Ciidanka Xoogga dalka oo Weerar ku qaaday Xarumo Nabad diidka ay ku lahaayeen Tuulooyin hoos taga degmadda Jammaame

Date:

Muqdisho (SNTV)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan Qeybta 43aad  ayaa maanta Waxay Weerar ku qaadeen tuulooyin hoostaga Degmadda Jammaame oo ay ka mid tahay tuulada Kawan oo u dhaw deegaanka Araare ee gobolka Jubadda Hoose.

Deegaanka Kawan oo ay isku Uruursanayeen Maleeyshiyada Kooxda Arxanka darran ee Al-Shabaab ayaa Waxaa Ka War Helay Taliska Qeybta 43aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka, Waxaana Halkaasi ka dhacay Dagaal Nabad Diidka Al-Shabaab Qaasaro xooggan lagu gaarsiiyey, isla markaasna looga saaray tuulada kawan oo hadda ay gacanta ku hayaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa la gaarsiiyay Nabad diidka Kooxda Al-Shabaab, sidoo kale Waxaa dagaalka looga qabsaday Seddex Qori oo  AK47 ah.

Ku-simaha Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa Warbaahinta Qaranka uga Warbixiyay Dagaalkaasi Nabad diidka Al-Shabaab looga Saaray Tuulada Kawan, isaggoo xusay in nabad diidka halkaasi lagu gaarsiiyey Qasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...