Siihayaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo xilka kula wareegayay

Date:

Muqdisho (SNTV) Munaasabadan uu xilka Kula Wareegayay Siihayaha Cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Cusman Axmed Maxamed ayaa ka dhacday Gudaha Safaaradda Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Munaasabada Diblumaasiyiinta Safaaradda, Jaaliyadda, Aqoonyahano, Ganacsato iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Suudaan.

Ugu horeyn waxaa sharaxaad kooban ka bixiyay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda Siihayihii hore Axmed Ibraahim (Buurfuule) isagoo sidoo kale ku soo wareejiyay Siihayaha Cusub ee Safaaradda ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda mudane Cusmaan Axmed Maxamed dhamaan Xafiisyada ay ka koobantahay Safaaradda iyo shaqooyinka lagu qabto intaba.

Intaa ka dib labada masuul ayaa kala saxiixday Xilwareejinta iyadoona sido kale Siihaye Cusmaan Axmed Maxamed goobta lagu wareejiyay dhamaan Gawaaridii iyo agabkii ay ku shaqeyneysay Safaaradda.

Sidoo kale Ganacsatadii iyo Madaxdii Jaaliyadda ee ka soo qeyb gashay Munaasabada Xilwareejinta ayaa soo dhaweeyay Siihayaha cusub, waxeyna ballan qaadeen in si wanaagsan oo qalbi furnaan ah ay ula shaqayn doonaan.

Dhanka kale Axmed Ibraahim (Buurfuule) Siihayahii hore ee Safaaradda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay intii uu xilka hayey ay wax badan u qabsoomeen isagoo Mahadcelin balaaran u jeediyay dhamaan reer Suudaan mudadii koobneed sida quruxda badan ay ula shaqeeyeen.

Kusimaha Safaaradda ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Mudane Cusmaan Axmed Maxamed ayaa insa sheegay in uu ku faraxsan yahay xilkan loo dhiibey islamarkaana uu ku dadaalayo sidii uu uga soo dhalaali lahaa waxaana uu Jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyan si loo sameeyo isbedel wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...

Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...