Home Blog Page 1207

Taliyaha CXD oo Tababar u furay cutubyo ka tirsan Ciidanka Ururka 60-Aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka

Muqdisho(SNTV):–Taliyaha ciidanka xoogga dalka General C/wali Xuseen jaamac Gorod oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa tababar u furay cutubyo ka tirsan Ciidanka ururka 60Aad xooggga dalka.

Tababarka loo furay Ciidanka Ururka 60-Aad ee ilaalada Madaxtooyada soomaaliya ayaa  waxa uu socon doonaa Mudo Saddax bilood.

Ugu horeeynti waxaa munaasabada furitaanka tababarka ka hadlay G/dhaxe Odowaa yuusuf Raage oo ah Taliyaha ururka 60Aad ee ilaalada madaxtoyada soomaaliya waxa uuna ciidamada maanta tababarka loo furay ugu baaqay in ay ka faaiideestaan muda uu socdo tababarka iyo waxyaabaha lagu bari doono

“MudaneTaliye waxaa halkaan taagan in ka badan 100 Askari oo ka tirsan ururka 60Aad ee ilaalada Madaxtooyada Qaranka. Ciidamadan waxaa laga rabaa  in ay ka faa’iidestaan tababarka lasiin doono”

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General C/wali Xuseen jaamac Gorod oo tababarkan si rasmi ah u furay ayaa Ciidamada kula daar-daarmay in ay ka faa’ideystaan Fursadan ay haleen, islamarkaana ay u hogaansamaan sharaakiisha bixineysa Tababarkan.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/gaas C/wali jaamac Xuseen ayaa dhanka kale Ciidamada xoogga dalka ugu digay in xiliyada shaqada lagu guda jiro ay isticmaalaan Muqaadaraadka.

Telefishinka Qaranka Itoobiya oo xaqiijiyey Qarax Addis Ababa ka dhacay

0

Qarax geystay khasaare ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow fagaare uu khudbad ka jeedinayey Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ay isugu yimaadeen dad taageersanaa isbaddellada ka socda dalkaasi.

Lama og inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha, hasa yeeshee Telefishinka Qaranka dalkaas ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dhaawacyo iyo dad ku dhintay Qaraxa.

Dowladda Itoobiya ma sheegin ilaa hadda cidda ka dambeysa Qaraxan.

Itoobiya ayaa aad loo hadal hayey maalmahan isbaddello siyaasaddeed  oo ka curtay dalkaas tan iyo markii uu Ra’iisul wasaare ka noqdey Abiy Axmed.

 

Shir looga hadlayo arrimaha Deegaanka iyo Beeraha Soomaaliya oo ka furmay Mareykanka

0

Ohio(SNTV Aqoonyahano Soomaaliyeed oo isugu jira qabiiro dhinaca beeraha,wasiiro xilal ka soo qabtay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya,iyo masuuliyiin ku taqasusay cilmiga deegaanka ayaa shir uga furmay magalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka,kuwaasi oo ka kala yimid goboladda Dalka Mareykanka,Canada, Nairobi iyo meelo kale oo baddan.

Shirkan ayaa ka furmay hollka shirarka ee Jaamacadda The Ohio State Unuversity ee magaalada Columbus,waxaana ujeedku yahay Baadigoobka hannaan lagu bad baadiyo deegaanka iyo sidii loo dhiirogalinlahaa jiilasha cusub ee barta cilmiga deegaanka,xili Soomaaliya jarista Dhirta fatahaadaha wabiyada iyo biya yariduba ay ku soo laalaabteen loona baahanyahay in lagu baraarugo muhiimada deeganka.

Waxa ay intooda baddan aqoon u leeyihiin arrimaha deegaanka waxay wax ku barteen wadamada dibadda, waxayna ka soo shaqeeyeen gudaha Soomaaliya xiliyo kala gedisan,waxa ay u arkaan xiligan in uu yahay xiligii ay Taariikhda qori lahaayeen,iyagana ay qori lahayd, oo ay dalkooda iyo dadkooda dhaxal uga tagaan.

Xubanaha shirkan uga furmay Columbus oo gaaraya Boqol iyo shan xubnood (105) waxa ay qireen in Soomaaliya ay tahay wadan leh dhulbeereedka Geeska Africa ugu fiican lakin ay ku xeeranyihiin caqabado hortaagan in horay loo dhigo arimaha beeraha, lakin dhanka kale ay jiran dul baddan oo la beeri karo oo Nabad iyo Maamul ka jiro hadana aan laga faa’iidaysa, waana arimaha keenaya in aan lagu baarurugin ahmiyada Beraha.

Ma jirto dowlad ama urur iskugu yeeray intan oo aqoonayahan ah balse waxa ay isla garteen in tani ay tahay doorkoodii kaga aadanaa dalkooda maadama intooda badan ay wax ku barteen Canshuurtii Dowlada Soomaaliya ay ka qaaday shacabka.

Shirkan oo sadex cisho socon doona waxaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed sida ay sheegeen wax gal u noqon doona arimaha deegaanka iyo beeraha Soomaaliya gaar ahaan Ardada barata Cilmiga deegaanka.

Waa markii ugu horeysay oo shir looga hadlayo arrimaha deegaanka lagu qabtay Columbus,waana shir ahmiyad u yeelan doona dadka xiiseeya arrimaha Beeraha,Deegaanka iyo Cimilada Soomaaliya.

Deeqo Shire (SONNA)

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay

0

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu kasoo qayb galay shirka 32aad ee madaxda Urur Goboleedka IGAD ee lagu gaba-gabeeyay Addis Ababa.

Shirka IGAD oo lagu dhexdhexaadinayay Madaxda iyo mucaaradka Dalka Koofur Suudaan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay madax ka kala socota Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu Addis Ababa ku sugnaa waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda IGAD, isagoo Madaxweynaha Dalka Koofur Suudaan, Salva Kiir oo ay si gaar ah u wada sheekeysteenna uu ku bogaadiyay sida ay Dowlad iyo mucaaradba u aqbaleen inay wada hadlaan.

Wuxuuna madaxweynuhu sheegay inay Soomaaliya Garab taagan tahay Koofur Suudaan, wuxuuna kula dardaarmay inay Labada dhinac ka wada faa’iideystaan fursadaha hor yaalla iyo sidii ay ugu bixi lahaayeen colaadda sokeeye.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa markii ay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda HSJ oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaliya

0

Muqdisho(SNTV):–Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Mohamed Adam Kofi ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaliya Olgan Bekar.

Kulankan ay yeesheen Safiirka iyo agaasimaha ayaa waxa ay kaga wadahadleen in la iskakaashado arrimaha Socdaalka la xariira, isdhaafsiga qibradaha iyo tababarada iyo in muwadiniinta labada dal loo fududeeyo sidii ay ku heli lahayeen Dal-ku galka (visa)

Ugu dambeyn labada masuul ayaa ka wadahadlay in si wadajir ah looga wada hortago dadka sida sharci darada ah ugu safraya dukumintiyada been abuurka ah iyo arrimaha la xariira Tahriibka oo ay dad Soomali ah oo badan Turkiga uga sii tahriibaan Gariiga.

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Jubbooyinka

Kismaayo-(SNTV)-Ciidamada xoogga dalka soomaaliya oo taageero ka helayo ciidamo Maraynkan ah ayaa duleedka degaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose waxay ku dileen horjoogihii  Al-shabaab u qaabilsanaa Jubboyinka.

Taliyaha Guutada 58 aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga Dalka G/dhaxe; Cabdi yare oo wareysi siiyay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Sarkaalkan oo  Magaciisa lagu soo kobay Aruuriyoow uu ku dhuumaalaysanayay degaan ku dhow Araare.

Horjooge Aruuriyow ayaa u qaabbilsanaa Kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab inuu Lacagaha iyo Xoolaha si khasab ah ugu qaado Shacabka ku dhaqan degaannada Jubboyinka.

Sidoo kale Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobollada Jubbooyinka ayaa isla howl-galkaasi kooxda Al-shabaab uga furtay Saanad Ciidan iyo Hub u badan Qoryaha fudud.

Tababar ku saabsanaa wada shaqaynta Booliska iyo Bulshada oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo.

Baydhabo-(SNTV)-Tababar ku saabsanaa is dhex galka iyo sida ay u wada shaqayn karaan Booliska iyo Dad weynaha ayaa lagu soo gabagabeeyay Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koofur galbeed.

Siminaarkan oo soconayay muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana lagu baranayay casharro ku aaddan sidii ay xidhiidh adag ku yeelan lahaayeen Boliiska iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxaa sidoo kale looga hadlay sidii loo abuuri lahaa Booliska Bulshada (Community police) si ay u wada shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo rayidka, taasoo qayb lixaad leh ka geysan karta sugidda nabad gelyada iyo ammaanka Xaafadaha Magaalada.

Joseph Emeka,oo ka tirsan Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa sheegay in aqoon-isweydaarsigan u dhexeeya Booliska iyo Dadka degaanka uu muhiimad weyn u leeyahay ilaalinta sharciga iyo ka hor tagga falalka liddiga ku ah amniga iyo kala dambaynta Gobollada Dalka.

Mr; Emeka, ayaa intaa raaciyay in Booliska Bulshada uu yahay mid ka jira Waddamada Caalamka, taasoo keeneeysa inuu Dad weynuhu helo amni iyo nabad gelyo buuxda oo lagu kalsoonaan karo.

Qaar ka mid ah Dadkii ka qayb galay ayaa si weyn usoo dhoweeyay tababarkan, iyagoo ballan qaaday inay ku dhaqmi doonaan wixii ay halkaasi ka barteen lana shaqayn doonaan laamaha ammaanka Dalka.

Mukhtaar Maxamed Xuseen, oo ka mid ah Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed ee ka qayb gashay Siminaarkan ayaa sheegay inay tallaabadani tahay mid muhiim ah oo isku xireysa Dowladda dhexe, maamul Goboleedyada iyo Bulshada rayidka.

Ra’iisul wasaare Kheyr oo Dalka dib ugu soo laabtay

0

Muqdisho-(SNTV)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya.

Mudane; Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ee Muqdisha.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha  Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu kusoo dhammaaday guul.

R/wasaaraha ayaa intii uu Norway ku sugnaa u sheegay Beesha Caalamka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqanba in horumar buuxa laga gaadhay koboca dhaqaalaha Dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay mar kale Soomaaliya cagaheeda isku taagto.

Shirkii IGAD ee ku Saabsanaa Xaaladaha ka taagan South Sudan oo la soo Gaba-gabeeyay

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Shirka 32aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaasoo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan.

Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo nooleynayo wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne K/Xigeenkiisa hore Mudane Riek Machar ayaa Madaxda IGAD waxa ay dadaal dheeri ku bixinayaan sidii looga mira dhalin lahaa.

Madaxweynaha oo shirka keddib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeybsanaanta iyo dagaallada, wuxuuna kula dardaarmay in ay labada dhinac fursaddan uga faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fa’iideysataan khibradda aan ka barannay Soomaaliya oo dowlad la’aantii iyo colaadihii aan uga gudubnay isu tanaasul, wada hadal iyo is qancin. Waxaan rajaynayaa inaad idinkana jidkaas oo kale qaadaan oo aad dib ugu soo celisaan South Sudan xasillooni, wadajir iyo horumar.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Kiir ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay iyo xasilloonida siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay dowladdiisu xoojineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

Dhanke kale, Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Kenya Cumar Xasan Al Bashiir iyo Uhuru Kenyatta ayaa loo xil saaray in ay sii dardargeliyaan wada hadallada, waxaana dhammaadka bishan kulan kale oo loogu kala dab qaadayo dhinacyadan lagu qabanayaa magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo manta kulan yeeshay

Muqdisho (SNTV), Kulanka Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS oo uu shir guddoominayay ku-simaha madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa waxaa ugu horeyn warbixino looga dhageystay guddiga joogtada ah ee golaha.

Sidoo kale dhismaha ka socda xarunta guddoonka iyo gudiyada ee villa Hargeysa, ayaa looga hadlay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka,waxaana sidoo kale inta uu kulanka uu socday aad looga hadlay dhibaatooyin wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ay kala kulmaan dadka shacabka ah ee wadadaasi ku safra.

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, ayaa sidoo kale kormeeray dayacir lagu sameynaya xarunta golaha shacabka oo hadda heer gabogabo ah maraya.