Home Blog Page 1049

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka oo la kulmay Danjireyaal fadhigoodu yahay Muqdisho

0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga iyo Danjireyaasha dalalka Ingiriiska Mudane Ben Fender iyo Talyaaniga Mudane Carlo Campanile.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen qaar kamid ah Lataliyaasha Madaxweynaha ayaa laga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo mideynta dadaallada wax ku oolka ah ee ku qotoma dowlad dhisidda iyo dib u dhiska dalka.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Danjireyaasha dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ay ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha, amniga iyo dib u heshiisiinta, isagoona tilmaamay in ay muhiim tahay in lagu gacan siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku xeeran.

Ku Xigenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa uga warbxiyey Agaasimaha Madaxtooyada doorka ay ku leeyihiin taageeridda iyo hirgelinta barnaamijyada bani’aadamnimada, mashaariicda iyo adeegga horumarineed ee ay gacanta ka geysanayaan.

Dhankooda, Danjireyaashu ayaa uga mahad celiyeen Agaasinka Madaxtooyada soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay garab ugu siinayaan gudashada waajibaadkooda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Heegan oo barbaro deris la noqotay

0

Galabta Kulan xiiso badan ayaa waxaa wada Ciyaaray Kooxaha Heegan iyo Jeenyo, waxaana kulanka uu ka dhacay garoonka Banaadir ee degmada Cabdul Casiis.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa waxaa ay ku soo idlaadatay 1-1 barbaro ah.

Heegan oo barbaraha uu deris la noqotay kulamadii la so dhaafay ayaa waxay barbaro la soo gashay kulankaan kii ka horeyay kooxda Muqdisho City waxaana halkaasi ay ka soo heshay hal dhibic.

Laba kulan oo ay heli lahayd lix dhibcood ayeey heshay laba dhibcood taasi waxaa Ciyaartoyda Kooxda ay ka dhexli karaan nijad jab maadama Horyaalka uu marayo meel gabo gaba ah.

Jeenyo sidoo kale kulankaan kii ka horeyay waxaa guuldaro ay kala soo kulantay kooxda Ciidanka Xooga Horseed waxaana wali baadi goob ay ugu jirtaa in ay gaarto guushii labaad ee Horyaalka Soomaaliya 2019, 13 kulan oo ay Ciyaartay waxaa ay guuleysatay hal kulan oo quraa waana kulankii ugu horeyay oo Horyaalka Soomaaliya ay ciyaartay Xili Ciyareedkan.

Jeenyo iyo Heegan waa laba kooxod oo aad u xifaaltama, kulamada ay ciyaaran ayaa had iyo jeer ah kuwa isku barbar dhaca, Todobadii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyareen labadaan kooxod waxaa ay ku kala baxeen natiijo la yaab leh.

Ka hor kulankii lugtii hore ay wada ciyaaren oo 4-1 ay ku adkaatay kooxda Heegan lixdii kulan ee ka horeysay oo ay wada ciyareen labada kooxod waxaa ay ku kala baxeen hal kulan oo ay adkaatay Heegan afar kulan oo ay wada galeen barbaro iyo kulan ay adkaatay kooxda Jeenyo balse 7-dii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyareen labada kooxod ayaa waxaa laba jeer adkaatay kooxda Heegan halka mar quraa ay adkaatay Jeenyo afar kulana waxaa ay ku heeshiyeen barbaro.

Kulankaan ayaa ah mid ka mid ah kulamada ugu adag horyaalka soomaaliya todobaadkan waxaana uu dhici doona maalinta berito ah garoonka banaadir.

Todobadii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyareen kooxaha Heegan iyo Jeenyo ayaa sidaan u dhacay.

          Jeenyo         vs     Heegan

8-dii KULAN EE UGU DANBEYAY

2 GUUL HEEGAN 5 BARBARO 1 GUUL JEENYO

18/03/19   Jeenyo       1 – 1     Heegan

12/03/19   Jeenyo       0 – 2     Heegan

23/04/18   Heegan       4 – 1     Jeenyo

28/02/18   Jeenyo        1 – 0     Heegan

20/03/17   Elman         0 – 0     Heegan

24/11/16   Jeenyo        1 – 1     Heegan

12/05/16   Heegan       1 – 1     Jeenyo

23/02/16   Jeenyo        2 – 2     Heegan

 

 

W/D Axmed Salaad Shiikhow

 

Taariikh nololeedkii Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

0

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) waa Abwaan Soomaaliyeed waxa uu ku dhashay Baadiyaha magaalada Dhagax-buur ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya sannadka marka uu ahaa 1944-tii.

Waxa uu ku soo barbaaray isla magaaladaas, hankiisa dhinaca Fanka waxa uu soo bilowday isaga oo shan Jir ah, waxa uu dhallinyaranimadiisii ku soo caan baxay ciyaaraha Dhaqanka gaar ahaan Ciyaarta Dhaantada oo aynan cidina uga daba hadji jirin.

Ka sukoow Fanka waxa uu ahaa nin Gabyaa ah,  oo ka Hidda qaba Qoys wada Gabyaa, Aabihii Abtigii  iyo walaalihii badankood caan bey ku ahaayeen Gabayada.

Singub waxa uu ahaa nin aad u bartay Qur’aanka, waayihiisii barbaarinimo isagoo ku jira ayuu tagay magaalada Hargeysa ee dhulka loo yaqaan Somaliland sannadkii 1961-dii, Imtixaankii ugu horreeyey ee Dhinaca Hal abuurnimada Fanka waxaa looga qaaday Raadiyow Hargeysa.

Isla sannadkii 1961-kii waxa uu soo wareegay magaalada Muqdisho oo mar kale Imtixaan looga qaaday, sidaas ayuuna uga shaqo billaabay Raadiyow Muqdisho, raggii Imtixaanka qaadayey waxaa ka mid ahaa Fuqi Buraale, Cismaan kaahin iyo Cali Afyare.

Gabaygii ugu hooreeyey ee uu Imtixaanka ku galo waxa uu kaga hadlay sida uu u kala duwan yahay dhaqanka magaalada iyo midka Miyiga, gaar ahaan dumarka oo dhabanaheyn ku noqotay markii uu maalmo joogay Muqdisho.

Abwaanka waxa uu noqday nin culus oo ku dheereeya sameynta Riwaayadaha, qaar badan oo Riwaayadihii uu sameeyeyna waxa ay doodo badan ku dhex abuuri jireen Bulshada, taasina waa sameyntii ay laahaayeen.

Riwaayaddiisii ugu horreysay ee uu sameeyey waxaa la oran jiray “Naga guur” oo uu ugu talogalay gumeystihii Ingariiska, sannadkii 1966-kii waxa uu sameeyey Riwaayaddii caan baxday  “Yaxaas Dhega-duub”.

“ninkii ugu dhiirogaliyey sameynta Riwaayadaha waxaa la oran jiray Cismaan Aadan (Cismaan Askari) “ ayuu yiri Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub).

Naaneysta Singub waxa ay ugu baxday carruurnimadiisii ayuu ku dhacay Dab kana gubtay Sinta.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) mudadii burburkii kaddib waxa uu u wareegay Dalka Mareykanka laakiin dib ayuu uga soo laabtay, waxa uu yimid Muqdisho, kama daalin mu Alifnimadiisii fannneed.

Waxa uu sameeyey Heeso iyo Riwaayado badan oo waddani ah, Riwaayadihii ugu dambeeyey ee uu sameeyey waxaa ku jirtay Riwaayaddii la magac baxday “Ummad wada Siyaasi ah”, heeso waddani  iyo dal dhisid ah ayuu u sameeyey Kooxaha Deegaan Jabuuti iyo deegaan Muqdisho.

Hadalladii dardaarankiisa ku jiray waxaa uu xoogga ku saari jiray in dhallinyarada ay maskaxddooda Giijiyaan oo ay hal abuur Soomaalinimo cambaarsan la yimaadaan.

Waxa uu oran jiray Fanka malahan Qabiil, Nacayb, dal dummin, kala qoqob iyo wixii la hal maala.

Mar sii horreysay  magaalada Muqdisho ayuu ku xanuunsaday abwaanka, waxa uu u baxay bishii Ramadaan Cumrada, magaalada Jig-jiga ayuu ku laabtay 17-kii Juun ee sannadkaan EEBE ayaana oofsaday Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub isla 18-ka Juun.

 

 

 

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya oo sheegay in ay Soomaaliya ka jirto rajo wanaagsan

0

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa sheegay in ay Dalka Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin xagga abaaraha ah, taas oo ah mid aad u xanuun badan, balse waxaa hareer yaalla fursado iyo rajo.

Abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay saamaynayso 2,200,000 (Laba Milyan iyo Laba Boqol oo kun) oo Qof, wuxuna sheegay in ay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay caawiso Dadkaas, kuna taageerto Agab ay ugu baxaan dhibaatada.

Danjire; Yamamoto, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay jirto rajo wanaagsan, fursado iyo dedaallo uusan arkin muddo dheer, wuxuuna intaa raaciyay in Dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya Dowladdooda ay wajihi karaan baahiyaha taagan.

Mar wax laga weydiiyay Safiirku sida loo hir geliyay deeq gaaraysa $900,000,000 (Sagaal Boqol oo Milyan oo Dollar), oo uu Maraykanku ballan qaaday Sanadkii tagey.

“Tani waa arrin aad muhiim u ah, Soomaaliya ma aysan helin wax badan oo caawin ah oo ay isticmaasho waqti dheer, laakiin Sanadihii dambe waxaa aad u kordhay kaalmada la siinayo, keliya gargaar Bini’aaddannimo ma aha sidoo kale waxaan wax ku bixinaa Wax barashada, sababtoo ah aqoontu way horumarisaa wax walba, wax barshada si guud waa furaha horumarka dhaqaalaha ” Ayuu yiri Mr; Yamamoto.

Sidoo kale Danjire; Donald Yamamoto, ayaa sheegay in ay sameeyeeyeen dedaallo shaqo abuur ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Danjiraha, ayaa sheegay in Sanaddii hore ee 2018-dii oo keliya ay abuureen 117 fursadood, isagoo intaa raaciyay in ay wadaan dedaallo la xiriira wax soo saarka Dalka oo ay ka mid yihiin wax soo saarka tacabka Beeraha, Kalluumeysiga IWM.

Wuxuu sheegay in ay jiraan tababarro xagga aqoonta ah oo loogu faa’iideynayo Dhallinyarada Soomaaliyeed oo 70% ah Bulshada, isagoo intaa raaciyay in rajada ku aaddan dhiirri gelinta da’ yartuna ay tahay mid aad u wanaagsan.

Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Maraykanku ay waddo qorshe shaqa abuur loogu sameynayo Dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay wadaan mashaariic lagu abaabulayo 2,000 oo Kalluumeysato ah.

Hindisaha Maraykanka ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay arkaan Soomaaliya oo Qeyraadkeeda ka manaafacaadsaneyso, si ay Bulshadu ugu baxdo saboolnimada jirta.

Mar uu Mr; Donald Yamomoto ka hadlayay doorka Maraykanka ee xasilinta Soomaaliya ayuu sheegay in ay Dowladdiisu ka go’an tahay in taageeraan howlgallada nabad diidka ka dhanka ah, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in Dadka ku nool goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab ay helaan fursado shaqo iyo waxbarasho.

 

Guddoomiye Najax” Waxaan wadnaa dib u heshiisiinta Beelaha Gobolka iyo dib u furista Waddooyinka ay go’doomiyeen nabad-diidka

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali Najax, ayaa waxaa safarka ku wehlinayay, Guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Guddoomiyaha Degmada Marka iyo ku xigeennadiisa, Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey.

Mudane; Najax, oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay booqdeen Magaalada qeybaheeda kala duwan, sida Isbitaalka iyo goobaha muhiimka ah.

Wuxuu sheegay in ay la kulmeen , mas’uuliyiinta degaanka, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, isla markaana ay kala hadleen sidii si wada jir ah laysaga kaashan lahaa nabad gelyada, loona abuuri lahaa jewi iskaashi oo dhex mara Shacabka iyo Ciidamada, si meesha looga saaro in ay argagixisada ay ka faa’iideysato.

Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu in ay Bulshada iyo Ciidanka oo wada jira ay ku boorriyeen in ay iska kaashadaan sidii loo furi lahaa Waddada isku xirta Marka iyo Qoryooleey, si halkaasi looga Cirib tiro haraadiga Al-Shabaab.

“laamaha amni iyo maamulka ayaa sheegay in ay ku ballansanyihiin  sidii ay uga wada  shaqeyn layaheen  midnimada Shacabka Gobolka Shabeellada hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri Guddoomiye Najax.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, mudane, Ibraahim Aaden Cali, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo ka bogsooshada colaaddii sokeeye ee ragaadiyay.

Wuxuu intaa raaciyay in ay la kulmeen Culimaa’udiinka, Oday dhaqameedyada, Cuqaasha, Haweenka, Dhallinyarada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo gaaro wada noolaasho dhex marta Beelaha halkaasi wada dega.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii loo furi lahaa Waddooyinka Gobolka ee ay nabad diidku go’doomiyeen iyo soo celinta adeegyadii Bulshada.

Waa markii ugu horreysay ee wafdi heerkan oo kale ah uu kormeen shaqo ku tago degaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna sheegay in ay safarrdooda sii wadi doonaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo iskaashiga kala hadlay Safiirka Shiinaha

0

Maalintii shalay oo Sabti ahayd, kuna beegnayd 15 June, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda China Mudane Qin Jian.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maalgeshiga, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhiirri helin ugu Tegay Ciidankii fashiliyay weerarradii argagaxisada

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee shalay ka hor tegay laba weerar oo argagaxisadu doonayeen in ay dhibaatooyin xooggan ugu gaystaan ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan dhagaraha cadawga, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyin ay nabad diidku la doonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu  ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga.

Ururka dhaqaatiirta Gobolka Mudug oo Adeeg Caafimaad ka Fuliyay Magaalada Ceeldibir

0

Dadka magaalada Ceeldibir ee bariga Mudug ayaa ka faa’idaystay adeega Caafimaad oo ay iska kashaanayaan wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Ururka dhaqaatiirta gobolka Mudug.
Gurmadka Caafimaad ayaa waxaa ka faa’idaystay ku dhawad 300 oo ruux oo ka wada yimid deegaanada ku dhaw Ceeldibir dadkasi oo qabay Xanuuno kala duwan.

Dr Saadaq Cali yuusuf iyo Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sheegay In Ceeldibir ay ka jirto Xaalad caafimaad oo deg deg ah loona baahan yahay in La garab Istaago.

Guddoomiye ku xigeenka Ceeldibir Cawil Abshir Maxamed iyo Shucayb Xasan Cali oo ka tirsan Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka ayaa ka mahad celiyay Gurmadkaan Caafimaad ee laga fuliyay deegaanka sidoo kale waxay baaq u direen Wasaaradaha Caafimaadka XFS iyo tan Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Ceeldibir C/raxmaan Shiikh Xasan ayaa horay kaga digay Xaalado Caafimaad daro oo saamayn ku yeelta bulshada Ceeldibir waxaa laga cabsi qaba in u ka dilaco cudurka Shuban Biyoodka iyadoo horay ay caruur ugu dhinteen cudurkasi.
Ceeldibir ayaa magaaladda Galkacyo ee xaruurta gobolka Mudug u jira 180 KM oo an si dag dag ah loo garsiin karin dadka qaba xaaladahaa Caafimaad ee kala duwan.

    

Dekadda oo laga adkaaaday

0

Kooxada kubada cagta Elman ayaa guul ka gaartay dhigeeda Dekadda kulan ka tirsan horyaalka soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa kii 13-aad oo labada kooxod ay Ciyaaran waana wareega labaad ee Horyaalka Soomaaliya, Kooxda Dekadda ayaana la kulantay guuldaradii labaad ee Horyaalka Soomaaliya xili ciyareedkan kadib markii horey guuldaro ay kala kulantay kooxda Horseed wareegii hore ee Horyaalka.

Kulanka Elman iyo Dekadda ayaa waxaa uu ahaa mid xiiso badan waayo labada kooxod ayaa ka mid ah kooxaha u tartamaya hanashada Horyaalka Soomaaliya sanadkaan 2019.

Dekadda waxay haysaa Hogaanka kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya halka kooxda Elman na ay ka sareysay sideed dhibcood balse Elman oo sadex dhibcood ka qaadatay Dekadda ayaa hada waxaa ay leedahay 27 dhibcood halka kooxda Dekadda wali ay joogto booskedii ahaa 32 dhibcood oo ay sadex dhibcood ay ka sareyso Kooxda Horseed ooo kulan uu u baaqi yahay.

Elman guuldaro kala kulantay kooxda Dekadda Lugtii hore ee Horyaalka Soomaaliya hase yeeshe kooxda Elman ayaa markaan ka adkaatay Dekadda lugta labaad oo galabta ka dhacday garoonka Banaadir kulan ku soo idlaaday 2-0 oo ay guusha ku raacday Kooxda Elman oo hada soo gashay kaalinta sadexaad ee kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya.

Dekadda ayaa la kulantay guuldaradii labaad xili ciyareedkan waana markii ugu horeysay oo hal xili ciyareed ay la kulanto laba guuldaro tan iyo xili ciyareedkii 2016.

Laba xili ciyareed eek a danbeyay ayaa laga adkaaday min hal kulan ayadoo horyaalka Soomaaliya ay u dabaal degtay kooxda Dekadda oo markii ugu horeysay ku guuleysatay Horyaalka Soomaaliya 2017 labaatan sano kadib.

W/D Axmed Salaad Shiikhow

Wasiirka shaqada XFS oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee Geneva

0

Geneva( SNTV):-Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad muhiim ah oo arrimo badan uu uga hadlay ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka ayaa inta badan diiradda saaray dedaalada wasaaradda iyo xukuumadda ay ku jiraan sida ay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenku shaqooyin ugu heli lahaayeen gudaha dalka.

“Kulankan waxa uu ka tarjumayaa saamaynta ballaaran ee hey’adda Shaqaalaha dunidda ee ILO ay ku yeelatay nolosha shaqaalaha dunida boqolkii sano ee la soo dhaafay.Soomaaliya hay’adaheeda shaqaalaha waxa ay kaalin muhiim ah ka soo qaateen in ay sharciyo iyo nidaamyo dhinaca shaqada la xiriira ka yagleelaan wadanka.Waqtiyadii adkaa ee dagaallada sokeeye iyo xasilooni daradda ,ILO waxa ay ahayd mid Soomaaliya la garab taagan taageero ,dhiira-galin iyo waliba hagid.Shirkan aynu joogno waxaan u baahan-ahay in aan qiimaynno Gap-ka u dhaxeeya rajada dadka ee ku aaddan shaqada iyo xaqiiqda runta ah ee jirta.Soomaaliya gudaheeda ,waxan ogaannay in shaqo yaraantu ay tahay waxa lagu cabiri karo gap-ka u dhaxeeya  xaaladda aynu ku shaqaynayn-no iyo rajadu shacabka Somaliyeed ka qabaan nolol wanaagsan.Tani maaha xaalad ku gooni ah Soomaaliya , waddamada qaar shaqadu waxa ay u tahay waddada lagu dhimo faqriga laguna gaaro horumar caalami ah.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

“Marka su’aashu waxa ay noqonaysaa halkee Ayaan ka nimid sidoo kale maxaan ilaa iyo hadda xaqiijnnay. Suaa’shu waxa ay ahmiyad sii yeelanaysaa marka aynu xalinno shaqa la’aanta iyo sinnaan la’aanta sii kordhaysa.Caqabadaha aynu maanta wajahaynno boqol sanno ka dib markii la asaasay hey’adda shaqaalaha adduunka ee ILO , waxa ay noogu baaqayaan in aynu la nimaano go’aamo horumarsan oo rajo galinaysa boqollaalka milyan ee shaqa la’aanta ah ,taasi oo ay ku doonayaan cadaalad bulsho, taasina waa mid loo baahan-yahay in aynu aqbalno oo aynu badalno.

Dowladdeenu waxa ay soo dhaweynaysaa warbixinta ka soo baxday Hoggaanka sare ee ILO ,kaasi oo si cad u qeexaya in aynu maal-gashano awoodaha muwaadiniinteena. Waxaan kaloo u baahannahay in shaqaalaheena shaqo la isku halayn karo ay helaan.Waxaanu taageeran-sanahay dib u cusboonaysiinta arrimaha bulshada oo dhan ,kuwaasi oo ay ku jiraan asaasiyaadka horumarinta aadamaha.
Shaqaalaha waa in lagu taageero fursaddo ay ku hormarin karaan xirfadahooda. Waa in aynu si wada jir ah u dhiirra-galino ilaalinta bulshada,taasi oo u ogolaanaysa in la dhiso maamullo xilligan la joogo ku habboon shaqaale weynaha dunidda.Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hubiso , isla markaana diiradda saarto in ay  shaqooyin iyo fursado dhaqaale u abuurto dhallinyarada waddanka , inkastoo ay jiraan caqabado dhinaca aminga ah iyo weerarro lagu handado wasaaradda shaqaalaha iyo arrimaha bulshada.” ayuu ku daray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Waxaa kalo uu shirka ka caddeeyay  dowladda Soomaaliya inay ka go’antahay in la dhiso hiigsiyo horumarineed oo la isku halayn karo, ‘taasina waxa ay ku caddahay siyaasadaheena iyo sharciyada aynu maal-gashannay ee dhinaca shaqaalaynta iyo ilaalinta bulshada, kuwaasi oo gundhig u noqon doona cadaalad iyo isku duubni bulsho.” ayuu yiri isagoo inta ku daray “Qaar kamid ah dhalinta waddankeena waa shaqo la’aan ,sidoo kale ma lahan xirfadihii looga baahnaa goobaha shaqada ee maanta iyo shaqooyinka mustaqbalka soo bixi doona.Dowladdu waxa ay si dhow ula shaqaynaysaa ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay si ay u horumariso una abuurto jawi hal abuur ,kaasi oo dhallinyarada shaqooyin u abuuri kara ,isla markaana la socda baahida kordhaysa ee qarnigan 21-aad.”

Waxaa kalo uu sheegay arrimaha oo dhan inay hoos u dhigayaan khatarta halista leh ee tahriibka ,taasi oo dhallinyaradu ku doonayaan nolol tooda dhaanta. Iyada oo la eegayo mustaqbalka waa in ay xoojin-no go’aankeena ku aaddan difaacidda xuquuqda shaqaalaha.Waxaan dhamaanteen isla qaadanay in shaqo la’aantu iyo faqrigu  ay taabteen boqollaal milyan oo dad ah ,kuwaasi oo kala jooga waddamo kala duwan oo daafaha dunidda ah , isla markaana dumarka iyo dhallinyaradu ay yihiin kuwa dhibta ugu badani ay ka soo gaarto.” ayuu raaciyay wasiir Warfaa oo gabagabadii sheegay “Aan si wada jir ah uga shaqaynno sidii aynu u hirgalin lahayn Mabaadi’da hey’adda ILO ee ku dhisan wadda hadalka bulsho ,ilaa iyo haddana ILO waxa ay ahayd mid ku taagan u jeedkii loo asaasay 100 sanno ka hor.”

In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madax dowladaha ayaa shirka ka qeybgalay, kaaso ku aadday sannad-guurradii boqollaal ee hey’adda shaqaaha adduunka, waxaana wasiirka shaqada Soomaaliya uu shirka ka qeybgalay isagoo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah.