10 argagixisada Alshabaab ka tirsan oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Bay

Date:

2-dii Bishan January, 10 ka tirsan maleeshiyada argagixisda Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyn ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka dhacday meel 150 km Koofur galbeed uga beegan Muqdisho, kana tirsan gobolka Bay.

Ujeeddada duqeyntan dhanka cirka ah ayaa ahayd in lagu wiiqo isku dayga maleeshiyadan argagixisada ahi ku dooneyso in ay ku dhibaateyso dadka deegaanka iyagoo ka qaadaya lacago baad ah, kuna haya cabsi gelin joogto ah.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda Mareykanku waxa ay adeegsan doonaan awood kasta oo suurto gal ah si shacabka rayidka ah ee soomaaliyeed looga difaaco argagixisada.

Waxaan mar walba hubineynaa in aan khasaare dhimasho ama dhaawac soo gaarin dadka rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...