Home Blog Page 1219

Ra’iisul Wasaara Khayre Oo dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Qorshaynta oo dib-U-dhis iyo dayactir Lagu Samaynayo

0

Muqdisho, September 09, 2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo lagu samaynayo dib-u-dhis ballaaran.

Sanduuqa horumarinta dawladda Qatar ayaa maal-gelinaya dhismaha iyo dayactirka lagu samaynayo wasaaradda qorshaynta, arintaas oo qayb ka ah heshiis ay horay u wada saxiixeen labada dawladood ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dawladda Qatar maal gelinta mashruucaan, isaga oo sheegay in dhismaha wasaaraddu uu muhiim u yahay barnaamija xukuummadda, shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

“Dhismaha wasaaraddan iyo in aan kusoo celinno sidii ay ahayd sanad gudihiis waa geeddi socodka aan rabno in wasaarad iyo dhisma waliba ee waddankaan laga dudumiyay aan dib ugu soo celinno sidii ay ahaan jirtay”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

“Dowladdu waxba ma dhisi karto hadii shacabka Soomaaliyeed aysan garab istaagin. shacabka Soomaaliyeed meel kasta ee ay joogaan iyaga laftoodu waa in ay go’aan ka gaaraan dhismaha waddanka”, ayaa ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacaka Soomaaliyeed.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhis ku samaysay xarumo ku burburay dhitaatooyinkii dalka soo maray, si loogu guulaysto hannaanka soo celinta iyo dib u noolaynta dhismayaasha dawladda iyo goobaha taariikhiga ah ee dalka.

 

Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka oo imtixaan laga qaadayo

0

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in la qaban doono imtixaan  guud oo laga qaadayo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ujeedka imtixaanka ayaa ah in la ogaado heerka Aqooneed iyo qibradaha ay leeyihiin saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo imtixaan guud oo ay ka qeyb gali doonaan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

General Daahir Aadan waxa uu sidoo kale sheegay ujeedka imtixaanaadka looga qaadayo saraakiisha xoogga dalka isagoona sheegay qaadista imtixaanka lagu kala saarayo saraakiisha leh Aqoonta iyo kuwa ay qibradooda ay yar tahay

Saraakiisha imtixaanka ku dhacdo ayuu sheegay in loo furi doono koorso waxbarasho oo lag dhisayo heerka Aqoontooda, ka dib wareegto uu so saaray  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe.

Jardiinka Nambar Afar oo markale dib loogu celiyay dan guud

0

Muqdisho(SNTV):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay fuliyey qorshaha dib-u- soo celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Nambar Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Jardiinka loo soo celiyo.

Guddoomiyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey dhiirigelinta iyo soo dhoweynta siyaasada soo celinta goobaha danta guud ee caasimada, isla markaasna sheegay in la sii wadi doona qorshahan oo waxtar weyn u leh bilicda, dalxiiska iyo isu socodka bulshada Caasimadda.

“Muddo ayaan u qabannay dadka sida gaarka ah u isticmaalayey dhulka danta guud, muddaas oo hadda dhammaatay kadib, waxaan bilownay qorshihii dib loogu soo celin lahaa goobahaas, gaar ahaan jardiinooyinkii oo noqon doona kuwo ay ku nastaan bulshadu.”

Guddoomye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay caasimadda qorshaha dib u soo celinta Jardiinooyinka bulshada iyo sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolka Banaadir in dib loo soo celiyo dhulka sida gaarka ah loo isticmaalayo, si loogu adeego shacabka iyo Danta guud.

Qorshaha dib u soo celinta dhulka Danta Guud ayaa ka bilowday Jardiinka nambar Afar oo mudadii la soo dhaafay ay ka dhisnaayeen dhismeyaal ganacsi oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo laga banneeyey goobta, si loogu hirgeliyo bulshada Caasimadda goob ay ku nastaan.

Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobta la banneeyey ayaa ku ammaanay shaqaalaha Dawladda Hoose, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Degmada Waaberi habsami u-socodka ay u fuliyeen shaqooyinka dib-u-soo celinta Jardiinada Lanbar Afar ee bartamaha caasimada Muqdisho.

Taliye K/Xigeenkii hore ee Nabad Sugidda oo laga dhigay dhammaan daroojinkii ciidan, lagana ruqseeyay Hay’adda

0

Muqdisho, Sebteembar 8, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Sabti, 8da bishan Sebteembar, 2018 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo xasiloonida Gobolka

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khadka taleefanka kuwada hadlay ayaa iska xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo kaalinta uu ka qaadanayo xal u helista amuuraha u dhexeeya Ereteriya iyo Jabuuti, isagoona ku ammaanay dadaallada kale ee uu kaga qayb-qaadanayo isu soo dhaweynta waddamada Geeska Afrika.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle qaabilaadda iyo marti gelinta wafdigii ka socday dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ee wadahadallada u tagay dalka Jabuuti.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ku bogaadiyey muhiimadda ay siiyeen xasilloonida, nabadda iyo ilaalinta daris wanaagga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in dalalka Geeska Afrika ay joogaan wakhtigii ay gacmaha is-qabsan lahaayeen, xoojinna lahaayeen iskaashiga, horumarka iyo xasilloonida.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo ku saleysan iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada shacab ee dhaqan iyo dhalasho wadaaga ah.

Madaxweyne Farmaajo oo shir wadatashi ah isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

0

Muqdisho, Sebteember 8, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.

Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

DHAMMAAD

Beeralayda gobolka mudug oo dadaal wayn ugu jira tacbashada dalagyada beeraha

0

Muqdisho September 9 (SNTV):-Deegaanka Xeerodhagaxleey ee gobolka mudug ayaa h meel ku wanaagsan Tabcashada Dalagyada waxaana ku yaala in ka badan 40 Beerood oo ay ka baxayaan nuucyada Qudaarta waxaana maalgashi ku sameeyay Dadka deegaanka iyagoo aan Taageeeo ka helayn gacan kale Deegaanka.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Xaafiiska Hobyo ayaa u kuurgalay Xaaladda Beeralayda Deegaanka Xeerodhagaxleey si aan ugu dhiiro galino shaqada ay hayaan Muwaadiniintaan Soomaaliyeed Guddoomiyaha iskaashatada Beeraleeyda Deegaanka Xeerodhagaxleey Cali Carab Gabayre ahna ninkii ugu horeeyay Oo beer ka Beera Deegaanka ayaa sharaxaad ka bixinaya Dadaaladii uu kusoo bixiyay shaqadaan.

Cali Carab gabayre ayaa ugu baaqay Dadka kasoo jeeda Deegaanada Galmudug inay Maalgashi ku sameegaankaan si looga soo saaro Dalagyo looga maarmo Baahiyada loo qabo kan kayimaada Deegaanada kale.

Guddoomiye ku xigeenka Deegaanka Cabdi maxamuud jimcaale ayaa sheegay inay dadaal xoogan ku bixiyeen Balshada deegaanku Tabcashada Beeraha lkn ay jiraan Cabado haysa sida qalabka Beeraha””””Cod Mahad Maxamuud Jimcaale oo ka mid dhalinyarada wax soo baratay kana soo jeeda Deegaanka ayaa ku amaanay Beeralayda Xeerodhagaxleey Tabcashada Beeraha isagoona ugu baaaay Dowladda federalka iyo Maamulka Galmudug inay Caawinta Beeraleydaan.

Beeralayda Soomaaliyeed ayaa dadaal xoogan ugu jira tabcashada iyo soo saarida dalagyada kala duwan waxaana xusid mudan inay jiraan caqabado haysta marka loo eego dhinacayada Tababarada ku aadan kor u qaadista Aqoonta iyo qalabka Beeraha laakiin waa kuwo ay ka go,an tahay u shaqeynta Bulshada.

Sawir qaade Wariye Baashi Ali Haashi Wakiilka Hobyo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo dib u habeyn ku sameeyey Garoorayaasha Maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad

0

Muqdisho September 9 (SNTV):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa dib u habeyn ku sameeyey Garsoorayaasha Maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad ee gobolka Banaadir, isagoo dalacsiin iyo isku bedel ku sameeyey qaar kamid ah Garsoorayaasha.

Guddoomiayaha Maxkamadda Sare markuu arkay baahida loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo Garsoorka Gobolka Banaadir, isla markana uu la tashaday masuuliyiinta ay quseyso arintaan, waxaa u soo saaray wareegtadan.

Hadaba Hoos ka Akhriso Digreetada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka uu soo saaray.

Taliska Ciidanka XDS oo dedaal ugu jirta sidii ay xorriyaddooda ku heli lahaayeen Odayaal ay Af-duubteen Al-Shabaab

0

Muqdisho September 9 (SNTV):-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wax-garadka kasoo jeeda Galmudug ayaa dadaallo xooggan ugu jira sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 70 Qof oo u badan Odayaal, kuwaas oo ay Al-Shabaab Maalmo ka hor ka Af-duubteen degaanka Gal-qoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee Ciidamada xoogga dalka  Soomaaliyeed G/dhexe C/qaadir Maxamed Cartan, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay socdaan qorshayaal la doonayo in Malleeshiyaadka Al-Shabaab Gacantooda looga soo saaro Dadka ay ka qafaasheen Gal-qoryaale.

3-dii Bishan ayay ahayd markii ay Kooxda Al-Shabaab 69 Qof oo u badan Odayaal ka qafaasheen Gal-qoryaale, iyadoo aan illaa iyo haatan la garanayn halka ay u kaxaysteen Dadkan iyo goobta ay ku hayaan.

Kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa caan ku ah dhac, dil, boob, cabburin, Af-duub iyo banneysashada Xoolaha Ummadda, taasoo ay u dheer tahay in ay qasab ku Askareeyaan Carruurta aan qaan-gaarin.

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir

Muqdisho September 9 (SNTV):-Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Guddoomiye Yariisow kulanka waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Marwo Basma Caamir Shakeeti iyo Xoghayaha guud ee gobolka banaadir Mudane Cumar C/risaaq.

Guddiga ayaa masuuliyiinta gobolka banaadir su’aalo ka weydiiyay waxyaabihii u qabsoomay mudada ay xafiiska joogaan.

Sidoo kale guddiga ayaa weydiiyay qorshayaasha maamulka gobolka ay u diyaariyeen hormarinta caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo shaqada ay bulshada u hayaan.

“ Maamulka gobolka waxa uu diyaar u yahay in su’aalo laga weydiiyo oo lagula xisaabtamo shaqada uu hayo, xubnaha guddiga waxa ka codsanay iney nagala shaqeeyaan hormarinta iyo suggida amniga caasimadda”. ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Mudane Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey) ayaa sheegay in maamulka gobolka banaadir ay wax ka weydiiyeen qorshe howleedkooda.

“ Arrimo muhiim ah ayaan ka wada hadalnay, waxaa ka dhageysanay warbixin ku saabsan shaqooyinka ay bulshada u hayaan, waxyaabo baahiyo ahn oo ay   noosoo gudbiyeen waxa la wadaageynaa cida ay khuseyso si wax looga qabto”. ayuu yiri Xildhibaan Geeseey.

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka iyo maamulka gobolka banaadir ayaa ku balamay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo amniga iyo hormarinta caasimadda.