Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wadatashi ku saabsan Qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad la yeelatay Maamulka Jubbaland

Date:

Kismaayo (SNTV):- Wasaaradda Qosheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadatashi ku saabsan wareegga koowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad la yeelatay Hay”daha Sharci dajinta iyo Fulinta.

Hay”adaha dowladd gobaleedka Jubbaland ayaa Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya kala yeelatay Qorshaha horumarinta Qaranka Sagalaad,waxaana goob joog ka ahaa kulanka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubbaland, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa u sharaxay Madaxda laanta fulinta Jubbaland tiirarka uu ka kooban yahay Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalad iyo shaqada culus ee dalka u yaalo.

“waxaan uu ka kooban yahay ilaa shan tiir sida Amniga, Arrimaha Bulshada, Siyaasada loo dhan yaha,Dhaqaalaha iyo Deeganka iyo Kheyraadka dabiiciga ah.waxaan rabnaa in aan isla fiirino sidii aan wax soo saarka dalka loo kobcin lahaa, ka jubbaland ahaan wax ahmiyada idiin leh mashaariicda aad doonaysaan waa muhiim in  lagu daro Qorshaha horumairnta Qaranka waan idinka mahadceliyaa sida wanaagsan aad uga qeyb qaadanaysaan shaqada,” ayuu yari  Cabdulqaadir Maxamed Aadan”

Dhinaca kale, galinkii dambe ee maanta ayaa Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya waxay kulan ku aadan wadatashiga wareegga kowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaaalaad la yeelatay Golaga Wakiilada Baarlmaanka Jubbaland.

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Mudane Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa baarlmaanka u sheegay in maalmahan uu ka socday jubbaland wadatashiga isla markaana maanta Baarlamaanka Jubbaland looga fadhiyo in la dhageysto aragtiyadooda ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe  Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa Golaha Wakiilada Jubbaland u shaxay tiirarka kuu ka ooban yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ahmiyada dalka u leeyahay.

Gudoomiyah Baarlamaanka Dowladda Gobaleedka Soomaaliyeed Jubbaland Shiekh Cabdiraxmaan  ayaa tilmaayay in wadatashigan muhiimad u leeyahay ka baarlamaan ahaan.

“Qorshahan waa muhiim, dalna ma shaqeyn karo qorsha la,aan ma garan kartid baahiyahaada wax soo saarka halka uu gaarayo waa noo muhiim maamul ahaan, Sida xoghyaha sheegay waa muhiim in xildhibaanada ay ka turjumaan baahiyaha dadka ay matalaan, marka isnha allaah xildhibaanada mar labaaad aan kula dar daarmayaa gobalkan aad matashaa ee ka kooban sadaxda gobal idinka ayaa baahidiina la soo bandhigay, waa taqaaniin beero kaluuleysi iyo biyo. Marka inta dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa, hadii uu noo hagaago qorshaheena dalkeena ayaa noo hagaagayo ayuu yari Guddoomiyaha Baarlmaanka Jubbaland”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...

Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...