Home Blog Page 1098

Guddoomiyaha Aqalka sare oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Seoul

0

Muqdisho (SNTV):– Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi heer sare ah oo ka kala tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Golaha Xukuumadda ayaa waxay shir caalami ah uga qeyb galeen magaalada Seoul ee caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Nabadda Adduunka (world Peace Federation UPF),ayaa waxaa looga hadlayaa nabad galyada iyo horumarka adduunka.

Shirkan ayaa soconayaa 7-11 Febraayo 2019,waxaana ka soo qeyb galay wafuuf ka kala socotay 110 dal,waxaana si qoto dheer diirada loogu saarayaa sidii dadyawga adduunku ugu wada noolaan lahaayeen nabad galyo iyo horumar dhinac waliba ah, isla markaasna isaga kaashan lahaayeen ilaalinta arrimahaas kor ku xusan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulkaasi.

Madaxweyne lafta gareen ayaa maalmihii u danbeeyay safar shaqo u joogay magaalada Muqdisho,waxaana intii uu ku sugnaa Muqdisho uu la kulmay madaxda Dowladda Federaalka oo ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.

Wuxuuna madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ku sheegay muhiimada safarkiisii sidii la isugu furi lahaa deegaanada Maamulka Koonfur galbeed loogana xoreyn lahaa kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa wada qorshe la isugu furayo wadooyinka deegaanada Koonfur Galbeed,kuwaasi oo ay argagixisada ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safraya.

Marwada Koowaad ee Dalka oo ka qeyb gashay Shirka Nabadda iyo Arrimaha Binu -aadantinimada ee Seoul

0

Muqdisho (SNTV):- Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabsi Mocallim iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Seoul ee Caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa halkaasi kaga qeyb galay shirweyne lagaga hadlayay Arrimaha Nabadda, Amniga iyo Bani-aadanimada.

Shirweynahan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’ad magaceeda la yiraahdo Universal Peace Federation, xarunteeduna tahay magaaladan Seoul,waxaana ka soo qeyb galay madax iyo wufuud ka kala socota 110 wadan tiradooduna kor u dhaafayso 700-ruux.

Marwada ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelatay haweenayda ugu sarreysa hay’adda, haweenka martida ah iyo sidoo kale madaxda dalalka qeybta ka ahaa shirweynahan sanadlaha ah, iyaga oo ka wada hadlay guud ahaan nabadda dunida iyo si gaar ah Arrimaha Soomaaliya dhanka horumarinta iyo garab istaagga haweenka iyo dhallaanka.

Marwo Saynab Macallin, Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa lagu sharfay in ay khudbad taariikhi ah ka jeediso kulankan,Iyadoona sanadkan  abaalmarinta ay ku guuleystay haweenay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Waris Diiriye, iyadoona lagu abaalmariyey dadaalka ay ku bixisay ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed.

Dadka la casuumay waxa ka mid ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisal wasaareyaal, Madaxweyneyaal hore iyo ku-xigeenno, siyaasiyiin, qoraayo iyo dad caan ah oo ku guulaystay billado caalami ah. Sanadkan waxa Afrika u gaar ahaa in laba qof la siiyay billado.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Xarunta Bangiga Dhexe ee Dalka

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta halbeegyada ugu jira tubta horumarinta dhaqaalaha.

Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka

Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xarigga Ka Jaray Taliska Qaybta Guud ee Gobalka Banaadir oo dib Loo dhisay

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta xarigga ka jaray xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa sheegay in Booliisku ay laf-dhabar u yihiin horumarinta garsoorka iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda amniga iyo taliska booliiska ku ammaanay dib-u-dhiska taliska xarumaha booliiska gaar ahaan qaybta guud ee gobalka, waxa uuna taliska booliiska faray in lasoo celiyo sharafta booliiska iyo in taliska dhexdiisa ay ka billaabaan dagaalka ka dhanka ah musuqa, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

Taliska Booliiska oo Ra’iisul wasaaraha usoo bandhigay qorshayaashooda hagaajinta amniga, ayaa ballan qaaday soo celinta sumcadii iyo sharaftii uu caanka ku ahaa booliiska Soomaaliyeed iyo in safka hore ay ka gelayaan dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo laalaabka si loo helo amniga la isku hallayna karo cadaalad loo simanyahay.

Halbeegyada wasaaradda amniga gudaha XFS ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib u dhiska xarumaha booliiska ee caasimadda dalka iyo dayactirka xarunta tababarka booliiska Gen. Kaahiye.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-gelaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika

0

Addis Ababa (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah.

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika.

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay ka hortagga Daacish

0

Washington-DC-(SNTV)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qadir Axmed Kheyr ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan looga hadlayay sidii looga adkaan lahaa Ururka Daacish oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Washington DC ee xarunta Dalka Maraykanka.

Kulanka oo ay qaban qaabadiisu lahayd Dowladda Maraykanka , ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiradda arrimaha dibedda ee Dowladaha Xulufadda ku ah ka hortagga Daacish.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr, ayaa sheegay in shirka lagu Lafa guray sidii laysaga kaashan lahaa meelna loogu soo wada jeesan lagaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada khatarta ku ah Caalamka ee Daacish.

Mudane; Kheyr, ayaa sheegay in sidoo kale laga hadlay sidii loo xakamayn lahaa Malleeshiyaadka Daacish ee kasoo firxanaya Waddamada ay kusoo jabeen sida Ciraaq iyo Suuriya oo ay markii hore kasoo billoowdeen.

Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen wakiillada 79 Dal oo ku bahoobay la dagaallanka Daacish, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Wasiirkiisa arrimaha dibedda, Mike Pompeo iyo madax ka socotay Beesha Caalamka ayaa laysku raacay in si wada jir ah loo wadaago xogaha ku aaddan la dagaallanka Daacish iyo sidii loo tir-tiri lahaa dhaq-dhaqaaqyadooda.

Wefdi uu horkacayo Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay London

0

London (SNTV) Munaasabadda Soo dhaweynta ah oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK ayaa loo sameeyey masuuliyiin uu hor kacayey Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan iyo Madax kale.

Madaxda Jaaliyadda ayaa ugu horeyn munaasabadda ka sheegay iney diyaar u yihiin garab istaagga dowladda Soomaaliyeed oo horumar ka sameysay dhinacyo badan, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo madaxda lagu soo dhaweynayey.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay u baahantahay taageerada shacabka oo ay kamid yihiin qurba joogta, waxaana uu tilmaamay in dadka qurbaha ku nool looga baahanyahay iney qaataan masuuliyad gaar ah oo ay kaga qeyb qaadanayaan horumarka Dalka.

“Waajib ayaa idinka saaran inaad ka qeyb qaadataan horumarka dalka, oo si gaar ah aad ula shaqeysaan dowladiina oo ku guuleysatay in horumar badan ay sameyso”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa halkaasi ka sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo hormarin lahaa Caasimadda, si ay ula tartanto caasimadaha dunida, islamarkaana ay ka shaqeeyeen sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha ku nool gudaha iyo duuleedka Muqdisho.

“12-kii bilood ee aan masuuliyadda heynay waxaan ka shaqeynay sidii aan xal ugu heli laheyn barakacayaasha, waxaan horumar badan ka sameynay amniga, bilicda iyo guud ahaan horumarka caasimadda”ayuu yiri Eng: Yariisow.

Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa munaasabadda ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay horumar balaaran ka sameysay dhinacyada Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha iyo ka hortagga Musuqa, waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay si horumarkaasi loo ilaaliyo in la garab istaago dowladda Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo dhisay Wasiirro farsamo yaqaanno ah oo garanaya waxa ay qabanayaan iyo waajibaadka ka saaran dadkooda, kuwaas oo aan dano gaar ah laheyn balse jecel in si sax ah ay ugu adeegaan shacabkooda Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka.

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

0

Kismaayo (SNTV)- Howlgal ka dhan ah maleeshiyada Alshabaab ayaa ka soconaya qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose,kuwwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Darwiishta Jubbaland.

Howlgalkii ugu dambeeyey ayaa ciidamada fiidkii xalay waxaa ay ka fuliyeen deegaanada Buula Xaaji iyo Buundada Araare ee gobolkaasi Jubada Hoose,halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadooda ay Araare iyo Muuse Xaaji inta u dhaxeysa ku weerareen koox kamid ah Argagixisadda Al-Shabaab oo is aruursanayay,waxaana ay xuseen in ay dileen laba kamid ah maleeshiyada Alshabaab, iyadoo goobta ay ka eryeen cadawga.

Alshabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey la kulmayay weerar cirka iyo dhulka oo kaga imaanayay ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah,kuwaasi oo khasaarooyin badan gaarsiiyay Alshabaab.

Mareykanka oo faah-faahiyay duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Africom (SNTV) War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka Qaaradad AFrika ee Africom ayaa lagu faah faahiyay duqeymo xagga cirka ah oo lagu qaaday xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Alshabaab ee kuyaala gobolka Shabeelada Hoose.

Africom ayaa sheegtay in iyagoo kaashanaya Ciidamada Soomaaliya ay duqeymahaasi ka fuliyeen deegaanada Gendershe iyo Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose,kuwaasi oo khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada Alshabaab, 48 saacadood ee la soo dhaafay.

Weeraradaasi oo dhacay 2 maalmood oo is xig xigtay ayaa waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo k atirsan koxda Alshabaab,sida lagu sheegay qoraalkaasi ka soo baxay Africom.

Maj Gen Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgalada ee taliska Africom ayaa sheegay in caawinaad xoogan ay ka helayaan dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta sidii shacabka looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku qabaan kooxda Alshabaab.

Wuxuu sheegay in ay sameeyeen baaritaano ku aadan qaabka ay duqeymahaasi u dheceen,si loo xaqiijiyo bad qabka shacabka,waxaana warbixinta lagu sheegay in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah,iyadoo warbixinta lagu sheegay in la sii kordhinayo howlgalada ka dhanka ah ALshabaab.

Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka Africom uu sii wadayo howlgaladaasi ilaa amaanka dalka uu ka soo wereego AMISOM laguna wareejiyo dowladda Soomaaliya,ilaa laga gaarana ay isticmaali doonaan awoodkasta oo ay ku badbaadin karaan shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato xoogan ku qaba maleeshiyada Alshabaab.