Howlgal Lagu Dilay 7 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ay khasaaro badan ku gaarsiiyeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyay Gobalka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraarim Barre oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ilaa iyo 7-ka mid ah Argagixisada Al Shabaab lagu laayay howlgalkaankaas ka dhacay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

โ€œSidaad ogtihiin shalay waxaa ka dhacay deegaanka Jilib Marka Howlgal qorsheysan kaas oo ciidanku qaadeen Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab halkaas waxaa lagu dilay 7 kamid ah Maleeshiyada kuwo kalena dhawaac ayaa loogu geystayโ€ sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Saaxiibadooda Caalamka ayaa Howlgallo Lagu baacsanayo Alshabaab oo ah Cadaw utaagan Dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed kawada Gobolada Dalka,iyagoo khaarajiya Horjoogayaal iyo Maleeshiyaadย  ka tirsanaa kooxdan Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...