Home Blog Page 1098

Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka oo maalintaa labaad ka socda Muqdisho

0

Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Geedi Socodka Qorshe Howleedka Mudnaanta leh ee Xukumadda Horyaalla ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa mudada uu socdo dib loogu eegayaa qorshooyinkii wasaaradaha ee sannadkan dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka 2019.
Shirkan oo shalay furmay ayaa Dhammaan wasiirradii kulanka ka hadlay waxay soo gudbiyeen waxqabadkoodii sannadka dhammaadka ah iyo qorshayaasha u degsan sanadka 2019.
Wasiirrada aan fursadda u helin in ay shalay soo gudbiyaan waxqabadkooda sanadkaan iyo qorshayaasha sannadka dambe ayaa qorshuhu yahay in ay soo bandhigaan maanta kahor inta aan lasoo gebagebayn shirka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo dhallinyarada ugu baaqay dib u dhiska dalka

0

 Muqdisho (SNTV):- Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qayb qaadanaya ololaha Barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo Tiyaatarka Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala ayaa horkacaya mas”uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ee maanta ka qaybqaadanaya Isxilqaanka.

C/raxmaan Yuusuf Sheikh Cadaala,agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay SONNA ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dalkeenna aan ku dhisano gacmaheena.

“ Waa ku faraxsanahay Allena waan uga mahad celineynaa inaan fursad u helno gacmaheen si iskeen ah ugu dhisno dalkeenna,guud ahaana dalka wuu dhismayaa bi’idni-laah Kariim,balse wax ku sheego,” ayuu yiri Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu danbeyntii,Agaasime Al-Cadaala ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan fursadaan weyn ee dib loogu dhisayo dalka,islamarkaana dhabarka u xirtaan dhismaha guud ahaan dalka.

Iran iyo Midowga Yurub oo iska kaashanayo dagaalka ka dhanka argagixisada

0

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku celiyay in Dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay diyaar u tahay iney si dhow dalalka Midowga Yurub kala shaqeyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Kullan dhexmaray diblomaasiyiin Midowga Yurub iyo Iran ayay warkan ku shaacisay Iran,sida lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Xukuumadda Tehran.

“Kulankan, waxaa looga dhawaaqay in Iran ay diyaar u tahay wadashaqeyn dhammaystiran oo ballaaran sida arrimaha amniga iyo hirgelinta wadashaqeyn dhab ah oo si wadajir ah baaritaan loogu sameynayo,iyadoo kaashaneysa dalalka kale ee Midowga Yurub, “ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Dibadda Iran Bahram Qassememi.

Kulankan yaa daba socda ka dib weerar hubaysan oo lala beegsaday Kolonyo ciidan oo ku sii jeeday magaalada koonfurta Iran ee Ahvaz 22-kii September. Waxaana lagu eedeeyay kooxda argagixisada ee al-Ahvaziya, weerarku wuxuu ku dhintay 25 qof, oo ay ku jiraan ilmo afar-jir ah.

Dowladaha Norwey, Sweden,Denmarka iyo Iran ayaa isku raacay iney hal meel uga soo wada jeestaan kooxaha argagaxisada,sida Qassemi uu sheegay,waxayna carabka ku adkeeyeen inaan la aqbali Karin oo lala xisaabtami doono cidii ganbaad u noqota.

Ra’isulwasaare Kheyre oo sheegay in Xukuumadda ka shaqeyneyso sidii dalka looga hirgelin lahaa isbedel Dhab ah.

0

 

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka Shaqeyn doono sidii dalka loga sameyn lahaa isbedel dhab ah.

Mudane Kheyre ayaa hadalkan ka jeediyey Munaasabad uu ka qeyb galay waxa uu xusay in ay lama huraan tahay in dalka laga sameeyo isbedel dhab kas oo ku sifeyay mid  lagu hanaanyo  dhanka hormarka iyo helida hoggan wanaagsan.

Dadka soomaalyeed waa in ay hantiyaan sidi loo suulin laha dhibtada ragadisay ,wanna in  hoggaankasi u noqda  madax u dhabar adeegta sidi loo gari laha hadafka iyo himiladda ay haminayan dadka soomaaliyeed.

“Shacaabka soomaaliyeed ayaa rajo ka qaba dariiq ka wangsan kan an hatan hayno sida darted waa in ay yeeshan madax uu dhiran sidii dadka looga samata bixiin lahaa dhibtooyinka ka guuxay maankooda loogan dhigi laha kuwaa garaha himiladda ay doonayan waxaa sida yiri Ra’isul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre  sidoo kale waxaa uu sheegay in looga bahaan yahay wasiiradda in ay  noqdan dad lagu dayan karo sii ay shacaabku ugu kalsoonadan masuliyadooda.”

Dhanka kalan waxaa uu baqa udiray bulshada soomaaliyeed isaago ugu baqay in ay ka fakaran ayaaha ubadkooda barri.

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno riday

0

Muqdisho (SNTV)- Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  ayaa loo heystaa in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay kawada tirsanaayeen  Ciidamada Amniga  dilkaasi oo ka dhacay dugsiga taba-barka  Jen. Shirbow 30-ka bishii sideedaad ee sanadkan.

Hey’adda dambi baarista Boliiska CID ayaa codsatay in la siiyo waqti ku filan oo ay ku soo  dhameystiraan eedda loo heysto Oday Daalay, waxa  ayna Shan Cisha  Kadib  ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiistay garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo  xabsiga dhexe  gar-suge ahaan Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  6-da bishii sagaalaad si’ay u soo dhameystireen baarista eedda ka dhanka ah eedeysanaha ee xafiiska soo gaartay.

18-ka bishii tagtay ayay markale weydiisteen Garsoorayaasha in la muddeeyo waqtia dacwad qaadisata eedeysane Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay) oo ay sheeeen in ay ku filantahay caddeymaha ay u hayeen kiiskiisa, waxa ayna Maxkamadda aqbashay laba maalin uun  kadib.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa fadhiga Maxkamadda hor keenay Afar markaati oo dhammaantood isku raacay in Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble  Oday Daalay uu si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed kadib markii uu isku dayay in uu carqaladeeyo shaqo amni uu haayay Marxuumka isla markaasna uu isku dayay in uu baxsado balse ay ciidamada oo ka tir badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku  geystay looga qaaday.

Abuukatayaasha u dooday eedeysane Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)   ayaa iyagana ku dooday in loo fududeeyo ciqaabta  lagana qaado magta Marxuumka.

Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale ayaa isagana loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay kawda tirsanaayeen Ciidamada Xooga Dalka, dilkaasi oo ka dhacay xirada Laanta-buure 27-ka bishii todobaad ee sanadkan.

30-bishii todobaad ayay ku soo wareegtay eediisa  xafiiska xeer ilaalinta, waxaana xilligaas ay maxkamadda u ugudbisay xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

10-ka bishii tatay  ayay  xeer ilaalinta codsatay in la muddeyo dacwad qaadista eedeysane Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale 15-ka bishaas ayay aqbashay Maxkamadda, waxaana shan cisha kadib loo fariistay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha.

Laba markaati,  Warqadda dhimashada,  sawrika marxuumka iyo qorigiis uu dilka ku geystay ayay ku soo bandhigeen xeer ilaalinta, waxa ayna markaatiyaasha  oo ay kawada tirsanaayeen ciidanka xoogga dalka ee isku goobta ay yihiin cadeyn in  si jees-jees ah uu u dilay Marxuumka halka dhanka qareenada ay ku doodeen in laga qaado diyo maadaama ay wada kaftamayeen  marxuumka sidaasna ay sababtay dhimashadiisa.

Garsoorayaasha ayaa si wada jir ah ugu xukumay dil Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)    &  Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale  kadib markii ay ku qanceen cadeymaha labada kiis ee Maxkamaddal la hor keenay sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsanayaasha ayaa heysta Fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madax ka kala tirsan UNDP iyo UNSOM

0

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP iyo Xafiiska Siyaasada  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin u diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee uu dalka geli doono iyo hirgelinta shuruucda doorashooyinkaasi muhiimka u ah.

Waxyaabaha aadka looga hadlay waxaa ka mid ah maalgelinta geedi socodka doorashooyinka dalka ,qorshayaasha diiwaan gelinta cod bixiyaasha.

Kulanka ayaa sidoo kale inta uu socday waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah sidii Qaramada Midoobay ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo uga geysan laheyd doorashooyinka iyo shuruucda muhiimka u ah .

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdikariim Xaaji Buux ayaa sidoo kale sheegay in kullanka la iskula soo hadal qaaday arrinta dhammeystirka dastuurka dalka oo muhiim u ah doorashooyinka dalka ka dhici doona.

Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka Oo Furmay

0

 Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay kulan sannadeedka golaha wasiirada ee dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka oo looga tashanayo geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019.

Shirka oo loo qorsheeyay in uu socdo maanta iyo berri ayaa maanta dib loogu eegayay qorshooyinkii wasaaradaha ee sannadka dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka 2019.

Dhammaan wasiirradii kulanka ka hadlay ayaa soo gudbiyay waxqabadkoodii sannadka dhammaadka ah iyo qorshayaasha u degsan sanadka 2019.

Wasiirrada aan fursadda u helin in ay maanta soo gudbiyaan waxqabadkooda sanadkaan iyo qorshayaasna sannadka dambe ayaa qorshuhu yahay in ay soo bandhigaan berri kahor inta aan lasoo gebagebayn shirka.

Tababar loo soo xiray ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyadda

0

 Muqdisho (SNTV) Ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar u socday muddo saddex bilood ah loogu soo xiray madaxtooyadda Soomaaliya.

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayay ciidanka waxaa kasoo qayb galay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, saraakiil ka socda ciidanka xoogga dalka, wasiiru dowlaha madaxtooyadda Cabdulqaadir Shekh Cali Baqdaadi, Agaasimaha hab-maamuuska xafiiska madaxweynaha mudane Siciid Kampala iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha ciidanka ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda G/dhexe Xassan Aadan Dhicisow ayaa sheegay ciidankan oo tiradoodu tahay 129 askari la baray qaybaha kala duwan ee daruusta ciidanka, kuwaaasi oo 30 ka mid ahna si gaar ah loogu tababaray iney bixiyaan salaan sharafta.

Wasiiru dowlaha madaxtooyadda Cabdulqaadir Shekh Cali Baqdaadi ayaa sheegay inay muhiim tahay in kor loo qaado aqoonta ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwooda ilaaliya madaxtooyadda, wuxuuna sheegay maadama ay qaateen daruusta kala duwan ee ciidanka ay muhiim tahay cilmiga kale in la baro, si ay u noqdaan ciidan ku dayasho mudan, wuxuuna sheegay inay yihiin ilaaliyaasha astaanta dalka iyo dadkaba.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kasoo qayb galka xiritaanka tababarkan oo muhiimad gaar ah u leh ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay tababaro noocaan oo kale ah iney u socdaan ciidamada kale ayna mar walba diiradda u saaran tahay sidii tayada ciidanka kor loogu qaadi lahaa.

Ugu danbeyntii waxaa goobtalooga dhawaaqay in dufcadan oo ah qaybtii shanaad halkaa ku xiran tahay isla markasna la bilaabi doono dufcadii lixaad.

Tababarka ciidanka ururka 60-aad oo noqday mid joogto ah ayaa laga dareemayaa shaqooyinkooda, waxayna balan qaadeen inay ku camal fali doonaan daruusta lagu tababaray.

Fanaanka weyn ee Salaad Maxamed Shardi (Salaad Darbi) oo xiran dharka tuutaha ciidanka xoogga dalka ayaa munaasabadda ka qaaday hees uu ku dhiirigalinayay ciidanka taasoo hal ku dhigeedu ahaa ”Dhigi maayo tuutaha”.

Dawladda Jarmalka oo Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta

0

Muqdisho (SNTV)- Dawladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta, taas oo hoos u dhigaysa saamiga dadka shaqo la’aanta ah.

war lagu qoray bogga safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Jarmalka oo ka qaybqaadanaysa dib u kabashada Soomaaliya ay 5-milyan oo Doller ku bixinayso mashaariic loogu talagalay in lagu hormariyo farsamada gacanta oo dhalinyaro badan ay ka faa’iidaysan doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in la hormarinayo islamarkaana la furayo dugsiyo loogu talo galay Farsamada gacanta, taas oo shaqo abuur u noqon doonta dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaarkood naftooda halis u galiya Tahriibka.

9-kii October ee sanadkan Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa gaaray laba heshiis oo dhinaca tababarada faramada gacanta looga caawinayo Soomaaliya iyo heshiis kale oo ku saabsan iskaashiga maaliyadda iyo dawlad wanaagga.

Guddoomiye Tuulax oo sheegay in aan loo dulqaadaneyn caburinta dhalinyarada

0

Muqdisho (SNTV):- Mas”uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arin dhalinyarada si wayn u hadal hayeen oo ka dhacday Saldhiga Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay maamulka Gobolka Banaadir inuu baaris ku sameeyay arrin ka dhacday Saldhiga Degmada Xamar jajab oo aheyd in ciidanka timaha ay ka jareen dhalinyaro dhawr ah, balse arrintaasi ay ku dhacday amar shaqsi ah oo aysan aheyn arrin uu ka war haayo Maamulka Gobolka Banaadir, balse si deg deg ah loogu sheegay dadkii fuliyay inay arrintaasi joojiyaan.

“Walaalayaal waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay baraha bulshada la isla dhaxmarayay dhalinyaro timaha laga xiirayay oo ay fulinayeen ciidamo ka tirsan amniga waxaan ku sameeenay baaritaan si aan u ogaano inay sax tahay iyo in kale, walaalayaal sawirada la isticmaalayay ee ciidanka timaha ka xiiraya dhalinyarada ma ahan sawiro hada la qaaday balse dhacdada tima jarista waxay dhowr maalmood ka dhacday Saldhiga Xamar jajab, waxaana waydiinay Hay’adaha amniga cidda amartay in dhalinyarada timaha laga xiiro waxaana noo soo baxday inuu amarkaas ahaa amar shaqsi ah oo taliyaha saldhiga u gaar ahaa, waxaana amar ku bixinay inaan la aqbali karin waqtigaan hada aan ku jirno in dhalinyarada lagu caburiyo rabitaankooda shaqsiga ah, waxaana amar lagu bixiyay inaysan mar danbe soo noqon arintaan oo kale dhamaan taliyayaasha saldhigyadana waa lagaarsiiyay amarkaaas.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Guddoomiye Tuulax ayaa sidoo kale iftiimiyay amar dhawaan ka soo baxay Duqa Muqdisho oo lagu mamnuucay in 12:00 habeenimo wixii ka dambeeya aysan furnaan karin maqaayadaha ku yaallo xeebta Liido.

“Sidoo kale duqa magaalada wuxuu amray in maqaayadaha ku yaalla xeebta liido aysan furnaan karin 12 ka saqda dhexe wixii ka danbeeya balse amarkaas ma quseenin maqaayadaha kale ee magaalada ku yaalla ee sida caadiga ah loogu ganacsado waxaana dhacday in saraakiisha amnigu ay u fahmeen guud ahaan maqaaydaha magaalada ku yaalla in la xiro 12 ka saqda dhexe. Waxaana la faray hay’adaha amniga in amarkaas uu ahaa kaliya maqaayadaha xeebta liido ku yaalla”ayuu yiri Mr. Tuulax.