Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Guddoomiyay Shirka Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galeen wasiirro, masโ€™uuliyiin ka socday maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, iyo Bangiga horumarinta Afrika.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga shirka bah-wadaagta Soomaaliyeed, arrimaha dayn cafinta iyo qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kamid ahaa wasiirrada kulanka ka qayb galay ayaa ka war bixiyay meesha ay marayaan qorsha ay hayโ€™adda lacagta aduunka ay kula soconayso hanaanka iyo siyaasadaha maaliyadeed ee dalka (SMP).

Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa halbeegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya arrintaas oo horseedaysa in uu si caadi kusoo laabto xariirka ka dhexeeya hayโ€™adaha lacagta ee heerย  caalami.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...