Maamulka Sh/hoose oo bogaadiyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirrada

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Shabeellada hoose Maxamed Ibraahim Barre, ayaa soo dhoweeyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii golaha wasiirrada ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane,Maxamed Ibraahim Barre ayaa si gaar ah u bogaadiyay in Gobolka Shabeellada hoose la geeyo, Ciidamada Booliska, nabad sugidda iyo Maxkamad heer Federaal ah, lana soo celiyo adeegyadii wax-barashada ee Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in uu Madaxweynuhu faray Wasaaradaha ay arrimahaasi Khuseeyaan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan Gobolka, si ay halkaasi ugu hir-gelyaan adeegyadii ay Shacabku u baahnaayeen muddada dheer.

Sidoo kale Mudane, Barre oo u warramayay war-baahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaariyeen Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka iyo tan Degmada Marka, isagoo intaa raaciyay inay ku faraxsan yihiin in halkaasi la geeyo Ciidamada Boliiska iyo nabad-sugidda, maaddaama buu yiri ay la shaqaynta Bulshadu iyaga ku wanaagsan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Wasaaradaha amniga, Caddaaladda iyo Wax-barashada faray in Gobolka Shabeellada hoose la geeyo adeegyada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin Bulshada halkaasi ku dhaqan, mar uu Shalay ka hadlayay shirkii Golaha Wasiirrada ee ka dhacay Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...