Qiimaynta cunnada la cuno oo dood laga yeeshay-(Sawirro)

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Barnamijka dar-dar gelinta Cunada la cuno ee caafimadka iyo korimaha leh ee Soomaaliya( Scaling up Nutrition, SUN) ayaa todobaadkan ku qabtay doodo la xiriira ‘Qiimaynta Cunnada la cuno ee la heli karo’ magaalada Muqdisho.

Barnamijikan wadatashiga iyo doodaha ku saabsan qiimaynta cunnada la cuno ayaa looga gol leeyahay sidii dalka uu uga caawin lahaa in loo sameeyo siyaasado iyo mashaariic ka dhan nafaqo darida.

U qaybsanaha Barnamijikan ee Soomaliya, Dr. Maxamed Cabdi Farax ayaa sheegay in doodahan looga tashanayo mawduucan ay ku qabteen Axadii 9-ka, iyo Isniinta, 10-bishan December 2018, wuxuuna sheegay in lagu ogaanayo cunada siyaabaha badan loo quutu meelaha lagu nool yahay ee laga isticmaalo iyo sida ay u yihiin kuwa nafaqo leh caafimaad ahaa, loona awaadi karo marka ay noqoto iibkooda.

” Si loo fuliyo qiimayn rasmi ah oo cunada la cuno ah sanadka 2019-ka, Waxa aanu hadda sameynaynaa qiimayn horu dhac ah oo wakhti gaaban socota, Waxaana maalinta koowaad uu ka dhacay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, waxaana ka qayb galey dadka ay khuseysa oo ay ku jiraan agaasimeyaasha guud ee Wasaaaradaha dawladda”, Dr. Maxamed ayaa yiri.

Dooda oo ku qotantay xogaha la heli karo, isku haleyntooda, ilaha muhimka ee laga helo iyo sida dawladdu u qaadaneyso xogta ‘gacanta labaad ah(Secondary data), ayaa waxana ay si wadajir ah u diideen isticmaalka xogta ama macluumaadka gacanta labaad ah.

” Xogaha ay uruuriyaan hay’adaha aan dawliga ahayn waxaa ku jira jan-jeer(eex) maadaama hadafkoodu yahay in ay maal-gelin uga helaan deeq-bixiye-yaasha. Xogta noocan ah looma qaadan karo tusaale”, Sidaa waxaa tiri Madaxa Cunada Wasaarada Caafimadka Dawladda Soomaaliya, Marwa Kheyriya.

Iyadoo maalinta labaadna, hooyooyin iyo ganacsato laga soo xulay qaybaha kala duwan ee degmooyinka gobalka Benaadir ay ka qayb-galeen, waxaana sidoo kale doodahan oo kale lagu qabtay magaalooyinka Baydhaba iyo Beledweyne ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Barnamijkan ayaa ah diyaar garow qiimayn lagu go’aaminayo halka uu dalka ka jooga in si buuxda loo fuliyo qiimaynta cunnada la isticmaalo iyo waxyaabaha loo baahan yahay ee ay tahay in qayb ka noqdaan sida uu ku soo waramay Wariyaha SONNA, Maxamed Cismaan oo isaga ka qayb galay.

W/D Mohamed Osman Abdi (Black)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale