Home Blog Page 125

Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatey Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga La-socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal, iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Xirsi Timacadde, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen habdhowrayaal iyo xoghayeyaasha guud ee labada Aqal.

Guddiyada ayaa guddoonka labada Aqal la wadaagay warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha dib u eegista Dastuurka, gaar ahaan qorshayaasha la xiriira cutubyada harsan iyo waqtiga la filayo in Baarlamaanka la horgeeyo.

Ugu dambeyn, dhinacyadu waxay isku raaceen in la dardargeliyo hawlaha dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka, si loo xaqiijiyo in Dastuurka Kumeelgaarka ah uu u gudbo heer rasmi ah, taasoo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka dalka.

Xidhibaan Qawdhan oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabkaย 

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hayโ€™adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta doortay Guddoomiye cusub. Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, waxaa shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xubnaha guddiga ayaa cod gacan taag ah ku doortay Xildhibaan *Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan)* inuu noqdo Guddoomiyaha cusub, isagoo beddelaya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub inuu dardargeliyo shaqada guddiga, gaar ahaan doorkiisa muhiimka ah ee la xisaabtanka hayโ€™adaha dowladda. Wuxuu sidoo kale xubnaha kale ku dhiirrigeliyay inay si dhow ula shaqeeyaan guddoomiyaha si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Doorashada cusub ayaa la filayaa inay horumarin ku keento hufnaanta iyo daahfurnaanta howlaha maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulamo lagu xoojinaayo Amniga oo lagu qabtay Masagawaaย 

Magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud ayaa martigelisay kulan amni oo heer sare ah, kaasoo ay isugu yimaadeen xildhibaano, wasiiro, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku sugan deegaannada miyiga ah.

Kulanka oo aan saxaafaddu si toos ah uga qaybgelin ayaa lagu falanqeeyey xoojinta iskaashiga u dhexeeya hayโ€™adaha amniga iyo madaxda deegaanka, si loo ciribtiro khataraha argagixisada. Waxaa kulanka kasoo baxay qodobo la xiriira adkaynta wada shaqeynta iyo hagida istaraatijiyadeed ee ciidamada.

Waxaa ka qaybgalay Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul, Wasiirka Dastuurka ee Galmudug, Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Jeneraal Cabdullaahi Caraaye Cosoble (Gacma Duule), iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Masagawaa ayaa horey ugu caan baxday kaalin muhiim ah oo ay ku leedahay abaabulka howlgalada milatari ee lagula dagaallamayo argagixisada, waxaana kulankan uu daliil u yahay dadaalka sii socda ee lagu xaqiijinayo amni buuxa oo ka hanaqaada guud ahaan gobolka Galgaduud.

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Abooreyย 

Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey. Howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidamada deegaanka ay ka war heleen in Khawaarijtu isku aruursanayaan deegaankaas. Ciidamada ayaa halkaas ku qaaday weerar culus oo cashar loogu dhigay Khawaarijta, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Khawaarijta, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii loo qorsheeyay. Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Khawaarijta lagu laayey, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Sidoo kale, ciidamada deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa weerar kale ku qaaday Khawaarij isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan Yabaal. Weerarkan ayaa lagu gaarsiiyey cadowga khasaare culus, waxaana ciidamada deegaanka ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay madaxtooyadda Qaranka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka aanu walaalaha nahay Jabuuti ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF iyo xubin ka tirsan Golaha FIFA (FIFA Council), Mudane Souleiman Hassan Waberi.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida Qarankeenna ugu faraxsan yahay ka mid noqoshada xubinnimada FIFA ee Jabuuti, wuxuuna sidoo kale sheegay inay ka goโ€™an tahay is-dhaafsiga khibradaha xiriirka noocyada kala duwan ee ciyaaraha.

Kulanka uu madaxweynaha la yeeshay Mudane Souleiman Hassan Waberi waxaa ku weheliyay wasiirka Dhallinyarafa iyo Ciyaaraha XFS, Gudoomiyaha xiririirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo masโ€™uuliyiin kale.

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo la kulantay agaasimaha hayโ€™adda socdaalka dalkaas

0

Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa kulan kula qaadatay xafiiskiisa Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka & Jinsiyadda Dowladda Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka socdaalka iyo is-dhexgalka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Ugandheyska.

Danjire Fardowsa ayaa Agaasimaha u gudbisay cabashooyin ka yimid bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Uganda, kuwaas oo intooda badan aan haysan sharciyad rasmi ah oo ay dalka ku joogaan.

Sidoo kale, Safiir Fardowsa waxay xustay in maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tahay in loola dhaqmo sida dalalka EAC. Waxayna ku baaqday in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Uganda loola dhaqmo sida ardayda kale ee ka kala yimaada dalalka xubnaha ka ah EAC.

Dhankiisa, Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa, ayaa ballan qaaday in cabashooyinkaas wax laga qaban doono, isagoo arrintaas kala kaashan doona Wasaaradda Arrimaha Urur Goboleedka Bariga Afrika ee Dowladda Uganda

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Baniโ€™aadannimada Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Baniโ€™aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad baniโ€™aadannimo oo adag iyo dhibaatooyin is biirsaday, sida; roob yaridii Deyrta, is-raaca Guga oo aan rajo badan laga qabin iyo halista sii kordheysa La Nina goobaha qaar, taas oo si weyn u saameysay nolosha malaayiin qof. Wuxuu si gaar ah u xusay in dhibaatada ay uga sii darayaan xaaladaha barakaca, amni darrada, iyo yaraanta maalgelinta gargaarka.

Shirkaan waxaa ka qeybgalayo, Guddoomiyaha Hayโ€™adda NIRA, Wasiirada Wasaaraha Gargaarka dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, Wasiiro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka Mudug, hayโ€™addaha deeqaha bixiya, kuwa ka shaqeeya arrimaha Baniiโ€™aadanimada , iyo marti sharaf kale duwan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Hayโ€™adda GIST

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulayman Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Hayโ€™adda GIST oo ka howl gasha Dalka Ingiriiska.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojinta lahaa la dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, iyo xog is dhaafsi ku saabsan tabaha ay isticmaalaan argagixisadu marka ay timaado ilaha dhaqaalaha.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka waxaa ka goโ€™an ciribtirka dhammaan danbiyada Maaliyadeed iyo Maalgelinta argagixsada oo dhibaato xoogan ku haya ummadda Soomaaliyeed.

 

Xamarjajab,Waabari iyo Cabdicasii oo saakay ay kasocoto diiwaangelinta codbixiyaasha

0

Degmooyinka Xamarjajab,waabari iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir waxaa saakay ka bilaabay is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Xamarjajab,Cabdicasiis iyo Waabari ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka ay is diiwaangalinta kasocoto ayaa soo dhaweeyay in shacabka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Sidoo kale qaar kamid ah shacabka Saddxda degmo oo ay kasocoto diiwaangalinta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mudda 50-sano ka badan ay maanta ay isugu soo baxaan in ay is diiwaangaliyaa oo ay qataan gaarka doorashooyinka golaha degaanka.

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

 

 

 

Wasiirka Maaliyadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Washington

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC oo lagu qabanayo shirka xiliga Guโ€™ga ๐’๐ฉ๐ซ๐ข๐ง๐ ๐Œ๐ž๐ž๐ญ๐ข๐ง๐ ๐ฌ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban xubno matalaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Raโ€™isul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheyntaj Qaranka, Bangiga Dhexe iyo Heyโ€™adda Warbixinada Maaliyadda ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada heyโ€™adood ee shirka qabanaya ka hor inta aysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay.

Kulamadaan horudhaca ah ayaa ujeedkoodu waxa uu daaranaa sidii Dowladda Soomaaliya ay miiska wada hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed ee ay heyโ€™adaha Caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in kulamadii horudhaca ahaa ee uu la qaatay Wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka in ay si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo in uu khudbado ka jeediyo Wasiirka.