Home Blog Page 1179

Soomaaliya iyo Ereteriya oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka

Asmara, Luuliyo 28, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya ayaa wada hadallo la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki kuwaas oo ku qotoma dib u soo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweyne Isaias Afwerki, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalka Ereteriya, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, shacabka dalka Ereteriya ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aqbaaladda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan taariikhiga ah, isagoona tilmaamay in ay bilow wanaagsan u tahay waji cusub oo uu yeelan doono xiriirka labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Labada Madaxweyne iyo diblumaasiyiinta labada dal oo kulan is-xogwareysi ah ku qaatay Madaxtooyada dalkaas ayaa si qotadheer uga wadahadlay xaaladda gobolka, mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa isku afgartay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo lagu heshiiyay in la isweydaarsado danjirayaasha, lagana furo Muqdisho iyo Asmara labo safaaradood.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku suganyihiin dalka Ereteriya waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas, waxaana qorshuhu yahay in ay booqasho iyo kormeer ku maraan goobo iyo xarumo ku yaalla caasimadda dalkaas.

DHAMMAAD

Dhul gariir waxyeelo ba’an geystay oo Indonesia ka dhacay

0

Ugu yeraam 10 ruux ayaa ku dhimatay dhul gariir xoogan oo ku dhuftay jaziirad caan ku ah dalxiika oo ku taala wadanka Indonesia.

Dhul gariirkan oo cabirkiisu yahay 6.4 magnitude oo ah hal beega dhul gariirada ayaa ka dhacay jaziirada Lombok oo dhacda bartamaha wadankaas subaxnimadii hore maanta oo Axad ah.

Jaziirada uu ka dhacay dhul ruxanka ayaa ah meel si weyn u soo jiidata dalxiisiyaasha caalamka, waxayna  qiyaastii 40km dhanka bari ka xigtaa jaziirada kale ee caanka ah ee Bali.

Dhismiyaal badan ayaa burburey, iyadoo daraasiin dad ah dhaawacyo soo gaartay, sida saraakiisha deegaanka laga soo xigtay.

Hey’adda Mareykan ah ee ka faaloota arrimaha dhul gariirada ayaa sheegtay in xudunta dhul gariirkan ay tahay meel 50km u jirta magaalada Mataram oo ku taala waqooyi beri ee Jaziirada Lombok.

Sidoo kale, waxaa la soo wariyay in dhul gariir ka yar uu ka dhacay qeybo kale ee  wadanka Indonesia.

Ku dhowaad 40 ruux ayaa dhaawacantay halka daraasiin guriyo ah ay burbureen, sida uu sheegay  Sutopo Purwo Nugroho, oo ah afhayeenka hey’adda maareynta musiibooyinka wadankaas.

“Waan qiyaasaynaa tirada waxyeelada, waxaana laga yaabaa in ay sii kororto waayo tirada si sax ah looma aruurin,”  ayuu yiri.

“Shaqada ugu weyn waa in la soo daad gureeyo dadka si loo badbaadiyo. Qaar kamid ah dadkii dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa xarumaha caafimaadka.”

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka guriyaha iyo qashin badan oo daadsan waddooyinka.

Dalka Indonesia waa meel u nugul dhul gariirada maadaama ay tahay dhul fidsan isla markaana ay ku wareegsan tahay Badda Pacific, taasi ayaana keenta in si joogto ah ay ugu dhacaan dhul gariirada, qaraxa Fulkaanooyinka.

Duqa Muqdisho “Waxaan beegsanaynaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn fursadaha waxbarashada Gobolka Banaadir”

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa daah-furay barnaamijka bandhigga Jaamacadaha oo ah madal sanadkii labaad la qabanayo taas oo dib u eegis loogu sameynayo heerka waxbarasho dalka, kaalinta jaamcaduhu ay ka soo-qaateen samata bixinta waxbarashada xilligii bur burka iyo caqabadaha haatan jira ee muhiimka ay tahay in wada jir aan wax uga qabano.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey muwaadiniintii Soomaaliyeed ee sida is-xilqaanka ugu istaagay howlahay waxbarashada, xilli duruufo adag ay ka jireen dalka, isagoona tilmaamay in shakhsiyaadka, xarumaha waxbarashada iyo dalladaha ay ku mideysanyihiin ay shacabka Soomaaliyeed u buuxiyeen kaalin taariikhiga ah.

“Madashan waxa ay inoo tahay fursad aan isku waydaarsanno horumarka aan ka gaarnay waxbarashada iyo caqabadaha aan xalka u raadinayno, waana mid ka mid ah waddooyinka guusha lagu gaaro, sababtoo ah guushu waxa ay ku jirtaa in wixii qabsoomayna la bogaadiyo, wixii kalena la isla meel dhigo qorshihii lagu horumarin lahaa.”

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada in ay kaalintooda ka qaataan bandhiggan, isla markaasna ay la wadaageen bahda waxbarashada heer jaamacadeed fikaradaha iyo tallooyinka ku qotoma tayeyna waxbrashada sidii ay u noqon lahayd mid wanaagsan.

“Annaga oo kaashanayna Hay’adaha Waxbrashada heer Federaal, waxaan beegsanaynaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn fursadaha waxbarashada Gobolka Banaadir iyo in aan fursado shaqo u abuurno ardayda ka qalin jabisa jaamacadahaas oo tayo waxbarasho iyo xirfad shaqo-ba ay ka muuqato in badan oo kamid ah ardaydii laga shaqaaleysiiyey gobolka.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa kormeeray goobo bandhigeed gaar gaar ah oo jaamacaduhu ay ku soo bandhigayeen sooyaalkooda waxbarasho,kulliyadaha iyo fursadaha ay ugu tala galeen ardayda ku biiraysa sanad dugsiyeedka 2018-2019, isagoona halkaas warbixinno kaga dhagaystay maamulka iyo matalayaasha Jaamacadaha.

Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa maqaamka Caasimadaha Federaalka ah ee dunida oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SNTV) Aqoon isweydaarsigaan khubarada wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya waxa ay ku soo bandhigeen nidaamyada ay ku dhisan yihiin caasimadaha wadamada qaatay nidaamka Federaalka ah ee dunida.

Agaasimaha waaxda Fedraalka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Xaaji oo sharxay nidaamyada kala duwan ee lagu maamulo caasimadaha Federaalka waxa uu sheegay iney jiraan 3 maqaam oo kala ah, degmo caasimad Federal ah sida magaalada Washintong  ee caasimada Mareekanka,  magaalo caasimad u ah dowlad goboleed iyo dowladda Federaalka sida caasimada dalka Jarmalka ee Barlin iyo magaalo ku dhex taala dowlad goboleed oo ah Ottoawa Kanada sida uu sharxay.

Ka qeyb galayaasha ayaa aragtidooda ka dhiibtay hababka caasimadaha waddamada Federaalka ah ee dunida iyo sida mid ka mid ah looga tusaale qaadan karo maqaamka Caasimada Federaalka ah Soomaaliya ee Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Maxamuud oo soo xiray Aqoon isweydaarsiga waxa uu sheegay in muhiimada ay aheyd in wax laga barto nidaamka ay ku dhisan yihiin caasimadaha wadamada Federaalka ah ee dunida.

“Ujeedka waxa uu ahaa haba lakala duwanaado nidaamyada caasimadaha Federaalka ah ee dunida in wax laga fahmo waa nuucee?  ma caasimad dagmo ku taalaa, ma caasimaad gobol mise mid maamul goboleed kutaalaa? intuba waa doorasooyin  guud oo imaan doonaa marka waxa ay aheed inaan keeno fakar guud oo lagu dul shaqeeyo” ayuu yiri agaasimaha.

waxa uu intaa ku daray in ay sii wadayaan wadatashiyada iyo aqoon isweydaarsiyada ceynkani ah si loogu diyaar garoobo sameynta maqaamka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ka mid ah howlaha ugu muhiimsan ee horyaala Barlamaanka Fedraalka Soomaaliya.

“ Waa wadaynaa latashiga Wasaaradu waxay xilkeedu yahay in aan ogaano taladda dadka sida dadku ay u fakarayaan anagu waa in aan keeno taladda dadka, aqoon guud waa in aan miiska usoo saarno Xukuumaddu si ay markaasi xog ogaalnimo ku go’aan qaadato” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha ee Soomaaliya.

 

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhoweeyay Asmara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Asmara ku so dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.

Waddooyinka Asmara ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa darteed. Madaxweyne Farmaajo ayaa 3 beri oo maanta ka bilaabaneysa joogi doona Asmara.

Boqollaal dad ah  luxaya calammada labada dal iyo sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa tubnaa hareeraha waddooyinka Asmara.

Labada madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Eritrea tan iyo markii uu dalkaasi madax bannaanidiisa ka qaatay Ethiopia sanadkii 1994-kii.

Horjoogayaal Daacish ah oo la maxkamadeeyay

Muqdisho (SNTV)– Mahad Max’ud Cabdi oo magacyadiisa afgarashada yihiin  ( Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana loo yaqaanno  (Dr,raage)  ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish.

Mahad Max’ud Cabdi  ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah  kuwaasi oo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin.

Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish   uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish   ayuu  go’aansaday in uuu aas-aaso  koox kale, wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeyo kooxda daacish taasi uu  ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan  horjooge Cabduqaadir muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-

Hugaan xumida hugaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale.

Max’d Daa’uud Daahir Warsame  oo magiciisa afgarashada yahay  (Dr,raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda sidoo kale  ahaa caawiye  xagga caafimaadka ah  ayaa  cadeymaha maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu isticmaali jiray lacagaha.

Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha  ayaa  maxkamadda ka hor sheegay  in aysan wakiiladooda   diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka  laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.

Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida  G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

Horjoogeyaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro lamarin habaabiyey ayaa doonayey in ay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed   lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona  lahayn.

Tababar ku saabsan adeegsiga Korontada oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho-(SNTV)-Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya ayaa Maanta tababar Afar Cisho socon doona ugu furtay Magaalada Muqdisho, xubno ka kala socda Dowladda dhexe, maamul Goboleedyada iyo matalayaal ka socda shirkadaha Korontada ee gaarka loo leeyahay.

Tababarkan ayaa lagu baran doonaa Laba qeybood oo muhiim u ah adeegga koronto ee Dalka, saameynta laga dhaxlay shirkadaha ku shaqeeya Matoorrada iyo sida looga faa’iideysan karo Cadceedda ama adeegyada Soollarka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiwaahid Ibraahim Axmed ayaa u sheegay ka qeyb galayaasha in sida loogu talo galay ay uga faa’iideystaan tababarkan oo ay bixinayaan khuburo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo daah furay tababarka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku howlan tahay sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal dhameystiran, isagoo la dar-daarmay dhinacyada ka qeyb galaya tababarka.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal la diyaariyay oo si aqooni ku dheehan tahay uga shaqeeya adeegyada koronto ee Dalka.

Madaxweynaha Farmaajo oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Eriteriya

Muqdisho, Luuliyo 28, 2018:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

“Labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay wadaagaan xiriir iyo sooyaal fac weyn. Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta ayaa waxay albaabada u fureysaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dal.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Ra’isul Wasaare Khayre oo Garoowe ka socota

Garowe(SNTV) Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tagay Magalada Garoowe ee Xarunta dowlada goboleedka Puntland.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga raiiusl Wasaare Khayre ayaa ka socota magaaladaasi,iyadoo madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada ay isku diyaarinayaan sidii ay soo dhaweyn diiran ay ugu sameyn lahaayeen wafdigaasi,sida uu soo sheegayo Wariyaha warbaahinta Qaranka MAxamed Muuse Tarsan oo jooga Garoowe.

Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo Puntland waxaa uu booqan doonaa Magaalooyin ka mid ah puntland,isaga oo ka hirgelin doono mashaariic horumarineyd.

Sidoo kale waxaa uu ka qeybgalidoonaa sanadguuradii 20-aad ee aas aaskii Puntland,taasi oo ku began 1-da bisha soo socta ee August 2018,isagoona intaasi kadib la kulmi doona madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada.

Qeybo kamid ah magaalada Garoowe,boorarka waxaa ku xardhan sawirada raiiusl wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu qoray hal ku dhigyo ay kamid yihiin soo dhawow mudane raiiusl wasaare,iyadoo shacabka Puntland ay dareen xoogan oo dhanka soo dhaweynta ah ay muujinayaan.