Dowlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka shiray qorshaha horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shir guddoominayay Kulan u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo looga hadlayay qorshaha horumarinta ciidanka booliska Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, kaasi oo dhawaan Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya ku kala saxiixdeen 42 Milyan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay shirka ku soo bandhigtay baahiyaha gaarka ah ee la xirira horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay diyaarisay Wasaaradda Amniga, iyadoo ay ka mid ahayd qorshaha sugidda Amniga garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho oo dhawaan amnigiisa lagu wareejiyay ciidanka booliska.

Dood dheer kaddib ayaa waxaa lagu ansixiyay qorshahaas ku aadan horumarinta booliska Soomaaliyeed oo ay taageereyso Midowga Yurub, waxana ka mid ahayd taageerada dhaqaale ee qorshaha sugidda amniga Stadium Muqdisho.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahan uu ahaa mid Midowga Yurub ay kal hore kala saxiixdeen dowladda, isla markaana 80% uu ku so dhamaaday guul, isagoo intaa ku daray in dhawaan ay markale yeelan doonaan shir arrimahan la xiriirta.

“Shirkan waxa uu daba socdaa shirkii hore aan ku kala saxiixanay 42 Milay oo lagu kobcinayo booliska Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed,  marka sida aan horey u sheegnay baahida heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed ayaan soo gudbisanay, marka maanta waxaa la ansixiyay 80%, wixii aan soo gudbisanay dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, tusaale ahaan baahida stadium Muqdisho oo aan dhawaan la wareegnay, dhawaana wey heli doonaan qalab iyo wixii ay u baahan yihiin, waana guul u soo hooyatay Soomaali oo dhan, lacagtaasna waa lacag loogu talaglay Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaamineysa waxkasta oo ay u baahanyihiin dowlad Goboleedyada , iyadoo loo soo marayo Wasaaradda Amniga sida uu sheegay Wasiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...