Home Blog Page 1072

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO GOOR DHAW SOO GAARAY MAGAALADA MUQDISHO

Muqdisho, Maarso 16, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo wafdigiisa oo si heersare ah loo soo dhaweeyay ayaa waxay isaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan Kooxda Baambayda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana isla goobta loogu garaacay astaanta Qaranka ee labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaas oo ay maanta iyo berri wadahadallo labo geesood ah kula yeelan doonaan madaxda Qaranka.

Soomaaliya iyo Jabuuti waxay wadaagaan xiriir qotodheer oo ku dhisan dhiig iyo dhaqan, waxayna booqashada Madaxweyne Geelle ee Muqdisho sii xoojinaysaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqanka, siyaasadda iyo ganacsiga.

DHAMMAAD

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Jabuuti oo Muqdisho ka socota

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay socoto qaban qaabo xoog leh oo lagu soo dhowaynayo madaxweynaha iyo wafdigiisa .

Madaxweyn Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa inay xarigga jaraan Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashi xoog leh oo ay yeeshaan Labada Dal.

Boqolaal Dad-weyne oo ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada Muqdisho,kuwaasi oo ka qeybqaadanaya soo dhaweynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo ka tacsiyadeeyey weerarkii ay ku dhinteen muslimiin Soomaali ay kujirto

0

Muqdisho (SNTV) Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi.

Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay NewZealand

0

Muqdisho (SNTV) Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee lagu qaaday dad Muslimiin ah oo ku tukanayay Salaadda Jumcaha Masaajidda Al nuur iyo  Lindwood ee Magaalada Christchurch ee dalka NewZealand, oo lagu dilay ugu yaraan 49 ruux, laguna dhaawacay dad badan 20 ruux, oo ay ku jireen caruur iyo dad da’ ah, fal dambiyeedkani naxdinta leh waxa uu ka qeyb yahay naceybka, mayal adeegga iyo islaam naceybka.

Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa oo ay caddeyneysaa inay garab taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka New Zealand, ayna tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha muslimiinta, iyadoo u rajaysay kuwa dhaawaca ah bogsasho iyo caafimaad degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Xukuumadda New Zealand inay samayso baaritaan guud oo ku qotoma falkani argagaxisada ee naxdinta leh, oo loo arko fal dambiyeed fuleynimo oo xun, una baahan mowqif islaami iyo mid dunida oo dhan oo mideysan oo looga hortago dhammaan howlaha argagaxiso iyo xagjirnimada halista leh.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyey weerarkii ay ku dhinteen muslimiin Soomaali ay kujirto

0

Muqdisho (SNTV)- Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Sidoo akle raiiusl wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiint ahaa ee weerarkaasi ku dhintay,wuxuuna raiisul wasaaraha dalka si gaar ah uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi.

Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi.

Ciidanka XDS oo Gobolka Bakool ku laayay Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab

Xuddur-(SNTV)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan gaarsiiyay Malleeshiyo ka mtirsan Kooxda ah Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaddan Fariisin ay Ciidanku ku leeyihiin degaanka Ceel-la heley ee Gobalka Bakool.

G/sare; Warsame Maxamed, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan halka uu dagaalka ka dhacay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in weerarka ay Al-Shabaab kaga dileen Malleeshiyaad badan, iyagoo u firxaday dhinaca degaanka Garas weyne ee Gobolka Bakool.

Taliye Warsame ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan firxadka Al-Shabaab oo uu sheegay in ay qaar ka mid ahaa dhaawacooda oo geeriyoodayna ay Waddada ugu tageen, isagoo u mahad celiyay Shacabka degaannadaas oo kaalin ka geystay guusha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dib  ugu soo laabtay Muqdisho, markii ay horraantii Todobaadkan socdaal shaqo ku tageen Magaalada Kismaayo.

Mudane; Kheyre iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen Kismaayo waxay kulammo kala duwan lasoo qaateen mas’uuliyiinta ugu sarreeysa maamulka Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kulammadii dhex maray Labada dhinac ayaa lagu soo dhammeeyay mad-madoowgii iyo kala aragti duwanaanshihii ka dhex jiray madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland, socdaalkaas oo kusoo dhammaaday guul iyo is Af-garad.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre; “Waxaan rabnaa in laga shaqeeyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed”

Kismaayo-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in Safarkiisi Kismaayo uu ku soo dhamaaday guul iyo Miro dhal ku salaysan isfaham iyo in si dhab ah Dowladda Federaalka iyo Jubbaland u xoojiyaan wada shaqaynta loogu adeegayo Bulshadda Soomaaliyeed.

kadib Xaflad sagootin ah oo Xalay Kismaayo loogu sameeyey Ra’iisul wasaare Kheyre, ayuu ugu horreyn kaga mahad celiyay sidii ay maamulka iyo Shacabka reer Jubbaland ugu soo dhoweeyeen Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in uu kulammo kala duwan la qatay, Madaxda ugu sarreysa Jubbaland, Labada Gole ee maamulka, saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo guud ahaan qeybaha kal duwan ee Bulshada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa caddeeyay in la dhammeeyay kala aragti duwanaashihii ku kala dhex jiray Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, is qabashaduna ay qeyb ka tahay Dowladnimada, taas oo u baahan in wax laysla saxo.

Wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay kor u socoto fahamka Soomaalinimada,  isla xisaabtanka iyo in lays maqlona ay adkaynayso Dowladnimada, si ay taasi u xoogeysatana loo baahan yahay in la adkeeyo Xarigga isku haya Bulshada.

Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in dhammaan qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ay dhammaantood qabaan dareen ah halka ay Soomaaliya ku socoto muddada dhow, wuxuuna ugu baaqay in ay Dowladda ka go’an tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya oo ay taasi tahay muqaddas.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, ayaa isna sheegay in la dhameeyey tabashooyinkii iyo madmadowgii ka dhex jiray Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Jubbaland   Isla markaana uu guul ku  dhamadeen wada hadaladii Ra’iisul Wasaare khayre uu la yeeshay Madaxda Jubbaland.

Tirada Muslimiin lagu dhex dilay Masjid New Zealand ku yaallo oo korortay

0

Wellington-(SNTV)-Ugu yaraan 49 Qof ayaa ku geeriyootay, 20 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus , markii ay Dableey Hubeysani weerar ku qaadday Laba Masjid oo ku yaalla Degmada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Ra’iisul wasaaraha Dalka New Zealand, Jacinda Ardern , ayaa saxaafadda u sheegtay in ay tallaabadani tahay mid Argagixiso oo si weyn loo soo qorsheeyay.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegay in ay ahaayeen Saddex Rag ah iyo Haweeneey, kuwaasoo qaarkood ka yimid Waddamo kale kana mid cunsuriyiinta neceb soo galootiga.

Geerida Dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhintay ayaa iminka maraysa Afar Qof, laamaha gurmadkuna waxa ay la tacaalayaan dhaawacyadii ka dhashay weerarrada lagu qaaday Labada Masjid.

Wasaaradda qorsheynta oo soo bandhigtay war-bixin Bileedkeeda

0

Muqdisho-(SNTV)- Wasaaraddaqorsheynta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay, war bixin Bileedkeeda ku aaddan maal gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Halkan ka Aqriso; Wr bixinta oo dhammaystiran:-

WARBIXINTA-1