Home Blog Page 1191

Kulan ku saabsan ka wacyi gelinta bulshada xag-jirnimada ayaa ka furmay Nairobi

0

Shir ku saabsan sidii bulshada Soomaaliyeed looga wacyi gelin lahaa xagjirnimada gacan ka hadalka ku dhisan ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo bulshada rayidka ah, ayaa si gaar ah looga hadlayaa diyaarinta istaraatiijiyada warbaahinta ee barnaamijka PCVE ee  la dagaallanka xagjirnimada.

Shirkan ayaa waxaa kaloo ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socota Midowga Afrika iyo khubaro dhanka xiriirka bulshada, kuwaas oo ka soo qeyb galeyaasha la wadaagay hababka ugu wanaagsan ee bulshada looga wacyi gelin karo xagjirnimada.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in la dhisayo Guddiga tacliinta sare

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarineyso Guddiga Tacliinta sare ee dalka oo dib u habeyn xooggan ku sameyn doona Jaamacadaha waddanka ku yaalla, si loo ogaado tayada waxbarasho ee ay bixiyaan.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Barnaamijka Kulanka Toddobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ka qeyb-galay maanta ayaa sheegay in guddigaan uu awoodu leeyahay dib u habeynta Tayada Waxbarasho ee Tacliinta sare, isla markaaana Jaamacadaha dalka oo dhanna uu dib u habeyn ku sameynayn doono.

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in sanadka 2020-ka ay ku rajo weyn yihiin in Jaamacadda Ummadda ay  awood u  yeelato in ay qaadato sannad walba 10,000 oo Ardey (Toban Kun oo Ardey).

Taliyaha CXDS: “Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad

0

Kismaayo-(SNTV)-Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa Maanta Gaaaray Magaalada Kismaayo, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa taliyaha ku qaabbilay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo, wuxuuna Gen; Indha-qarshe ka mahad celiyay sidii diirranayd ee loo maamuusay.

Gen; Daahir Aaden Cilmi, ayaa sheegay inay booqashadiisa Kismaayo ku saabsan tahay in uu Indha-indheyn ku sameeyo una kuur-galo xaaladda Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad, oo ah qaybaha ugu muhiimsan CXDS, sababta aan u leennahayna waxa weeye waa meesha ugu badan ee Xuddudta u ah Nimankaas Argagixisada ah, marka qasab bay nagu tahay inaannu aad iyo aad ugu kuurgalno”ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa qaybtan 43-aad ku tilmaamay mid ahmiyad weyn u leh, maaddaama ay ka howl-gasho goobaha ugu badan ee ay Ciidamada xoogga Dalku kula dagaallamaan Kooxda cadawga ah ee Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay taliyuhu inuu aaminsan yahay in haddii uu Ciidanka ku sugan degaannada Jubbaland helo Agab Militeri oo ku filan in uu cirib tiri karo kooxaha Argagagixisada, kana saarayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan, kana dul qaado dhibta saran Shacabka Soomaaliyeed

Maamulka Sh/hoose oo bogaadiyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirrada

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Shabeellada hoose Maxamed Ibraahim Barre, ayaa soo dhoweeyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii golaha wasiirrada ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane,Maxamed Ibraahim Barre ayaa si gaar ah u bogaadiyay in Gobolka Shabeellada hoose la geeyo, Ciidamada Booliska, nabad sugidda iyo Maxkamad heer Federaal ah, lana soo celiyo adeegyadii wax-barashada ee Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in uu Madaxweynuhu faray Wasaaradaha ay arrimahaasi Khuseeyaan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan Gobolka, si ay halkaasi ugu hir-gelyaan adeegyadii ay Shacabku u baahnaayeen muddada dheer.

Sidoo kale Mudane, Barre oo u warramayay war-baahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaariyeen Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka iyo tan Degmada Marka, isagoo intaa raaciyay inay ku faraxsan yihiin in halkaasi la geeyo Ciidamada Boliiska iyo nabad-sugidda, maaddaama buu yiri ay la shaqaynta Bulshadu iyaga ku wanaagsan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Wasaaradaha amniga, Caddaaladda iyo Wax-barashada faray in Gobolka Shabeellada hoose la geeyo adeegyada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin Bulshada halkaasi ku dhaqan, mar uu Shalay ka hadlayay shirkii Golaha Wasiirrada ee ka dhacay Muqdisho.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka horumarinta deegaanka

0

Nairobi-(SNTV)-Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay horumarinta degaanka oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Kulankan oo Socday muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa ka qayb galay gaba-gabadiisii Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid iyo sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ahna Qunsulka guud ee Safaaradda, Cali Maxamed Sheekh (Bagadi).

Ajandaha shirka ayaa ahaa hannaanka maamul wanaagga degaanka Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD iyo yaraynta dhibaatooyinka ka dhasha Dhulka, waxaana Soomaaliya ku matalayay Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha iyo waraabka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa sheegay in kulankaasi xoogga lagu saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamada Gobolka, yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon.

“Waxaa xoogga la saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamadan yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon” ayuu yiri Wasiir Ciid.

Mudane; Ciid, ayaa sidoo kale sheegay in shirku ay kasoo baxeen talooyin aad muhiim u ah, oo lagu xoojinayo ahmiyadda uu leeyahay maamul wanaagga Dhulka, isagoo intaa raaciyay in Dhulku uu si toos ah xiriir ula leeyahay dhinacyada horumarka, degaan wanaagga, Magaalooyinka iyo Beeraha.

Mashruucan oo ay maal-gelintiisu leedahay Dowladda Switzerland, ayaa waxa uu Dalalka Gobolka kasii socon doonaa Muddo Afar Sano ah, kaasoo wax weyn ka tari doono sidii loo horumarin lahaa degaanka Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Dekadda magaaladda Muqdisho oo lagu qabtay Kontainer Khamri ah

0

Muqdisho (SNTV)-Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta dekadda magaaladda Muqdisho ku qabtay kontainer Khamri ah, kaas oo saxaafadda loo soo bandhigay, iyaddoo goobta lagu soo bandhigay ay joogeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kontainerka ay ku jiraan 905 kartoon oo Khamri ah, kuwaasi oo isla maanta lagu gubay duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xiggeenka arrimaha bulshadda maamulka gobolka Banaadir, Basma Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in sidoo kale Khamri kale lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo boorsooyin lagu dhex qariyay.

Taliye ku-xiggeenka Hoggaanka dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliya Sarreeye guuto Bishaar Abshir Geeddi iyo Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha ee  ciidanka booliiska Sarreeye guuto C/laahi Xasan Bariise ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta goob jooga ka ahaa gubista iyo burburinta Khamrigan.

Madaxweyne Farmaajo oo faray Xukuumadda in ay sii dardar geliso baahinta Adeegyada Bulshada

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda looga baahanyahay in ay la fal galaan shacabka, si ay u helaan xogo dhammaystiran oo ka turjumaya baahiyaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xubnaha Golaha in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay Madaxda Qaranka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixiyey safarkii dhawaan uu ku tagay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo baahiyaha bulsho ee ka jira deegaannadaas.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in laga hirgeliyo magaalada Marka adeegyada waxbarashada iyo garsoorka, si loo soo celiyo adeegyada asaasiga ah, loona ilaaliyo xasilloonida iyo amniga deegaanka.

“Ummadda Soomaaliyeed idinka bay idin sugaysaa, maadama aad nasiib u yeelateen in aad hoggaan u noqotaan, waxa ay inaga sugayaan in aan si daacad ah ugu adeegno, una ilaalinno canshuurta laga soo uruuriyo.”

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo xoghaynta Shirka ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay warbixinno la xiriira guulaha laga gaaray hiigsiyada dowladda ee tubaha horumarinta arrimaha bulshada, amniga, caddaaladda, siyaasadda loo dhanyahay, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee horyaalla Xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey wada-shaqeynta kala dhaxaysa Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa yiri “Ma jirto dan shakhsiyayeed oo dhexdeena ah ee waxaan ka shaqeeynaa Danta Guud. Waxaana awoodda saarnaa mar walba in la helo xalka ugu wanaagsan. Ummadda Soomaliyeed waxay haystaan Raiisul Wasaare wanaagsan iyo Gole Xukuumadeed oo iyaguna wanaagsan.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda sida masuuliyadda leh ee ay u gudanayaan waajibaadka dastuuriga ah ee ay masuulka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku boorriyay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo waxqabadkooda.

 

Kulan ku saabsan Ilaalinta Caruurta iyo Xuquuqdooda oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)- Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Xoogga  saareyso Ilaalinta iyo dhowrida Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed oo ahmiyad weyn uu leh Bulshadda ayaa Maanta waxaa magaaladda Muqdisho lagu qabtay Kulan ku saabsan Ilaalinta Caruurta iyo Xaquuqdooda.

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiinka ka tirsan Dawladda, Qeybaha kala duwan ee Bulshadda iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda caruurta Soomaaliyeed , Muhiimna ay tahay iney helaan Daryeel ku filan.

Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda, Awqaafta iyo Xuquuqal Insaanka Caruurta iyo Haweenka ee Golaha Aqalka Sare Senator Sam Sam Ibraahim Cali ayaa sheegtay iney diyaar u yihiin siddi looga shaqeyn lahaa Xuquuqda Caruurta Soomaaliyed.

Kasoo qeyb galeyaasha kulankaan ayaa si isku mid ah u sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan in lagama maar maan ay tahay in laga shaqeeyo horumarinta Xuquuqda Caruurta Soomaaliyed, si ay u helaan Xuquuqda aas-aasiga ay leeyahiin.

Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo gabagabeeyay

0

Muqdisho Octobe 18 (SNTV):- Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ka dib 2 maalmood oo la soo bandhigayay adeegyo, aqoon-isweydaarsiyo, iyo fikrado cusub oo ay is dhaafsanayeen qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dalka.

Carwadan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 60 shirkad, jaamacad, iyo hay’ado dawladeed oo ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada wuxuu ujeedkeedu ahaa inay fursad u helaan ay isku bartaan dhexdooda, isla markaana ay dadweynaha ku baraan waxa ay qabtaan.

Kumannaan dhallinyaro u badan oo carwada ka soo qeybgalay ayaa fursad u helay inay la kulmaan madaxda shirkadaha iyo jaamacadaha iyo mas’uuliyiinta dawladda ee xiriirka la leh arrimaha Teknoolojiyada.

Waxaa si gaar ah dhallinyarada u soo jiitay qalab lacag la’aan ah oo lagu guuleysanayay intii ay carwadu socotay oo ay bixinayeen inta badan shirkadaha ka soo qeyb galay, iyadoo ay xusid mudan tahay in jaamacadaha Plasma iyo Horseed iyo Machadka Isgaarsiinta Qaranku ay ku deeqeen 15 deeq waxbarasho oo la siinayay dhallinyarada, halka qabanqaabiyeyaasha carwada ay bixiyeen laptop cusub.

Waxaa sidoo kale markii ugu horreysay la daah furay cinwaanka (.me.so) oo loogu talo galay shakhsiyaadka, kaas oo si lacag la’aan ah ay ku guuleysteen dhallinyaro qorayaal ah si loogu dhiirrigeliyo inay wax qoraan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo xafladda xiritaanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ula dhacay tayada adeegyada iyo fikradaha la soo bandhigay.

“Anaga dawlad ahaan waxaa nalaga doonayaa inaan abuurno jawi saamaxaya in dhallinyarada hal-abuurka leh ay ku aasaasaan fikrado shaqo-abuur u sameynaya naftooda iyo saaxiibadood,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Md Eng. Cabdi Cashuur, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, oo soo xiray carwada ayaa sheegay in carwadani ay muujisay awoodda, kala-duwanaanshaha iyo xiisaha bahda isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada sida ay u dhan yihiin.

“Waxaan aragnay in carwadani ay bari-taareyso horumarka isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka maadaama ay siisay fursad lagu arko waxqabadkooda, Hadduu Alle idmo waxaan sii wadi doonnaa inaan abuurno fursado kale oo lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

 

Duqa Muqdisho oo Daah furay dib u dhiska Warta Tunbuluq ee Degmada Xamar Weyne

0

Muqdisho Octobe 18 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah furay dib-u-dhiska Warta Tunbuluq ee degmada Xamar-Weyne, taasoo aan shaqayn ilaa iyo Dawlad-burburkii.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in furitaanka mashruucan dib loogu howlgelinayo warta Tunbuluq uu bilow u yahay qorshe ballaaran oo lagu hagaajinayo dhammaan biyo-mareenada Caasimadda ee xirmay.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxuu xusay in Wartan ay kaalin wanaagsan ka qaadan jirtay gaarsiinta badda ee biyaha fariista qeybo kamid ah degmooyinka xili roobka.

“Warta Tunbuluq waxay ahayd marin wanaagsan oo biyaha gaarsiiya badda, balse ma shaqayn dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay, mashruucan aan dib ugu howlgelinaynana waa mid bilow u ah dhismaha guud ahaan kanaaladii biyaha qaadi jiray ee Caasimadda”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan dhismaha iyo horumarka dalkooda, isla markaana loo istaago sidii wadajir loogu dhisi lahaa dalka.

Furitaanka Masharuuca dib loogu dhisayo Warta Tunbuluq ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Howllaha guud iyo qaar kamid ah Agaasimeyaasha M/mulka Gobolka Banaadir.