Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo Kormeeray Garoonka Diyaarada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV):Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta kormeeray shaqooyinka ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho.

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha XFS oo ay wehliyaan wasiirka duulista hawada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa xog-waraystay howlwadeennada garoonka.

Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku ammaanay wasaaradda duulista hawada sida ay horumarinta ugu samaysay adeegyada bulshada safarka ah u fududeynaya socdaalkooda, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan.

Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan oo shaqeeya habeen iyo maalin ayaa waxaa xilligaan ka muuqda horumar dhinac waliba ah, waxa uuna wasiir Oomaar ballan qaaday in ay joogtaynayaan horumarinta garoonka iyo guud ahaan arrimaha duulista guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...