Home Blog Page 1220

Tahriibayaal Soomaali ay ku jiraan oo loo diiday Yurub

0

Muqdisho (SNTV)- Ugu yaraan 67 ruux oo isugu jira qaxooti Soomaali iyo Eritrea ah oo saaran Markabka Aquarius ayaa loo diiday inay gudaha u galaan qaarada Yurub, waxayna taagan yihiin badda Mediterranean-ka.

Saraakiil ka mid ah kuwa u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay sheegeen Qaxootigan inay ku jiraan caruur, islamarkaana ilaa hadda ay la’yihiin wadan qaabila oo magangalyo siiya.

Talyaaniga ayaa wuxuu Britain ka dalbaday in uu qaabilo qaxootigan oo tiradoodu guud gaareyso 141 ruux oo 67 ka mid ah ay yihiin Soomaali iyo Eritrean.

Markabka ay saaran yihiin qaxootigan aya waxaa ka dul babanaya calanka Gibraltar oo ka mid ah dhulweynaha Britain, sidaasi darteed ayuu Talyaaniga uu codsi ugu jeediyay UK.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha qaxootiga ayaa waxa ay ku taliyeen in la tixgeliyo xaalada ay ku sugan yihiin qaxootigan, waxayna ku baaqeen in la badbaadiyo dadkan, si noloshooda ay u sii wataan.

Afhayeen u hadashay Guddiga Midowga Yurub u qaabilsan qaxootiga Tove Ernst oo kula hadashay saxafiyiinta magaalada Burssels ayaa sheegtay in ay suurtagal tahay in ay tixgelin mudan tahay calanka markabka uu ku safrayo, balse haweeneydan ayaa  raacisay in ay la xiriireen dalal badan ayna wadaan dadaalo lagu xalinayo arrintan.

Markabka The Aquarius oo bishii June ee sanadkan soo badbaadiyay illaa 630 qaxooti ah kadib markii ay iska soo celiyeen dalalka Talyaaniga iyo Malta ayaa dib u bilaabay toddobaadkii la soo dhaafay soo badbaadinta qaxootiga doomanka ka soo raacaya dalka Libya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

0

Muqdisho(SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay ku qaabilay xafiiskiisa Safirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Intii ay ku guda jireen kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal si gaar ah siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha Waaxda Eeshiya Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim.

Guddiga Dhaqaaalaha XFS iyo Golaha dhaqaalaha Qaranka oo wada kulmay

0

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo looga hadlayay sidii looga wada shaqayn lahaa kobcinta Dhaqaalaha Dalka si loo gaaro hadafka guud ee ah in la gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Intii kulanku uu socday ayaa waxaa dhamaan ka qayb galayaashu waxa ay soo dhaweeyeen dhismaha iyo hawl gelinta  Golaha dhaqaalaha Qaranka ” National Economic Council” oo dhawaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo uu ku magacaabay wareegto si ay dawladda kala shaqeeyaan arrimaha dhaqaalaha dalka.

Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo dib u soo celinta dhaqaalaha Qaranka si looga baxo duruufaha Dhaqaale ee uu wadanka dib u dhigay, si nolosha dadka Soomaaliyeed ay wax badani isaga bedelaan.

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Dastuurka oo wada kulmay

Muqdisho (SNTV)-Guddiga joogtada ee Golaha shacabka ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay halka ay marayaan hanaanka dib u eegista dastuurka, wada shaqeynta guddiyada dastuurka iyo Wasaaradda dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo kuwa hada ay dib u eegista ku socdaan.

Sidoo kale wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Wasaarada Dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eegista loogu sameynayo dastuurka.

“Runtii wasaarada dadaal ayay wadaa, golaha shacabka waxaan ka codsanaya in wasaarada dastuurka iyo guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaallo, si loogu guuleysto in dastuur loo dhan yahay aan yeelano”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka.

Xubnaha guddiga joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir ku xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ku dheeraaday muhiimada dastuurka iyo dardar gelinta howlaha dib u eegista.

Guddoomiyaha ayaa wasaarada dastuurka faray iney shaqooyinka ay wadaan sii labada jibaaraan, golaha shacabkana ay usoo gudbiyaan warbixin dhameystiran si waqtiga haray loogu faa’iideysto.

Ugu dambeyn Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in guddiga joogtada ee golaha shacabka uu la xisaabtamayo wasaarada dastuurka iyo guddiyada ku howlan dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda dalka Ereteriya

0

Muqdisho, August  13, 2018; Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ereteriya Mudane Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalkan wafdiga Ereteriya ku soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa daba socda safarkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ay ku tageen magaalada Asmara dabayaaqadii bishii hore, halkaas oo ay labada Madaxweyne ku kala saxiixdeen heshiis lagu dardargelinayo iskaashiga labada dal.

Qodobbadii ay labada Madaxweyne ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa in labada dal ay si rasmi ah u yeeshaan xiriir dibloomaasiyadeed oo asaaskiisu yahay in la isweydaarsado safaarado iyo dibloomaasiyiin iyo in laga shaqeeyo, lana dhammaystiro hirgelinta qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdiga socdaalka ay ku yimaaddeen Muqdisho, waxa uuna xusay mudnaanta uu iskaashigu u leeyahay horumarka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in dalalka Geeska Afrika aanay sinnaba u kala maarmi karin maadaama oo ay dano badan isaga xiran yihiin, wuxuuna ballanqaaday in dawladdiisu ay ka shaqaynayso sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa dalalka Geeska Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ka go’an soo celinta maqaamkii ay Soomaaliya ku lahayd Geeska Afrika, waxayna diyaar u tahay inay door weyn ka qaadato iskaashiga dhinacyada isdhexgelka dhaqaale, bulsho, iyo amni oo dhexmara dalalka Geeska Afrika.

R/wasaare Khayre oo Shir-guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah ee SMP3

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee barnaamijka kormeerka shaqaalaha (Staff Monitored Program SMP3), oo looga hadlay wixii ka qabsoomay barnaamijka dayn cafinta iyo daba galka waxyaabaha aan wali qabsoomin.

Wasiirka maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay shirka ayaa sheegay in diiradda lagu saaray qorshayaal la taaban karo oo cad-cad oo loo qaadayo hannaanka dib u qaabaynta maaliyadda si loogu guulaysto qorshaha dayn cafinta.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta nasoo booqday. Nidaamka geedi socodka dayn cafinta oo aad ugu wayn ajandaha Ra’iisul Wasaaraha annagana nagu wayn ayaan ka wada hadalnay. Halka aan taagannahay, halka aan ka nimid iyo meesha aan u soconno, waxa uu na siiyay talo iyo tusaalo, waxaa jira shuruuda badan oo nalaku xiray si aan ugu guulaysan karno barnaaminka cafinta daynta”, ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa aad ugu mehed celiyay wasiirka iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, habaka wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta barnaamijyada Soomaaliya looga cafinayo daymaha, Sidoo kalen waxa uu tilmamaay in aan dib u dhis lagu samayn karin dalka hadii aan la hagaajin dhaqaalihiisa.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta u fariisaneysa dhageysiga codsi dammaanad siin Mas’uul ku eedeysan Masuq maasuq

0

Muqdisho(SNTV);-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/8/2018-ka,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsi dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa SONNA u sheegay in eedeysanahan oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya qeybta qandaraasyada loo heysto arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta oo ay taariikhdu tahay 13-8-2018,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsiga dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo mudo todobaad ah u xirnaa arrimo la xiriirka masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa,” ayuu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muuse Macallim Maxamed.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorshe ay kula dagaalameyso arrimaha masuq maasuqa iyo ku takri falka Hantida Qaranka.

Cabdi Daahir Karoore ”Buulo burde shabaab wada joogi meyno”

0

Baladweyn (SNTV)- Guddoomiyaha Dagmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa waxa uu ka hadlay howlgalo ciidamada xooga dalka ayaa ka sameyen Degmada waxa ay ku guuleysten in Nalaalka magaalada ay dib ushidan maamulka degmada.

Hawlgalkan ayaa ah mid lagu bacsanayo Maleeshiyaad Shabaab ee cadaystay dhibtaynta shacabka ku dhaqan degaanadda hoostaga gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha waxa uu tilmaamay in magaalada gudaheeda laga wado dib u dhis balaaran  kaso ay qaybka tahay sidi lo dayac tiri laha  garoonka diyaaradaha  magalada Buula burdi si dadku ay u isticmaalan garoonka diyaardaha ee degmada.

Gudoomiyaha  Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xooga dalka aay wadaan howlaglo amniga lagu xaqiijinayo si aay u xoojiyaan amaanka isku socda wadada isku xirta  Buula-burde iyo magaalada Baladweyne.

Shacabka gobolka waxa ugu baqaay in aay la shaqeeyaan ciidanka xooga dalka soomaliyeed madaama wadada xiriirsa labada degmo aay  baahi u qaban isticmaalkeeda hatan lajoogo xiligi aay dadku iska fogeeyn lahayen haraadiga yar ee faro ku tiriska Maleeshiyaad Shabaab.

DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea Osman Salah iyo La taliyaha madaxweynaha dalkaas Mr. Gebreab  ayaa goor dhow Muqdisho ka soo dagay.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha dalka mudane Xasan Cali  Khayre oo uu wehliyo  wasiirka Arrimaha Dibedda  Axmed Ciise Cawad.

Wafdigan  ka socda Dalka Eritrea ayaa la kulmi doonna madaxda dalka.

Dhowaan madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Eritrea, taas oo ahayd booqashadii ugu horreysay oo madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkaas tan iyo intii uu xor noqday.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea Essias Efwarki, ayaa ku heshiiyay arrimo ay ka mid ahaayeen in labada dal yeeshaan xiriir diblomaasiyaadeed iyo in la iska kaashado xasilloonida gobolka

Dowladda Soomaaliya oo u ballan qaaday shaqa abuur kun dhallinyara ah

0

Muqdisho(SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta dhallinyarada aduunka (Agoosto 12) ayaa 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed u sameeyay ballan qaad shaqo.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ku adkeeyay in uu codsiyada shaqo ka qabto kun dhalliyaro Soomaaliyeed ah uguna qaybiyo si caddaalad ah, daacad ah, daah furan, isaga oo dhallinyaradana kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadda shaqo.

“Sannadkii hore waxa aan shaqaalaysiinnay 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, guddoomiyaha gobalka Banaadir waxa aan leeyahay codsiyada ka qabo kun kale oo dhalliyara Soomaaliyeed ah uguna qaybi si caddaalad ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xilliga ugu wanaagsan ee uu leeyahay qofka bini’aadamka ah uuna samayn karo Raasumaal qarannimo iyo mid qofeed uu yahay xilliga uu dhallinyaryahay, waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta iyo kuwii dhaliyay Xornimada in ay ka midaysanyihiin in mar waliba yihiin in rajada kaliya ee ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.

“Xornimada aan haysanno waxaa keenay dhallinyaro la noolaa wacyi kiinna ka dhib badan, gumaysi uu haysto, hadii ay bannaanka u baxaan qatar ugu jiray in uu dilo qof ajnabi ah hase yeeshee goostay in ay qaataan qatartaas si aan innagu u helno nolol ka wanaagsan tii ay haysteen. Gumaysi ayey la dagaallameen waana ku guulaysteen iyada oo Afrika inteeda kale aysan hurdada ka kicin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

“Dhallinyarada maanta iyana waxa ay kala simanyihiin in ay la dagaalayaan Jahli, faqri, gaajo, argagaxiso, qabyaalad, musuqmaasuq iyo kuwa doonaya in ay dalkeenna u dummiyaan dano gaar ah” ayuu munaasabadda ka sheegay Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Shaqo abuurka dhallinyarada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre in ay qayb ka qaadanayso horumarinta dhaqaalaha iyo amniga maadaama dhallinyaradu yihiin xoogga, maskaxdda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamayo aduunyada inteeda kale.