Wasiirka waxbarashada XFS oo la kulmay wasiirada waxbarashada maamul goboleedyada

Date:

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wasiirada  waxbarashada  maamul goboleedyada jubbaland Koonfur galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda Feysal Cumar Guuleed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf.

Arrimaha kulankan diirada lagu saaray ayaa waxaa ka mid ah horumarinta waxbarashada dalka, xoojinta xariirka ka dhaxeya wasaaradda waxbarashada iyo wasaaraddaha dowlad gobaleedyada.

Wasiirada maamul Gobaleedyada jubbaland Koonfur galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa soo dhaweyay horumarinta waxbarashada dalka iyo in leeska kaashto si caruurta Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho dhameystiran.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa sheegay in  kulanka ay diirada ku saareen manhajka, siyaasadda iyo sharciga Waxbarashada,dhismaha xarumaha  iyo tababarka macalimiinta.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...