Home Blog Page 119

Wasiirka Kalluumeysiga oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe, ayaa la kulmay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta hay’adda iyo wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga iyo sidii kalluumeysatada loogu heli lahaa mashaariicyo wax ka tara sidii loogu faa’ideysan lahaa kheyraadka badda.

Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo ka furmay Muqdisho

0

Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha ayaa si rasmi ah uga furmaya maanta magaalada Muqdisho,iyadoo lagu qabtay Hotel Jazeera. Munaasabaddan muhiimka ah ayaa isu keentay masuuliyiin sare, khubaro, ganacsato iyo daneeyayaasha kala duwan ee ku hawlan horumarinta cuntada iyo wax-soosaarka beeraha dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaannada Carabta

0

Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Carabta oo maalintii labaad ka socda Magaalada Algiers ee caasimadda wadanka Algeria ayaa looga hadlay guud ahaan arrimaha wadamada carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Soomaaliya shirka ku matalaya ayaa maanta ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, waxaana uu ugu horeyn u mahadcelyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannadda Carabta iyo dowladda Algeria.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ku dheeraaday qadiyadda Falastiin iyo muhiimadda ay xiligan leedahay in si dhab ah oo ka go’naasho ah looga hadlo loona wajaho, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay taageersantahay in garab istaag buuxa loo muujiyo Falastiin iyo in la helo dowlad rasmi ah oo Falastiiniyiintu leeyihiin caasimadeeduna tahay Qudus.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada wadanka suudaan oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in aanan la faragelin.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tibaaxay muhiimada ay leedahay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga wadamada Carabta dhexdooda ah gaar ahaan baarlamaannada Carabta oo uu sheegay in wadajir iyo midnimo lagu gaari karo dhammaan ujeedooyinka iyo hadafyada horumarinta dhinac walba lagu gaarsiin karo dalalka Carabta iyo shucuubtooda. Sidoo kalena waxa uu ku booriyay guddoomiyeyaasha kale ee shirka ka qeyb galaya in la dhaqan geliyo qodobada shirka ka soo baxa.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf (Cali-Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ka hadlay shaqada baaxadda leh ee uu Guddiga ka qabtay Doorashada, gaar ahaan Diiwaangalinta Codbixiyayaasha iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa bogaadiyay howlaha waxtarka leh ee Guddigu u hayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan hirgelinta doorashada qof iyo codka ah, oo muwaadinka awoodsiineysa isla markaana dhiirigelineysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

Dhismaha waddo laami ah oo laga dhagax dhigay degmada Dayniile

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha wadada laamiga ee degmada Dayniile.

Wasiirka iyo Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha wadadaan uu qeyb ka yahay fulinta mashaariicyo horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaasha isku socodka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta ayaa dhinaca kale shacabka degmada ugu baaqay in ay isu soo baxaan oo ay qeyb lixaadleh ka qaataan diiwaangelinta dadweynaha.

Dhismaha waddo laami ah oo laga dhagax dhigay degmada Dayniile

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha wadada laamiga ee degmada Dayniile.

Wasiirka iyo Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha wadadaan uu qeyb ka yahay fulinta mashaariicyo horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaasha isku socodka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta ayaa dhinaca kale shacabka degmada ugu baaqay in ay isu soo baxaan oo ay qeyb lixaadleh ka qaataan diiwaangelinta dadweynaha.

Hay’adda Istaatistikada oo soo bandhigeyso warbixin ka hadleyso casriyeynta badeecadaha Soomaaliya

0

Shirka daahfurka casriyeynta badeecadaha Soomaaliya oo ay qabaneyso Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene iyo lataliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr Xasan Aadan Hoosow iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya madashan oo lagu soo bandhigayo warbixinta casriyeynta baahinta iyo tusaha badeecadaha Soomaaliya.

Warbixintaan ayaa looga hadli doonaa qeybaha kala duwan ee sicirka badeecadaha oo ay kamid tahay cuntada, Tamarta iyo gadiidka,waxana ka qeyb galaya daah furka munaasabadda wasiirro,xildhibaano,ganacsato iyo qeybaha bulshada rayidka.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Cabdisalaan C/raxmaan Maxamed oo la hadlayay warbaahinya qaranka ayaa yiri”Maanta waxaan soo bandhigeynaa daraasado ka hadlaya waxyaabaha keena in badeecadaha dalkeenna sicir barar ku yimaado.”

Warbixinta waxaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa waxyaabaha keena sara ukaca badeecadaha dalka iyo isbadalada ku yimaado sida looga hortagi karo,waxaana halkaa lagu soo bandhigi doonaa doodo la xariiro arintaa.

 

 

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo martigelinaysa kulan dadweyne oo muhiim ah

0

Wasaaradda Cadaaladda iyo ArArrimah Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa martigelinaysa kulan dadweyne muhiim ah oo cinwaankiisu yahay: 𝐇𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐮𝐮 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐨 𝐬𝐚𝐫𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.

Kulankan ayaa waxa uu iftiimin doonaa sida hannaanka cadaaladda dadban uu door muuqda uga ciyaari karo la fal-galka Hannaanka rasmiga ah ee Cadaaladda dalka iyo fursadaha iskaashi uu la yeelan karo nidaamka rasmiga ah ee caddaaladda.

Waxaa kasoo qeyb geli doona: Mas’uuliyiin sare oo ka socda bahda Garsoorka , khubaro Sharci iyo aqoonyahanno Aqoon durugsan uleh Arrimaha caddaaladda iyo dhaqanka bulshada.

Wasaaradda Beeraha oo Kulan Dhiirigelin ah u Qabatay Dhalinyarada Barata Cilmiga Beeraha ee Jaamacadaha Dalka

0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS. ayaa muqdisho qabatay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah ardayda dhigata cilmiga beeraha ee jaamacadaha dalka.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dhiirigelinta xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda iyo dhalinyarada barta cilmiga beeraha, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta wax soosaarka gudaha iyo isbadelka nidaamyada casriga ah ee beeraha.

Madashaan oo ay ka hadleen qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha ardayda jaamacadaha, dhanka kale kulanka waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha Arrimaha bulshada Baarlamanka Soomaaliyeed Marwo: Nadra Salah.

Gabagabadii kulankaan ayaa ka mid ahaa kulamadii hor-udhaca ahaa ee looga arrinsanaaye Shirka wayn ee NAFIS2025 kaasoo dhacay 5,6 May 2025

 

 

Ra’iisulwasaaraha XFS oo xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda iyo Wasiirka Cusub

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Wasiirkii hore, Mudane Axmed Macallin Fiqi, munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ayaa waxa ka soo qayb galay Madax kala duwan oo ka socday haya’addaha Dowladda.