Eng.Yarisow oo dib uhabeyn ku sameeyey Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee G/Banaadir

Date:

Muqdisho September 30  (SNTV);-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Xirsi Diirshe Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha in uu si deg deg ah dib u habayn ugu sameeyo xubnaha iyo shaqada guddigaas oo lafdhabar u ah caddaalad iyo sinnaan loo horseedo shacabka tabashada qaba.

“Hirgelinta hannaan caddaaladeed oo lagu kalsoon yahay, xal waarana u horseeda murannada iyo khilaafaadka ka taagan dhulalka iyo guryaha waxaa asaas u ah in dib loo habeeyo Guddiga qaabilsan arrinkaas.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro musuq maasuqa iyo dikumiintiyada been abuurka ah ee lagu qaato hantida dadka.

Guddoomiyaha ayaa faray dhammaan xubnaha Guddiiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan hawlaha loo igmaday, si loo xalliyo tabashooyinka la soo gaarsiiyey Gobolka Banaadir ee la xiriira dhulalka iyo guryaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...