Home Blog Page 118

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Qatar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ku yimid.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada mas’uul waxa ay diiradda saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka wada hadlay sidii looga miro dhalin lahaa danaha ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa fursado hor leh oo iskaashi.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dadaallada nabadeynta dalka.

Dhankiisa, Safiir Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Qatar uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in Qatar ay sii wadi doonto ka qeybqaadashada dib-u-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Malaysia oo kala saxiixday heshiisyo la xariira dhijitaalka iyo Amni Internet

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) oo gaar ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

Heshiisyadan ayaa xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka.

Heshiiska ugu horreeya oo lala saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia ayaa diiradda saaraya iskaashi ku wajahan arrimo la xiriira: Xeernidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababaro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha; Heshiiskan ayaa waxa uu saldhig u noqonayaa iskaashi ballaaran oo ku aaddan la wadaagga waayo-aragnimada maamulka isgaarsiinta iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Heshiiska labaad oo lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia (CyberSecurity Malaysia) ayaa lagu qeexay iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha guud ee dhinaca amniga internetka, gaar ahaan qodobo la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista weerarrada internetka, isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee tababarada ee Global ACE.

Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia, YBhg. Tan Sri Maxamed Salim bin Faatix Din, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhanka horumarinta xeernidaamiyeyaasha, isagoo ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay madal lagu dardargelin karo isweydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga farsamo.

Dhanka kale, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in heshiiskan uu ku soo beegmay xilli muhiim ah isla markaana uu door weyn ka ciyaari doono kobcinta xirfadaha howlwadeennada Hay’adda iyo dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ee dalka.

Sidoo kale, intii ay socotay munaasabadda saxiixa heshiiska la galay Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, Madaxa Fulinta ee hay’adda, Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudiin Bin Cabdul Wahab, ayaa ku tilmaamay iskaashigan fursad muhiim u ah in la xoojiyo adkeysiga wadajirka ah ee ka dhanka ah khataraha cusub ee internet ka. Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa uga mahadceliyay doorkooda aqooneed iyo diyaar garowgooda wadashaqeyn, isagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu udub dhexaad u yahay dhisidda awoodda amniga internetka ee Soomaaliya.

Heshiisyada waxaa u kala saxiixday Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo YBhg. Tan Sri Maxamed Saalim bin Faatix Diin, Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia. Halka Dato’ Ts. Dr. Xaaji Amiirudiin Bin Cabdul Wahaab, Madaxa Fulinta ee Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, uu saxiixay heshiiska dhinaca amniga internetka.

Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uga go’an tahay in la xoojiyo horumarka teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sarreeya ee caalamka.

 

 

 

 

 

 

 

Shacabka Degmada Dayniile oo si weyn ugu dareeray saakay Is-Diiwaangelinta Doorashada

Shacabka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa saaka si weyn ugu dareeray goobaha is-diiwaangelinta doorashada, taasoo muujineysa wacyi iyo ka go’naansho ay u leeyihiin ka qeybgalka hannaanka dimuqraadiga ah ee dalka. Dadweynaha is-diiwaangelinaya ayaa isugu jira dhallinyaro, haween iyo odayaal, kuwaas oo dhammaantood muujiyay rabitaan ay u qabaan inay codkooda dhiibtaan marka la gaaro waqtiga doorashada.

Is-diiwaangelinta doorashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka shacabka ee hannaanka doorashooyinka dalka. Mas’uuliyiinta degmada Dayniile ayaa ugu baaqay shacabka inay si buuxda uga qeyb qaataan is-diiwaangelinta, si ay u helaan fursad ay codkooda ku dhiibtaan doorashada soo socota.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in is-diiwaangelinta ay si habsami leh u socoto, iyadoo la filayo in tirada dadka is-diiwaangelinaya ay sii kordhayso maalmaha soo socda.

Is-diiwaangelinta doorashada ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in shacabka ay si toos ah uga qeyb qaataan go’aaminta mustaqbalka dalkooda.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 shaqada 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐜𝐮𝐮𝐝𝐢𝐠𝐚

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan oo safar shaqo ku jooga magaalada Riyadh ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo horumarinta Bulshada ee Boqortooyadda Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.

Kulanka labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga, horumarinta bulshada iyo shaqo abuurka, iyadoo labada dhinac ay isla gaareen in la dedejiyo is-afgaradkii dhowaan dhexmaray labada dal ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga kaas oo ku saabsanaa shaqo-siinta debadda oo hadda meel fiican maraysa.

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay abuurto jawi shaqo oo waxsoo saar leh iyadoo u kuur gashay in ay dowladaha caalamka ay la gasho heshiishyo labo geesood ah (Bilateral labour agreements).

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo booqasho ugu tagay Madaxweynaha Galmudug

0

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Dawlad Goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Booqashada ayaa ahayd salaan iyo is xogwaraysi, wuxuuna Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ugu mahadceliyay Madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena ku amaanay doorka Galmudug ay ka qaadanayso dowlad-dhiska Soomaaliya.

Kulankaan waxaa labada masuul ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria uga soo qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha-u-naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, oo ka mid ahaa Ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan dhaqanka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Cabdullaahi oo intii uu noolaa ku suntanaa nabad jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib ugu soo kaban lahayd burburkii gaaray qaranka.

“Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, waxa uu ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo arrimaha dhaqanka, waxaana lagu xasuusan doonaa dadaalkiisii raadinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka bulshada soo kala dhexgala”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, ehelka, bulshadii uu ugaaska u ahaa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Taliye kuxigeenka Boliiska oo ka qeyb galay Shirka Booliiska dalalka urur-goboleedka EAPCCO

0

Wafdiga uu hoggaaminayay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), una wehliyo Taliyaha Hoggaanka Interpol, Sareeye Guuto Maxamed Cabdulle Dhore, ayaa ka qeyb galay Shirka Booliiska dalalka ku midoobay urur-goboleedka EAPCCO, oo maanta ku soo dhammaaday magaalada Addis Ababa.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta amniga dalalka EAPCCO iyo la dagaallanka argagixisada. Sidoo kale, waxaa looga hadlay in sannadkan la sii xoojiyo la dagaallanka gaangiyada ku lug leh lacag dhaqista sharci darrada ah.

Markii uu shirku soo dhammaaday, Taliye Ku-xigeenku wuxuu kulammo gaar-gaar ah la qaatay taliyeyaasha booliiska dalalka ku bahoobay EAPCCO. Waxay isku afgarteen in ay iskaashi ka yeeshaan la dagaallanka argagixisada.

 

Wasiirka Shaqada oo ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Caalamiga ah ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada, oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Shirkan ayaa diiradda saaraya horumarinta deegaanka shaqo ee badbaado leh, kana madax bannaan shilal iyo cudurro shaqo.

Wasiir Yuusuf wuxuu xusay dadaalka ay Wasaaraddu ku bixineyso xoojinta arrimaha badqabka shaqada, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la aasaaso Machadka Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada si kor loogu qaado wacyigelinta iyo ilaalinta shaqaalaha Soomaaliyeed

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

0

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/G Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka ayaa daarnaa isxogwaraysi iyo sidii Taliska Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo isaga kaashan lahaayeen arrimaha hortebinta u leh qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.