Ciidanka Xoogga oo howlgallo miino baaris ah ka wada degmada Awdheegle

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa maanta hawlgallo miino baaris ah ka wada magaalada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii Kooxdii Khawaarijta ay miinooyin ku aaseen Waddooyinka, hareeraha magaalada iyo guryaha shacabka.

Hawlgalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa in la baabi’iyo dhammaan waxyaabaha qarxa ee khatar ku ah nolosha shacabka iyo Ciidamada, si bulshada deegaanka ay ugu laabtaan guryahooda si nabad ah.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo AUSSOM ayaa sidoo kale sameynaya baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo in magaalada laga sifeeyo haraadiga Khawaarijta ah, taas oo qeyb ka ah howlgal ballaaran oo lagu sugayo amniga degmada Awdheegle iyo deegaannada hoos yimaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...