Home Blog Page 1191

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo siweyn loogu soo dhaweeyey Brussels

 Muqdisho(SNTV Wafdigan uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgiumka,waxaana halkasi ku soo dhaweeyey danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliy aiyo wafdigiisa ayaa ka qeybg qaadan doona guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo.

Wuxuu shirkaasi caalamiga ah uu daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka  iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka warbixiyay safarka wafdiga Madaxweynaha ayaa yiri “Qeybta labaad ee shirkan waxaan kaga hadli doonnaa, wixii ka qabsoomay qorshaha amniga qaranka ee lagaga hadlay shirarkii hore iyo guulaha laga gaaray, bixitaanka ciidamada Amisom ee waqtiyeysan, horumarka laga gaarey dhaqaalaha, haddii ay noqoto deyn-cafiska oo aan hormar ka gaarnay, dakhli-ururintii iyo miisaaniyaddii oo wax badan laga qabtay.”

“Qeybta saddexaad waxa lagaga hadli doonaa siyaasadda loo dhan yahay ee ku aaddan heshiiskii kheyraadka dabiiciga ah iyo sida loo qeybsanayo, nidaamka doorashooyinka, dib-u-habeyn lagu sameeyay dastuurkii oo haddana socda, iyadoona shantii cutub ee u horreeyay Golaha Wasiirrada lagu soo bandhigay Khamiistii la soo dhaafay, xeerkii doorashooyinka iyo nidaamkii doorashooyinka oo la isla qaatay, sidoo kale waxaa hormar laga gaaray shuruucdii doorashooyinka 2020, xoojinta dadaallada wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha. Qodobbadaas ayaa ugu muhiimsan ajandeyaasha lagu soo bandhigi doono shirka Brussels.”

Inta uu socdo shirkan Brussels waxaa sidoo kale jiri doona saddex shir-doceed oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Shir looga hadlayey wada shaqeynta Wasaaradaha Beeraha Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (SNTV) Shirkaan oo looga la hadlayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Wasaaradda Beeraha ee dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda,  Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Beeraha ee Dowlad Goboleedyada iyo quburo ku xeel dheer dhanka Beeraha.

Shirkan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sameyn lahaa qorshe howleed ku aadan dhanka Beeraha si ay wada shaqeyn buuxdo u dhexmarto Wasaaradda Beeraha ee xukuumadda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Dr Xuseen Xaaji Macow oo ah qabiir dhanka beeraha ah isla markaana ah Madaxa Mashruucan ee Midowga Yurub oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa  faah faahin ka bixiyay mashruucan iyo qeybaha uu ka koobnaan doono.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Dr Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in u jeedada mashruucan loo sameeyay ay tahay sidii loo heli lahaa qorshe mideysan oo looga hortago hay’adaha arimaha beeraha ka shaqeeya.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Saciid Xuseen Ciid oo furay shirka ayaa sharaxay ahmiyadda uu shirkan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay inay wada shaqeyn dhaw la yeelato Wasaaradaha Beeraha ee dowlad Goboleedyada.

Shirkan oo daba socda kulan 28-kii bisha April ay isugu yimaadeen Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Beeraha ee Xukuumadda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay ka soo baxaan go’aano wax ku ool ah oo lagu horumarinayo wax soo saarka dhanka beeraha ee dalka.

18-QOF OO LOO HEYSTO AMAR DIIDDO IYO ABAABUL QABIIL CIIDAMADA DHEXDOODA AH AYAA MAANTA  MARKALE U FARIISATAY MAXKAMADDA D, 1-AAD EE CIIDAMADA QLABKA SIDA.

Muqdisho (SNTV)-Iyadoo ay jirtay ciidama gaarayay 13-qof oo horay loo ruqsaayay kedib markii ay isticmaaleen bishii ramadaan balwad ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa ka dhex bilowday guutada 14-ka Octobar abaabul rabshada ah iyo kicinta qabiillo ciidamada  dhexdooda, waxaaana 18-qof oo  ka mid ah ciidamadaasi u baraareen amar diiddo iyo kicin qabiil iyagoo ku difaacayo ciidamadii la ruqseeyay ee buriyay mid ka mid ah shuruudaha ku biirista ciidamadaasi oo aheyd in aan la isticmaali Karin wax balwad ah.

Is qab-qabsi kedib ayaa waxa soo kala dhex galay saraakiisha ugu sareeyo ciidamada xoogga dalka oo ay qaarkooda u dacwoodeen, waxaana intaas kedib loo bandhigay in ay kala doortaan qaranka iyo qabiilka.

Meel fagaara ah ayay ku doorteen qabiilka iyagoo sidoo kale rabshada kiciyay taasi oo ugu dambeyn keentay in ay ciidamada ka jawaabaan oo ay dhamaan intii gaar  isku soocday xabsiga dhigaan.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida oo waajibookoda gudanaayaa ayaa weydiistay maxkamadda ciidamada in la muddeeyo dawcdo qaadistood, tira dhowr jeer kedib Maxkamadda ciidamada ayaa  soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah 18-kan shaqsi.

Intii ay socotay maxkamadda ayaa eedeysanayaasha la weydiiyay jiritaanka dambiyada loo heysto, badidood  ayaa qiray in ay isku isbaheysteen hab beeleed iyagoo ku andacooday in si gaar ah loo takoorayo.

Xafiiska xeer ilaalinta  oo ka jawaabay arrimahaasi ayaa markaatiyaasha uu  maxkamadda hor keenyay waxaa ka mid ahaa abaanduula guutada 14ka October oo reer ahaan ay is xigeen hasa ahaate ku marag furay dhaqanada ka baxsan ciidanka oo ay ku dhaqmayeen in raggan muddo ay ugu  soo dulqaadanayeen iyagoo dhowraya midnimada ciidanka.

Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabka sida ayaa Maxkamadda ka codsaday iyadoo la ilaalinyo midnimada ciidamada in ciqaab adag la mariyo raggan si kuwa kale ay ugu tusaala qaataan.

Qareenka difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in balwad aysan jirin sharci guud oo wadanka dhan ka mamnuucayo taasina yasan ku muteysan ciqaab adag, sidoo kale waxa ay codsadeen in loogu naxariisto rabshadda iyo gooni isu-taagga ay samaayeen xubnahan.

Ugu dambeyn fadhiga Maxkamadda waxaa soo xiray guddomiyaha MAxkamadda D, 1-aad ee ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeybgalayaasha dacwadda in fadhiga xiran-yahay oo ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

Guutada 14-ka October ayaa la’aas-aasay kedib weerarkii dadka badani ku dhinteen ee  ka dhacay isgoyska soobe ee  Magaalada Muqdisho sanadkii tegay.

Ciidammada amniga oo ka hortagay qaraxyo

Argagixisada Alshabaab ayaa isku dayay in ay xoog uga soo gudbaan baro koontorool oo ku yaalla agagaarka Ceelgaabta.Ciidammada amniga ayaa ka hor joogsaday taas oo ku khasbay in ay qarxiyaan labo gaari oo ay wateen. Faahfaahin dheeri ah la soco goor dhow

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

 

Muqdisho, Luuliyo 14, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxakamadda Racfaanka Gobolka Banaadir keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaanuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Mudane Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Mudane Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, isagoona dhanka kale u rajeeyay Gudoomiyeyaashii hore mustaqbal wanaagsan.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ahaa inuu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

Alshabaab oo Sheikh caan ah ku dilay Ceelasha biyaha

0

Maleeshiyada argagisada ah ee Alshabaab ayaa deegaanka Ceelasha ku dilay Sheikh caan ah oo lagu magacaabo Sheikh Cabdullaahi Sheikh Maxamed Rooble.

Maleeshiyada ayaa toogtay Sheikha oo hayay dugsi uu dadka ku bari jiray Qur’aanka Kariimka ah.

Sheikha ayaa Qur’aanka kariimka ah baray dad u fara badan, isagoo muddo dheer hayay dugsiga Qur’aanka oo uu aas aasay aabihii.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa cambaareeyay dilka Sheikha,  waa uuna tacsi u diray eheladiisii. Wasiir Isaaq ayaa sheegay in dilka Sheikha uu qeyb ka hayay isku dayga ay Alshabaab ku dooneyso dabar goynta culimada iyo dadka indhaha u ah bulshada

Inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun,Waxaa maanta gacan ka xaq daran ay ku dishay deegaanka ceelasha Biyaha Alle ha…

Δημοσιεύτηκε από Adam Isak στις Παρασκευή, 13 Ιουλίου 2018

Dowladda Norway oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya

0

Nairobi(SNTV)- Munaasbad lagu qabtay magaallada Nairobi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayuu ku sheegay safiirka Norway u fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg in hal sano oo ay wada-shaqeynayeen dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa.

“Horay waxaan u aqoonsannayn baasaboorka Diplomaasiga ah ee  Soomaaliya, Norway waxa ay sidoo kale aqoonsanaysaa baasaboorka caadiga ah iyo kan shaqo ee ay soo saarto Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Go’aankani waxa uu dhaqan galayaa bish Agoosto kowdeeda” ayuu yiri danjire Rønneberg.

“Waxaana ku biiraynaa dalalka Midowga Yurub ee aqoonsan baasaboorka Soomaaliya. Inta la ogyahay waxaa ka mid ah dalalka France, Talyaaniga, Poland, Slovenia, Lithuania, Portugal, Malta Estonia. Ugu dambayn aan caddeeyo in go’aanka ay Norway ku aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya uusan wax ka beddelaynin shuruudaha  dal ku galka Norway.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad ayaa munaasabaddan ka qeyb galay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sammeysay dowladda Soomaaliya iyo shaqo adag oo ay qabatay Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay keentay in dowladda Norway ay aqoonsato baasaboorka. Isaga oo si gaar ah u bogaadiyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo sidoo kale kaalin mug leh ka qaadatay arrintaan.

“Waa maalin taariikhi ah, Norway sanadkii 2012 ayay aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah, maantana waxa ay aqoonsatay dhammaan noocyada kale sida kan shacabka iyo midka shaqaalaha, dadaal ay bixisay dowladda gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo uu hoggaaminayo AGaasime Koofi ayaa lagu gaaray” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka Amniga Qaranka mudane Maxamed Abuukar Isloow oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa u mahad celiyay dowladda Norway, isaga oo tilmaamay in aqoonsiga ka sokoow ay dowladda Norway dowlado kale la wadaagayso xogta ku saabsan baasaboorka Soomaaliya si ay u aqoonsadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2007-dii billowday daabacaadda baasaboor elektronig ah, kaas oo lagu beddelay baasaboorkii hore oo laga heli jiray suuqa. Wixii ka dambeeyay waqtigaas waxaa la sii adkaynayay hannaanka lagu bixiyo baasaboorka ayada oo sidoo kale ay sii badanayeen dowladaha aqoonsanaya ama oggolaanaya in ay dal ku-gal saaraan.

MADAXWEYNAHA OO BOGAADIYAY IS-FAHAMKA LAGA GAARAY WADA-HADALLADII DHINACYADA GALMUDUG

0

Muqdisho, 13ka Luulyo, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.

Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.”

“Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb.

MADAXWEYNAHA OO BOGAADIYAY IS-FAHAMKA LAGA GAARAY WADA-HADALLADII DHINACYADA GALMUDUG

Muqdisho, 13ka Luulyo, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.

Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.”

“Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb.

DHAMMAAD

Laanqayrta Cas oo ka deyrineysa xaaladda degaanno ka mid ah Koofurta Itoobiya

Geneva-(SNTV)- Hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta cas (ICRC) ayaa sheegtay in shaqaaqooyinka ka dhex taagan Shucuubta Ku dhaqan Koofurta Itoobiya ay sare usii qaadeyso dhibaatooyinka Bani’aadamnimo ee halkaasi ka jira.

Laanqayrta cas ayaa walaac ka muujisay iney xaalad adag soo food saarto in ka badan 800,000 oo Qof oo si qasab ah looga barakiciyay degaannadoodii, kuwaas oo aan haysan Hooy, Cunto, Biyo nadiif ah iyo waxyaabo kale oo aasaasi u ah nolosha Aadanaha.

Xubno ka socda Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Isku tallaabta Cas ee Itoobiya ayaa dhowaan si wada jir ah u booqday Degmada Kochere oo ka mid ah goobaha ugu badan ee ay Dadka ku bara kaceen.

Shirin Hanafieh, oo ah Sarkaal ka tirsan hay’adda ICRC ayaa sheegay inaan loo baahnayn inay Beesha caalamku iska Indha tirto ama fududeysato dhibaatada Bini’aaddannimo ee halkaasi ka taagan.

Qayla dhaantan kasoo baxday hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa kusoo beegmaysa xilli ay shaqaaqooyin kuwaa la mid ihi ka taagan yihiin degaanka Mooyaale ee Gobolka Liibaan Itoobiya, halkaasoo ay ku dagaallamayaan Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada.