Home Blog Page 1179

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madax ka kala tirsan UNDP iyo UNSOM

0

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP iyo Xafiiska Siyaasada  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin u diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee uu dalka geli doono iyo hirgelinta shuruucda doorashooyinkaasi muhiimka u ah.

Waxyaabaha aadka looga hadlay waxaa ka mid ah maalgelinta geedi socodka doorashooyinka dalka ,qorshayaasha diiwaan gelinta cod bixiyaasha.

Kulanka ayaa sidoo kale inta uu socday waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah sidii Qaramada Midoobay ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo uga geysan laheyd doorashooyinka iyo shuruucda muhiimka u ah .

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdikariim Xaaji Buux ayaa sidoo kale sheegay in kullanka la iskula soo hadal qaaday arrinta dhammeystirka dastuurka dalka oo muhiim u ah doorashooyinka dalka ka dhici doona.

Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka Oo Furmay

0

 Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay kulan sannadeedka golaha wasiirada ee dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka oo looga tashanayo geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019.

Shirka oo loo qorsheeyay in uu socdo maanta iyo berri ayaa maanta dib loogu eegayay qorshooyinkii wasaaradaha ee sannadka dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka 2019.

Dhammaan wasiirradii kulanka ka hadlay ayaa soo gudbiyay waxqabadkoodii sannadka dhammaadka ah iyo qorshayaasha u degsan sanadka 2019.

Wasiirrada aan fursadda u helin in ay maanta soo gudbiyaan waxqabadkooda sanadkaan iyo qorshayaasna sannadka dambe ayaa qorshuhu yahay in ay soo bandhigaan berri kahor inta aan lasoo gebagebayn shirka.

Tababar loo soo xiray ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyadda

0

 Muqdisho (SNTV) Ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar u socday muddo saddex bilood ah loogu soo xiray madaxtooyadda Soomaaliya.

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayay ciidanka waxaa kasoo qayb galay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, saraakiil ka socda ciidanka xoogga dalka, wasiiru dowlaha madaxtooyadda Cabdulqaadir Shekh Cali Baqdaadi, Agaasimaha hab-maamuuska xafiiska madaxweynaha mudane Siciid Kampala iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha ciidanka ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda G/dhexe Xassan Aadan Dhicisow ayaa sheegay ciidankan oo tiradoodu tahay 129 askari la baray qaybaha kala duwan ee daruusta ciidanka, kuwaaasi oo 30 ka mid ahna si gaar ah loogu tababaray iney bixiyaan salaan sharafta.

Wasiiru dowlaha madaxtooyadda Cabdulqaadir Shekh Cali Baqdaadi ayaa sheegay inay muhiim tahay in kor loo qaado aqoonta ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwooda ilaaliya madaxtooyadda, wuxuuna sheegay maadama ay qaateen daruusta kala duwan ee ciidanka ay muhiim tahay cilmiga kale in la baro, si ay u noqdaan ciidan ku dayasho mudan, wuxuuna sheegay inay yihiin ilaaliyaasha astaanta dalka iyo dadkaba.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kasoo qayb galka xiritaanka tababarkan oo muhiimad gaar ah u leh ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay tababaro noocaan oo kale ah iney u socdaan ciidamada kale ayna mar walba diiradda u saaran tahay sidii tayada ciidanka kor loogu qaadi lahaa.

Ugu danbeyntii waxaa goobtalooga dhawaaqay in dufcadan oo ah qaybtii shanaad halkaa ku xiran tahay isla markasna la bilaabi doono dufcadii lixaad.

Tababarka ciidanka ururka 60-aad oo noqday mid joogto ah ayaa laga dareemayaa shaqooyinkooda, waxayna balan qaadeen inay ku camal fali doonaan daruusta lagu tababaray.

Fanaanka weyn ee Salaad Maxamed Shardi (Salaad Darbi) oo xiran dharka tuutaha ciidanka xoogga dalka ayaa munaasabadda ka qaaday hees uu ku dhiirigalinayay ciidanka taasoo hal ku dhigeedu ahaa ”Dhigi maayo tuutaha”.

Dawladda Jarmalka oo Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta

0

Muqdisho (SNTV)- Dawladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta, taas oo hoos u dhigaysa saamiga dadka shaqo la’aanta ah.

war lagu qoray bogga safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Jarmalka oo ka qaybqaadanaysa dib u kabashada Soomaaliya ay 5-milyan oo Doller ku bixinayso mashaariic loogu talagalay in lagu hormariyo farsamada gacanta oo dhalinyaro badan ay ka faa’iidaysan doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in la hormarinayo islamarkaana la furayo dugsiyo loogu talo galay Farsamada gacanta, taas oo shaqo abuur u noqon doonta dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaarkood naftooda halis u galiya Tahriibka.

9-kii October ee sanadkan Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa gaaray laba heshiis oo dhinaca tababarada faramada gacanta looga caawinayo Soomaaliya iyo heshiis kale oo ku saabsan iskaashiga maaliyadda iyo dawlad wanaagga.

Guddoomiye Tuulax oo sheegay in aan loo dulqaadaneyn caburinta dhalinyarada

0

Muqdisho (SNTV):- Mas”uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arin dhalinyarada si wayn u hadal hayeen oo ka dhacday Saldhiga Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay maamulka Gobolka Banaadir inuu baaris ku sameeyay arrin ka dhacday Saldhiga Degmada Xamar jajab oo aheyd in ciidanka timaha ay ka jareen dhalinyaro dhawr ah, balse arrintaasi ay ku dhacday amar shaqsi ah oo aysan aheyn arrin uu ka war haayo Maamulka Gobolka Banaadir, balse si deg deg ah loogu sheegay dadkii fuliyay inay arrintaasi joojiyaan.

“Walaalayaal waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay baraha bulshada la isla dhaxmarayay dhalinyaro timaha laga xiirayay oo ay fulinayeen ciidamo ka tirsan amniga waxaan ku sameeenay baaritaan si aan u ogaano inay sax tahay iyo in kale, walaalayaal sawirada la isticmaalayay ee ciidanka timaha ka xiiraya dhalinyarada ma ahan sawiro hada la qaaday balse dhacdada tima jarista waxay dhowr maalmood ka dhacday Saldhiga Xamar jajab, waxaana waydiinay Hay’adaha amniga cidda amartay in dhalinyarada timaha laga xiiro waxaana noo soo baxday inuu amarkaas ahaa amar shaqsi ah oo taliyaha saldhiga u gaar ahaa, waxaana amar ku bixinay inaan la aqbali karin waqtigaan hada aan ku jirno in dhalinyarada lagu caburiyo rabitaankooda shaqsiga ah, waxaana amar lagu bixiyay inaysan mar danbe soo noqon arintaan oo kale dhamaan taliyayaasha saldhigyadana waa lagaarsiiyay amarkaaas.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Guddoomiye Tuulax ayaa sidoo kale iftiimiyay amar dhawaan ka soo baxay Duqa Muqdisho oo lagu mamnuucay in 12:00 habeenimo wixii ka dambeeya aysan furnaan karin maqaayadaha ku yaallo xeebta Liido.

“Sidoo kale duqa magaalada wuxuu amray in maqaayadaha ku yaalla xeebta liido aysan furnaan karin 12 ka saqda dhexe wixii ka danbeeya balse amarkaas ma quseenin maqaayadaha kale ee magaalada ku yaalla ee sida caadiga ah loogu ganacsado waxaana dhacday in saraakiisha amnigu ay u fahmeen guud ahaan maqaaydaha magaalada ku yaalla in la xiro 12 ka saqda dhexe. Waxaana la faray hay’adaha amniga in amarkaas uu ahaa kaliya maqaayadaha xeebta liido ku yaalla”ayuu yiri Mr. Tuulax.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee magaalada Minya dalka Masar

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacday magaalada Minya ee dalka Masar, kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida Jamhuuriyadda Soomaaliya shacab iyo dowladba ay u garab taagan yihiin walaalahooda dalka Masar, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada kasoo horjeedda horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in weerarkan argagixisanimo uu muujinayo hagardaamada joogtada ah ee argagixisadu ay ku hayaan shucuubta, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee dalka Masar Mudane Almushiir Cabdifataax Alsiisi iyo ehelada dadkii ku nafwaayey weerarkaasi, waxa uuna u rajeeyay dadkii dhaawacyadu soo gaareen in ay si deg deg ah caafimaad dhammeystiran u helaan.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo xilligan uu ka socdo dib u dhis.

Kormeerka Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ku wehelinayay ,taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya S/Guud  Mudane, Bashiir Maxamed Jaamac, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane, Xassan Maxamed Cali.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in injineerada dhisaya xarunta Wasaaradda Waxbarashada ay ka mid yihiin injineero ka tirsan ciidamada Asluubta Soomaaliya.

“Injineerada dhisaya xarunta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah injineero ka tirsan ciidamada Asluubta taasina waa guul ay gareen ciidamada Asluubta”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in arintan ay guul u tahay shacabka Soomaaliyeed islamarkana dhaqaalaha ku baxaya dib ugu soo noqonayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Arinta waa mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed maxaa yeelay dhaqaalaha ku baxaya wuxuu dib ugu soo noqonaya dowladda iyo shacabka,waxaan rajeyneynaa in dhawaan la soo gaba gabeyn doono dhismaha”ayuu intaasi raaciyay wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Dhanka kale,Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” ayaa sheegay in macno gooni ah ay uleedahay in dhismaha Wasaaradda Waxbarashada ay kaalin xooggan ay ku yeeshaan taliska Ciidanka Asluubta,taasi oo qeyb ka ah siyaasadda Dowladda.

Hoggaanka dhismaha Ciidanka Asluubta ayaa gacanta ku haya dhowr mashaariic oo lagu dhisayo xarumaha Dowladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo u ambabaxay Dalka Mareykanka

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka qeyb gali doono shir caalami ah oo looga hadlayo Sharciga, Cadaaladda iyo Horumarka.

“Waxa aan maanta safar shaqo ugu baxayaa dalka maraykanka halkaas oo aan kaga qaybgali doono shir looga hadlayo sharciga, caddaaladda iyo horumarka. Waxa kale oo aan halkaas kulamo kula yeelan doonaa madax ka tirsan Dawlada Markaykanka”ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale sheegay in shirkaasi kadib uu tagi doono dalka Hindiya islamarkaana uu kaga qeyb gali doono shir caalami ah.

“Waxa kale oo aan  halkaas uga sii gudbi doonaa dalka Hindiya oo aan kaga qaybgali doono shirka caalamiga ah ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka”ayuu yiri.

Xubno katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka oo bogaadiyey dhalinyaro Garbahaareey ka hirgeliyey Maktabad

Muqdisho (SNTV) Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dhalinyarada hirgalisay Maktabadda degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, kadib munaasabad ay xalay ku qabteen magaalada Muqdisho.

Senetor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (fartaag) oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto Jubbaland ayaa tilmaamay in Maktabadaasi ay sare u qaaday heerka aqooneed ee degmada, waxaana munaasabadda shahaado sharf lagu gudoonsiiyey dhalinyarada Maktabadda hirgalisay oo qaarkood ay qurba joog yihiin.

Waxa uu sheegay Senetor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (fartaag) in dhalinyaradu ay door wanaagsan ka qaadan karaan horumarka dalka, islamarkaana talaabadaan ay tahay mid sare u qaadeysa waxbarashada gobolka Gedo.

Maktabadda Garbaharey oo la furay bishii Augost ee sanadkan waxa ay noqotay goob cilmi oo sare u qaaday heerka aqooneed ee Bulshada.

Howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay meel u dhow Degmada Jamaame

0

Kismaayo (SNTV) Ciidamada xoogga dalka ayaa hawlgallo ka wado deegaano hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee xoogga dalka hawlgal gaar ah oo ka dhacay meel u dhaw deegaanka Araare ayaa lagu dilay 12-ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, waxaana laga furtay saanad ciidan.

Howlgalkaan oo ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka ayaa loogu talo galay in Argagixisada looga saaro deegaanada fara kutiriska ah oo ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyaan daraawiishta Jubbaland ayaa ku wajahan degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay maleeshiyada Al-shabaab sanado maamulayeen, si shacabka looga dulqaado cadaadiska ay ku hayaan.