Home Blog Page 123

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha ay dowladdu xaqiijisay ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan madaxda hoggaamineyso, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socdaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, saamileyda siyaasadda iyo qeybaha bulshada ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya, horumarinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

 

 

 

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Guddiga Qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka kusoo laabtay, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Jiif Caaqil Macow Cumar Maxamed iyo Prof. Cabdullaahi Maxamed Aadan (Salaamullah).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka Qurbajoogta ee ku aaddan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana ay gacan taakulayn ah ugu geysan lahaayeen taageerada Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan dhinacyada la xiriira daryeelka iyo u hiilinta qoysaska shuhadada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay xubnaha Qurbajoogta dadaalkooda iyo garab istaagga ay siiyeen Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqeyso dhammaan shacabka doonaya inay kaalin muuqata ka qaataan difaaca dalka.

 

Xeer ilaalinta Qaranka oo gacanta ku haysa kiis la xiriira maalgelinta argagixisada

0

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray kiis la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso, kaas oo loo xayiray ku dhawaad 1-milyan oo Dollar.

Kuuriyada Koonfureed oo Safiirka cusub usoo magacowday Soomaaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kuuriya Koonfureed u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kang Hyung-Shik.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guulaysto howshani muhiimka ah ee loo igmaday, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay aad u daneyneyso kobcinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Kuuriya, caddeeyayna muhiimadda ay leedahay xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo in la sii wado wada-shaqeynta si loo hiigsado himilooyinka la wadaago, isfahanka labada dal iyo sare u qaadida wax-wadaagga.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda XFS oo waddanka Turkmenistan ugu qaybgalay shir muhiim ah

0

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ka qayb galay shirkii 3aad ee Qaramada Midoobay ee wadamada aan xeebaha lahayn, kaas oo lagu qabtay magaalada Awaza ee waddanka Turkmenistan.

Shirkan ayaa looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa isku xirnaanta iyo fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha wadamada xeebaha leh iyo kuwa aan xeebaha lahayn.

 

Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM oo ay garab ka helayaan saaxiibada caalamka ayaa jab culus gaarsiiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, gobolka Shabeellaha hoose, kadib howlgal qorsheysan oo guul leh.

Khawaarijta ayaa isku dayday in ay laba gaari oo miineysan ku soo weeraraan ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah. Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ay guuleysteen in ay si nabad ah u burburiyaan labada gaari ka hor intaysan waxyeello geysan.

Howlgalkan oo qeyb ka ah ololaha “Duufaanta Aamusan”, ayaa si toos ah loogu beegsaday saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Khawaarijta ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaana lagu jebiyay difaacooda. Intii uu socday howlgalka, in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay.

Howlgalka oo socday muddo afar maalmood ah, ayaa lagu gaaray guulo muhiim ah, inkastoo ay ku shahiideen 2 askari oo ka tirsan CXD, halka 12 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen, kuwaas oo si degdeg ah loogu sameeyay daryeel caafimaad.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si gaar ah u bogaadineysaa geesinimada, feejignaanta, iyo naftu-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada Uganda, iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamka. Wasaaraddu waxay mar kale adkeynaysaa go’aanka cad ee ah in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Dab qasaare maaliyadeed oo ka socda Suuq-bacaad

0

Dab qasaare maaliyadeed oo baaxad leh gaystay ayaa ka socda Suuq-bacaad oo ah suuqa 2-aad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dab-damiska iyo Booliska ayaa ku hawlan hawsha daminta dabka, si loo yareeyo qasaaraha hantiyeed ee uugaysan karo.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco SONNA

Wasiirka maaliyadda oo kulan la qaatay danjiraha UK

0

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr. Charles King, kadib kulan ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho.

Intii uu socday kulanka waxaa diiradda lagu saaray dadaallada horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Dan-qaran ay ka wadaan dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka, kobcinta dakhliga gudaha, iyo horumarinta fursadaha maalgelin ee labada dal iska kaashan karaan.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ah saaxiib dhow oo door muuqda ku leh horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-habaynta maaliyadeed iyo taageerada dhaqaalaha dalka.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo

0

Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo lagu hagaajinayo adeegyada ay hay’addu siiso bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedada habraacyadan ayaa ah in la dardargeliyo hannaanka adeeg-bixinta, lana xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan, iyo adeegyo tayo leh oo la jaanqaadaya baahida shacabka.

Munaasabadda saxiixa habraacyadan oo ka dhacday xarunta dhexe ee HSJ waxaa ka qeyb galay Agaasime Ku-xigeennada Guud, Lataliyeyaal, Agaasime Waaxeedyada, iyo saraakiil sare oo ka kala socday xafiisyada hay’adda. Kulankan wuxuu muujiyey midnimo iyo ka-go’naansho dhab ah oo ku aaddan hirgelinta isbeddelada la xiriira adeegga.

Habraacyada la saxiixay ayaa daboolaya dhammaan adeegyada ay Hay’addu bixiso, waxaana ka mid ah:

• Habka dalbashada iyo bixinta baasaboorka Soomaaliyeed

• Maamulka socdaalka iyo xuduudaha, si loo hubiyo dadka dalka soo galaya ama ka baxaya

• Maamulka shaqada iyo shaqaalaha

• Maaraynta maamulka guud ee Hay’adda

Yaraynta Waqtiga Dalabka Baasaboorka

Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee ka dhashay habraacyadan cusub ayaa ah yareynta waqtiga la sugayo baasaboorka caadiga ah. Tani waxay si toos ah u anfici doontaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan adeegyo degdeg ah oo hufan.

1. Dalbashada baasaboorka cusub – Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 7 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 15 maalmood.

2. Cusboonaysiinta baasaboorka dhacay ama lumay – Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 4 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 10 maalmood.

Agaasimaha Guud, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in habraacyadan ay saldhig u yihiin isbeddelka ay hay’addu hiigsanayso. Waxa uu tilmaamay in ay si cad u dejinayaan hannaan shaqo oo mideysan, hufan, kuna dhisan isla xisaabtan. Waxa uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin adeeg sharaf leh, degdeg ah, oo aan carqalad lahayn.

Wasiirka arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Venezuela

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Bolivaria ee Venezuela, Marwo Moravia Peralta Hernandez.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Danjire Moravia Hernandez in ay ku guulaysato howsha loo igmaday, isaga oo caddeeyay muhiimadda weyn ee ay leedahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo xushmad is-dhaafsiga ka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah ee Soomaaliya iyo Venezuela, isaga oo muujiyay baahida loo qabo qoto-dheereynta iskaashiga labo geesoodka iyo xoojinta wax-wadaag wax-ku-ool ah oo looga gol leeyahay horumarinta dano wadaagga, si sare loogu qaado iskaashiga dhammaan dhinacyada kala duwan ee muhiimadda u leh labada dal