deegaannada fog-fog ay helaan fursado waxbarasho oo tayo leh.

Dhinaca Ganacsiga, labada dhinac waxay isku raaceen in ay jiraan fursado rajo leh oo lagu ballaarin karo iskaashiga dhaqaale, gaar ahaan dhinacyada dhoofinta wax-soo-saarka Soomaaliya sida waxyaabaha beeraha, kalluumeysiga, iyo badeecooyinka kale.

Mongolia oo leh dhaqaale kobcaya ayaa muujisay xiise ay u qabto horumarinta xiriir ganacsi oo dhaxalgal ah oo ay la yeelato Soomaaliya.

Danjire Dr. Hodan Osman Abdi ayaa sheegtay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Dowladda Mongolia si loo dhiso xiriir waara oo ku saleysan iskaashi dhab ah, wax-wada-qabsi iyo dan.

Wasiir Al-Cadaala: “Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan Deegaanka Wargaadhi”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa si adag uga hadlay guulaha ay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, gaar ahaan howlgalka ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in saakay Khawaarijta lagu jabiyay deegaanka Wargaadhi, isagoo tilmaamay in meydadkooda ay daadsan yihiin goobtaasi. Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxdaasi aysan mustaqbal ku lahayn Soomaaliya, isla markaana ay yihiin naf la caarin aan u turayn dadka iyo dalka.

Wasiirku wuxuu xusay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ay fuliyeen ay ahaayeen kuwa lagu burburinayay saanadooda iyo hubkooda, sidoo kalena lagu joojiyay isku socodkodkoida. Wuxuu sidoo kale sheegay in la burburiyay isbaarooyin ay Khawaarijtu lacago baad ah uga qaadi jireen shacabka, gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiir Al-Cadaala ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay guul weyn ka gaartay howlgalka wajiga koowaad, islamarkaana todobaadyada soo socda ay dhici doonaan howlgallo xooggan oo ka dhan ah Khawaarijta.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Email: Loyalyare12@gmail.com

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan guulo taariikhi ah ka soo hooyay furimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Shirka Golaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka, iyo sidoo kale hawsha iyo dadaalka ay waddaan guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Dhinaca kale Golaha ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo qeexaya dib-u habeynta nidaamka shaqo iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda, isaga oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika 

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa la wareegay hoggaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika kadib qabsoomidda shirka 24-aad ee madashan oo ay ku midaysan yihiin Wasiirada Maaliyadda dalalka kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan iyo South Sudan.

Madashan oo inta badan diiradda lagu saaro wadaaga mashaariicda horumarineed ayaa ah madal loogu talagalay in ay isku xirto dalalka dhaca geeska qaaradda Afrika, iyadoo ilaa iyo hada wax yaabaya la hirgalinayo ay ugu muhiimsan yihiin waddooyinka isku xiraya dalalka geeska si ganacsiga iyo dhaqaalaha uu u noqdo mid sahal meel walba ku gaaro.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Md. Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray kadib la wareegidda guddoonkq madasha ayaa yiri, “Sharaf ayey inoo tahay in aan xilka guddoomiyaha Iskaashiga Dalal Geeska Afrika kala wareego wasiir Axmed Shide. Soomaaliya waxa ay xubin muhiim ah ka aheyd aas-aaskii madashan, hadana waxa ay sidoo kale hoggaamin doontaa 2-da sano ee soo socota,Is dhexgalka gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa ah mudnaan muhim u ah himiladeena. Inta lagu guda jiro 2 sano ee soo socota, waxa aan ku dadaali doonaa si kor loogu qaado ganacsiga, maalgalinta kaabayaasha guud ahaan Geeska Afrika” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Hindisaha Iskaashiga Geeska Afrika waa barnaamij goboleed lagu horumarinayo isdhexgalka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo maalgelinta kaabayaasha dhaqalaaha. Soomaaliya oo kamid ah aasaasayaasha ururkani waxa ay xubin muuqdo ka tahay madashani lagu maalgalinayo dalalka geeska Afrika.

Ciidamada Qaranka oo khasaare ba’an ku gaarsiiyay Khawaarijta Degaanka Wargaadhi

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa saakay howlgal qorsheysan ku qaaday kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanayay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa sababay khasaare culus oo lagu gaarsiiyay kooxaha argagixisada, iyadoo saraakiisha hoggaaminaysay ay sheegeen in la dilay tiro ka mid ah Khawaarijta, halka kuwa kale ay goobta ka firxadeen.

Ciidamada ayaa wali ku sugan deegaanka, iyagoo fulinaya baaritaano dheeraad ah si loo xaqiijiyo amniga deegaankaas muhiimka ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ee caadeystay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Maareeyaha Guud ee NIRA oo kormeer Shaqo ku tagay Xarunta Gaalkacyo

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa booqasho kormeer ah ku tegay xarunta NIRA ee magaalada Gaalkacyo.

Kormeerka Maareeyaha ayaa qeyb ka ahaa u-kuurgelidda habsami-u-socodka shaqada iyo xaaladda guud ee xarunta, isagoo si dhow ula kulmay shaqaalaha halkaas ka howlgala.

Dr. Cabdicasiis Aadan Xaashi, oo ah Madaxa NIRA ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Maareeyaha xaaladda shaqo ee xarunta iyo dadaalka ay hay’adda ugu jirto adeeg siinta shacabka.

Maareeye Timacadde wuxuu shaqaalaha ku dhiirrigeliyay inay xoojiyaan adeegyada hufan ee ay bulshada u hayaan, isagoo xusay in NIRA ay muhiim u tahay sugidda aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo horumarinta nidaamka dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah, waxa uuna soo bandhigay qaban-qaabada qabsoomidda wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo 34 Sano kadib dib u howlgalisay Maamulka tooska ah ee Boostada Caalamiga ah 

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guul taariikhi ah oo dalka uu ka gaaray hirgelinta maamulka tooska ah ee boostada caalamiga ah, 34 sano kadib.

Guushan muhiimka ah ayaa ka dhigan in Adeegga Boostada Qaranka Soomaaliyeed (SNPS) uu si rasmi ah ula wareegay maamulka is-weydaarsiga boostada caalamiga ah. Laga bilaabo 1-da May 2025, Soomaaliya waxay si madax-bannaan u maamuli doontaa boostada soo galeysa iyo tan baxeysa, iyada oo loo marayo xarunta cusub ee is-weydaarsiga ee Muqdisho.

Wasiir Maxamed Soomaal ayaa xusay in guushan la gaaray kadib dadaal dheer iyo geeddi-socod qaran oo ay horseed u ahayd Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, iyadoo ay garab-taagnaayeen hay’adaha dowladda, khubaro farsamo, iyo bahda boostada gudaha iyo dibadda.

Fursaddan waxa ay si gaar ah uga faa’iideynsan doonaan ganacsatada Soomaaliyeed oo heli doona adeegyo boosto oo casri ah, degdeg ah, ammaan ah, kuna xiran shabakadaha boostada caalamiga ah. Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed waxay si fudud u diri doonaan una heli doonaan waraaqo, alaabo, iyo fariimo muhiim ah meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin.

Wasiirku wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan cidii ka qayb qaadatay hirgelinta qorshahan, isaga oo mar labaad shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushan qaranka u soo hoyatay.