Wasaaradda Cadaalada oo maanta tababar u furtay Garqaadayaasha Xarumaha habka dadban ee xalinta khilaafaadka G/Banaadir

Date:

Muqdisho september 10 (SNTV):- Tababarkaan oo soconaya seddex Maalin ayaa waxaa maanta furay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxaana loo qabtay garqaadayaasha xarumaha habka dadban ee xalinta khilaafaaadka gobolka Banaadir kuwaas oo dhawaan Wasaaradu ka hirgalisay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Odayaasha dhaqanka iyo hooyooyinka ayaa ka dhex muuqday dadka loo furay tababarka, Muhiimada laga leeyahay ayaana wasaaradu ku sifeysay inay tahay in isku dhacyada iyo khilaafaadka bulshada dhex yaala lagu xaliyo hab xeer beegti ah kiisaska xarumahaan soo dhaafana loo gudbiyo maxkamadaha caadiga ah ee dalka.

Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka dalka oo furay tababarka ayaa u sheegay ka qayb galayaasha inay muhiimad weyn siiyaan habkaan xalinta khilaafaadka isla markaana ka faa,iideystaan daruusta laga bixin doono madasha

“Xarumahaan faa,iidooyinka ay leeyihiin waxaa ka mid ah tusaale hadda labo bilood oo ay shaqeynayaan waxaa ay qabteen wax ka badan 60 kiis oo dacwo ah 35 ka mid ah waa la xaliyay oo xarumahaan ayaa ku guuleystay taasina waa muhiimada loo sameeyay waxaan idiin sheegayaan aas aaska in laga dhiso ayay u baahan tahay cadaaladu”ayuu yiri wasiirku.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....