Faah-faahin ka soo baxaysa duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

Date:

Muqdisho (SNTV) War ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu faahfaahiyay duqeymo xagga cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhig maleeshiyaadka Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya kaas oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada argagixisnimo.

Weerarkan oo xagga cirka ah ayaa waxaa iska kaashaday Ciidamada Qaranka iyo Saaxiibadooda caalamiga ah,kaasi oo khasaare xoogan uu ka soo gaaray maleeshiyaadka Alshabaab.

Ilaa 26 ka tirsan kooxda ALshabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi oo ka dhacday meel 37 KM dhanka bari ka xigta magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida SONNA ay xogtan ku heshay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa sii kordhisay howlgalada cirka iyo dhulka ah oo ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab,iyadoo argagixisada alshabaab jab xoogan uu ka soo gaaray duqeymihii ugu dambeyeey ee ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....