Maxkamadda Ciidamada oo xukunno riday

Date:

Muqdisho (SNTV)- Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  ayaa loo heystaa in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay kawada tirsanaayeen  Ciidamada Amniga  dilkaasi oo ka dhacay dugsiga taba-barka  Jen. Shirbow 30-ka bishii sideedaad ee sanadkan.

Hey’adda dambi baarista Boliiska CID ayaa codsatay in la siiyo waqti ku filan oo ay ku soo  dhameystiraan eedda loo heysto Oday Daalay, waxa  ayna Shan Cisha  Kadib  ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiistay garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo  xabsiga dhexe  gar-suge ahaan Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  6-da bishii sagaalaad si’ay u soo dhameystireen baarista eedda ka dhanka ah eedeysanaha ee xafiiska soo gaartay.

18-ka bishii tagtay ayay markale weydiisteen Garsoorayaasha in la muddeeyo waqtia dacwad qaadisata eedeysane Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay) oo ay sheeeen in ay ku filantahay caddeymaha ay u hayeen kiiskiisa, waxa ayna Maxkamadda aqbashay laba maalin uun  kadib.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa fadhiga Maxkamadda hor keenay Afar markaati oo dhammaantood isku raacay in Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble  Oday Daalay uu si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed kadib markii uu isku dayay in uu carqaladeeyo shaqo amni uu haayay Marxuumka isla markaasna uu isku dayay in uu baxsado balse ay ciidamada oo ka tir badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku  geystay looga qaaday.

Abuukatayaasha u dooday eedeysane Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)   ayaa iyagana ku dooday in loo fududeeyo ciqaabta  lagana qaado magta Marxuumka.

Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale ayaa isagana loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay kawda tirsanaayeen Ciidamada Xooga Dalka, dilkaasi oo ka dhacay xirada Laanta-buure 27-ka bishii todobaad ee sanadkan.

30-bishii todobaad ayay ku soo wareegtay eediisa  xafiiska xeer ilaalinta, waxaana xilligaas ay maxkamadda u ugudbisay xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

10-ka bishii tatay  ayay  xeer ilaalinta codsatay in la muddeyo dacwad qaadista eedeysane Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale 15-ka bishaas ayay aqbashay Maxkamadda, waxaana shan cisha kadib loo fariistay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha.

Laba markaati,  Warqadda dhimashada,  sawrika marxuumka iyo qorigiis uu dilka ku geystay ayay ku soo bandhigeen xeer ilaalinta, waxa ayna markaatiyaasha  oo ay kawada tirsanaayeen ciidanka xoogga dalka ee isku goobta ay yihiin cadeyn in  si jees-jees ah uu u dilay Marxuumka halka dhanka qareenada ay ku doodeen in laga qaado diyo maadaama ay wada kaftamayeen  marxuumka sidaasna ay sababtay dhimashadiisa.

Garsoorayaasha ayaa si wada jir ah ugu xukumay dil Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)    &  Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale  kadib markii ay ku qanceen cadeymaha labada kiis ee Maxkamaddal la hor keenay sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsanayaasha ayaa heysta Fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale