Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay xoghayaha guud ee qaramada midoobay

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Golaha Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu kulan doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.

Madaxweynaha iyo Xogahaya ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada nabadda gobolka, amniga iyo horumar waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo uga warbixiyey qorsheyaasha hirgelay ee dowladdu ay ku xaqiijinayso amniga, doorashooyinka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...