Home Blog Page 1206

Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

Baladweyne (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maanta Magaalada Baledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan ka furay imtxiaanka Shahaadiga ah ee dugsiyadda Sare.

Ardayda maanta uu Wasiirku u furay Imtixaanka ayaa tiradooda waxa ay gaareysay 1400 oo arday ,kuwaasoo horay ugu baaqday imtixaankii dowladda dhexe ay qaaday.

Wasiirka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay dadaal badan ay Muujiyaan,islamarkaana ay ilaaliyaan Nidaamka Imtixaanka.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay nasiib u yeelatay in markii ugu horreysay dalka Gudihiisa Imtixaanka lagu diyaariyo, sidoo kalena ay diyaariyaan dadka Soomaaliyeed.

Ardayda kunool Magaalada Baledweyne ayaa ka haray Imtixaanka Shihaadiga ahaa ee dugsiyadda Sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya Bishii May ka dib markii Fatahaado badan ay ku dhufteen Magaaladaasi.

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Shaqsi loo soo xiray Dil iyo Ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab

Muqdisho (SNTV)- Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay in ka tirsanaa Maleeshiyada Al-shabaab,  sidoo kale waxaa loo heystay in uu ka dambeey dilka Marxuum Cabdulla Maalin Maxam’d  oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid.

Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa Ciidamada Amniga soo qabtay 18/04/2018, waxaana Ciidamada amniga u soo gudbiyeen  Xafiiska Xeer ilaalinta  21/05 ee isla sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla maalintaas codsaday  in xabsiga loo gudbiyo si Maxkamadda loo hor geeyo.

Baaritaan dheer kedib ayaa Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida  04/06/2018 waxa ay sameeyeen eed ka dhan ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxa ayna ku aadeeyeen ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-shabaab iyo Shir-qoolka dilka Marxuumka kor ku xusan.

Eedda ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo cuskaday Baarista ay sameeyeen Ciidamada Amniga iyo shaqsi Markaati ah, waxa ayna eedooda ku codsadeen in la muddeyo  waqti  qaadista Maxkamadda.

12 Bishan aynu ku jirno  ayaa loo fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ay dhageysteen doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.

Dood dheer kedib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda Go’aan ku gaareyn in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in uu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxa uuna u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda in uu yahay Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) Shaqsi  laga been abuuranayo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeeyso, iyagoo aan ku qancin cadeymaha Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markaati ehel la’ ah Marxuumka,   in Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) uu yahay xur, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo  hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida,  dhamman dhinacyada ka qeyb galayay doodda dacwadda oo ay ka mid aheyd warbaahinta Garsoor.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ah halka kaliye ee caddeyn karta go’aan ka gaarista jiritaanka eedaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale, waaana Maxkamadda leh awoodda aan ka gambashada laheyn ee fulineyd hadii ay u cadaato eedaha ka dhanka ah Ciidamada iyo Maleeshiyaadka u abaabulan sidi Qaab Ciidan oo kale sida Maleeshiyada Al-shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS oo Garoowe ka furtay tababar

Garoowe (SNTV)– Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ka furtay Tababarka Tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

Tababarka ayaa waxaa si wadajir ah u wadaqabanaya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland, tababarka oo ay qaadan doonaan xubno ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland iyo Bulshada Rayidka ayaa wuxuu socon doonaa afar maalin.

Xubno kamid ah Bulshada Rayidka Puntland ayaa maanta qaadanaya tababarka looga gonleeyahay in lagu daadejiyo dib-u-eegista Dastuurka, dhamaan qaybaha bulshada oo ka soo qaybgalay tababarka maanta ayaa lagula dardaarmay inay tababarka sii gaarsiiyaan dhamaan deegaanada Dawlad Goboleedka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr isagoo uga mahadceliyay Bulshada Rayidka Puntland sida baaxadda leh ee ay tababarka uga soo qeybgaleen.

Dhinaca kale, waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Dallada ay ku mideysanyihiin Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA, waxayna si wadajir ah u ballanqaadeen in tababarkan ay gaarsiin doonaan dhamaan deegaanada Puntland.

Ugu dambayn, tababarkan ayaa ah mid noociisa ay Wasaaradda horay ugu soo qabatay qaar kamid ah caasimadaha Dowlad Goboleedyada waana mid dadka Soomaaliyeed loogu diyaarinayo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Taxanaha Taariikhda Maamlmaha Xorriyadda Soomaalida (Maqaal)

0

Maadama ay nagu soo fool leeyihiin Todobaadka Xoriyadda Soomaaliyeed ayaan waxaan door bidnay inaan xasuusinno Ummadda Soomaaliyeed taariikhda halgankii Xornimo doon iyo goortii ay soo bilaabatay ilaa iyo waqti xaadir, inkastoo aan lagu wada soo koobin karin dhowr qoraal balse waxaan isku dayaynaa inaan soo qorno kuwa ka turjumaya Soomaalida iyo halgankeeda Xorriyad raadinta.

Soomaaliya xilliyo hore waxay ahayd meelaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah ee ka dhexeeyay dawladihii hore ee caalamka. Xilli ay ahaayeen Badmareenada iyo ganacsatada Soomaaliyeed kuwo dhoofiya Luubaanta iyo Malmalsha taasoo ka dhignayd kuwo u soo saari jiray Masartii hore, Fiiniqiyiintii, Maysuuniyiintii iyo Baabil taasoo isku xiri jirtay dhammaan gaadiidka Awrta ama Geela ganacsiga Soomaaliyeed waxay la wadaageen Soomaalida xiriir ganacsi.[5][6] Sida ay la tahay in badan oo taariikhyahano ah iyo kuwa dhiga taariikhda, waxay cadeeyeen Soomaaliya in ay tahay meesha lagu tilmaamay Bunti ee hore taasoo la lahayd xiriir wanaagsan Faraaciintii Masar gaar ahaan xilligii Fircoon “saaxuurac” ee ka midka ahaa boqoradii Masar casrigii Dawladdii hore, iyo boqortooyadii “Xatshabsuut” ee ka midka ahaa boqoradii qoyskii masar ee sideed iyo tobanaad casrigii dawladda cusub, Waxaa loo malaynayaa arrinkaas dhismeyaasha Ahraamta iyo Macbadyo iyo dhismeyaal ee lagu dhisay Garanayt iyo Shiil Cad taasoo loo malaynayo waqtigeeda isla xililligaas una dhigma kuwa la midka ah ee dhismeyaashii masar, sidoo kale xilliyadii hore, waxaa tartamayay dawlado kuwaasoo isku dayay in ay xiriir la yeeshaan dadyoow deganaa dhuka Soomaaliyeed sida jasiiradda xaafuun raas casayr iyo Mareeg iyo dariskooda Boqrtooyadii Saba iyo Arshek iyo Boqortooyadii Aksam ee ku salaysan ganacsi iyo qaybo ka mid ah boqoro ka jiray Hindiya iyo Giriiga iyo Roomaanka.

Markii ay ka soo if baxday diinta islaamka meel ku beegan xeebaha soomaaliya Baddacas waxay soo qaateen ganacsatada iyo badmareenada soomaaliyeed ee aadi jiray Jasiirad la mooda carbeed diinta Islaamka taasoo ka dhalatay macaamilka ay la lahaayeen carabta Muslimka ah. Hijrooyinkii ay sameeyeen dad saxaabada ka mid ah meelo badan oo dunida muslimka ah qarniyadii hore ee diinta islaamku faafaysay ayaa waxay sahashay in ay soomaalidu qaadato diinta islaamka si nabad ah macalimiin soomaaliyeedna ayna barayeen dadka, waxaa ka dhismay dhulka soomaaliyeed dawlado iyo magaalooyin islaami ah sida:- magaalooyinka Muqdisho, Berbera, Saylac Baraawe, Mareeg iyo Marka taasoo ahayad qayb ka mid ah ilbaxnimadii Soomaalida. Waxaa loo yaqiin magaalada muqdisho “Magaaladii Islaamka, Waxaa la joogay ganacsiga dahabka ee ku taal Bariga Afrika qarniyo badan. iyo Casriyadii dhexe, Boqotooyooyin Soomaaliyeed baa la wareegay wadooyinkii ganacsiga, taasoo xukumaysay dhulka intii u dhexaysay qarniyadii laba iyo tobanaad ilaa todoba iyo tobanaad ciise dabadii taasoo alliftay hindisaha cilmiga dareeraha dheqdheqaaqa iyo dhismeyaasha darbi difaaca, Sidoo kale saldanadii Cadal taasoo imaam Axmed gureey waa ciidankii ugu horeeyay afrika ee adeegsada Madfac dagaalkii lagula jiray xabashida, intii u dhexaysay sanadihii 1529 ilaa 1543,
Qarnigii sagaal iyo tobanaad kadib kulankii Baarliin 1884, boqortooyooyinka yurub waxay u soo direen ciidmadooda Bariga Afrika, si ay dhulkaas caalamka istiraatiijiga u ah u qabsadaan taasoo kaliftay in Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, aasaasihii dawladdii daraawiishta in uu ciidamo soomaali ah ka soo uruursado geeska afrika oo dhan waxay ahayd inta taariikhda la ogyahay is hortaag kii ugu weynaa ee lagu sameeyo Isticmaarka.

Waxaa u suurta gashay Soomaalida ugu horayn ka hortagga dawladii daraawiishta waxayna iska caabiyeen Ingiriiska afar mar oo isxigta waxaana lagu qasbay in ay dib ugu gurato dhanka xeebaha. waxay jabtay daraawiishta 1920, kadib adeegsigii Ingiriiska adeegsaday diyaaradaha intii dagaalka lagu jiray duqaynta “taleex” caasimadda ciidankii daraawiishta waxaana dhammaan la wareegay dhulkii daraawiishta ciidmadii gumaysiga Ingiriiska. Sidoo kale Talyaaniga wuxuu la kulmay iska caabin kaga imaanaysay salaadiin Soomaaliyeed mana u wada suurta galin in uu wada qabsado qeybo ka mid ah dalka ee hadda loo yaqaan Dawladda Soomaaliya marka laga reebo xilligii fajiistaha dabayaaqadii sanadkii 1927 waxayna haysteen ilaa 1941 kaasoo lagu bedelay xukunkii ciidmada ee Ingiriiska. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu sii ahaaday mustacmarad Ingiriis ah halka koofurta Soomaaliya isku bedeshay dawlad madax bannaan laakiin ay la socoto wasaayad ilaa laga gaaro midayntii labada gobol 1960 kuma midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Haddaba la soco qeybaha xiga Insha allaah.

W.D:- C/laahi Ruush

Cod bixinta Doorashada Madaxtinimo ee Turkey oo bilaabatay.

0

Turkey(SNTV) Shacabka dalka Turkiga ayaa maanta u dareeray cod bixinta doorashada dalkaasi ka dhaceyso ee laga soo hormariyey xilligeed, waxayna shacabka turkiga ay codbixinta  maanta u dareerayaan ay ku dooranayaan madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ee dalkaasi.

Waxaa la filayaa in Doorashadan maanta dhacaysa uu loollan adag uu kala kulmo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, cod bixinta doorashadan si ka duwan doorashooyinki hore isaga oo xilka madaxtinimada soo hayey mudda 15 ka sano ah, iyadoo uu jiro siyaasi kale oo loolan adag uu kula jiro.

Wuxuuna sheegay haddii uu doorashadan ku guuleysto inuu meesha ka saarayo kursiga ra’isal wasaaraha taasoo  mucaaradka ku tilmaameen mid dimuqraadiyadda wiiqeyso.

Madaxweyne Ordugaan Waxaa doorashada maanta socota kula loolamaya musharraxa isbahaysiga mucaaradka Muharrem Ince oo siyaasaddiisu tahay bidix dhexe, Xisbiga Erdogan AK wuxuu dadaal adag u galay  sidi uu u hanan lahaa aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka dalkaasi, warar  ayaa sheegay haddii uu kuraasta aqlabiyadda uu heli waayo qorshaha uu ku darsanayo sidi loo dhisi lahaa dowlad isbahaysi ah, balse ma sheegin xisbiga uu isbahaysiga la sameeysanayo.

Erdogan 2003 ayuu ra’isal wasaare noqday wuxuuna xilka soo hayay ilaa iyo 2014 oo madaxweynenima loo doortay.

Madaxweynaha haatan talada dalkaasi haya Ordugan ayaa waxaa uu ku guuleystay in uu isbedello badan ka sameeyo dalkaasi, iyadoo siyaasadiisu ay tahay mid si weyn ay ula dhacsanyihiin dhamaan waddamada Islaamka.

Maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Wasiirrada XFS iyo Hay’adaha Amniga oo ka wada hadlay Amniga Caasimadda

Muqdisho(SNTV:-– Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’addaha Amniga iyo bulshada ku nool Caasimadda guulaha amniga ee laga gaaray sugidda amniga Muqdisho intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay kulan muhiim ah oo xarunta Dawladda Hoose ku dhex-maray Maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Wasiirrada XFS iyo Hay’adaha amniga ayaa sheegay in wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha dawladda iyo bulshada Soomaaliyeed uu sababay in kooxaha argagixisada ay ku guul dareysteen falalkoodii waxashnimo ee la beegsan jireen shacabka Caasimadda.

“Shirkani waa mid ay ku kala warqaataan Maamulka Gobolka, Golaha Wasiirrada iyo saraakiisha amniga, ujeedkiisuna waa in la iskula xisaabtamo howlaha qaranka loo hayo, horeyna loo wado shaqada si guul looga gaaro amniga iyo sidoo kale in shacabka loo dhaweeyo dawladnimada, waxaan si gaar ah u xusayaa golaha Wasiirrada horteena fadhiya mid walba waxuu ku qoran yahay degmo kamid ah 17ka degmo ee Caasimadda oo warbixinta xaaladdooda u gudbiyaa Golaha uu ka tirsan yahay.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno kala duwan oo la xiriiray guulaha laga gaaray dariseynta, isdhexgalka shacabka iyo maamulka, horumarinta kaabayaasha Caasimadda iyo habka ugu habboon ee looga hortagayo dhagarta cadowga laga dhageystay saraakiisha ammaanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana la isla qiray muhiimadda ay dalka u leedahay xasilloonida Caasimadda maadaama dal walba lagu qiimeeyo daganaanshaha Caasimaddiisa.

Madaxweynaha oo Kormeeray Dugsiga Tababarka Janaraal Gordon

0

Muqdisho, 23ka Juun, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer kadis ah ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Janaraal Gordon ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay qorsheyaal muhiim u ah dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha waxa uu hadal u jeediyey Guutada 14-ka Oktoobar ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ku bogaadiyey Saraakiisha Soomaaliyeed ee u istaagay in ay soo saaraan geesiyaal dhallinyaro ah oo ay ka go’antahay xoreeynta dalka iyo in ay shacabka Soomaaliyed ka dul qaadaan dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri geliyey ciidankan oo dhawaan ku wajahan furimaha dagaalka, sida ay u ajiibeen baaqiisii ku saabsanaa difaaca dalka “Waxaan idin ku ammaanayaa in aad ajiibteen codsigaygii ku saabsanaa in la helo mutadawiciin ka qeyb qaata difaaca dalka, Waxaan rajeynayaa in aad noqotaan kuwii ka xoreeyn lahaa dalkan nabaddiidka caadeeystay in ay si arxan darro ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Guutada 14ka Oktoobar, kaydka saanadda iyo saheyda ciidanka, rugta caafimaadka ee dugsiga Janaraal Gordon iyo goobaha ay ku tababartaan ciidanku.

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Mudane Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliye Ku Xigeennada iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Guddoomiye Tuulax “Waxaan u baahanahay Muqdisho oo ammaan ah”

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ku amaanay ciidamada amniga dadaallada ay ugu jiraan xaqiijinta Nabad gelyada Caasimadda, isagoo markale shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta ciidanka.

“Runtii ma nagu filna hal bil oo aan qarax dhicin, aragtideenu waxa ay tahay in aan gaarno hadaf ah in sanad iyo labo sano aysan magaalada ka dhicin wax qarax ah, ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Guddoomiye ku-xigeenka oo ka hadlay bishii Ramadan ee aynu ka soo gudubnay inay noqotay tii ugu horeysay ee aan magaalada wax qalaaso ah ka dhicin, isagoo arrimahaasi ku amaanay ciidamada xasilinta caasimadda oo garab ka helaya shacabka Muqdisho.

“Hal qof oo Soomaali ah oo ku dhinta caasimadda waxa ay nagu qabaneysaa murug, waxaana noo qorseysan haddii uu Alle idmo inaan sii labo laabno falalka lidiga ku ah amniga” ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax mar uu ka hadlayay muuqaalo been abuur ah oo ay soo saareen maleeshiyaad Al-Shabaab baraha bulshada, kaasi oo ay ku doonayeen inay ku cabsi geliyaan bulshada, ayaa xusay in taasi ay tahay mid aan u socon doonin.

“Muuqaladan waxa ay ahayd mid ay soo aruurinayeen muddo lix bil ka badan, waxaana ay soo dhigeen xilliga Ramadaanka, mana ahayn mid sax ah, balse ciidamada ayaa ku guuleystay inay beeniyaan qorsheyaasha ay damacsanaayeen Nabad diidka Al-Shabaab.

Guddoomiye Tuulax ayaa xusay in bilaha soo socda ay dar dargelin doonaan howlaha dariseynta si loo xoojiyo Nabadgelyada caasimaada.

“Guulkasta oo aan gaarno waxaa gacan weyn ku leh shacabka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ka shaqeynay inaan isku xirno shacabka iyo maamulada degmooyinka, anaga oo u mareyno hanaanka dariseynta ah oo uu Madaxweynaha dalka noogu furay degmada Waaberi” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir.

Xeer ilaaliyaha guud oo digniin ka soo saaray dhoofinta Dhuxusha

0

War ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa digniin loogu jeediyey dadka ka ganacsada  dhoofinta Dhuxusha iyo soo saariddeeda taas oo  saameyn lixaad leh ku yeelatay xaalufinta deegaanka, nabadgelyada iyo dhaqaalaha, waxaana ay il weyn oo dhaqaale u noqoneysaa argagixisada Al-shabaab.

Lifaaqa hoose ka akhriso Digniinta

Duqa Muqdisho oo la kulmay Darawada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta

0

 

Muqdisho, 23 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay gaadiidleyda ka shaqeysa Caasimadda, gaar ahaan kuwa dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada ay laf-dhabar u yihiin bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka dan’yarta ah oo ka soo saarta nolol maalmeedkooda, sidaas daraadeedna aan loo dul-qaadan karin wax walba oo dhibaataynaya, waxuna dhinacooda ka codsaday in la ilaaliyo shuruucda, lana shaqeeyaa ciidamadda amniga.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an in dadkiisa uu dhegaysto,
dhibaatooyinka haystana u kuur-galo, rabitaankoodana ku shaqeeyo, xalkana halkaas ka raadiyo, waana tan aan maanta halkan idin kugu yeernay, si aan xal ugu helno cabashadiina idinkuna u ilaalisaan shuruucda.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in ujeedka kulankani uu yahay mid cabashada gaadiidleyda lagu dhageysanayo,si wax looga qabto dhibaatooyinka ay la kulmaan xiliyada shaqada, iyadoo ujeedku yahay in la wada shaqeeyo meelna looga soo wada jeesto wax walba oo dhibaato ku keenaya gaadiidleyda, dhankoodana wuxuu kula dar-daarmay in sharciga loo hoggaansamo, bixiyaana canshuuraha ku waajibay, taas badelkeedana ay heli doonaan waddooyin iyo shuruucdii difaaci lahayd.

“Waxaan idinka rabnaa in aad la shaqeysaan ciidamada amniga, haddaan amni la helin BL iyo Bajaaj ma socon karaan, ka maamul ahaana waxaa diyaar u nahay cid walba oo dhibaato idiin geysata inaan la xisaabtano oo ilaalino xuquuqdiina.”Ayuu raaciyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow).

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin ka tirsan waaxaha canshuuraha gaadiidka u qaabilsan Maamulka Gobolka Banaadir