Wardoonayaal ka tirsan Alshabaab oo la xukumay.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Maxamed Cabdi Salaad Nuurย  iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa loo heystaa in ay ka wada tirsan yihiin maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan kooxda ay ugu yeeraan Amniyaadka, waxaana ciidamada amniga ka soo kala qabteen degmooyinka Cabdiczaziiz iyo Wartanabadda.

Eedeysanaha koowaa ayaa Alshabaab kaga biiray gobalka Shabeelaha Dhexe sanadii 2015 gaar ahaan halka loo yaqaano Gamboole, waxa uu tababar seddax bil ah ku soo qaatay xero ku taalo duleedka Gamboole halkaasi uu ku bartay isticmaalka hubka fudud iyo tuurista bam gacmeedka (F1).

Intii uu joogay Shabeelah Dhexe ayuu ku fashilmay isku dayo dhowr ah oo loo diray balse waxaa loo soo bedelayย  magaalada Muqdisho, waxaana loo diray shaqa kale oo ku saabsan indha-indheynta goobaha dadka isugu yimaadaan ee ku dhirirsan xeebta Liidoย  eeย  magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale hordhac sahmin u ahaa weeraroย  ismiidaamin ah oo badi fashil ku dhamaaday kuwaasi oo ay ciidamada amniga fashiliyaan sida kuwa lagu doonayay in lagu galo gudaha Madaxtooyada.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale qiray in uu aqoon u leeyahay eedeysanaha labaad Gacal Maxamed Cali Maxamed ย oo ay ka wada tirsanaayeen maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale ay kawada tirsanaayeen hal koox oo ay ku sheegeen in uu horjoogahooda joogo halka loo yaqaan Sabiid,ย  waxa uu qiray inย  ay wada degnanaan jireen degmada Kaaraanย  balse Gacal uu isku qariyo shaqada tima jaraha, Maxamed Cabdi Salaad Nuur oo ah eedeysanaha koowaad ayay ciidamada amniga soo xireen ย 13-ka Bishii labaad (2)- ee sanadkan.

Gacal Maxamed Cali Maxamed oo ah eedeysanaha labaad ayaa iska diiday dhammaan eedaha loo jeediyay oo ay kamid ahaayeen in uu magaalada ku soo dhaweeyay eedeysanaha koowaad ย ayna wada deganaayeen hal guri ย sidoo kale ay ย lahaayeen hal horjooge oo isagana ugu war dambeysay isagoo joogay halka loo yaqaano Sabiid, Gacal ayaa gacantaย  ciidamada amniga soo galay sidaad iyo tobanka (18) bishii Afaraad (4) ee sanadkan.

Labadii (2) bishii Sideedaad ee sanadkan ayay u soo wareegtayย  eedda labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa ayna xilligaas weydiisteen Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in xabsiga lagu hayo eedeysanayaasha garsuge ahaan.

Bilowga fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa si wada jir ah loo dhageystay eedda ay soo diyaariyeen xafiiska xeer ilaalinta iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay eedeysanayaasha in ay ka hadlaan goobta maxkamadeyntooda.

Koowdii bishan aynuย  ku jirno ayaa la soo gaba-gabeeyay dhageysiga qeybta labaad ee Maxkamadda.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa goโ€™aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo

  • Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana
  • Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuuteย  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaasha ayaa heystaย  fursad kale oo ayย  ku dalban karo Rafcaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...