Home Blog Page 1206

Cadaado oo lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsan waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka

0

Muqdisho (SNTV)- Tababarkan oo socday muddo afar maalin ah oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka XFS iyo wasaaradda dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug oo lagu baranayay waxbarashada madaniga ah ee dastuurka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaaado ee ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ujeedada tabarkan ayaa ahayd in dadka loo tababaro waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweynaha ay sii gaarsiiyaan dadka ku nool deeganada Galmudug iyaga oo kaashanaya wasaradda arrimaha dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Tababarkan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 70 qof oo ka kala yimid bulshada rayidka ah iyo shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug waxaa lagu baranayay casharro ka hadlaya waxbarsahada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweyanaha ee arrimaha dastuurka, waxaana dadka ka soo qayb galay ay ka doodeen mowduucyo ay ka mid yihiin tallaabooyinka ugu haboon ee loo mari karo fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha ee deegaanada hoos yimaada Galmudug iyo sida loo wajihi karo caqabadaha lala kulmi karo inta lagu guda jiro fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadwaynaha.

Ugu horrayn, waxaa kulanka xiritaanka ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Galmudug mudane Zakarie Mohamed Ahmed waxa uuna ku booriyay dadka ka faa’iidaystay tababrkan in ay sii gaarsiiyaan waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta bulshada ee arrimaha dastuurka dadka kunool deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada Galmudug si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurkooda.

Dhanka kale, agaasimaha wacyigalinta ee wasaaradda arrimaha dastuurka XFS mudane Abdikani Ali Adan oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay dadka qaatay tababarka in ay u sii gudbiyaan risaalada loo dhiibay dadka kale ee aan fursadda u helin in ay tababrkaan qaataan. Sidoo kake, agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda Dastuurka XFS Mohamed Bashiir Omar oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu qorshayaasheeda ay ka mid tahay in la gaaro dhammaan dadka Soomaaliyeed si loogu wacyi galiyo arrimaha dastuurka.

Waxaa kulanka si rasmi ah u soo xiray wasiirka dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug Mudane, Maxamed Colaad isagoo ku dhiiragaliyay ka soo qaybgalayaasha in ay doorkooda ka qaataan sidii loogu wacyigalin lahaa bulshada Galmudug ka qaybgalka Dib-u-Eegista Dastuurka.

Gabagabadii, dadkii ka soo qaybgalay tababarka ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin ka tarjumaya in ay qaaateen tababarka waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha.

Shacabka Soomaaliyeed oo soo Dhaweeyay ka bixista AMISOM ee Garoonka Muqdisho Stadium

0

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shacab aad u badan ayaa hadda ku sugan Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, iyagoo soo dhaweeyay Cutubyadii ugu dambeeyay Ciidamada AMISOM oo ka baxay garoonka.

Shacabka ayaa ku damaashaadaya qeybaha kala duwan ee garoonka oo mudo 7-sano ah ay gacanta ku hayeen Ciidanka Nabad galyada Midowga Afrika AMISOM oo shalay ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ay ka baxaan ciidamada AMISOM, iyagoo sheegay in garoonkan uu ad u weyn yahay isla markaana looga faa’iideysan karo qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Dowlada ay diyaar u tahay dayactirka iyo soo celinta bilicdii uu lahaa garoonkan

“Dowlada waxay diyaar u tahay dayactirkiisa, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goordhow waa la howl bilaabayaa, kuligeen waan bishaareysaneynaa, Ciidanka Booliska Jamhuuriyada ayaa la wareegaya si loo sugo amnigiisa iyo Nadaafadiisa”.ayay yiri Khadiijo.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM in garoonkan dib loogu wareejiyo Shacabka maadaama uu laf dhabar u yahay Ciyaaraha Dalka.

Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay la xisaabtanka Hey’adaha Dowladda

0

Muqdisho(SNTV)–Shacbiga ku nool Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay la xisaabtanka Hey’adaha Dowladda, kadib markii uu Raiisul-wasaaraha Dalka uu dhawaan soo gabagabeeyay la xisaabtan uu la sameeynayay Hey’adaha Dowladda.

Qaar Ka mid ah shacabka Caasimadda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweeynayaan la xisaabtanka masuuliyiinta Hey’adaha Dalka, iyagoo ra’yigooda cabiraya ayaa yiri ” waxaan soo dhaweyneynaa la xisaabtanka Hey’adaha Xukuumadda, sababtoo ah isla xisaabtanku waxa uu keenayaa horumar, wuxuuna ka hortagayaa dib u dhac,isagoo meesha ka saarayaa musuqa”

Xukuummadda Soomaaliya oo hadafyadeeda ugu weyn ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baarayo shaqsiyaadka dowladda u shaqeeya ee looga shakisan yahay xatooyada xoolaha dad-weynaha, waxaana dhawaan la xiray 10 sarkaal oo ka mid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuq geysteen.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan sameeyay la xisaabtanka Wasiirrada Wasaaradaha Dowladda ee sannadlaha ah, si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan, waxaana Wasiir waliba oo ka mid ah la soo hor-dhigay qorshayaashii lagu balamay in uu fuliyo, iyada oo Wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkiisa.

Howlgalo laga sameeyay Magaalada Marka oo lagu soo qabtay Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab

0

Maxamed Cismaan Yariisow oo ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ka warbixiyay Howlgalo ciidammada Xoogga Dalka ay ku qabteen in ka badan Labaatameeyo ka tirsan Maleeshiyadda Al shabaab.

“Qaar badan oo ka mid ah Nabad diika ayaa lagu soo qabtay howlgalo ciidammada Xoogga Dalka ay ka sameeyen Magaalada Marka, ciidamadana waxaa la shaqeeya kuwa deegaanka oo Al shabaab kala yaqaan, Howlgalada la sameeyay waxaa lagu qabtay 40 qof iyo ka badan, waxaana Al shabaabnimo ay ku cadaatay 20 ka mid ah dadkii lasoo qabtay”.

Yariisow ayaa sheegay in amniga Magaalada uu aad u wanaagsan yahay, ka dib wada shaqeyn xoogan oo dhex martay Ciidammada Xoogga iyo Shacabka magaalada Marka.

“Magaalada Marka markii hore Al shabaab dhinac ayay ka joogeen, waxayna dhibaateyn jireen dadka Shacabka oo fahmay dhagarta Argagaxisada, laakiin hada waxaa yimid Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa 14-ka Octoobar iyo Danab, shacabkana aad ayay ugu farxeen ciidan dowlad oo kala dambeyn leh, tababaro fiicana soo qaatay, Magaalada waa nabad galyo wax dhib ah ma jiraan”.

Saraakiisha Amniga ee ku sugan Magaalada Marka ayaa la wareegay ragan Shabaabka ah ee la qabtay, waxaana door weyn ka qaatay in lasoo qabto maleeshiyadan ku dhuumaneysay magaalada Shacabka oo soo gudbiyay xogtooda, iyagoona u tilmaamay Ciidammada Amniga goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen Argagaxisada Al shabaab.

Theresa May oo booqasho saxed maalmood ah uga bilaabatay qaarada Afrika

0

Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqi doonta in ay Uk maalgashiga qaarada Afrika ayaa sare  u qadi doonto marka ay Midowga Yurub isga baxaado,ayaado booqashadeedi ugu horeysay ku tageysa  Qaarada Afrika.

waxanna ayaa ka jeedin  doonta galinka danbe qudbad magaalada  Cape Town ee dalka Koonfur Afrika  ,wax yabaha la filayo in ay ka hadasho ayaa waxa ugu weyn in ay xaqiijiso in lacagta Uk ay ka bixiso gargaarka Qaarada Afrika  ay Britain ka faa’iiddo.

Dalka Uk ayaa ku soo biray tartanka qaarada Afrika ee dhanka maalgashiga  sida la sadaalinayo dalaalka ku midaysan ururka G7 waxay inta badani tartan ugu jiran sidi ay  maalgalin ugu  sameeyn lahayeen  dalaalka qaarada Afrika.

Dowladda Britain ayaa waxaa la filaya in sannadka 2020  in ay kamid noqto maalgilayaasha  ugu weyn ee qaarada Afrika  kana tirsan  ururka G7 ee ay ku midaysanyihiin  dalalka dhanka dhaqaalah ugu tunka weyn ee reer Yurub.

Sidoo kale waxay booqan doontaa Nigeria iyo Kenya inta ay ku jirto saddexda maalmood ee ay ku jirto safarka ay diiradda ku saarayso ganacsiga.

 

 

Shaqaale ka tirsan Hay’adda Duulista Hawada oo Tababar loo furay

0

Muqdisho (SNTV) Shaqaalaha tababarka qaadanaya ayaa ka koobnaa 16 iyadoo 7 ka mid ay ahaayeen Howl wadeeno ay dhaleen shaqaalihii ka howgali jiray Hay’adda Duulista Hawada xilligii Dowladii dhexe.

Qaar ka mid ah shaqaalaha tababarka qaadanayay ayaa wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada kaga mahad celiyay doorka ay ka qaadatay inay tababar helaan, iyagoo ku tilmaamay mid kuso kordhinaya aqoon iyo tayo wanaagsan.

“waxyaabo badan ayaan ka faa,iidnay  waxaana uga mahadcelineynaa sida wasaaradda ay ugu howlantahay hormarinta xirfada shaqaalaha”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaaboow ayaa xusay in ay soo diyaariyeen shuruucdii Maamulka Hawada uu horay ulahaa dalka ismarkaana ay ku wareejinayaan Mareeyaha.

“Waxaan diyaarinay shuruucdii maamulka hawada ee uu horay ugu shaqey jiray waagii Dowladi dhexe waxaana ku wareejineynaa Maareeyaha”.

Tan iyo 1991 Burburki Dowlada Dhexe ee Dalka waa tababarkii ugu horeeyay oo nuucaan oo kale ee loo qabto Shaqaalaha Hay’adda Duulista, wuxuuna u leeyahay ahmiyad gaar ah sida uu sheegay Wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada.

“Muhiimada gaar ayay inoo leedahay tababar noocaan oo kale in ay helaan shaqaalaha islamarkaana waxay fursad inoo siineysaa sida garoonka diyaaraha uu ula jaan qaadi lahaa garoomada deriska iyo kuwa caalamka waxaana gaarsiin doonaa dhamaan maamul goboleedyada dalka.

Dowlada Soomaaliya oo dhawaan la soo wareegtay maamulkeeda hawada ayaa hada ku Howlan tababarida Howl wadeenada ka shaqeeya Qeybaha kala duwan ee Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

 

Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Alshabaab

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Amniyaadka Argagixisada Alshabaab, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay Maanta uu ahaa mid lagu sugayay Nabad-galyada Shacabka.

“27-da Agoosto, 2018, howlgal qorshaysan waxaa magaalada Muqdisho ka fuliyay ciidanka amaanka Dowlada Federalka Soomaaliya waxaana lagu soo qabtay xubin Amniyaadka Alshabaab ah, Howlgalka cidi wax kuma noqon, Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabadgalyada & xasiloonida”.ayaa lagu yiri War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska NISA.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Muqdisho Stadium

Muqdisho, 27ka Ogosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika.

“Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.”

Saraakiisha Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha qorsheyaasha ay kaga baxayaan garoonkan, iyagoona tilmaamay in ay haatan ka qalab urursadeen, kuna wareejinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey dalalka Afrika ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa, iyagoona garab ku siiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, gaar ahaan qaybihii lagu ciyaari jiray kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybihii nasashada ee Garoonka.

DHAMMAAD

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabk oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada

0

Muqdisho(SNTV);– Kulanka Gudiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay kusimahaa Gudoomiyaha Golaha shacabka ahna Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka JFS ayaa waxaa looga hadlayay qorsheyaasha Golaha horyaala kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka oo dhowaan furmi doona.

Xubnaha Gudiga joogtada ah ayaa kulanka inta uu socday waxa ay soo bandhigeen ajendayaasha horyaala golaha kalfadhigan soo socda gaar ahaan kuwa hor tabinta leh.

Ugu dambeyn Gudiga joogtada ah ee Golaha shacabka ayaa go’aamiyay ama mudeeyay jadwalka Golaha lagu horkeenaayo shuruucda maraya heerarka kala duwan ee Akhrinta.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka geba gebadiisa waxyaabihii kasoo baxay, isagoo sheegay in xubnaha Gudiga ay ka doodeen sidii kalfadhiga afaraad marka uu furmo loo dar dar gelin howlaha golaha.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Gudiyada Golaha looga baahan yahay in ay soo dedejiyaan sharciyada horyaala ee loo soo gudbiyay, iyagoo kaashanaya qubarada kala shaqeysa xagga sharciyada.

Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirto samata bixinta Maxaabiista ku jira xabsiyada Tripoli

0

Muqdisho (SNTV) Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Saciid Faqi ayaa Qoraal kooban uu soo dhigay Baraha Bulshada wuxuu ku wargaliyay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Waalidiinta caruurtooda ku xiran yihiin Xabsiyada ku yaala Dalka Liibiya in dagaalka ka socdo magalada Tripoli ee caasimadda dalkaasi uu sababay in Albaabada loo furay qaar ka mid ah Xabsiyada ay ku jireen Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa sheegay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiyadda Tariqu Mataar iyo Salahu Diin ay kala carareen iyadoo qaarkood ay soo gaareen Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibiya halka kuwa maqan baadi goob loogu jiro, iyadoo hal goob la iskugu keenayo dhamaan Dhalinyarada si aysan waxyeelo kaga soo gaarin dagaalka ka socda Tripoli sida uu sheegay Cali Saciid Faqi.

Sidoo kale Safiirka ayaa xaqiijiyay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiga Ain Zara ay wali meeshooda ay ku sugan yihiin.