Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Date:

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ay maanta horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliga ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS uga mahadcelisay sida sharafta leh ee ay maanta u ansixiyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

” Ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waa guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waana taariikh mug leh oo ay Soomaaliya qortay maanta” ayey tiri wasiirka qoyska.

Dhaarinta iyo ansxinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo guushii dhowaan ay Soomaaliya ka soo gaartay shirkii Xuquuqul Insaanka QM ee magaalada Geneva waxa ay qeyb ka yihiin guullaha isdaba joogga ah ee ay Xukuumadda Dan Qaran ka gaartay fagaarayaasha caalamka iyo dhismaha hay’adaha Dowliga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...