Home Blog Page 1207

R/wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Uk u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay Safiirka Uk u qaabilsan Soomaaliya David William Concar,waxayna kullankooda uga hadleen xoojinta xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo horumarinta iskashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Safiirka  Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr. Concar   ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey horumaradda ay ka samaysay dhanka Dowladda wanaagga, la dagaalanka musuq maasuqa iyo Sugida amniga ,

Dhanaca kale, Ra’iisul wasaare Khayre ayaa xafiiskisa isla maanta kulan kula yeeshay xubno ka socday  Midowga Yurub,kaasi  oo looga hadlay  horumarinta iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Yurub  iyo Soomaaliya  ee ku aadan  Dar-dar galinta mashaariicda horumarineed ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida Suudaan oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho(SNTV);- Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka dalka Suudaan Gen. Salah Abdalla Maxamed Gosh ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdiga Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida dalka Suudaan oo booqasho rasmi ah ku yimid.

Inta ay joogaan Wafdiga ka socda Dowladda Suudaan ayaa waxay kullamo kala duwan la yeelan doonaan Mas’uuliyiinta Nabad sugida Soomaaliya iyo Madaxda Dowladda.

Dowladda Suudaan ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dib u dhiska iyo tababarada Ciidamada Qalabka,kuwaasi oo marar badan tababar ku soo qaatay dalkaasi.

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka dalka Suudaan Gen. Salah Abdalla Maxamed Gosh ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdiga Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida dalka Suudaan oo booqasho rasmi ah ku yimid.

Inta ay joogaan Wafdiga ka socda Dowladda Suudaan ayaa waxay kullamo kala duwan la yeelan doonaan Mas’uuliyiinta Nabad sugida Soomaaliya iyo Madaxda Dowladda.

Dowladda Suudaan ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dib u dhiska iyo tababarada Ciidamada Qalabka,kuwaasi oo marar badan tababar ku soo qaatay dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May oo beri Booqasho ku tagi doonta dalal Kuyaala Geeska Afrika.

0

ISNIIN, August 27, 2018, Muqdisho(SNTV);- Theresa May ayaa hogaamin doonta safar si weyn loogu hanweeyn yahay in ay ku kala bixiso wadamo kuyaala qaaradda Afrika todobaadkan gudihiisa, booqashada May ayaa noqon doonta tii ugu horreeysay oo ay ku bixiso wadamo kuyaala Afrika iyadoo Ra’iisulwasaare ah.

Waxa ay noqon doontaa Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Britain oo booqda wadamada Ka hooseeya Saxaraha Afrika taniyo sanadkii 2013-kii iyadoo booqashadeeda Dalka Kenya ay noqon doonto markii ugu horeeysay muddo 30-sanadood ah.

Booqashadan ayaa kusoo beegmi doonta xilli uu isbedel xooggan ka jiro qaaradda Afrika oo ay ka jiraan fursado badan, iyadoo UK ay ka baxday Midowga Yurub, ayna qorshaynayso iyadoo Britain ah in ay maalgelin ka samayso wadamo badan oo kuyaala qaaradda Afrika kuwaasoo leh faa’iidoyin badan.

Fariinta ay xambaarsan tahay socdaalka May ee Afrika ayaa lagu sheegay in ay kamid tahay soo cusbooneysiinta iskaashiga ka dhexeeya UK iyo Afrika, kaasi oo laysku waydaarsan doono frusadaha ay labada dhinac wadaagayaan si loo xaliyo caqabadaha caamka ah ee ka jira Afrika iyadoo ay jirto talaabo horumar leh oo muujinaysa koritaanka Afrika laga soo billaabo Kuwa Saxaraha kahooseeya illaa dalka Koonfur Afrika.

Waxa ay khudbad ka jeedin doontaa marka ay booqato Capte town halkaasi oo ay ka billaabi doonto siskaashiga labada dhinac ee Afrika iyo Britai, si wax isbedel loogu sameeyo awoodda, ganacsiyada gaarka iyo maalgashiga ka imaanaya dalka UK eek u socda qaaradda Afrika oo ay kunool yihiin 16% tirada dadka kunool adduunka noqonaya dad aad u badan islamarkaana u samaynaya macno weyn marka loo eego gancsiga iyo waxyaabaha loo dhoofiyo caalamka.

Mrs May waxa maalinta talaadada ah ee berito oo ku beegan 28-ka August ay u safri doontaa dalalka ay kamid yihiin Koonfur Afrika, Nigeria iyo dalka Kenya, booqashadan ayaa qayb ka ah kor uqaadista xiriirka ganacsiga iyo maagashiga Afrika iyo UK kadib markii ay Britain ka baxday Midowga reer Yurub kal hore.

Xilligan oo ay Afrika baadi goob ugu jirto in hesho baahiyaha Koritaanka dadweynaha, booqashada ayaa sidoo kale lagu xoojiyo danaha uu adduunweynaha ku doonayo inuu ku caawiyo xaslinta Afrika oo aammaan ah, shaqooyinka iyo koritaanka maxaayeelay dagaalada, rajada shaqooyinka oo liita iyo xasilooni la’aanta ka jirta dhaqaalaha ayaa waxa ay dhiirigelin doontaa socdaalka iyo safarada ugu halista badan ee lagu tago khaaradda Yurub.

Qaaradda Afrika waxa ay u taagan tahay in ay door firfircoon ka qaadato isbedelka dhaqaalaha dunida, waxaana uu safarka Theresa May noqon doonaa fursad gaar ah oo ay UK ku biloowdo hamigeeda ku aadan sidii ay labada dhinac iyagoo isu dhow u wadaagi lahaayeen iskaashi loo wada simanyahay.

Ra’iisul wasaare May ayaa ku biiri doonta wafdi ka kooban 29-wakiilo oo ka kala socda ganacsiga UK-kuwaasi oo qayb ka mid ah ku bahoobay magaca SMEs waxaana kamid ah dhammaan ganacsatada gobollada dalka UK, Wafdiga ayaa la sheegay inuu soo bandhigi doono baaxadda qotada Khibradda Britain ay uleedahay Cilmiga Tegnoolojiyadda, kaabayaasha dhaqaalaha, maaliyadda iyo shaqooyinka xirfadaha kala gedisan ee dunida maanta laga isticmaalo.

 

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in Taliyaha ciidamada Myanmar lasoo taago Maxkamad

0

ISNIIN, August 27, 2018, Muqdisho(SNTV);- Guddiga baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in qiyaas lagu sameeyo tirada dadka laga tiro badan yahay ee Muslimiinta Rohingya kuwaasoo la kulmay gumaad iyaga ka dhan ah.

Guddiga Baarayaasha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa oo fadhigoodu yahay magaalada Geneva ayaa maanta oo isniin ah ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo si loo maxkamadeeyo taliyaha ciidamada Dowladda Myanmar iyo shan taliyeyaal sar sare oo katirsan oo madax ka ah ciidamada militariga kuwaasi oo lagu tuhmayo gumaadkii loo geystay dadka laga tiro badan yahay ee muslimiinta Rohingya.

“Jeneraalada sar sare ee militariga Myanmar oo uu kujiro taliyaha ugu sareeya ee ciidamada oo lagu magacaabo Min Aung Hlaing, waa in baaris iyo maxkamad lasoo taago si wax looga waydiiyo gumaadkii kadhacay gobolka waqooyi ee Rakhine State, dembiyada ka dhanka ah beni’aadannimada iyo dembiyo dagaal ee ka dhacay gudaha gobollada Rakhine, Kachin iyo gobolka Shan,” sidaasi waxaa sheegay guddiga xaqiiqo raadinta Qaramada Midoobay ee howshan loo xilsaaray.

ku dhufo link-ga xigashada: https://gulfnews.com/news/asia/myanmar-army-chief-must-be-prosecuted-for-genocide-un-probe-1.2271159

Hoggaamiyihii Daacish oo Afghanistan lagu dilay

0

Dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in la dilay hoggaamiyihii kooxda Daacish kaddib duqeyn dhinaca cirka ah oo laga fuliyey xadka ay wadaagaan waddamada Afghanistan iyo Pakistan.

Laammaha amniga Afghanistan ayaa xaqiiyey in duqeynta ay ka dhacday  halka lagu magacaabo Nangarhar, halkaas oo ay ku dhinteen Abuu Sacad Irhaabi oo ay la socdeen rag  lagu qiyaasay tobaneeyo xubnood oo Daacish ah.

Masuuliyiinta gobolka Attaullah Khogyani ayaa warfidiyeennada u xaqiiyey geerida Irhaabi.

Saraakiisha Mareykanka ee ku sugan Afghanistan ayaa sheegaya in diyaaradahooda ay fuliyeen weerar xagga cirka ah oo lagu bartimaameedsanayey xubno Daacish ka tirsan.

Bishii July diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones ayaa Gantaal la dhacay oo ku dilay  Abu Sayed oo ahaa hoggaamiyihii IS ee dalka Afghanistan, horjoogihii afaaraad ee duqeyn lagu dilay ayuu noqonayaa Irhaabi, kana soo jeeda dalka Afghanistan.

 

 

Gabar Soomaaliyeed oo 10-sano jir ah oo u dhimatay dhaawac ka soo gaaray gudniin lagu sameeyay.

0

ISNIIN, August 27, 2018, Muqdisho(SNTV);- Sida ay qortay Arabnews.com gabadhan ayaa udhaimatay dhiig bax ku yimid kadib markii lagu sameeyay gudniinka, sida uu sheegay mid kamid ah dadka u doodayay gabadha.

Arab news ayaa qortay in gabadha ay geeriyootay gudaha cusbitaalka labo cesho kadib markii ay hooyadeed u qaaday mid kamid meelaha lagu sameeyo gudniin dhaqameedka meel tuulo ah oo ka baxsan degmada Dhuusomareeb ee xarunta maamul gobolleedka Galmudug, sida ay sheegtay Xaawo Mohamed Aden oo ka shaqeeysa xarunta Nabadda iyo Horumarinta gudaha magaalada Gaalkacyo islamarkaana soo saartay bayaan.

“Waxaa la tuhmayaa in qofkii ku sameeyay gudniin dhaqameedka uu jaray xidid muhiim ah intii ay socotay howsha gudniinka,” sida ay sheegtay Xaawa Maxamed.

Sagaal iyo sagaashan boqolkiiba haweenka iyo gabdhaha kunool dalalka kuyaala geeska Afrika ayaa mara gudniinka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Dastuurka Soomaaliya ayaa mamnuucaya ku dhaqanka gudniinka fircooniga, mana jiro wax sharci ah oo xaqiijin kara ciqaabta kuwa sameeya gudniinka noocaasi ah, sidaasi waxaa sheegtay Xaawa Maxamed.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa ka digay khataraha ka dhalankara nooca gudniinkani kaasi oo lagu sameeyo inta ugu badan xubnaha geed tarameedka gabdhaha iyadoo la tolayo iyadoo ugu badnaan afkiisa hore lagu xirayo tolliinka.

Kasukow ololaha ka dhanka ah nooca gudniinkani gudaha Soomaaliya “waa mid ay qarisay daruur ama qarsoodi ah, sidaa darteed in la yareeyo gudniinkani waxa waaye mid lagala kulmayo hardan culus,” sidaasi waxaa tiri Brendan Wynne oo ka tirsan Hay’ad udooda iskuxirka dadka u dooda haweenka dacalada dunida fadhigeeduna yahay magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

In kabadan 200 milyan oo haween iyo gabdho isagu jira ah oo kunool 30-dal saddex khaaradood oo caalamka ah ayaa mara nooca gudniinkani ee fircooniga ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa horaantii sanadkani sheegay arintai isagoo ku baaqay “ in la joojiyo xadgudubka aanan wanaagsanayn in lagula kaco xuquuqda Aadanaha gaar ahaan tan haweenka iyo gabdhaha.”

Sanduuqa mashruuca dadweynaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasay 3.9 milyan oo gabdho ahi lagu sameeyo jariinka xubnaha geed tarameedka xiliga lagudayo taasi oo usii kacaysa sanadkasta 4.6 milyan, iyadoo marka la gaaro 2030 la filayo in ay wax udhinto koritaanka dadyoowga illaa laga qaado tallaabo kadhan ah arrintani.

Sida aad uxaqiijiso xigashada fadlan riix link-gan hoose:-

http://www.arabnews.com/node/1342246/world

 

Maxkamadda ICJ oo dhageysaneysa dacwadda cunaqabateynta Mareykanka ee Iran

0

Qareenno ka socdaa dalka Iran ayaa Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah (ICJ) weydiisanaya in ay soo saarto amar lagu qaadayo cunaqabateynta Madaxweyne Mareykanka Donald Trump uu ku soo rogay dalkaasi.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in cunaqabateyntaasi ay horay u dabcisay dhaqaalaha dalka Iran,isala markaana ay waxyeello gaarsiisay saaxiibtinimadi kala dhaxeysay Mareykanka ee soo bilaabatay sanadkii 1955-tii.

Maamulka Tehran ayaa bishii hore ee July ,waxa ay gudbiyeen dacwadda,iyagoo gaarsiiyay maamulka Maxkamadda Caddaaladda ee fadhigeedu yahay the Hague,waxaana lagu dalbaday in garsoorayaasha Maxkamadda ay soo saaraan amar,isla markana si degdeg ah loogu qaadayo cunaqabateynta Mareykanka u kusoo rogay dalka Iraan.

Dowladda Mareykanka ayaa la filayaa in maalinta Talaadada ah uu si caadi ah uga hadlo jawaabaha ku aadan eedahaasi.

Ciidanka Xoogga dalka oo ka hortagay weerar ay Argagixisada ku soo qaday deegaanka Daynuunay

0

Maleeshiyada Al shabaab  oo ku dhumalaysanay qaybo kamid ah deegaanadda Gobolka baay ayaa ciidamadda xoogga dalka waxay guluf Dagaal ku qadeen gobah ay  ku sugnayen kooxda yar ee haradiga ah  Al shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa  Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka Dowladda ay heegan buuxda ayaa ugu jiran sidi lo daba jari laha haradiga kooxda  waxaanna suurta gashay in si deg deg ah looga hortago dhibaatadii maleeshiyaadkaas ay ka geystan deegaankaasi.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay jiraan Argagixiso ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaalka ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay,balse ay khasaraaha dib ka faah-faahin doonaan.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Daynuunay oo ku yaala Bariga magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkaas ay kala firxadeen, Ciidanka xoogga dalka ayaa u taagan difaaca  shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

0

Tokyo(SNTV): –  Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Salaad Xasan ayaa kula kulmay Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan mas’uuliyiinta sare ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Japan “JICA”, isaga oo kala hadlay iskaashiga laba geesoodka si loo gaaro guullo wax ku ool ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyada oo loo marayo dib u taabagelinta heshiisyadii hore ee labada dal ay u kala saxiixdeen si loo sii ambaqaado wax wadaagga iskaashiga istiraatiijiga leh ee qaadaya tubta cusub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso shirkadaha Japan, waxa ayna siinaysaa fursado ay ku maalgeshtaan dhinacyo badan oo u adeegaya danaha wadaagga ah.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Diiwaangeliyay xisbiyo cusub

0

Muqdisho(SNTV):–Munaasabad ka dhacday maanta xarunta Guddiga Doorashada ayaa 7 xisbi siyaasadeed shahaadada diiwaan gelinta ku meel gaarka ah lagu guddoonsiiyay.

Xisbiyadan oo soo buuxiyey shuruudaha diiwaan gelinta KMG ah ee ku cad xeerarka iyo hab-raacyada diiwaan gelinta xisbiyada Siyaasadda ayaa waxay ku biirayaan 15 xisbi oo horay loo diiwaan geliyay.

Xisbiyada maanta sida KMG ah loo diiwaa geliyay ayaa kala ah:-

1.  Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed
2.  Xisbiga Xorriyadda Soomaaliyeed
3.  Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed
4.  Xisbiga Midnimo Qaran
5.  Xisbiga Dalka iyo Dadka
6.  Xisbiga Isbaheysiga Isbedeldoonka Soomaaliyeed ee XIIS
7.  Xisbiga Ileys