Abaanduulaha Ciidanka Xoogga “Waxaan isku furnay Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Marka”

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan Nabad diidka Kooxda Alshabaab ka eryay deegaanada isku xira Muqdisho iyo Marka oo ay kamid yihiin Gandershe, Dhannaane, Jillib Marka iyo deegaano kale, halkaasi oo muddo ay joogeen Argagixisada.

Ciidanka Geesiyaasha ayaa maanta sameeyey Howlgal la isugu furayo dhulka Xeebta ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Marka oo Muddo Sanado ah Kooxda Alshabaab dadka ay ku dhibi jireen, islamarkaana ay go’doomiyeen wadadaasi.

Howlgalka wado furista ee Ciidanka ay sameeyeen ayaa ku dhammaaday guul iyo siddii loo qorsheeyey, kamana dhallan wax qasaaro ah, maadaama Maleeshiyaadkii Argagixisada ka tirsanaa ee halkaasi ku dhuumanayey ay carareen markii ay arkeen Ciidanka Huwanta ah ee Xoogga dalka.

Geesiyaasha Xoogga dalka, ayaa howlgalka markii uu dhammaaday waxay bilaabeen in Wadada Xiriirisa Muqdisho ilaa iyo Marka inay ka jaraan dhir badan oo ka baxday hareeraha wadada, sida Geedka Soomaalida ay u taqaan “Cali Garoobka” oo Nabad diidka gabbaad ka dhigan jiray , iyaggoo intaasi kadib Wadada ka bilaabay diyactir iyo in Jaay iyo Caro kaawo ay ku shubaan meelaha Jajaban.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo Ciidanka Howlgalka fuliyey hoggaaminayey, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay Muddo dheer kadib Shacabka Soomaaliyeed in laga dulqaaday Nabad diidkii ku dhibi jiray inta u dhaxeyso Wadada Xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, ayna dhammaatay arrintaasi.

Gen. Odowaa oo la hadlay Idaacadda codka Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay qorshaha Taliska Ciidanka Xoogga dalka inuu yahay  Kooxda itaalka darran ee Alshabaab in laga xoreeyo dhammaan goobaha ay kaga dhuumanayaan dalka oo ay ku dhibaan dadka Shacabka ah,

Kooxda Alshabaab ayaa dadka isticmaala wadadaasi u geysan jiray dhac, Boob, Dil iyo Kufsi oo ay usii dheereyd Afduubka Maatida oo ay kusoo daayaan Lacago Madax furasho ah, balse dhibaatada Shacabka waxaa u dulqaadan Daljireyaasha Xoogga dalka oo maanta soo afjaray dhibkii Argagixisada dadka ay ku hayeen.

Wariye C/waaxid Axmed Geeddi oo ka tirsan Shaqaallaha Idaacadda Codka Ciidammada qalabka sida, islamarkaan qeyb ka ah Ciidanka howlgalka wada, ayaa sheegay in Shacabkii dhibka ku qabay marista Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko ay aad u soo dhaweeyeen in dhibka laga dulqaaday, iyagoo Geesiyaasha u mahad celiyey, waxaana ay ballan qaadeen in Ciidanka ay kala shaqeyn doonaan Ciribtirka Nabad diidka dhiigya cabka ah.

Argagixisada Arxanka darran ee Alshabaab, ayaa noqday Tusbax dhinac laga furay, waxaana ku socda Xidido siib, si loo Ciribtiro, Maadaama ay muddo dheer ku howl lanaayeen Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...